DEG DEG: Wariye Yuusuf Farey oo Goordhow Muqdisho Lagu Dilay


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC) Allah ha u naxariistee Yuusuf Cali Cismaan (Yuusuf Farey) oo ka mid ahaa wariyaashii berisamaadkii ka soo shaqeeyay Radio Muqdisho ayaa goordhow rag hubeysan ku toogteen degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Dilka wariye Yuusuf Farey ayaa abaare 7:30 saaka ka dhacay agagaarka Aargada degmada Wadajir meel waxyar u jirta xarunta shirkadda Hormuud. Labo nin oo bastoolado ku hubeysan ayaa la sheegay inay weerareen Yuusuf Farey wax yar kadib markii uu gurigiisa ka soo baxay kadibna waxay dhowr xabadood ku dhufteen Yuusuf oo isla goobta ku geeriyooday.

Allah ha u naxariistee Yuusuf wuxuu hadda ahaa agaasimaha xiriirka warbaahinta ee Wasaaradda warfaafinta DKMG Soomaaliya. Sanadihii 1980-kii illaa 1990-kii wuxuu ka tirsanaa wariyaashii ugu caansanaa idaacaddii Qaranka ee Radio Muqdisho.

Ma jirto cid qabatay raga dilka geystay oo sida la sheegay goobta ka baxsaday markii dilka ay geysteen kadib. Degmada Wadajir waxaa maamul maamul degmo oo hoostaga DKMG ah waxaana Wadajir lagu dilay illaa saddex wariye sanadkan oo kaliya.

Lama yaqaano sababta dilkiisa ka dambeysa hase yeeshee dilalka dadka ka shaqeeya warbaahinta ayaa si aad ah ugu badan gudaha dalka iyadoo sanadkan oo kaliya in ka badan 7 wariye lagu dilay gudaha Soomaaliya.

Marxuumka Yuusuf Cali Cismaan wuxuu ifka kaga tagay tobaneeyo carruur ah wuxuuna guursaday dhowr xaas. Carruurtiisa waxaa ka mid ah wariye Xasan Cara boo hadda ka mid ah suxufiyiinta ka shaqeeya warbaahinta madaxa bannaan ee Muqdisho.

INNAA LILAALI WAA INAA ILEYHI RAAJICUUN. Bahda Shabakada Raxanreeb waxay tacsi u dirayaan ehelkii iyo qoyskii uu ka baxay Yuusuf Farey oo ahaa saaxiib ka tirsanaa bahda warfaafinta Soomaaliyeed.

RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share

6 Responses for “DEG DEG: Wariye Yuusuf Farey oo Goordhow Muqdisho Lagu Dilay”

  1. [...] Read the original: DEG DEG: Wariye Yuusuf Farey oo Goordhow Muqdisho Lagu Dilay [...]

  2. Inaa lilaaahi wa inaa ilaaahi raajicuun
    ilaahay haw naxaristo saxafiga ehelkisina samir haka siyo.
    Ala xamareey xama reey xaqdara ku disha xaqdaraa kaa buuxsantaye, maxaa xabaal ku taala mesha ,wale say u hagaagtaa way agadtahay , barakana ka dheer

  3. xoghaye says:

    wariyayaal ilaah baan idinku dhaariyeeh gaabis hanoqonina wada howsha 10 baa qarankii kahadhay farmaajo aalamiintuu kujiraaah shariifna boorsaduu xir xiranayaah

  4. Ismahan says:

    Inalilahi wa ina ,ilahi rajacuun wa geeri naxdinleh malinkasta waxad maqlaysa geeri naxdinleh marshaalan maqlanay malin dhawe matana ma wariya ilahayow dadka xaqa fahansi ilahay ha unaxaristo yusuf

  5. Suul Cawro says:

    Sh. Shariif baa dilay oo horay u yiri wariyihii gudbiya ololahayga waxaan aheyn waan dileynaa.

    Wacade Waa la iskula xisaabtamin Aduun iyo aakhraba.

    Allaha u naxariisto Wariyaha! Aamiin.

  6. [...] loogu baaqay inay soo qabato dadkii dilka u geystay wariyaasha. Kadib waxaa la dilay Axmed Caddow, Yuusuf Cali Cismaan ‘Yuusuf Farey” oo ahaa nin da’ ah, Maxamed Buneyste, Waxaa la dilay Marshaale, wariye qaali ahaa Xasan [...]

Leave a Reply