DOOD FURAN: Labada Shariif Makala Hari Karaan?


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Labada Shariif (Shariif Axmed iyo Shariif Xasan) waxay weli yihiin rag dhinacyo badan iskaga xiran, una muuqda isku dan illaa hadda , wayna dhici kartaa in siyaasadda wax badan ka bedeshay labada nin maadaama beryahan dambe labaduba ay wada rabeen madaxweynanimo.

Kaliya ma ahan in ay ka wada yimaadeen isbahaysigii Asmara ee mucaaradka ku ahaa dawladii hore ee KMG ahayd, waa isku magac waxayna wada xirtaan KOOFIYADO isku mid ah illaa hadda.
Khilaafaadkii faraha badnaa ee soo maray hogaanka DKMG ahna, waxay had iyo jeer labada nin ka istaagi jireen isku mowqif si ay iyaga u soo haraan oo xilka aysan u waayin illaa 2009. Markaasi dad badan ayaa u arka in labada Shariif yihiin weligoodna ahaayeen saaxiibo fiican oo dantooda yaqaana.

Laakiin hadda sheekada ka duwan tii hore. Markaad u fiirsato sida wax u socdaan doorashada hadda loo diyaargaroobayo tusaalana ka dhigato doorashadii afhayeenka baarlamaanka oo xulufada Shariif Xasan si ku talagal ah dhulka loola simay awoodooda, inkastoo Shariif Xasan uusan weli quusanin. Waxaase isweydiin midan dhowr arimood.

Marka hore, way cadahay in Shariif Xasan soo geli Karin tartanka madaxtinimada oo waxaa taas albaab ku noqotay doorashadii Prof Jawaari, hase yeeshee waxaa u furan waddooyin kale oo uu dheesha siyaasadda kaga qeybqaadan karo, waayo Shariif Xasan weli baarlamaanka gudihiisa wuxuu ku leeyahay awood muuqata oo tiro ka badan 60meeyo xildhibaan oo XERTIISA ah ayaa baarlamaanka dhexfadhida waana tiro ku filan inuu ku gorgortamo haddii la gaaro doorashada madaxweynaha. Hana hilmaamin in isaga qudhiisu uu yahay xildhibaan oo kaliya uu sugayo inta xildhibaanada cusub iyo baarlamaanka cusub uu ka baranayo.

Shalay [Talaado] markii doorashada afhayeenka ay soo dhamaatay ayaa C/weli Gaas oo ay dhowaan xulufo ahaayeen uga tacsiyeeyey Shariif Xasan guuldaradii ku dhacday Cali Khaliif Galeyr oo codka uu siinayey si uu gudoomiyaha baarlamaanka ugu guuleysto. C/weli baa si kaftan leh u yiri “Waan kuu halmbalyeynayaa Shariif”- Shariif Xasan wuxuu kaga jawaabay “Ha welwelin waan israaceynaa dhamaanteen!!!”

Dabcan Shariif Xasan way muuqataa inuu gorgortankiisa ka fiirsanayo hadda, laakiin waxaa sida xubnaha isaga ku dhow ay qabaan uu ka hormarinayaa sidii uu u abuuri lahaa jawi aysan saaxiibadiisa [C/weli iyo Shariif Axmed] uga badbaadin dabinka uu isagu shalay ku dhacay. Marka su’aashu waxay tahay LABADA SHARIIF MA KALA HARI KARAAN?

Dadka qaar baa sheegaya in Shariif Axmed uu yeelan karo cudurdaar uu kaga haro Saaxiibkiis oo ay ugu weyn tahay in beesha caalamka rabto nin beelaha Muqdisho ka soo jeeda oo madaxtinimada yimaada si ugu yaraan aaney dib ugu dhicin dagaalkii lagula jiray Al-Shabaab iyo u dhega nuglaanta shisheeyaha. Hana ka tagin in Shariif Axmed ahaa nin markiisii horaba ka yimid kooxihii Maxkamadaha Islaamiga oo Al-Shabaab ka soo dhex bexeen.

Beesha caalamka waa run inay hadda ka fekereyso waxa uu noqon karo shakhsiga cusub ee MADAXWEYNAHA ka noqonaya dalka iyo waxa uu la iman karo, Haddiise doodaasi sax tahay waxaa sidoo kale la isweydiin karaa suurtagalnimada in la raadiyo shakhsi kale oo isla beelaha Muqdisho kasoo jeeda kana duwan wajiyadii hore loo arki jiray- tusaale waxaa loo qaadan karaa isbedelka doorashada baarlamaanka oo saddexda gudoomiye loo doortyay rag wada cusub- suurtagalna in doorashada madaxweynaha jidkaasi oo kale marto- waa tii la yiri wixii cusub caalamka jecel.

