DEG DEG: Xukuumada R/Wasaare C/Wali Gaas oo Ishortaagtay Magacaabistii Degmooyinkii Cusbaa uu Magacaabay Madaxweyne Shariif [Warsaxaafadeed]
Thursday, August 9, 2012 12:13 PM
Warsaxaafadeed Shirkii Golaha Wasiiradda
(Muqdisho, 09 Augst 2012) Shir ay maanta yeesheen Golaha Wasiiradda oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Cabdiweli Maxamed Cali ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin hirgalintii Dastuurka, siyaasada iyo habraaca tafaftirka warbaahinta Qaranka, arimaha Amniga, iyo Degmooyinka cusub ee la magacaabay.
Ugu horayntii Golaha ayaa isla soo qaaday hirgalintii Dastuurka waxayna ku tilmaameen inay ahayd ansixintiisu guul taariikhi ah taas oo lagu bixiyey juhdi faro badan suurtana galisay in Soomaaliya yeelato Dastuur mudo 43 sano kadib, iyadoo wixii farsamo ahna loo gudbin doono Baarlamaanka cusub,
Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta ayaa golaha ka hor akhriyey siyaasadda iyo habraaca tafaftirka warbaahinta Qaranka madaama la galay waqti xasaasi ah, warbixintaas kadib goluhu wuxuu taageeray masuuliyada wasaarada warfaafinta ee ku aadan ilaalinta shuruucda iyo habraaca lagu dhaqayo warbaahinta qaranka, sidoo kale Goluhu wuxuu isla qaatay in lagu dhaqmo xeerka iyo siyaasadda wasaaradu u dajisay warbaahinta gaar ahaan waqtiga uu socdo isbadalka siyaasadeed.
Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga ayaa warbixin ka siiyey Golaha dhacdooyinkii ka dhacay maanta magaalada Muqdisho waxaana Goluhu faray Hay’addaha Amniga inay ka hortagaan wixii khal-khal u keeni kara amniga madaama wadanka ku jiro marxaladd kalaguur ah, isla markaan sheegay in baaritaano ku sameeynayaan dadka ka danbeeya dhacdadii maanta.
Waxaa sidoo kale laga warbixiyey magaacaabista dagmooyinka cusub inay wax u dhimi karto dib-u-heshiisinta iyo dowladd wanaaga wuxuuna Goluhu soo jeediyey in la xakameeyo soo saarida go’aamada lagu beegayo xilliga doorashooyinka
Ugu danbayntii Goluhu wuxuu isku raacay in magacaabista Degmooyinka cusub ee aan Golaha la horkeenin aysan waafaqsanayn nidaamka dowliga ah, sidaas darteedna laga soo bilaabo 01, July 2011 ilaa 31, August 2012 wixii dagmo ah oo la magacaabay ay yihiin sharci darro.
>>>DHAMAAD<<<
–
Diraac Salaad Fagaase
Communication Director, office of the PM
Mobile: +252-616084650
+252-699270033
Mogadishu, Somalia











Meeshaas ififaalo qurux badan kama soomuuqdo lakin waxa uu Madaxweyne shariif sameynayo runtii waa wax laga yaq-yaq siyoodo. Waqtigiisa waxaa kadhiman 10 bari. labadi isbuuc ee ugu dambeeyey waxuu degmooyin kadhigay ilaa labaatan tuulo. Badidood waxey kuyaalaan goboka uu asaga kasoo jeedo ee shabeelaha dhexe. Madaxweynaha awood buu uleeyahay inuu degmooyin magacaabo lakin waa in marka hore daraasad lagu sameeyaa iney meeshu buuxisay shuruudihii degmanimo iyo inkale. Waxa meesha kamuuqda hadda waa kagaarsii iyo inuu kubeerlixaawsanaayo dad uu isleeyahay aad taageero kaheshid maadaama uu musharax madaxweyne yahay. Runtii waa nasiib daro.
