Shaqaalihii La Socday Diyaarado Uganda Ay Leedahay Oo La La’aa Ayaa Lasoo Badbaadiyay [Faah-Faahin]


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Nairobi (RBC) Dowladda Uganda ayaa caawa shaacisay in la helay diyaarado helicopters ah, oo la la’aa tan iyo xaley.

Diyaaradaha maqan oo ilaa seddax ahaa ayaa laga helay buuraha mount ilgon oo ku yaala dalka Kenya.

Afhayeenka ciidama milatariga Uganda Felix Kulayigye oo saxaafadda la hadlay isniinta maant ah, ayaa sheegay in mid ka mid diyaaradaha ay soo dhacday, laakin labada kale aan la ogeyn sababta u dageyn, wuxuu intaas ku sii daray in ay soo badbaadiyeen ciidanka gurmadka dalka Kenya.

4a”Mid ka mid ah diyaaradaha, waxa ay ku degtay dhulka buuraha, waana la soo badbaadiyay dhamaan shaqaalihii la socday diyaaradda waana ay badqabaan,”ayuu yiri Col Kulayigye

Dhinaca kale Afhayeen u hadlay Milatariga Kenyan Bogita Ongeri ayaa goorhore sheegay diyaaradaha oo afar ahaa in ay ka soo tageyn magaalada Entebbe, ee dalka Uganda marka laga reebo hal diyaarad oo si nabad-galyo ku degtay axadii magaalada Garissa.

Ongeri ayaa yiri mid ka mid duuliyaashii diyaaradaha helicopters-ka in lagu waayay buuraha dalka Kenya.

Ciidanka Kenya ayaa saaka aroortii bilaabay baaritaan, kuwaasoo waday howlgalo baaritaano ah.

Diyaaradahan ayaa la sheegay in lagu sameeyay dalka Ruush-ka, waxana ay ahaayeen Mi-17 iyo Mi-24  waxana la socday ilaa 28- shaqaale ah.

Diyaaradahan ayaa la sheegay in ay ku soo jeedeen magaalada Baydhabo ee gobalka Baay, halkaas oo dhawaan laga qabtay Al-Shabaab.

Ciidanka Uganda waxa ay laf dhaf dhabar u yihiin howgalka ciidanka nabad ilaalinta midowsga Africa ee AMISOM kuwaasoo hadda lagaarsiiyay tiradooda 17,000-askari.

Diyaaradahan ayaa toddobaadkii hore la sheegay in ay door ka qaadan doonaan dagaalada lagula jiro Al-Shabaab isla markaana ay caawin doonaan ciidanka AMISOM iyo kuwa dowladda KMG ah.

 

RBC Radio

——————-

Xafiiska Wararka Nairobi 

Share

Tags:

2 Responses for “Shaqaalihii La Socday Diyaarado Uganda Ay Leedahay Oo La La’aa Ayaa Lasoo Badbaadiyay [Faah-Faahin]”

  1. [...] Read the original: Shaqaalihii La Socday Diyaarado Uganda Ay Leedahay Oo La La’aa Ayaa Lasoo Badbaadiyay [Faah-Faahin... [...]

  2. [...] August ee sanadkan, markii diyaaradaha helicopterada Uganda ay ku burbureen buuraha Mount Kenya, madaxweynaha Uganda Yuweri Musefeni wuxuu muujiyey shakiga [...]

Leave a Reply