DOOD FURAN: Baarlamaanka La Iibsaday Dhibaatada Maka Saari Karaa Soomaaliya?
Bishaan Agoosto 20-keeda waxaa loo diyaargaroobayaa inay dhacdo doorashadii madaxtinimada ee wadanka, taasoo markii ugu horeysay ka dhacaysa Muqdisho. Waxaana doorashadaasi u sharaxan in ka badan 15 musharax oo u tartamaya xilka madaxweynaha cusub ee dalka.
Dhanka kale waxaa hadda socda xulista mudanayaasha baarlamaanka cusub oo ka kooban 275 mudane, waxaana soo xulaya odayaasha dhaqanka ee beelaha, iyadoo la marsiinayo guddi loo bixiyey ‘guddiga farsamada” oo ka kooban 27 xubnood oo Soomaali ah iyo labo xubnood oo ajnabi ah.
Waxaa si weyn u socda kala iibsashada kuraasta baarlamaanka oo haatan maraya lacag u dhexeysa $15,000 doolar illaa $20,000 doolar (halkii kursi), waxaana lacagtaasi qaadanaya odayaasha dhaqanka oo ka helaya hadba siyaasiyiinta magaca leh dhaqaalahana heysta. Iibsashada kuraasta baarlamaanka waxaa si weyn ugu lug leh madaxda hadda ee DKMG oo odayaal fara badan ka iibsaday kuraas si ay rag iyaga u codeeya u geliyaan baarlamaanka cusub.
Shabakada Raxanreeb ayaa ogaatay in ku dhowaad 160 xildhibaan boosaskooda lakala iibsaday oo hadda lacagaha la kala qaatay. Magacyada dadka boosaska loo iibiyeyna waxaa loo gudbiyey guddiga xulista baarlamaanka. Akhri
Sidoo kale qaar fara badan oo ka mid ah dadka xildoonka oo aan lahayn wax aqoon ah ayaa hadda bilaabay inay suuqyada ka sameystaan shahaadooyin BEEN ABUUR ah si ay uga been sheegaan aqoon aysan lahayn. Wariyaasha Raxanreeb ayaa arkay shahaadooyinka sugsiga sare iyo kuwa heerka jaamacadeed oo lagu iibsanayo qiime dhan sodon doolar illaa lixdan doolar.
Haddaba tani ma waafaqsan tahay shuruudaha laga rabo qofka nqonaya xildhibaanka Soomaaliyeed ee ay horey u sheegeen guddiga xulista baarlamaanka? Akhri shuruudaha
Baarlamaan la iibsaday dhibaatada maka samata bixin doonaa Soomaaliya? madaxweybne ku soo baxay doorashada noocan ahse xalaal malagu tilmaami karaa?
Soomaalida goormay wax doporan doontaa oo ka gudbi doontaa inay qabiil iyo laaluush wax u go’aamiyaan? goormaase la arki doonaa muwaadinka Soomaaliyeed oo rag iyo dumarba codkooda si xor ah u dhiibanaya oo ruuxa ay rabaan dooranaya?………………. Waa dood furan!!!
RBC Radio












1)Madaxwayne Mahiiga
2)Ciidanka”AMISON” ka badan 20,000
3)Shan wasiir oo ay Haliry Clinton ay u soo magacawday hanti dhawrka
4)Ciidanka poliska oo hada Amison keensatay
5)Dhawaan oo la keenayo Garsoorayaal ka socda talyaaniga iyo wadamo kale oo yurub iyo africa ah
6)Dastuur aan waafaqsanayn diinta islaamka dhamaantii dhaqanka somalidana ka soo horjeeda
7) dad magac u yaala oo aan maamulin cidna magac se sita
8)odayaal koofiyad bacle ah qaarkood waxna qorin waxna akhriyin(ragii la odhan jiray oday dhaqmeed oo qaar isu soo eekaysiiyay oo qaar xataa dhiigya cab -ahi- la isu keenay).
9)Adeegayaal aad ugu faraxsan in loogu yeedho Madaxwayne iyo raysalwasaare,iyo raysal baarlamaan wax awood maamul oo ay leeyihiin jirin cidna matalin
10)Al shabaab-ahlusuna wa jameeca,faroole,shariif xassan,sheekh shariif,Cabdiwali.alshabaab
Waa ayaan daro iyo dhibaato kale oo horleh mar ay qaraxdaba .
waxa aad moodaa in ay shicibka somaliyeed isku qanciyeen wax dawlad u eeg aan helno. Hanyaridaa iyo hoos u foorarkaa somali kuma aan aqoon. Barigii gumaystihii hore ayaa nin cadi uu soo ag maray nin awrkiisii wata oo somaliyeed,ninkaa somaliyeed sanka ayuu qabsaday,markaa kadib uu ninkii cadaa waydiiyay turjubaankiisii maxaa ninkani sanka iska qabtay ,turjubaankii baa u sheegay in uu isaga iska qabtay sanka.
