DOOD FURAN: Yaa Ah Dembiile Soomaaliya?
Soomaaliya waxay uu hadda galaysaa marxalad cusub, oo sida la sheegayo looga baxayo kumeelgaarka. Waxaa la sameynayaa dawlad cusub iyo baarlamaan cusub. Dadka qaar ayaa hadalhaya in dawlada cusub aan lagu soo dari doonin dadkii dembiyada ka galay dadka iyo dalka.
Guddiga xulista baarlamaanka Soomaaliya waxay soo bandhigeen illaa 7 qodob ooo shuruud looga dhigay qofka raba inuu MUDANE baarlamaan ka noqdo golaha baarlamaanka cusub, [Halka ka Akhri] kuwaasoo kala ah;
1- Waa inuu ahaadaa muwaadin Soomaaliyeed
2-Waa inay da’diisa u dhexeysaa 25-75 sano.
3- Waa inuu heystaa shahaadada dugsiga sare [ugu yaraan].
4- Waa inuusan horey dalka iyo dadka dembi uga gelin.
5- Waa in dhimirkiisu buuxo.
6- Waa inuu yahay qof dhowraya dhaqanka Islaamka.
7- Waa inuu leeyahay waayo aragnimo ku haboon.
Ma ahan kaliya baarlmaanka cusub ee waxaa sidoo kale jiri doona dabagal iyo raadraac lagu sameyn doono dhamaan falalkii xadgudub ee ka dhacay Soomaaliya mudooyin hore! taasoo kaliya suurtagali doonta marka nidaam adag iyo kala dambeyn ay dalka ka hirgasho.
Haddaba su’aashu waxay ka taagan tahay “YAA AH DEMBIILE?”.
Inkastoo mudaddii burburka ee 22 sano ay dheceen xadgudubyo waaweyn oo nooc kasta leh, haddana ma jirin maxkamad illaa hadda qaaday dembiyada dalka ka dhacay nooc kasta oo ay yihiinba, illaa la helo maxkamadasna waxaa adag in qof lagu tilmaamo “dembiile”.
Arin kale waxay tahay, dadka qaar waxay sheegayaan in xadgudubyada Soomaaliya aan laga bilaabi karin burburkii kaliya ee ay tahay in xitaa lagu xisaabtamo wixii dhacay mudaddii 21-ka sano ee militarigu dalka ka talinayey.
Haddaba sidee loo qeexi doonaa dembiile? yaa dembiile noqonaya? maxaa dembi ah? yaa xukumaya dembiilayaasha ma caalamka mise garsoor Soomaaliyeed?
Musuqmaasuqa iyo barakicinta ma ku jiraan dembiyada la isu raaci doono mise dilka kaliya lagu xisaabtami doonaa?
Ma la joogaa xilligii la su qabsan lahaa xadgudubyada laga geystay Soomaaliya? Ma tahay inay Soomaalidu is xisaabiso mise waa la iscafiyaa oo waxba la isuma raacdo si loo dawoobo qaranna loo dhido?…. waa dood furan!!!!
RBC Radio












Waxaa Dambiile ah Somalia dadkan hoos ku qoran:
(1) Cismaan Caato
(2) Yalaxow
(3) Faroole
(4) Qeybdiid
————— Intaas ha laga ilaaliyo inay xil u qabtaan ummada Somaliyeed
ninka shalay shaar qabiil qaranka ku dumiyey
haddana kitaab usoo qaatay oo dadkii laayey
haddana hasyta hantidii dadwaynaha kii soo doontana dilaya
haddana hala idoorto leh baa danbiile ah
sideedaba in la dhaho hebel waa dembiile waxa ka fiican in la dhaho wofkii waxaas sameeyey waa dembiile si ay u fududaato in la garto qofka dambiilaha ah anigu waxaan aaminsanahay in uu dembiile dadka iyo dalkaba dembi ka galay uu yahay qof kasta:
. Oo dagaal ooge ahaa noocuu doono ha ahaado magac qabiil,mid urur ama mid dowladeed ha ku daadiyo dhiigga somaliyeed
.Oo musuqmaasuq iyo heshiisyo qarsoon lagu helo
.Oo dano shisheeye in uu u adeegayo lagu helo
Sadexdaas arrimood ciddii ay ku cadaato waa dembiile qaran waana in maxkamad lasoo taagaa mid islaam iyo mid gaal kay dooni ha ahaato
Waxaa dambiile qaran ah cid kasta ee dalka ka gashay dambi. Haddii aan wax yar ka xuso waxaa ka mid ah
1. Raggii hoggaaminayey jabhadii SNM, SSDF, USC, SDM, SPM iwm. Waa ragga dalka uga soo duulay dhanka Itoobiya iyaga oo duminaya qarankii Soomaaliyeed. Qof kasta ee jabhadaas la shaqeeyey, ha ahaado madawweyne ama shacab ee maanta waa dambiile.