Markaas cudurdaarka loogu marmarsiyoon karo ceyrinta Shariif Axmed waxaa noqon kara in uu ka mid ahaa raggii lagu eedeeyey musuqmaasuqa iyo in dawladii uu madaxda ka ahaa lumisaay fursado ka badan inta ay qabatay ayna la degtay musuq iyo tayo darro khasaarisay dhamaan dadaaladii beesha caalamka ay ku bixisay hanaanka nabadda ee Soomaaliya.

Haddaba su’aasha waxay tahay “LABADA SHARIIF MA KALA HARI KARAAN? Mise way israaci doonaan oo dib danbe looma maqli doono magacyadooda… WAA DOOD FURAN.

 

RBC Radio

Share

Tags:

43 Responses for “DOOD FURAN: Labada Shariif Makala Hari Karaan?”

  1. MAYA Sh. Shariif MAR KALE says:

    Maya maka hari karaan. Kan hadda haray ayaa shar badan.

    Hadda uma baahnin 16 gobol x2 = 32 gobol
    uma baahnin 4000 jeneraal

    uma baahnin wolrd lords iyo corruption baarlamaanka xalaasha ah lagu barxo

    Sh. Shariif = corruption

  2. Dabcan siyaasaddu sideedaba saaxiib joogta ah ma leh, cadow joogta ahna ma leh ee waxey leedahay ” Dano joogta ah ” sidaasi darteed labada shariif haddii ay shalay xulufu wada ahaayeen maanta waa kala xulufu marka la wada saaro miisaanka siyaasadeedna waxaad mooddaa in ay hal daaqad ka sii wada baxayaan taana ay fureyso wejiyo cusub in ay meesha yimaaddaan.
    Xilku waa meerto u dhaxeysa muwaadiniinta soomaaliyeed,, waxaase wanaagsan dalka iyo dadkana u wanaagsan in uu qofka xilkaasi soo doonanaya uu noqdo qof geeya oo aqoonteeda leh.

  3. Soomaali says:

    ma kala hari karaan.
    waa in la is raaciyaa haaweyda.

  4. Kkkkkkk .
    Waa dood cajiiba xiisana xambaar san. Anigu waxan qabaa ‘HAA’ way kala hari karan ! Wayo sh.sharif waa nin ka fiican sharif sakiin. Waana wadani marka loo eego SAKIIN iyo gaas Gaas waliba anagu ilmader banu nahay lkn kuma farax sani siyaasadisa qabyaladu haraysay. Sakiina waaba tuug lkn hadii runta loo hadlo sh.sharif waa nin fiican dadkana hogamin kara iskuna wadi kara . Marka hadanan Farmajo helayn nooma muuqdaaan wax dhaama sh.sharif sh.axmed sh … Ilaahayow hadan farmajo ladoran sharifka nondaaaa.. ogaadana isku qabiil, isku degaan midna ma nihin lkn siyasadisaan ku qancay .

  5. maqle says:

    Qoraagu wax uu qiray in labada nin saaxiibo beri ahaayeen hadana siyaasada taagneed kala waday laakiin kol hadii shariif xasan tar tarnka uu ka haray maxaa u diiday in uu codkiisa kula gr gortamo saaxiibkiis inuu ruux cusub kula gorgortami lahaa?mida kale qoraagu wuxuu shegay in madaxweyne weyne shariif beesha caalamku mar marsiimo uga dhigi karto in dowladiisa lagu eedeeyey musuq maasuq oo sidaas doorashada looga raabi karo,waxaa halkaas ka muuqato qoraagu inuu aaminay in shiif shariif aanan si kale doorashada looga guuleysan karin ilaa reebo moojee wuxuuse qoraagu hilmaamay in markiisii horeba baasha caalamku madaxweyne ka soo dhigtay oo iyadu keensatay ilaa hadana u dhago nugushahay marka laga eego kulamadii isdaba jooga ahaa ee maalmihii ugu dambeeyey uu la yeelanayey danjirayaasha somaliya u fadhiyo wadamada waaweyn si xal looga gaaro murankii gudiga farsamadu abeereen oo dadka qaar xildhibaano loogu diiday ugu dambeyn waa tan dadkaas loo ogolaaday in ey xildhibaano noqdaan waana cadeyn in beesha caalamku madaxweyne shariif wax la musuq maasuqay doorashada uga reebi doonin.waxaase su’aal ah qoraagu muxuu ku falayaa in madaxweyne shariif doorashda laga reebo?muxuuse u soo hadal qaadi waayey C/wali oo isaguba lagu eedeeyey inuu ku lug lahaa musuq maasuqa in laga reebo doorashada? aan u soo laabto labada shariif kol hadii ey saaxiibo ahaayeen dhanka is qabadkuna ka yimid shariif xasan waxaan qabaa in maanta fursad heystaan oo saaxiibtinimdoodii uu shariif xasan dib usoo celin karo sababtoo ah xildhibaanada taageersan ayuu saaxiibkiis kula gorgortami karaa oo sidaas ayey far iyo faraanti mar kale ku noqon karaan :D

