DEG DEG: Tobanka Bisha September Oo Lagu Dhawaaqay in la qabanayo Doorshada Madaxweynaha Soomaaliya
Muqdisho (RBC Radio) Gudiga doorashada madaxweynaha ayaa maanta kulan waxay kulan ku yeesheen xarunta golaha shacabka Soomaaliyeed ee Magaalada Muqdisho, iyadoona markii kulankaasi uu soo dhamaaday ka dib uu warbaahintala hadlay Cismaan livaax oo loo doortay Afhayeenka gudiga doorshada.
Wuxuu sheegay Afhayeenka in doorashada madaxweynaha Soomaaliya la qaban doono 10-bisha soo socota ee September, isla markaana diiwaan galinta musharixiinta ay bilaan doonto kowda bisha soo socota.
Sidoo kale wuxuu sheegay cismaan Libaax in maalinta barito ah ay gudiga mar kale kulan yeelan doonaan ay ka warami doonaan shuruudaha laga doonayo qofka isku soo sharaxaya xilka madaxweynaha Soomaaliya.
Gudiga Doorashada oo ka kooban 15 xubnood ayaa shalay waxaa isku soo dhex xulay mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ka dib kulan ay ku yeesheen xarunta Iskool Bulusiyo ee magaalada Muqdisho.
Haatan ayaa xilka Madaxweynaha Soomaaliya waxaa u sharaxan masuuliyiin badan oo uu ka mid yahay madaxweynaha haatan talada sii haaya iyo waliba C/wali Maxamed Cali Gaas.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho











[...] See the article here: DEG DEG: Tobanka Bisha September Oo Lagu Dhawaaqay in la qabanayo Doorshada Madaxweynaha Soomaaliya [...]
kkkkkkkkkk sharuudaha tolow mxy noqon doonaan ma mid meesha ka saareysa sharifka iyo Gaas baa mise wxy ila tahay shabaq ayaa loo dhigay shariif sakiin waa u ku dhacay lol ku waana shabaqii oo kle ayaa meesha u yaala lol god ha qodin hdi aad qodona………………. wr jiraa cakaara,,,,,,,,,,,,lol guul somalia insh,lah
[...] lagu wado inay dhacdo tobanka Sebtembar waa mid adag oo rag badan ku loolami doonaan, markaasi rajada uu qabi karo musharax kasta waa mid [...]
ceeb looma dhinto tuugadaan raxan reeb ila arka sida waxuusnimada leh ee wararkiina loo bilaliqeysto
http://www.xoghoose.com/2012/09/04/qorshaha-doorashada-madaxweyne-shariif-iyo-kooxda-aalla-sheekh-xog-muhiim-ah/