2. Raggii hormuudka ka ahaa dagaalka sokeeye oo ay ku jiraan kuwa kor ku xusan iyo qabqablaayshii caanka ahaa.
3. Ganacsatada bililiqaysatay ama ka hodontay hantidii qaranka iyo hantida qofeed ee dadkeedi laga bara-kaciyey.
4. Kuwa heshiiska la galay ha’adaha shisheeye ee dhibaataynaya Soomaaliya, ha ahaato dhan dhaqaale, dhan siyaasadeed, dhan deegaan iyo mid dhaqanba.
5. Kuwa doonay in ay dalka kala gooyaan iyaga oo ka faa’iidaysanaya dhibaatada lagu jiro.
6. Kuwa lunsaday dhaqaalaha ay bulshada caalamku Soomaaliya ugu deeqday iyo wax soo saarkii gudaha.
7. Hoggaamiyaasha ururrada diimeed iyo inta la xiriirta.
Qofkii meel uun ka soo gala todobaas qodob wuxuu ahaanayaa dembiile Soomaaliya ama dembiile qaran. Si kasta ee xaalkooda loo qurxiyo ama si kasta ee daah loogu qariyaba, kuwaas ayaa ka dambeeyey dhibaatada ay maanta Soomaaliya ku jirto.
Asc, anigu waxaan aamin sanahay soomaalida inteeda badani waa danbiile ,wayo ? Tusaale ahaan ! Madaxda mamul goboled yada,kuwa federaalka, kuwa qabilka, qurba joogta, qaar badan oo culimada kamida, dhamaan intaas wuu ku yar yahay ,gacanku dhiigle, maanku dhiigle, marya kudhiigle,minja kudhiigle ,muruqkudhiigle, iyo mid ‘MAALKII UMADA dhacay ‘, lkn Danbiilayaasha ugu waa wayn soomaaliya waa GANACSATADA, khayaamo qaran tan ugu wayn iyaga galay dagaladana iyaga ooga,,, marka yaa laxukumaya ma umadoo dhan ? ? ? ? ? Hadii layirahdo Top tenka hala xukumo ayaa lay la qaatey aniga.
Somali oo dhan baa dambiilayaal sababtoo ah dhamaanten waxaan nahay
1. Gacan ku dhiigle
2. Af ku dhiigle
3. Qalbi ku dhiigle
4. Indho Ku dhiigle
waxaan nahay 10 milyan oo wada dambiileyaal ehe ICC du hanoo diyaariso qaabka ugu fudud ee dacwadeena loo qaadi karo… wabilaahi towfiiq
kuwa dastuurka maalintii dhowayd ansixiyey waa danbiilayaal, war waxaa is hortaagay oo mickirifoonka qabsaday nin gaboobay oo somaaliya , markaasuu ku heesayey Long life Mehig, Long life Mehiga, Long life Mehiga, inta kalena waa ka daba qaadayeen oo ninkaliya oo odayga ku yiraahda war naga fadhiiso nacalad ha ku kortee waa la waayey, war ninyow anigu yaabay sidee BIDOODKAN loogu heesaa war meeye dadkii soomaliyeed maxaa damiirkii kala tegay war miyaa la waayey ragii gacanta fududaa ee waxii xun iska riixi jiray. Bidood baa lagu saliyayaa nacale qabe ah
markaa dadkaasi ILAAHAY xagii denbi wayn bay ka galen, umada soomaliyeedna waa sharaf rideen.