  6. abuxamza says:

    anu waxan qabaa in ay is raci donaan wayna dhafai wadanka insha alaah

  7. midnimo says:

    aniga waxey ila tahy ama ila muqata labada shariif isku mid mahan iskumana dhawa waxey kla yahiin laba faqri ayaa u dhaxeya aniga waxaan amimsamahy in hadii farmaajo la waayo la doorto shiekh shariif sida sxbkayga soo xusay waan ku raacsanahy
    shaadh qabiil waxba ma taro somaliyey waxaan u bahan anhy badbaado wa bilaahi toowfiiq

  8. MAYA Sh. Shariif MAR KALE says:

    WAxaa iga dagi kara oo kaliya waa#;

    !. FARMAAJO
    2. BAADIYOW

  9. Yasin says:

    Marnaba, wax ucuntama, ma aha umada, soomaaliyeed,inay kala, haraan, ee waa,inla israaciyaa,shartooda.

  10. Waa sax sida uu fikir kaagu u dhacayo, waana kugu raacsanahay iney kala hari karaan, taasoo iminkaba dhacday, waxaanse qabaa dhanka waddaniyadda iney aad iyo aad ugu kala duwan yihiin.
    Marka aad labadooduba dhanka siyaasadda ka eegto waxey ku kala horreeyaan dhinacyada ( laalaabka, luggooyada iyo luqaafooyinka xanbaarsan dabinnada siyaasadee ee afgenbiga ah).
    Sheekh shariif wuxuu ku daba lumay aala sheekh iyo urururro uu mustaqbalkoodu mugdi ku jiro fartana lagu wada fiiqayo.. shariif xasan isagu wuxuu khadka ka baxay markii la arkay muuqaal ahaan isaga oo leh shahaado suuqa ayey taallaa waana la soo iibsan karaa, taas oo dadka soomaaliyeed dareen gelisay, waayo shakhsi sidaa u hadlay masuuliyad qaran lagu ma aamini karo.
    Ugu danbeystii laba shariif isma hayaa dhabar kooda ayaa is xigasaday.

  11. waan mahadsantihiin raxanreeb, waa duud wanaagsan, aniga waxaan ilatahay hadii loo eego dhanka siyaasada waa kala hari karaan, laakiin marka loo eego dhanka danka dalka iyo dadka ma kala hari karaan, 3 da shariif, waa shariif sakiin. shariif ahmed, iyo shariif abdiwali,
    waa hadii larabo in aan helno dowlad ka madax banaan, musuq maasuq, xatooya iyo qabyaalad, waana waxa looga barta 3da shariif, thnaks

  12. faysal says:

    waa dood cajiib ah ooaad xiiso u xambaarsan
    aniga waxaan qabaa qofka u wanaagsan ee la dooran karaa inuu yahay
    mudane farmajo oo xoogaa maamul yaqaan iyo qabyaalad la,aan ay ka muuqato
    lana dhihi karo waa nin la dagaali kara musuq-maasuqa baahsan ee maamul kasta ee la soo doortaa ladaga
    hadii aan u soo laabto mudane sh/sharif waxa uu leeyahay cilado aad u xunxun oo uu san hogaan ku noqon karin waa musuqmaasuq miiran waa beenlow waa balan laawe
    waxaase hada kaaaga sii daran bali cidlaa oo biyo laga cababa waxa uu leeyahay waa dagmo
    waxaan aaminsanahay in uu dhaamo shariif sakiin shariif sakiin waa tuug oo kaliya

  13. jamac jarmal says:

    No he cant to be a president how he can a president nin u doodaya wordloars offcourse waxaan shaki ku jirin inu asana yahay hogaamiye kooxeed o xataa shaati dimeed so gashaday mooryaanka ha raaco we dont wona

  14. shariif axmed sanadki ugu danbeyey ugandha iyo itoobiya wuxuu ku qancinayey ineey taageeraan waxana muqata shirkii nairobi ee hellery clinton in rajadiisa beesha calamku hor istaageeyso eey meesha ka baxday marka aniguw axaan qaba ainuu soo laban doono sabatuna xildhibanada uu heesto marka la eego nin u dhigma kama muuqdo dadka usharaxan madaxtinimada

  15. hogol says:

    kkkkkk waxaan aad ugu qoslay jawaabta uu siiyay shariif hassan abdi-wali gaas “Ha welwelin waan israaceynaa dhamaanteen!!!” anigu waxaan qaba inay meesha ka baxaan kuligood intii lacag xaaran ah cuntay oo dhan oo lacagta aqonta iyo caruurta gaajada wadooyinka ugu dhimaysa lunsatay

  16. qoono says:

    salaan ka dib,runtii eegid meelo badan maadaama baarlamaanka hada jira uu yahay barlamaan u badan aqoonyahano degree haysta waa ku adagtahay iney shiikh sariif doortaan madama uu yahay nin aan ahysan degree,laakiin ah nin diini ah,akhlakhna leh waxaa ka maqan aqoontii maadiga ahayd.