ragaydiii………….ayaad tahey………
Asc, magacabista degmoyinka waa xirfad cusub oo quseysa ololaha doorashada ee hada socda Sharif aad buu u dadaalayaa laakiin dagmo cusub oo la magacaabo dadkan hunguriga wax ka maqla lacagtey ka jecelyihiin ee ma haysataa qarash? Farmajo xogaagiisa mudaharaadyo lagu taageerayo ayuu geliyey, cabdiwali ma furiin qasnadiisa, sakiin waa la aamusey malaayinkiisa daarood, baadiyow mursi buu isku haleyn, 275 xubnood oo iiba, ma kaban kartaa $5000 kusigiiba
Soomali maxamadeey marqaanti ka ahaada. Rag baa hada soo qori doona go’aankeey qaateen golaha wasiiradu waa khalad oo madaxweynahaa saxsanaa!!!!
saxweeye hadalkaahh shancasho baa uhartay shandagmona waa magacaabaah
@buurka dilkaow
wax markhaati aad cid uga dhigtaa ma jirto dagmooyinla magacaabaana wax wayn ooy soo kordhinayaan ma jirto .gumaysi baad ku jirtaa waa na daliil cad in meeshan ay qaswadayaasha ugu wayni ay yihiin nimanka puntland ka soo jeeda ee raga shicibka dhaawacan is leh bal nabarkooda dhaya in ay xiniinyaha kaga is taagaan.waxa taa u daliila cabdiwali waa nin qabiilku kala qiima badan yahay xalka dawladnimo iyo daawada cudarka. wax culuun ah oo uu u leeyahay siyaasada somalidana ma jirto
umana malaynayo waxoogaagii uu xaday in uu ku iibsan karo cid.
Sheekh shariif iyo sakiin hadii aan la dooran .cabdi wali iyo kooxa meelahaa cararayaa way qoomamayn.
dagaalkiina waa bilaabmay durba dhiig baa daatay.
qabqabsey @ dagaal yaad ugu bootayn sxb orodo hada AK47 kaaga soo qadoo kk anigu run ahaantii aad ayan uga soo horjeeda abiwali gaas iyo waxa la midka ah balse adoo kale markaan arko ayan dhaha mudane nolow
ASC, dhamaantiin. Waxaa cajiib ah, ninkaan prime minister ee kaniiniga madaxa cuna oo uu markiisii hore Madaxweyna Shariif shaqadaan u magacaaby, in uu maalin kasta si aan gambasha laheyn uu madaxweeynaha uu rabo in uu ceebeesto. Runtii waa uu ku guuleeystay so far, markii uu Garowe qaswade Faroolke ugu tagay si uu reerkooda ula soo shiro, kabacdina waad wada ogtihiin shirkii eey sida qabiilka ah u galeen qaswade Faroole, Cabdirisaaq Jurile, iyo ninkaan qaa’inul wadanka ah ee prime ministerka. Marka, waxaa laga rabaa Madaxweeynaha in uu “kitchen sink” lasoo baxo, oo uu talaabooyin cad cad ka qaado ninkaan, hadii kale hade Madaxweeynow horeeyna waan kugu sheegnay, in qof reer Puntland ah uusan daahireeyn, oo uu qabiilkiisa ka jeclahay waxa aan raadineeyno oo ah walaaltinimo, qaranimo, iyo wada noolaansho dadka soomaliyeed si cadaalad ah. Hadii aadan tilaabo ninkaan ka qaadin oo Mogadisho dekadeeda iyo arrimaheeda dad u magacaabay, meesha aad adiga oo Madaxweeyna ahna ka hadli karin Boosaaso iyo Garoowe afaaraheeda. War Somalida nadiifka ahoow, ilaahbaan idinku dhaarshee, ma waxaas ayaa cadaalad ah? Walaahi, hadii uu Shiiq Shariif naga qaban cawaantan Puntland ka timid oo uu asaga meesha keenay, walaahi baan ku dhaartee, haloo diyaar garoobo boqol sano soo socota iyo Xabad, ilaa aan ceelka ku wada dhacno, oo aan baaba’no >:O
qabqabsay ,,,,,,,,, kuwaan waxba naga helimaayaa ee xagga ka soo caburi waa ku handileynaa muqdisho waana ku tusaa iyagkoo noo soo kala dhuumanaa kooxo hada gacantaan ku heynaa kuwo taageerayaashoodii waa kala burinay kuwaan gaas aa xoogaa is qarqarihaa oo fillada ay dhinac ka dagan yihiin marka wakhtigu ku dhaco banaankaan ka burseynaa
kkkkkkk war qaran magaca maxaa ugu cayaaree?2012 miyaa wali dagaal iyo dhib u ciil qabtaa?somali waa kaa haddii kuwii qurbaha joogay sidan yihiin maxaa u malayseen kan baadiyaha joogo?waa hubaal siayaasiyiin reer puntalnd waa wada qabiil.com musuqmaasuq.com xaasidnimo.com iyo xumaan oo dhan hal arrin ayay sidaa u yeelayaan dadkoodii waa un badan maxaa ka galay wixii gubanaaya?ma filayo wax haboon in ay tahay nin lagu haysto xatooyo xoolo dadweyen in uu isa sharaxo sida abdiwali 2 shariif iyo farmaajo wadaniayada ma qabto
Waa yaab!!…. Somaliya ma //////iyo ”””””’ is riix riixooda ayaa qarannimadeedii burburisay welina hortaan in aay soo noqoto?? Bal ka warama haddii aan dadka kale ee Soomaaliyeed u daayno hoggaanka dalka, sida, …..iyo ”””””ama Beelaha shanaad innana aaynu la shaqeeyno?
