DEG DEG: Xulitaanka Baarlamaanka Cusub ee Soomaaliya oo Axadda Soo Socota Ku Eg
Muqdisho (RBC) Guddiga farsamada ee xulista baarlamaanka cusub ee Soomaaliya oo ka kooban wakiilada lixda saxiixayaasha iyo saddex wakiil oo ka socota Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ayaa la filayaa inay saacadaha soo socda shaaciyaan in la joojinayo qabashada liiska baarlamanka cusub wixii ka dambeeya maalinta Axadda oo ku beegan 5/08/2012.
Xog ay heshay Shabakada Raxanreeb ayaa muujineysa in guddiga ay shaacin rabaan in wixii ka dambeeya maalinta Axadda 5/08/2012 aysan jiri doonin wax liis ah oo laga qabanayo beelaha haddii aysan mudada ka horeysa ku soo dhameystirin liisaska dadka uga qeybgalaya baarlamaanka cusub, kuwaasoo dooran doona gudoomiye baarlamaan iyo madaxweyne 20-ka bishan Agoosto oo hadda dhowr iyo toban cisho naga xigaan.
Illaa hadda in ku dhow 280 mudane ayaa la helay magacyadooda kuwaasoo beelahooda ay soo gudbiyeen waxaana ku jira boosas laga iibsaday odayaasha dhaqanka oo siyaasiyiinta qaar ay hadda codadkooda ku xisaabtamayaan. Tirada guud ee baarlamaanka ayaa ah 275 oo 30% haween yihiin (waa haddii la siiyo).
Arintan ay qorsheynayaan guddiga xulista baarlamaanka ayaa u muuqata in looga gol leeyahay in lagu dedejiyo beelaha weli aan keensan xildhibinaanadooda si waqtiga loogu ciriiriyo maadaama waqtigii doorashada ay aad u soo dhowaatay.
Dhanka kale waxaa meeshii ugu sareysay maraya kala iibsiga kuraasta, waxayna xog ay Raxanreeb maanta faafisay cadeyneysaa in halkii kursi ee baarlamaanka lagu kala iibsanayo lacag u dhexeysa $15,000 doolar illaa $20,000 doolar oo la siinayo odayaasha soo magacaabaya xildhibaano beeleedka loo ururinayo baarlamaanka cusub ee Soomaaliya kaasoo ka koobnaan doona 275 mudane.
Iibsiga baarlamaanka iyo kaalinta ay siyaasiyiinta musharixiinta ah ku leeyihiin ayaa waxaa hadda ka walaacsan wakiilada beesha caalamka, waxaana digniin arintan ka soo jeediyey wakiilka Qaramada Midoobay Augustine Mahiga oo si gaar ah farta ugu goday madaxda DKMG ah ee musharixiinta ah.
RBC Radio











Mareeykanka oo doowlad weeyn ah waxaa doorashada ku guuleeysta musharixii xisbigiisa dhaqaale badan ku bixiya ololaha doorashada, madaxweeyne baahan ma rabno kuwa hadda jooga oo heeysta 131 milyan oo doolar weey dhargabyihiin ee midkood hala doorto Faroole oo doqon ahba alaa ki dhigee
Parlamaankan haka koobnaado dadka Somali ugu caqliga iyo aqoonta badan… waa hadii rajo laga qabo dal soo noolaada —— Hadii kale shilimaad xaaraan ah qaata deedna kasoo buuxiya duli oo dhan oo bilaa damiir jaahil ah. THE CHOICE IS YOURS
(Madashii Madaxa Somalida daashatay) aaway somalinimo)
qaar geedaha ayeey dulsaranyhin
qaar madaxooda ayaa lacag laga dhegay
qaar xabsiyda calamka ayey kusugayan dowlada u dhalata somalia
qaar dawarsi iyo waaba tiris ayey la jeeb weyn yihin
qaar lacag ayey meel ay dhigaan la yihin iyo maalgalin wadama kle ay ku jiraan
qaar madaxweyne ayey u ooman yihin
qaar doqonimo ayey la caloola waweyn yihin
qaar xornimo iyo waabo tiris ayey la saldhigi layihiin
qaar badaha iyo xeebaha carbeed ayey yaalaan ayagoo qolfoowabay
qaar nin dhintay oo kabihisa dhaaman ayeey dardaarankisa hystaan
qaar caruurtii ay afka ku wadaan meel ay dhigan ayey la radinayaan
qaar lacag ayeey soo dirayaan lagu baabiiyo maato
qaar arxan la.aan iyo aqoon la aan ayaa madaxooda daalisay
qaar odayadeeni baqshiish iyo manta ino le ayey dhafsadeen dalkoodi
qaar furihii janada ayaa gacanta laga siiyey umadina ay la halaagen (qarax)
qaraabo qabyo qoraalka aan iska deyno oo alle aan u laabano mahadsanidiin
WAR ,xildhibaanimooooy _xaal qaado ,dadkaan xoolahaa oo iibkaa ninow na raja haka sugin, , waa ba badeeco waana beec, kuwii horaa malaha dhaamay !