    hadii marka beelaha koofurta dega laga radiyo nin aqoon leh,waxaa ku xiga baadiyoow laakiin maxaa
    hortagen?waa nin ka tirsan al_islaax,oo lagacna haystaan laakiin urur diini ah,ayaa loo arkaa….>>>
    waxaa kaloo la saadaalinkaraa cadow,waa nin aqoon leh proff ah haysta dhalasha usa ah,laakiin reerka uu ka soo jeedo ayaa laga yaabaa iney aqbali waayaan ayaga dhaxdooda iyo reerka uu shiikh shariif
    ka soo jeedo iney abuurto,challange u keena caasimada dhibaato kale.>>>>>>>>

    yaa ku haboon oo la orankaraa,xilkaas proff: warfaa oo ah nin PHD ah ku jira culumada sceince ka aduunka ku leh xushmad,kanaa soo jeeda reer hiiraan oo aan lagu arag saaxada wixii ka dambeey
    waayadii demoqraadiyada,dowladii aaden cadde,ka gadaal,waa ay ku haboonaan lahayd jawaari
    oo proff,ah iyo proff: warfaa oo ah culumada sayninska aduunka ugu sareeysa oo lagu xasuusto jaamcadii beeraha iyo mashruucii cilmi baarista afgooye,somali waxaa hubaal ahaan laahaa iney ka bixi lahayd ragaadkii la harey ee aqoon la `aanta haysata,ahaa
    lakiin somalidu waxay tiraahda fadhi iyo fuud yicib laysku waa,>>>>>>>

  17. HERSI says:

    horta waa dood furan oo waliba laga doodi karo, aniga waxaan qabaa ama ay illa tahay shariif axmed inuusan ka harii doonin sxbkis waxaan kala oo oran lahaa, wadanka dad cusub hala keeno waxaanse la yabanahay ninka mudug la baxay anigoon difacayn Abdiwali waxaa uu yahayna ay mar walba asaga u ukhasaysoo lakiin hadana wiilka mudug la baxay waxuu u egyahay nin wax lagu soo shubay oo aan rayiigiisa cabiri karin, hal su.aal ayaan rabaa inaan waydiiyo waxaan sheegtay inaad ilmo adeer tihin waligaaa wax makuu qabtay ama qabyalad wax ma kuugu samayey hadii aad taas kasoo jabtid waxaad sheegtay baa jira hadii kale ku sheeqaaa maskaxda aminarts iyo waxii la mid ah

  18. RUNTA ISKA SHEEGA says:

    ASC DHAMAAN, DADKA SOOMAALIYED WAX BADAN AYAA ISAGA QALDAN LAAKIIN RUNTA HADAYNU ISKU SHEEGNO QOFKA QORAALKA QARAY XITAA WAXAA LAGA DAREEMI KAA DHANKA UU JIRO. KA GUDUB SH. SHARIIF WAXYAABO AAN BADNEYN WAY JIRAN OO LOOGA FIICAN YAHAY LAAKIIN ILAA HADA WAX DHAAMA MA JIRAAN. HADAAN SI FIICAN U EEGNO SIYAASADA WAXAA DHICI KARTA OO KALIYA IN MUSHARAX KALE KA HORMARI KARO LAAKIIN UMA BADNA… MAHADSANIDIIN

  19. ,liiban ali says:

    allaha ka qabto labada shariiif mjusuqmaasuqooda ma rabo aamin allaha naga qabto cadowiinta wadanka beecsaday ileen wadani ma ahan nimankaan shariiifyada ah

