DEG DEG: Wafdi Ka Socda Midowga Yurub, IGAD Iyo Midowga Afrika oo Muqdisho Ku Sii Jeeda


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Nairobi (RBC) War naga soo gaaray xafiiska ururka MNidowga Afrika ee magaalada Nairobi ayaa sheegaya in wafdi culus oo ka socda Midowga Yurub, Midowga Afrika iyo IGAD ay saaka ka duuleen garoonka diyaaradaha ee magaalada Nairobi iyagoo ku sii jeeda caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Wafdigan ayaa ku jira saraakiil sare oo ka tirsan saddexda urur, waxaana hogaaminaya Danjire Aboubakar Dyara oo ah wakiilka Afrika ee arimaha Soomaaliya, waxaana la filayaa in saacadaha soo socda ay tagaan Muqdisho.
Dhanka kale, waxaa goordhow garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ee Aden Cadde laga sugayaa inay cagadhigato diyaarad sida wafdi heersare ah oo ka socda safaaradda Mareykanka iyo Waaxda arimaha dibadda ee Mareykanka, waxaana wararka na soo gaaraya ay sheegayaan in wufuudan kala duwan ay kulan maanta la yeelan doonaan madsaxda DKMG Soomaaliya ugu sareysa.

Saddexda masuul ee ugu sareysa dawlada ee kala ah Sheekh Shariif, C/weli Gaas iyo Shariif Xasan ayaa la filayaa inay garoonka dhexdiisa ugu tagaan wufuudan beesha caalamka ka socota ee Muqdisho imaaneysa maanta.

Ma cadda waxa loo sheegi doono masuuliyiinta Soomaalida ee saaka looga yeeray garoonka, iyo sababta kulanka loogu qaban waayey xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya ee Muqdisho.

Tegitaanka wufuuda beesha caalamka ee Muqdisho ayaa imaaneysa iyadoo maalinta berito oo ah Isniin lagu wado in magaalada Muqdisho ay fariistaan baarlamaanka cusub ee Soomaaliya kaasoo dooran doona madaxda cusub ee Soomaaliya.

LA SOCO RAXANREEB.COM

Share

3 Responses for “DEG DEG: Wafdi Ka Socda Midowga Yurub, IGAD Iyo Midowga Afrika oo Muqdisho Ku Sii Jeeda”

  1. [...] More: DEG DEG: Wafdi Ka Socda Midowga Yurub, IGAD Iyo Midowga Afrika oo Muqdisho Ku Sii Jeeda [...]

  2. maroodi says:

    kkkkkkkkk elaboorka Adan Cade ayaa filayaa in xilka looga tirinayo sadaxda sare ee dowlada taagta daran wxyna ila tahay awalba gaaladan ayaa u talin jirtay hdana ayaga ayaa gala wareegaya xilka. somali waxy ku leeyhin gumeysi ma rabno hada ayey ku jiraan oo wxaa u taliya ay yihin gaalo sida wadan dadkisa joogo oo police meelkle looga keenay,nin muslim ah oo gaal u ordaya mxy kula tahay in ay ka danbeeyaan ?culumada oo isku hysta dhurwaa xalalmiyaa mise wa xaaraan mxy kula tahay in ay ka danbeeyaan? anaga ma ahane cidkale oo muslin ah ma jirto kismayo mxy kula tahay ? isku day in aad wx fahanto hdi aad tahay muwadin.mnta wa malinti dhalinta Eid mubarak

  3. somalijecel says:

    CIIDWANAAGSAN:Illahay waxaa ka baryayaa ciidan ciideed in uu ina tuso wadankeena waa barwaaqo nabad ah.

    WAXAA LAGA YABAA IN DHAMMANTOOD AMA QAARKOOD LA YIRAAHDO ISKA TAGA waxaa qurux badanaan lahay wixii wax xaday in dhabarka laga taabto

Leave a Reply