Odagii shariifka ahaa waa qastay meel xun bay xaalku ka marayaa , mida kale arinkaan uu wado waa arin lala yaabay. Degmooyinkii dawladii kacaanka baa qaar laga qaadayaa degmo nimada usna haduu TUULOOYIN YIRI Wa DEGMO.
DEGMO SEE DEGMU UNON KARTAA????
Degmo waa in ay joogaan dad tiro badan
2, waa in ay heshaa cashuur ku filan degmadaas shaqaalaheeda ilaa ciidanka,
3, waa in ay Dawlda dhexe dhaqaale siin kartaa.
4. Waa in ay tahay meel magaalo lagu tilmaami karo
soomalidu waxaan moodayey inay dowlidnimo diyaar utahay, lakiin fari kama qodna 1991 ku noqonaysaa,caqligii xumadii iyo qabyaaladii bay weli daba laga wadaa.ciyaarta Bilaaba ciyaarta ha lays eryado ilaa gaalkacayo,madfaca halys ku hurgufo,waar maanta miyeynaan qabiil ogayn dhibkii inoo gaystay? hala siiyo madxnimda Banaandirga prm-na hala siiyo gebooye, sedex Sanam dadka halaga qabto…….
Odaygii shariif waa kasii daray sxb duuduub nagu dhaaf ilaahey waxaan ka baryeenaa wax ku dhaama inuu ilaah keenu 4tuulo oo la dhahaayo waa degmo war ninka maxaa ka qaldan meeshii waxay noqotey maqaaxi aala shiikh ragbaa waxay soo qoreen cabdiwali shariifbaa magacaabey xagee baan wax ku baratey adeer hisheesyada dalka ay ku heshiiyeen ,kenya muxuu dhigayey aqoontu wax yar wey ku caawin xataa hadaad qabiili tahay meesha waa ay qurantey qofkii difaaca soomaaliyey waa nin ilaah ka furtey oo maslaxa shacabka muslimka raba inuu god ku rido itaqulaah wax walba kahor
Ku: cadaado
Wuxu yiri (dhankii laga Hadley waa kaa qamaan dhaafey hadalkii) isku day inaad fahamtid maxaa laga hadlayaa, mise xiligii maxkamadaha ayaa war iyo wacaalo kuugu danbeyse, madaxweynuhu ma magacaabi karaa dagmooyin xiligan gabaabisga ah ee uu ololaha dorashada(shariif) uu ku jiro?
Cid ayen quseyn ha ka hadliin.
Ramadaan Kariim all maryooley
Ku: cadaado
Wuxu yiri (dhankii laga Hadley waa kaa qamaan dhaafey hadalkii) isku day inaad fahamtid maxaa laga hadlayaa, mise xiligii maxkamadaha ayaa war iyo wacaalo kuugu danbeyse, madaxweynuhu ma magacaabi karaa dagmooyin xiligan gabaabisga ah ee uu ololaha dorashada(shariif) uu ku jiro?
Cid ayen quseyn ha ka hadliin.