  20. Abdul says:

    ASC, Haa waa kala harayaan Insha Allaah. Waxaa hubaal ah in Sheekh Shariif uu ahaa madaxweynihii ugu fiicnaa ee wadanka soo mara taariikhda dhow ee Soomaaliya. Xaalad adag ayuu ku shaqeeynaayay, waxaa ku hareersanaa Soomaali xun oo tuugo ah, kuwo ay qabyaalad dilatay, kooxo diinta dano gaar ah kaleh iyo beel caalam oo ay horboodayaan wadamo deris iyo cadaw la ah Soomaaliya iyo kuwo kale oo qaab diimeed Soomaaliya kula dagaalsan. Waxaa intaa dheeraa in Puntland noqotay caqabada ugu weyn ee laga sameyn waayay dowlad Soomaaliyeed xoog leh iyagoo qaab qabyaalad Shekha kula dagaalamaya.
    Madaxweyne Sheekh Shariif wuxuu muujiyay dabacsanaan iyo jiljileec si Soomaaliya loo badbaadiyo, waxyaalo badan ayaa qabsoomay oo ay ugu horeeyaan in magaalada Muqdisho Soomaali oo dhan ay isugu yimaadaan waxay doonaane ku sameeyaan.
    Waxaa had iyo jeer caqabad ku noqonaayay dadk ay shaqada kala dhaxeeysay, kuwaasoo markii horeba daacad aheen ugu horeyn Alshabaab oo ay saaxiibo ahaayeen ayaa mucaaraday. Waxaa xigay Shariif Xasan oo xanjo ku noqday ayaa la haray Farmaajo kadib markii ay isla jaanqaadeen. Waxaa intaas soo raacay Faroole oo loogu tagay Garoowe lana sharfay in isna uu dhabarka ka jabiyo Sheekh Shariif. Waxaa ugu danbeeyay raysalwasaare C/weli Maxamed Gaas oo ahaa aqoonyahan Soomaaliyeed oo aan anigu aaminsanahay in uu wax ka badan qabtay Farmaajo (eeg buugga qalin jabintiisa oo uu qoray June 2009 oo uu si cad qaab qabyaaladeed ugu weeraraayo seddex beelood oo Soomaali ah [[[[[ ””’ ////// (http://somalitalk.com/2010/farmaajo/), ugu danbayntiina noqday BOQOL SOON BAKHTI KU AFUR qaab qabyaaladeedna ku mucaaraday madaxweeynihiisa isagoo gacanta u galay Faroole.
    Sheekh Shariif mar walba Illaahaa badbaadinaayay, sabarkiisane waa ku soo badbaaday. Wax badan oo fiican ayaan ka sheegi karaa laakiin waxaan dhihi lahaa yaanan Sheekha lala maslin Shariif Sakiin, aana joojino oraahda dadka lagu qiaamayo ee ah LABADA SHARIIF MAAHA MID XAQ AH.
    Waxaan jeclaan lahaa in uu Sheekh Shariif (Illaah ha xafidee) uu wadanka mar labaad hogaamiyo. LAAKIIN aan ku gunaanado qoraalkeyga yar ALLOOW HADDUU KHEYR INOOGU JIRO NOOGU DHIIB HADDUU SHAR INOO YAHAYNA NA DHAAFI

  21. Ahmed Omar says:

    Sidaa aan u argo qoralakan waa mid micaan ku fadhinin oo sumacada dil ah. Marka kan waqtigisa qoraal kaan lumiyey, maba istahilo in wariye ka noqdo RBC Radio ama raxanreeb.com. Waxaana ka xumahay qofkii goaanka garaay in la so gubiyo qoralakan in oo ka firsanin. Most publishers or editors or editorial staff do review before publishing anyhting which containes bias or damageing their newspaper. the writer was not constructive in his article will be damaging to your news paper. RBC ama Raxanreeb waxaay cadeeyen in eeka dayaacsanyihin dhinaca professional editorial staff. This article is baseless and it cotaines bia information and this is no the time to write this sort of stuff. We are moving away division iyo qabyalad and we need more posotive writing.

  22. GUUL AMA GEERI says:

    A/C SALAAN KADIB DODAN WAA MIHIIM WAANA UGA MAHAD CELINAYAA RAXANREEB IYO QORAAGII FAKARKA LAHAA IN TAAS KADIB GUUSHII UGU HORAYSAY WAA GAARNAY MADAAMA U SHARIF SAKIIN QODAX NAGA BAXDAY NOQDAY WAA HADALKII PRO ILKADAHAB GUUSHII LABADNA WAA NODHIMANTAHAY LABADA SHARINA MAKALA HARI KARAAN HADUU MID HARANA KIIKALE WAA KULA JOOGAA WAAYO SIRO BADAN BAY KALA HAYAAN LABADOODU OO WALIBA MIDKAAN MADAXWAYNAHA AH BAA SIRTA UGU BADAN LAGAHAYAA WAXAN LEYAHAY MAYA MAYA MAYA MAYA MAYA LABADUBA BAXA OO NADHAAFA IN SHAA ALLAAH GUUL AMA GEERI THANKS ALLAAH

  23. abdul says:

    waa dood wanaagsan in wax la iska waydiiyo cidda ku haboon inay noqoto madaxweynaha soomaaliya aniga waxay ila tahay labada shariif shakhsiyan waa kala duwan yihiin lakiin waxay isu ahaayeen macalin iyo ardeygiisa (sakiin=macalin , shariif axmed ardey) dabcan waa wax la fahmi karo casharada shariif sakiin uu barayay ardeygiisa inaanay ahay kuwo wanaagsan maxaa yeelay isagii macalinka ahaa ayaaba imtixaankii ku dhacay , marka waa iska caddahay in shariif axmed aanay umadda soomaaliyeed u baahnayn inuu mar kale ku soo noqdo, walaahi aniga waxaan aad u nacay safarkiisii tirada badnaa ee macnadaradda ahaa , waxanan aad uga sii samray markii uu naf ka raadiyay hogaamiye kooxeedyadii ilaahay iyo umaddisu neceen, marka waxaan kula talinayaa barlamaanka soomaaliyeed iyo gudoonkiisa inay maanta u hiiliyaan umada soomaliyeed waa cadahay in umadu ay ku daashay wax matarayaashee

