DEG DEG: Wariye Maxamed Cali Buneyste oo Muqdisho Lagu Dilay (Waa Dilkii Labaad 24 Saac Gudahood)
Allah ha u naxariistee waxaa galabta xaafada Towfiiq ee degmada Yaaqshiid lagu dilay wariye Maxamed Cali Buneyste oo ahaa suxufi madax bannaan horeyna uga soo shaqeeyay idaacado maxali ah.
Sida wararku ay sheegayaan rag ku lebisnaa dharka ciidamada DKMG ah oo ku hubeysnaa hubkafudud ayaa toogtay wariyaha goor casar dhacii ah xilli uu ku sii jeeday hoy uu ka degan yahay xaafada Towfiiq. Lama oga sababta dilkan keentay.
Ciidamada dilka geystay ayaa la sheegay inay ka carareen goobta ay wax ku dileen.
Suxufigan la dilay ayaa dhowaan ku soo laabtay magaalada Muqdisho wuxuuna ka yimid magaalada Nairobi oo uu dhowr sano ka hor u qaxay markii dagaalada ay ka dheceen Muqdisho.
Marxuumka geeriyooday oo ahaa nin dhalinyaro ah ayaa sanadihii 2008 illaa 2009 wuxuu la soo shaqeeyay idaacadda VOD oo ah raadiye maxalli ah oo ka hawlgala magaalada Muqdisho.
Dilka wariyahan ayaa noqonaya midkii labaad oo mudo 24 saacadood gudahood ah lsgu dilo magaalada Muqdisho. Saaka waaberigii ayaa koox ku hubeysan bastoolado waxay degmada Wadajir ku toogteen Yuusuf Cali Cismaan “Yuusuf Farey” oo ahaa wariye rugcadaa ah oo berisamadaadkii ka soo shaqeeyay Radio Muqdisho haddana agaasimaha waaxda xiriirka warbaahinta ka ahaa wasaaradda warfaafinta DKMG Soomaaliya.
Ma cadda sababaha dilalkan haseyeeshee waxaa kor u sii kacaya dilalka lagu hayo wariyaasha Soomaaliyeed kuwaasoo u muuqda in si gaar ah iyaga loo beegsanayo.
RBC Radio











[...] More: DEG DEG: Wariye Maxamed Cali Buneyste oo Muqdisho Lagu Dilay (Waa Dilkii Labaad 24 Saac Gudahood) [...]
Allaha u naxariisto Wariyaha. Aamiin!
Wariyayaasha Raxanreeb Inkastoo aysan fiicneyn in aan shaqadiina soo faragaliyo, hadana waxaad moodaa inaad ka gaabsanaysaan warar u baahan in la tilmaamo.
Tusaale ahaan, Waa lagama maarmaan in aad warkaan iyo kii hore ee ku saabsanaa dilka wariye Yuusuf Farey aad gadaal ka raacisaan in Dawladu dhawaan cadaadis saartay Wariyayaasha Ayadoo Sh. Shariif leeyahay ololoha Musharaxnimadeyda wax aan aheyn lama sii deyn karo. Xitaa Raysal wasaarihii hore Farmaajo, Raysal wasaaraha hada Gaas iyo musharixiin kaleba way ka hadleen in aan Wariyayaasha la caburin karin.
Hadii ay jirto sii deynta warkaan ammaan darro ka dhalanaysa oo ay wariyayaasha Raxanreeb ee Xamar jooga ay sidaas awgeed oga gaabsadeen, waa arrin la garan karo. Wixii amaankiina qatar galinaya way haboontahay inaad ka gaabsataan. Waxaase hubaal ah in uu warkaas aad muhiim u yahay ayna ku haboontahay in la tilmaamo.
Wabillahi Towfiiq!
Towfiiq. Kama tirsano degmada Huriwaa. Waxeey katirsantahay degmada Yaaqshid.
Reer koraadoow iskahubiya.
ilaahay ha u naxariisto