Ramadaan Kariim all maryooley
qabqable cusub ayuu noqday shariif waligi noqon maayo nindawladeed STATESMAN
ar ra’iisul wasaaruhu doqonsanaa, war hadii uu madaxweynuhu degmooyin u magacaabay olole doorasho, adigane aad kasoo horjeesatay magacaabistiisa, ololihiisii uunbaad kaqeyb qaadatay
@Jilbis, waxa laga hadlaayo waan fahmay, adeer, maxkamadaha ka hor iyo kadibna, waligeey waxaan ahaa dad xalaal ah, oo isku kalsoon. Laakiin adiga ayaan fahamsaneeyn waxa la hadlaayo iyo waxaan ka hadlay xiriirka ka dhaxeeyo! Mindhaa dugisga dhexe ma aadan dhaafin.
Thank you.
Calaa kuli xaal, waxaan dadka Somaliyeed ee xalaasha ah u sheegayaa in “waxa hortaagan Somali dowladnimadeeda iyo walaaltinamadeeda in eey yihiin nimanka munaafiqiinta qabiiliistayaasha ee Puntland ka yimid, oo eey ugu horeeyaan qaswade Faroole, ninkaan caloosha weeyn ee Gaas, Cabdirisaaq Jurile, iyo Xasan Abshir. Taas ogaada walaalayaal Somaliyeey
Cadaado waa aqoon la’aan iyo waqtiga waxaa isu kaaye keeney:
Soomaalida xalaashaa Davey joogtaa ma kuwa hantida xaaraanta ah heysta AMA lagu hanqariyey. Ku barbaarey ma kuwa masaakiinta u daran ee sbaarada kala dhaxla. Acuity se ma haduu kuleylkii ku soo gaarey ma dowladnimadaad ku dhibeysa ma danbiile gacan ku dhiigla ah ayaad tahayay.
Allah u towbad keen.
@jilibis, ASC saaxiib adiga iyo dhamaan dadkan ku xiran mareegtan. Saaxiib, waxaan kuu cadeeynayaa waligeeyba waxaan aaminsanaa lagama maarmaan la’aanta dowlad dhexe oo Somaliya, laakiin sharuud waxaa jirta ah in eey dowladaa ugu horeeyn cadaalad tahay, amaba sida loo qeeybsado, amaba sida eey adeegyada iyo resource ka yar ee dalka u “distribute” gareeyso. Taas hadii eeysan jireeyn, waligeedba dowlad Somaliyeed yaan lahelin, aan aragno ninkii ugu futo xun dowlad la’aan.
Mida ah, hanti eey dad heeystaan, waxaan ka leeyahay, saaxiib sheekadaan raqiiska ah jooji, saa wax lagaa heysto adi iyo gaajada iyo cunfiga bintiland nooga yimid ma jirto, taas waxaad u sheegtaa caruurihiina marka aad cuqdada ku beereeysaan iyo Mahiga, waase waxaas calaacalka hadii eey shaqeeyneeyso. In fact, adiga iyo bintiland ayaa waxaad waligiin ku nooleeydaan dhididka iyo dhacaanka umada Somaliyeed ee xalaasha ah. Taasna waxaan rabnaa in eey dhamaato, walaahi, oo aan qof ka yimid bintiland jago dambe ee sida Prime ministerka uusan dowlad dhexe ka qaban, taas qofkii yeeli waayo, asaga ayaa ka xaabxaabin sida hadaba heeysto president shiiq shariif. Taas somaliyeey ogaada. bintiland >=)
KU:Cadaado.
Marka hore adigu waxaad tahay Waraabe dadoow.Hadalna kuuma eka.Waad ogtahay waxa ad tahay iyo waxa ad fashid waligaaba.Doqon yahoow waxaad intaas ku soo le`ekaatay Xaaraam iyo Baqti hiig.Yaa kaa liita oo ad wax ka sheegayaa?Dadka ad afka ku taageysid waa madaxdaada.In ay kuu taliyaana adigay dani kuugu jirtaa.Waayo adigu ma tashan kartid talo keen iyo talo raac midna ma tihid.Ugu dambeyn adigaan kula hadlayaa oo iima banaana in aan wax xun ka sheego beesha ad ka dhalatay.Dadka kala baro waraabe yahoow afarta Qoobleh.