  24. anigu waxaan qabaa maya kan hada harayna waa racaaya bilaa shaki waayoo waalabo sharwade SOMALIA maanta waxay rabtaa aqoonyahan phd wata oo kartidiina kurdarsaday iyo furfurnaan LABADA SHARIIF waa laba jaahilow walow shariif ahed xogaa xarxariiqday MAANTA ISBADAL WEYN baa dalka kasocda waxayna u baahan tahay aqoonyahan iyadoon qabiil loo eegin ciduu raba ha ahaado MANA KALA HARAYAAN INSHA ALLAH SOMALIA IS CHANGE

  25. garcad says:

    dabcan maya makala harayan sida aragtidaydu ila muuqato,hadaan eegay jawiga siyaasadeed ee wadankeenu sii galayo,waxan isleeyahay dad aqoon leh oo howsha wadanku ubaahanyahay iyo dhibka xubinkasta oo dawladeed iyo dal soogadhay ee ubaahan team aqoon leh oo kasari kara shaqadana yaqaan, baa imanaya booska ay banayeen labnada shariif oo aha laf dhuungashay mudadii sadexda sahanahayd,inay kalaharayaan ilama eka,aragtida labad ee an qabo waxay tahay in ay bilaabatay ciribtirkii,siyaasi aan aqoon lahayn,iyo qabqable,iyo jamhad danbe oo somali soo hor istaaga

  26. somali jecel: says:

    Runtii doodaan waa dood xiisa leh oo qiima badan ku fadhida,waana uga mahadcelineeynaa raxanreeb.
    ayadoon lays caaayin lays dilin in fikirka lays dhaafsado.waxaan qiyaasi karaa walaalkaan eedeeyey
    raxanreeb <ahmed omar . hadii uu qori haysan lahaay waxbuu dili lahaay,maxaa yeeley magaran karo
    waxa ka xaanaajiyey,laakiin wax uu dhibsadey ayuu meesha ka arkey waa laga yaabaa xitaa kuwa
    laga hadlaayaa mid ka mid ah inuu yahay,kkkkkkkkk.

  27. Midnimo says:

    FArmaajo
    BAADIYOW
    CAddow
    Samatar

  28. qoono: says:

    Salaan kadib,waxaan aad iyo aad ugu mahadcelinayaa,raxanreeb, runtii doodaan xiisaha leh waa loo baahnaa,ayadoon lays dilin, lays caayin.fikir lays dhaafsado,waa guul laakiin walaalka qoraalka ka xanaaqey,waxaan filayaa hadii uu qori haysan lahaay inuu wax dili lahaay.laakiin koleyba waxa uu dhibsadey,ayuu arkey hadalna dadkii waa ku qancin waayey.waa ahmed omer.marka waxaa laga yabaa xitaa inuu yahay ragaan ka hadleeyno midkood,,,,,,,kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk.

  29. Abdi says:

    Fad AMA hafadin waa lagu fadsiin. SHARIIF shiekh ahmed meel na uma socdo ninkii jecel iyo neceb ba. Afarta sano ee soosocota ayuu haynayaa waana heshiis ay Galeen museveni iyo QM bay . Mark my word!!

  30. Abdi Somali says:

    maya ma kali hari karaan —— waxaan hambalyo udiraayaa baarlamaanka cusub waxaan leeyahay waad waxaad doorateen gudoomiye baarlamaan oo umadu ku faraxday waxaan idinka sugaynaa madaxwayne umadu ku faraxdo jawaari niyada ha ka jabin umada daalan oo naga ilaali ninka lcagtuu xaday la ordaayo oo hogaamiye kooxeedyadii raba inuu umada dib ugu soo celiyo

  31. Gafaluu says:

    Waa kala hari karaan 2 shariif maxaa yelay marka horaba in la isku qabto ma’ahan 2 shariif midna waa mumin midna waa sheydhaan waad mafmi kartaan?

  32. caalim says:

    kkkkkkkkkkk way kal hari karaan lkn waxa fiican inuu sxbkiis codadaka uu barlamanka ku leeyahay siiyo maxa yeelay shariif shiikh waa nun fiican dadka sikalay u arkaan ban modaye hadii kalena farmajo

    1-farmajo hadii lawayo
    2- shariif shiikh axmed

  33. Midnimo says:

    Abdullow xaggee qoraalkaan caydu kaga tashaa?

  34. Midnimo says:

    Horta Dooodani waa dood macaan. Ragga ilaa hadda fikradaha dhiibtay waa rag bisil oo si wanaagsan u niqaashaya in yar mooyaane.

