DIGNIIN!: Raxanreeb Waxay u Digeysaa Kuwa Caadeystay Xatooyada Wararkeena
Nairobi (RBC) Maamulka iyo tifaftirayaasha Shabakada Raxanreeb waxay hadda wadaan baaritaan iyo dabagal ay ku ogaanayaan warbaahin noocyo kala duwan leh sida kuwa qoraalka, kuwa maqalka iyo kuwa sawirada ee sida joogtada ah u caadeystay inay xatooyo ku sameeyaan wararka, warbixinada iyo sawirada shabakada Raxanreeb.com iyo RBC Radio.
Marka aan dhameyno baarista iyo dabagalka warbaahintaasi aan ku heyno, waxaanu si rasmi ah shaaca uga qaadi doonaa magacyadooda iyadoo maamulka Raxanreebuu ku dhawaaqi doono tallaabada laga qaadayo kuwa sida anshax darrada u adeegsada una marin habaabiuya xuquuqda qoraalada iyo sawirada ay leedahay Raxanreeb.com iyo RBC Radio.
Haddaba waxaa digniin hordhac ah u direynaa warbaahinta ku sifowday dhaqanka xatooyada iyo xishood la’aanta ah ee ay kula dhaqmaan shaqada Raxanreeb.com iyo RBC Radio oo ah mid ku saleysan anshaxa saxaafadda (journalism ethics). Mana aqbali doono in hawl ay waqti, dhaqaale iyo maskaxba gelinay in kooxo qawleysato ah ay si fudud oo hareer marsan dhamaan shuruucda warbaahinta u isticmaalaan.
Haddaba, waxaa markale loo jeedinayaa si gaar ah website-yada caadeystay dhaqanka aanu soo sheegnay inay kafoogaadaan is indhatirista ay ku dhaqmaan. Waxaana kuwaasi mar dhow si rasmi ah shaaca uga qaadi doonaa magacyadooda.
FADLAN JOOJI TUUGANIMADA NOOC KASTA!!!Maamulka Shabakada Raxanreeb.com iyo RBC Radio
Faarax Axmed Caato











haa walaalayaal waan arkay kuwo badan oo magaciina ku qaraabta ha ugu horeeyaan kuwa la yiraahdo
allsomali
galcad24
iftiimiye
shaaciye
newsomali iyo kuwo kale oo badan xitaaa ma xusaan inaad xuquuqda warka aad adinku leedihiiin marka waa codsi aqristayaashee fadlan talaabo ka qaaada caado qaatayaashaas
Oow Sxbayaal Waa Digniin Loo Qateen Runti Waayo Juhdigii Iyo Dhaqaalihi Aad Galiseen Away Wlh Taasba Dhib Weyn Ah kk Raxanreeb waxaa arkeesa Qoral Wepkan Aad Ku so Aragto Oo Wep kale Ku qoran Taasne waa ceeb iyo dhib weyn plz Kuwaa si dadbadan iyo Si toos ahba ula xiriira deee
war somali miyaa xatooyo iyo dhaqan xumo joojin karta? adigu dudun ciid ka dhaq
Baydhabonews.com ayaa ka mid ah kuwa idan dhaco
waa arin muhiim ah mudane farah waan soo dhowaynaynaa iinsha’allaah
war bal balo meeshii balaa soo gashay oo isku bahaysatay somalidii hadii wax kasta loo ga soo tagay miyey hadana keeneen inay wararkii biliqaystaan ciyaal ayaa website oloo soo dhiibanayaaa markaas ayaa la leeyahy ku shaqeeya dee dadka wararkooda yeysan xadine ha shaqeeyan
raxanreeb waxan leeyahay cidii warkiina xada soo dhajiya oo soo sheega anagaa tilaabo kaqaadaynee adinkuna tilaabo ka qaada
Maxay ahayen waxa bilaa anshaxaa ee dadka xuquuq dooda ku tumanaya ileen warku qiimuu ku fadhiyaaye ma waxay moden sheko layska qoray , illaahay kayaba dadkana ha xadinina , kharash iyo maskax ayaa kaga baxaye
kkkkkkk iyamahan danbe galdogob.com aya xatooyo saa’id ah waday ee ayagana tilaabada ugu horaysa ka qaada kuwa mafia ah aya iska leh e wiliba magacyadooda ayan kusoo gudbinaya iyo meesha ay joggan raxanreeb.com
Hada aniga waxaan rabaa in aan web samaysto Copy and Past leen ku shaqaysto ayaan rabaa lolz
Guys wlh waxaa ka hadlaysaan waa wax jira wararka ayagoon waxba ku kala gadisneen qoraalka ayaan waxaan ku arkaa Website yo aad u fara badan marka noo qarxiya
Sida ay Raxanreeb Warbixinadda Usoo Qorto Ee Layaabkaleh Majiro Web isna sidaasoo Kale usoo Qora ama wayba yar yihiin. Naf walba shabakad bay iskafuratay, war ay raadisay oo Wakhti gelisay Midna Masoo galiyaan, Waxay Rag Kudhintaan Oo Dhaqaale Iyo Juhdi geliyaan isla markaana ay uhureen wixii ugu qaalisanaa Ee bini,aadmi haysto oo Amminta(wakhti) ah ayey doonayaan In ay soo dhigaan shabakadahoodu. Qaarna intay Warka RAXANREEB Soo qaataan ayey kamasaxaan meel walba oo uu magaca raxanreeb kaga jiro warkaas ay xadayaan. Warkaa Tallaabo Kaqaada, TUUGTA Hantida Nin Leeyahay kaganacsanaysa. Web ha furan Haddii kale sida raxanreeb warar hufan soo daaya.