Dad ka qaarkiis boogtoda ayey Danqayaan umada Afka soomaliga ku hadasha ama dhulka looga hadlo Af somaliga meesha manta u liidata uu u sharafta xun ee uduli san oo dilka.dhaca, kufsiga iyo dhacdooyinka musiiboyinkaba hoyga iyo nolal maal meedka u noqdeen waa laga wada dharagsanyahy samali iska daaya aduunko dhan. Ninka mesha ku soo qoray nin Pland ka yimid yaan xil lo dooran ma is weydiisay waxa uu kaa rabo ninka meeshaas ka yimid? sad sheegtay haduu burburkaga ka talinaya ma weyday caqligaad isaga qaban lahayd wa adiga marna Madaxweyna u dooranaya marna Raisal wasaaree maka fakartay ayaha ilaa dumarkaaga is qarxinaya iyo carurta 7jirada ee qoriga wadata. intaas oo ah dhibaatada ku heysata qeb kamida ma aha dhamanteed markad hoos u fiiriso la hadal Asaaga ama cid afka ku taag.
@Atoore iyo Runsheeg, kkkkk lol, horta Atoore aniga hadaan waraaba ahay, adigana eey ayaad tahay. Marka eey nijaas ah in aad tahay ogolow anigana waraabanimada ayaan ogolaanayaa. Mida kale, sida aad u hadleeysid waxaad u egtahay, Atariisho rabto in eey Atoore noqoto. lol,
Adiga, Runsheeg, qaai’in baad tahay beenlow ah oo ilaaheey ka furtay, haa waan isweeydiiyay waxa eey naga rabaan nimanka qaa’iimiinta ee jiran ee ka yimaado bintiland, waxeey rabaan in eey inta xil Somali dhexi u qabtaan, hadana qabiilkooda u shaqeeyaan. Marka, taas waaye tan aan waligeey ogaa, oo aan rabo in eey Somali Maxamed oo dhan ogaata. Hal mid waan kugu raacaa in aan qaladka anaga iska leenahay markii aan qabiiliista bintiland ka yimid aan wax u dhiibano, taasna aniga waan ka digay, hadana waan ka digaa, cidii taladaas qaadan weeydo, ayadaa ka shalaayn, oo is qasaarisay, Somalina qasaarisay. War iyo dhamaantiis, tani waa digniin: DIGNIINTII UGU DAMBEYSAY, ISKA ILAALIYA SOMALIYEEY DADKA BINTILAND KA YIMID OO AAD XILKA QARAN MOGADISHO UGU DOORANEEYSAAN, SABABTOO AH DADKA BINTILAND KA YIMID, EE QASWADE FAROOLE, PRIME MINISTER GAAS, CABDIRISAAQ JURILE IYO XASAN ABSHIR, SIDII EEY QABIILKOODA UGA HORMARIYEEN DANTA QARANKA AYEEY QOF KASTA OO BINTILAND KA YIMID SAMEYNEE, TAAS CADEEYMAHEEDA AYAA LA HAAYAA, MAKA SOMALIYEEY KA DIGTOONAADAA OO BARTA DADKAAN.
Madhihi karo aragtidaadad hadashay ee Aragtidaadad Ci’day. Qaranka ad sheegaysid waayo markaad dadka halkaa ka soo jeeda ad ka reebtay? mid way qumanan lahayd inaad tiraahdo is mamul dilka iyo waxa xilka leh ee mesha ka socda lagu kala yareeyo an sameeyaysano kolay la deyn maayo oo kii kudhashaa maanta ay camalkiisa tahaye. de marka cidi idinku iman mayso lkn qaran marka tirahdo ma kulatahay fakarkiisa xitaa inaad la iman karto? adiga inad doorato ma ad xil u magowcadana marka cidi ka sugi mayso. Gunanad kii hadalka manta ninka calooshiisu bananka qubantahay waa adi caqliga iyo maskaxda shaqeysana waa waxa kaliya ee bili adamku xayawanka uga duwanyahay.
[...] waxaa si kulul uga soo horjeestay golaha xukuumadda KMG ah oo war saxaafadeed ay soo saareen [AKHRI WAR SAXAAFADEEDKA] ku cadeeyay inay sharci darro tahay dhamaan degmooyinka iyo gobolada uu magacaabay [...]