    SHARIIF XASAN

    Horta Waa mahad ilaah Ilaah haddii SHARIIF XASAN si dhib yar Nagu dhaafay. waxaase habboonayd in Millatarigeennu oo Proactive noqdo oo inta kala gurka ah uu SAFARKA u diido SAKIIN si uusan wax u maleegin. Hadda KENYA ayuu shir ku leeyahay bal magcee buu ku shir tagay. waa in meel la saaro SHARIIF SAKIIN wali waa rafanayaa

    SHARIIF AHMED.
    Haddii la doorto 4 sano ee soo socota somali waa k akhassaraysaa. Ilaah baan idinku dhaarshee Shariif Axmed maxuu qabtay intuu joogay. Waddanka intuu joogayba waa yar tahay. diyaarado raacow ayuu ku mashquulsanaa aan qorshe ku jirin. Waddanka la xoreeyay waxaa libilteeda iska leh farmaajo. taas halla waydiiyo reer muqdisho iyo Milateriga Somaaliyeed.

    Musuqmaasuqa Maaliyadeed waxaa ka badan tan kale ee saraakisha la iska dalacsiinayo, degmooyinka iyo goibiladda la iska magacaabayo ee aan qorshaha ku fadhiyin. waxaase soomali raalli kama ah in gobol walba labo loo kala gooyo yaa dhaqaale u haya.

    Cabdiwali GAAS.

    Cabdiwali waa raacayaa. Anigu ninkaan shahaadadiisa waxba ku fali mayo dadnimaa loo baahan yahay. waxanan aaminsanahay inuusan helaynin xattaa 8 cod wareegga hore. haddaan shariif xasan wax u soo helin. the man is not so popular at all.

    BAARLAMAANKAN XALAASHAA MAXAAN KA FILAYNAA

    Baarlamaankani waa ka duwan yahay kuwii hore ee Call box ahaa. waa rag somaalino, waddaninimo iyo islaamnimo isku darsaday badankoodu.

    Waxaan ka filaynaa inaysan noo keenin waxaan aan ahayn.

    FARMAAJO Iyo BAADIYOW

    Wa billaahi tawfiiq.

  35. nabadon says:

    anigu waxaan ku taageerey aragtidiisa @mudug midnimda somaliya, waana runtii hadeynaan heleyn farmaajo ILAAHEY hanoo dooro shariifkeena hada ka dib mid jeeb maran oo mudo lacag urursi ku jira karimeynee

  36. Waberi says:

    Haa , I think sharif Ahmed is not comparable with sakin . It won’t be honest from me part do so . I will give only one ample reason . We all remember the last crisis ( the formageo government ) the person Who was solely responsible for that crisis was indeed sharif sakin and because of that The team leader Who we all wanted him to lead the executive branch of the govrenment has resigned . In that same Crisis cheick sharif has argued for an extension of at least year therefore the president has taken a very bold decision by advising and pressing the prime minister to step aside So that to avoid a total failure. On that day I was very disappointed and angry with the president. To be honest. I was cursing him and I tweeted against him very badly but he Prove me wrong who on earth say that he was wrong on that decision I think no one . That decision has given us a lot of hopes for one year Mogadishu is free , most of regions are also free , the nation institutions are coming to live , the army , police , the secret services are all taking shapesHaa , I think sharif Ahmed is not comparable with sakin . It won’t be honest from me part do so . I will give only one ample reason . We all remember the last crisis ( the formageo government ) the person Who was solely responsible for that crisis was indeed sharif sakin and because of that The team leader Who we all wanted him to lead Haa , I think sharif Ahmed is not comparable with sakin . It won’t be honest from me part do so . I will give only one ample reason . We all remember the last crisis ( the formageo government ) the person Who was solely responsible for that crisis was indeed sharif sakin and because of that The team leader Who we all wanted him to lead the executive branch of the govrenment has resigned . In that same Crisis cheick sharif has argued for an extension of at least year therefore the president has taken a very bold decision by advising and pressing the prime minister to step aside So that to avoid a total failure. On that day I was very disappointed and angry with the president. To be honest. I was cursing him and I tweeted against him very badly but he Prove me wrong who on earth say that he was wrong on that decision I think no one . That decision has given us a lot of hopes for one year Mogadishu is free , most of regions are also free , the nation institutions are coming to live , the army , police , the secret services are all taking shapesHaa , I think sharif Ahmed is not comparable with sakin . It won’t be honest from me part do so . I will give only one ample reason . We all remember the last crisis ( the formageo government ) the person Who was solely responsible for that crisis was indeed sharif sakin and because of that The team leader Who we all wanted him to lead the executive branch of the govrenment has resigned . In that same Crisis cheick sharif has agreed for an extension of at least year therefore the president has taken a very bold decision by advising and pressing the prime minister to step aside So that to avoid a total failure. On that day I was very disappointed and angry with the president. To be honest. I was cursing him and I tweeted against him very badly but he Prove me wrong who on earth can say , he was wrong on that decision . For this one year has given us a lot of hopes . Mogadishu is free, most of the regions are free , the nation’s lost institutions are coming Back to live , the army , police, the secret service are all taking shape. I think the cheick sharif is the right man for the presidency and I present me reasons why I think so : Somalia is on crossroad , it needs a man who is tested , hamble , honesty, patient, a man who is very careful of what he says so that he can bring closer the Somalia people from the north and the south and harmonise between them the executive branch of the govrenment has resigned . In that same Crisis cheick sharif has agreed for an extension of at least year therefore the president has taken a very bold decision by advising and pressing the prime minister to step aside So that to avoid a total failure. On that day I was very disappointed and angry with the president. To be honest. I was cursing him and I tweeted against him very badly but he Prove me wrong who on earth can say , he was wrong on that decision . For this one year has given us a lot of hopes . Mogadishu is free, most of the regions are free , the nation’s lost institutions are coming Back to live , the army , police, the secret service are all taking shape. I think the cheick sharif is the right man for the presidency and I present me reasons why I think so : Somalia is on crossroad , it needs a man who is tested , hamble , honesty, patient, a man who is very careful of what he says so that he can bring closer the Somalia people from the north and the south and harmonise between them . I would have hoped to see a united front of the current president , prime minister, formageo, badiyo and many more likes but let’s hope best for our dear nation