allssc baa ugu daran, magaca suxufiga un bay badalaan iyo meesha uu joogo.
Asc, bahda Raxanreeb ,salaan ka dib waxaan ka mid ahay akhristayaasha shabakadda Rbc maalinti waxaan ku noqnoqdaa ilaa iyo 10 jeer laakiin waxaan xalay mar aan akhriyay shabakad la yiraa dhacdooyinka.com aan ka akhriyay maqaal ka hadlayay farmaajo oo ay ka soo min guuriyeen Raxanreeb iyagoo ka bedelay cinwaanka ( http://dhacdooyinka.com/?p=14047).
shabakadaas waxaa tifatire ka ah nin sheegta inuu yahay suxufi oo la yiraa Xasan cadde ma doonayo inaan magaciisa sheego laakiin waxaa aad ii dhibtay anshax xumada maxaa yeelay xitaa haddii uu hoosta ka xarriiqi lahaa oo uu oran lahaa warbixintaan waxaan ka soo xiganay shabakadda Raxanreeb wax dhan bay ahaan kahayd.
baarista anigana maanta ka bilaabata waxbaan ka gelayaa si aan u soo shaacbixinno shabakadaha caadeystay inay wararka ka zineystaan.
Detective:Cali Kacaan.
Thanks.
waxa kamida raga xatooyada idin kusameeya uguna horeeya http://www.galdogobpress.com wax ka qabta website kaas
KUWA IDIN DHACO WAXAA KA MID AH http://WWW.DHACDOOYINKA.COM
ALLSSC IYO HORUFADHI IYO XARGAGAG BAA U DARAN WALLHAY
Shabakadda Halgan.net ayaa idin ka xadda wararka Puntland, horayna waxay u xadi jireen shabakadda horseedmedia oo dhawana fashilisay oo ceebaysay,hadda tartankii quraanka garoowe ayey idin ka xadeen, marka ma garanayo in labada shabakadood ay is leeyihiin iyo in isku qof uu qoro, haddii isku maamul aad tihiin waa ok balse akhristayaasha raxanreeb jecel ayaan ahay waan dareemay in dhaqaalaha iyo wakhtiga aad galisaan rag ka faa’idaysanayo
Wan salamaya dhamaan bahda Raxanreeb. sida aan ognahy dhamaan shabakadda Raxanreeb waa shabakada kaliya ay dadka somaliyeed ay ku taxan yihin si ay u ogaadaan dhamaan wxii ka dhaca dalka iyo diibadaba.wxna leeyahay waa ku mahadsantihiin sida quruxda badan aad u ajiibteen News waliba. Xatooyo
hdaba dhamaan bulshda somaliyeed wxn ogeysiin la haa in ay iska dhaafaan xadgudubka ay ku sameeyaan shabakadaha wararka ay ka soo Copy yaan wxan wana
Wan salamaya dhamaan bahda Raxanreeb. sida aan ognahy dhamaan shabakadda Raxanreeb waa shabakada kaliya ay dadka somaliyeed ay ku taxan yihin si ay u ogaadaan dhamaan wxii ka dhaca dalka iyo diibada.wxna leeyahay waa ku mahadsantihiin sida quruxda badan aad u ajiibteen News waliba. Xatooyo
hadaba dhamaan bulshda somaliyeed wxn ogadigila haa in ay iska dhaafaan xadgudubka ay ku sameeyaan shabakadaha wararka ku luminayan qarash fara badan iyo maskax dheeri ah iska ilaali
oo weydiiso hdii ay noqon la heed in ay wx ku ogolaadaan xog wa mahadsntihin
Tuugada ugu wayn iyo bililiqada raxanreeb loo gaysto waxa ugu daran waxba qarin maynaa waa ALLPUNTLAND.
War dayniile baa ugu daran war kaad iska qabta
Kkkkk raxanreeb horta arintaas waa runtiina aniga ayaana witnes idiin ah lakiin laftirkiinu marmar kuma daydaanoo ileen aduun waa gala xaarashoo adigoon is xanaajin adina markaada ka xaaro. Haba idin ku badnaato xagiina in warar badan laga xadee laftirkiinu marmar waad tuurataan waanu idin ognahay go head