Gabagabdii waxaan odhan lahaa sidiininkii “Aan oo yee albaabka ii xidha”
wa bilaahi tawfiiq
RAXANREEB, waxaad weydiisay dadka su’aal qof kasto uga jawaabayo MAYA!. HAL XAARAAN AH, NIRIG XALAAL AH MA DHASHO. Aniga waxaan ku talinayaa in la kala tago oo Somalia laga dhigo 4dal iyo ka badan sidi dalki la oran jiray JOGOSLAVIA. Sidaan laguma sii jiri karo. dadki maalinba maalinta ka danbeyso wuu isa sii nacayaa, wadaninimadi wey sii yaaraaneysaa, dadki wuu kasii dhamaanayaa dalki, waxaa dalki ku soo badanayo XABASHI, sidaas darteed, waxaa la qaataa in meesha laga dhigo dhowr dal. 20san ka badan waxaan ku jirnaa…’MARKAAN WEY CAAFIMAADEYSAA SOMALIA’ waxaana marba marka ka danbeyso aragnaa dalki oo ka sii daray.
No No
but they will fuel the situation, and they will sell the country !
Maya, xaaraan xalaal ma noqoto. Soomaali ilaahey ha soo hanuuniyo, sababtoo ah waxa ay sameenayaan oo dhan waa wax diinta islaamka ka soo hor jeeda.
1, Wax hadilina oo dhiig ha daadinina baa illaahey yiri Soomaali waa is dilayaan
2, Wax ha dhicina ayaa illaahey yiri Soomaali wey is wada dhaceesaa
3, Macsida is ka ilaaliya ayaa eebe yiri Soomaali dumarkii ayey kufsanayaan
4, Been ha sheegina ayaa ilaahey yiri Soomaali waaba waxa ay ku caana maasho.
5, Xaaraanta ha cunina ayaa illaahey yiri Soomaalina iyadeeba ugu jeceshahay
Marka isku soo wada duub Soomaali waxa ay sameenayso xitaa dadka aan diinta laheen ma sameeyaan. Mar labaad waxaan leeyahay Soomaali illaahay ha soo hanuuniyo.
Warsame 10
Waxbuu k shanqariyay. Cisa bi diin Musa wa diin!
waa maya hadday jirto waxaan hubaa wax is daba marin kuyimid inay xaaladda soomaaliya uuga siidarta mooyee ineesan wax fiican ka’imaan doonin runtiina waa nasiib darro usoohoyatay soomaali,,,scww
maya lama dhihi karo waa xalaal waxaana u arka ain aysan noqonayn kuwo dhib umada ka bixiya ee ay noqon donaan kuwo dhib kii hore kasii badan abuura oo ninkasta ninki gatay ayaa iska leh
@Anaasirz AKA Qabqabsay
Adiga waan ku garanay oo Soomaali soo noqonaysa ayaa calool shubak kugu riday. Marba magaca bedel. Ugu yaraan qoraalka bedel hadii aad magaca bedesho. SNM project is about to end. Don’t try
to cry over spilled milk. It’s over..Finito..NADA.
Look your double standard entry.
http://www.raxanreeb.com/2012/08/ciidamada-booliska-ee-ka-socda-midowga-afrika-oo-ka-howlgalaya-saldhigyada-muqdisho/
WAXAAN BUR BUR IYO HALAAG KA AHAYNIN MA SOO KORDHIN KARAAN DALKA IYO DADKABA.
waxaa layableh,in lashego waxaan la goayn ama ,la,aflagadeyo isimada,isinku waxuu ujoogaa,beesha ,uu ,uyahy,isimka,isgayna ,utaalaa qofku geynayo.lkn maha,in ,lacebeyo isinku waxa,uu ,masulkayahy,beshisa.,mana ,ubahna lcg taa waxaa fafinaya,dad aan ku qanacsanayn, shaqsiga,uqalma. ,xubinta,waan,wax ay ,isla,ogyahin ,isinka,iyo beshisu
s/c madaxwaynaha soomaaliya ha iska dhaafo ka fikirida ra’iisal wasaaraha ee ha magacaabo madaxwaynaha ku-xigeenka dalka si loogu baxo qalalaasaha ay wadaan labo wajiilayaasha rabo dawladda iyo shacabka in ay isku diraan illaah hanaga qabto A A A M I I N shaxshaxlow