  37. hamza says:

    Su,aashan mar hore ayaan rag somali ah ugu jawabay,jawaabtu makala hara- yaan ee way
    israaca -yaan,waayo dhowr sababood
    1-waa labo dagaal oge oo dagaaladi ahliga ahaa kama marneyn,aga fikerka iyo maalka iyo
    Gacatuba way ka soo dagaal galeenmilaahna waa ogyahay taasi.
    2-waa labo dhibaato ogayaal ah ,Somalidana wey og-tahay intoda badan (wadani).
    3-Waa tuugo oo waxa la lee yahay xoolo badan ayaa lagu heysta (suspicious )
    4-ma lagu amini karo sir dowladeed

  38. nurudin says:

    walaalayaal aniga waxaan ahay nin aqoon yahan ah 30 kudhowaad kunoolaa wadamada yurub waxaana deganahay wadanka sweden horta marka hore i lahay wadanka hanoo dajiyo hadaan usoo noqdo doodaan labadaan nin nadhaafiya waayo waa labanin oo aqoon lahayn dawladnimada wax ka aqoon cadeyn yarbaan idinsiinayaa lacagihii dadka masaakiinta soomaaliyeed magacoodii lagusoo qaatay ayaa maanta larabaa in doorasho lagu galo oo weli lagu faanayaa lacag baan heystaa cajiib soomaalina anigu waxaan qabaa inay soomaali matali karin aqoontooda liidado marka soomaaliya waalayaqaana dadka ehelka u ah waa dad aqoon kufilan leh waayo aragnimo leh dadka masaakiinta unaxayo waayo soomaaliya 22 sano ayaanu aduunkii kaharnay marka soomaaliya waxay doonaysaa bad baado dadkeenii ayaa aduunka yaacsan qaar xabsiyada kujiraan qaar qoxooti ah marka anigoo hadalkeyga soogaabinaya nin aqoon leh meesha haloodhibo dadka u naxaya hanoo keenina nin maalin walba shilin jeebka kushubanaya sida labada shariif no shariif

  39. hakim says:

    makala hari karan wayo sh.axmed macalinkusu waxa uu ahaa sh.sakiin,waxakale oo layableh sh.ahmed in uu udodo oo udagalamo inaysonoqdan qabqablayashi dagalka, horayna uu asagu xiligi maxakimta uu uladagalamay marka shariifku ma hada ayuu saxanyahay oo wuxuu qaldanaa xiligii uu ladagalayey qabablasha mise cagsigeda? jawabtu waxaytahay sharifku dantisa garka ah ayaa uga muhimsan qaran nimada umada somaliyed marka laguma kalsonan karo macalinkisi haraco .

  40. dulmane says:

    labada shariif waa daalimiin ilaahay umada soomaaliyeed haka qabto iyo abdiweli wax ka kheyr badan ilaahoow noo kas aaaaaaaaaaaaaaaamiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiinnnnnnnnnnnnnnnnnnnnnnn

  41. dulqaad says:

    kalama hari karaan ilaaheeyna waxaanka rajeeynaa inuuw kiihore meeshuu maray kana marsiiyo tuugada xaaraanku naaxyaashaa

  42. hidawanaag says:

    waxaan idinku salaamayaa salaanta islaamka ah oo qofkasta looga baahanyahay asc wr wb,waxaa qabaa shiikh shariif inuu kafiican yahay shariif sakiin lakiin manta waxaba ismadhaamaan waayo shiikh shariif wuxuu isubadalay qabaa ili markuu yiri ragii dhibka kagaystay soomaliya dhiigbadana daadiyay dad soomaliyana dhib ay ugaysteen markuuyiri halagu daro baarlamaan ka soomaliyeed una uolalaynaya shiikh shariif waa wax aad loola yaaba somalina iskuiman mayso xalnalaguma gaaro shiikh shariif waxa uulahoyday ceeb iyo nin jeclaysi,mana matalikaro marlabaad umada soomaliyeed,

Leave a Reply