DEG DEG: Aggaasimihii Idaacadda Daljir Gaalkacyo iyo Wariye kale oo ka Badbaaday Isku Day Dil magaalada Garoowe
Garoowe [RBC Radio] Laba Weriye oo ka hawgala Idaacadda Daljir ee magaalada Garoowe ayaa caawa ka badbaaday Isku day dil oo lagu khaarijin lahaa ka dib markii laba dhalinyaro ah oo hubaysan ay rasaas ooda uga qaadeen.
Kooxda soo weerartay Weriyaasha ayaa ku hubaysnaa baastoolado,waxayna ku rideen dhowr Xabadood balse EEBE waxba kuma yeelin labada weriye oo lagu kala magacaabo Cabdifitaax Cumar Geedi iyo Cabdi Xasan Rooble [Awoowe] laakiin gaari ay siteen ayaa dhowr Xabadood haleeleen.
Cabdifitaax Cumar Geedi oo ah Tifaftiraha guud ee Idaacadda Daljir ahna Aggaasimaha Idaacadda laanteeda Gaalkacyo oo mudooyinkan hawlo shaqo u joogay magaalada Garoowe ayaan la ogayn sababaha lagu doonayey in lagu khaarijiyo,waxaana jirtay in bishii May habeenimo Arbaco isla sanadkan lagu dilay magaalada Gaalkacyo EEBE ha u naxariistee Farxaan Jeemis Cabdulle oo ka tirsanaan jiray Idaacadda Daljir.
Goobta falku ka dhacay oo ay ka agdhowaayeen koox weriyaal ah ayaa durbadiiba usoo gurmaday labada weriye ,waxaana kooxdii dilka kusoo talagashay ay bilaabeen inay meesha isaga cararaan iyadoona ka dib daqiiqado yar ka dibna ay soo gaareen Ciidamada amniga magaalada Garoowe kuwaasoo baaritaano ka bilaabay agagaarka Idaacadda iyo Xaafadaha ka agdhow.
Caasimada Puntland ee Garoowe oo aan looga baran in ay kusoo hirtaan dadka isku daya inay dilal qorsheysan ka fuliyaan ayaa u muuqanaysa in hadda Xagal daacinaysa dhankaas,waxaana ugu danbeeyey dil loogu geystay magaalada gudaheeda Taliye kuxigeenkii Ciidanka Booliska Puntland Col Cabdillaahi Saalax Nadaalo iyadoona aysan jirin ilaa hadda cid loo soo qabtay dilkiisa.
Laamaha amniga caasimada Puntland ee Garoowe oo aan la sameynay xiriir ayaa noo sheehay in ay wadaan baaritaan xoog leh oo ku aadan kooxdii caawa labada Weriye isku dayday in ay disho isla markaana ay sharciga horkeeni doonaan.
Wixii kusoo kordha kala soco Raxanreeb.com
_______________________
RBC Radio
Xafiiska Garoowe














[...] See the original post: DEGDEG: Aggaasimihii Idaacadda Daljir Gaalkacyo iyo Wariye kale oo ka Badbaaday Isku Dil magaalada G… [...]
Waa in lasoo qabtaa criminals kaas dhiiga dadka
Raba ineey daadiyaan. Waa carareen war maahan ee waa in lasoo qabtaa asap Hadii kale taliyha nabad suguda & Bilaayskaba waa Ineey is casilaan
Wlhi anigu hadaan qiyaasay waxa wax dila waa dawlada puntland iyo maleeshiyada garsoor wayna cadaan doontaa
C.fitaax cumar geedi iyo abdi xasan rooble awoowe waa sxbaday aadbaan isku naqaan maantadan ayan wada hadlaynay awoowe lkn cadawgu waa soo baxayaan
Ilahay baa ka badbaadiyey, dadka inta indheergaradka ah (community elites) laynayaa waa dad Somali in ay dabar gooyaan raba, lakiin insha allah uma soorta galayso.
FBI Amerika…………Cuqdad ku dishey……………..doqon ayaad tahey……
kan wato F.A B.I GARSOOR AFKA KALABAX DAMEERYAHOW COWSKA CUNA. GARSOOR WAXAA DAGAN UMAD SOOMALIYEED OO MIISAN IYO SHARAF KULEH UMADA. ADIGOO KALE OO PSTA U SHAQAYO AYAA DADKA ISKU DIRO. DAMEER FOWQUL SAC IYO IDO BACAACYAHOW
Shinbirtii dhuustaba reerahaan waxeey dhahaan waa Galmudug ama Baraxleey, kkkk war ma xishootiin miyaa horta?? Oo hadana waxeey soo wadaan Galmudug ayaa dadka Garoowe ka ugaarsata kkkk
dhageysta ilmayahow caqliga la’, waxa dadka leynaya waa isla adinka oo mindhaa aano iyo balaayo la aqoon idinka dhaxeyso.
Anagu waan ka weynahay dad habeenkii la ugaarsado oo duhuradii ayadoo dhulku wada iftiimayo ayaan madaafiic kasoo gamnaa Baraxleey oo Airpoorka la dhacnaa, hadii aad nagu keenkeentiin waxaa dhaceysa in Israac meeshii eey ku ooli jirtay la baadi goobo kkkk……..
Marka wiilasha yar yar ee ….iyo …..oo maara la isaga waayay joojiya dhaha dheesha hadii kale wiilasha waa weyn ee Baraxleey & Hobyo ayaa soo baxaya oo dagaalka been beenta aad wadiin asagoo dhab ah ayaad arkeysaan.
VIVA GALMUDUG
VIVA XIMAN & XEEB
VIVA GURICEEL & GALGADUUD STATE
(Dhamaan Garabyadeyda xalaasha ah)
Waa lagu raad joogaa iyo baaritaan baa socda xiiso looma qabo.Wali mahayno cid dambiile yaal oo ay soo qabteen ciidamada ammaanka puntland iyo booliskuba.Waxaasu nooma cusba.
acww waxan aada uga xumahay dhubka ka jira putland waayo dil iyo dhac ba waxa uu ka noq tay waxa banaan marka war inta lasyku noqdo oo illaah laga baqo ha laysku da shado waayo waxa wax dila waa maamulka putland iyo dad caado qaata yaal ah markii waxa la dilo na waxa madaxa loo saraa dad aan waxaba galabsan sida jareer ama RRA ama qabiilo aan waxaba galabsan
runtii ilahay ayaa mahadleh idinka badbaadshay falkaa fooshaxun wana howsha aad dadka uhaysaan darteed midakale abdi hasan rooble (awoowe) waa nin aan isku mel waxku baranay aana aan u aqaan marka waxuu ahaa nin qaaliya sxbayaal aad ayaan ugu faraxsanahay c/fitaaxna inaad ka badbaashaan mishinkaa
wariyayaashu waa inay hubkooda qaataan si ay isaga difaacaan waxmagaratadaas cayayaanka ah ee sida sharci darada ah u ugaarsanaya
[...] the evening of August 3rd, two local journalists have escaped assassination attempt in Garowe town after armed men opened fire on their car. The journalists working for Daljir Radio escaped the [...]
[...] Agoosto 2-deedii 2012, waxaa iskuday dil ka badbaaday wariye C/fataax Cumar Geedi oo ahaa agaasimihii Radio Daljir iyo Wariye Cabdi Xasan Rooble “Awoowe” xilli ay ku [...]