anigu waan ooyaayey markii aan arkay ninkan africaniga ee soomalida hortaan adinkun waa u sacabinayseen
asc dhamaan marka xiga
dambiyada siyaabo kala duwan ayaa loogalay waxaa ugu daran midka hogaanka dalka hayo waxaan ognahay ganacsatada suuqbacaad iney dhaheen 2 nin aa nadhibtay shariifkaa maxkamada siisii laga wacay waa yimid 2 dii wiil dhaqantoosinlee ubaahnaayen gacantiisa ayuu ku dilay cadeynteeda waa lahayaa hadana asagaa dhahaayo gacan ku dhiigle naga ilaaliya
Anigu waxaan qabaa in ay dad ka badan boqolaal kun in ay yahiin dambiilaha la sheegayo.Hase haatee waa la kala dambiyo badan yahay.Dambiyadu waxay u kala baxaan noocyo badan.Haddiise laga hadlayo Qaran dumis waxaa dumiyey Muxammad Siyaad Bare.Waayo markii uu Caydiid soomaaliya dabka ku shiday maamul iyo dawladu meesha kama jirin.///// uu sii holciyey wadankii oo dhanba.Walina holacii bay ku wadaan.Marka lama soo koobi karo dambiilayaasha.Waxaase ugu waa weeyn kuwii dadka XASUUQAY walina isu haysta in aysan wax dambi ah lahayn.Haddii magac dambiile la sheegayo waxaa koow ka ah Shariif Axmad oo dilay dad aad u badan.
Waxa dambiile ah
1:ninka dad hantidiis xoog ku haysta
2:saraakiishii dawladii afwayne xasuuq ayay gaysteen
3:jamhadii U.S.C oo horkacayay caydiid oo xasuuq gaysatay
4:qabqablayaashii wadanka
5:Bare hiiraale oo dad guryahood kusoo weeraray 2001
6:hogaamiye yaasha ururka xagjirka ah ee alshabaab
7:maamulka somaliland oo dad ku xasuuqay gobolada SOOL.SANAG.CAYN
intaas ayaa dambiile ah waana in maxkamada INTERNATIONAL CRIMINAL COURT ee HEEG lageeyaa mid somaliyed waxba ma baari karaan mana xukumi karaan kadibna waa in xabsiga GUANTANAMO BAY lageeyaa kuwa kale qalab maaso leh oo dambigay galeen looga aari karo ma yaalaan
FROM: LOS ANGALES
Waxaa dambiileyaal ah khaatumoseegyada iyo kan doqonka ah ee ciise la baxay.
Ac Anigu waxaa ay ila tahay in aannu qiyaasi karno qofkastaa wax uu gaystay,waxaa illahay mahaddii ah in maanta la soo gaaray waqtigii aan isweydiin lahayn maxaa xun maxaase san,shaki kuma jiro khaladaadkii aaynu kala galnay in aan beri ku noqon doono sababtoo ah waanba aragnaa.
Si xal loo helo waxaa ila quman kuwa danbiyada galay in ay xishodaan kuwa laga galayna ay cafiyaan si hore loogu socdo.Waxaa aan sidaa u lee yahay marka aad tiraa hebel ama koox hebel waa danbiilayaan waxaa ay gali doonaan difaac dhianc kastaa ah taasina dhibka ayaa nagu sii badan doona si meel dhexe la isugu yimaado waa in iayagan lo sheego in ay ahaayeen qabiilaystayaal dadkii iyo dalkiiba burburiyay,dagaal oogayaal,wadaado diinta dhiig ku daadiyay,ganacsato dhibka dalka ka macaashay,maamulo qandaraasyo aan jirin galay IWM.lana yiraahdo waa la idin cafiyay ee is aruuriya ugu yaraan dhibka si uu u istaago horena loogu socdo.Danbiile waxaa ah somali oo dhan either direct or indirect ayaan uga qayb qaadanay dhibta
asc inta muslinka ah , dambiile waxaa ah somali badankeed, taas wuxuu yahay ( dambiile waa qabiil). taasi waxaa looga gudbi karaa iyadoo layes cafiyo diyaarna loo noqdo saysan taa u dhicin, waadmahatsantihiin .
Dambiilayaasha waa la yaqaannaa, intii burburisay soomaaliya ayaa kow ka ah ama geysatay wax ka dhan ah xuquuqul insaanka , dil, dhac, kufsi, argagixin, Dhac iyo haysasho hantida dadka ama waxyeelaynta deegaanka, dabadeedna intii dhaqaalaha dowladda kumeelgaarka musuqmaasuqday baa labo ka ah.
Ma orankarno waa hebel ilaa loo helo cadeyn buuxda, yeysanna noqon wax loo isticmaalo qofka aad necebtahay reer ahaan ama xisbi ahaan,
Qof aan dambiile ahayn oo muwaadin ahna in lagu xadgudbo ma wanaagsana
Dambiile waxaa ladhihi karaa Qofka markii danbigaas lagu soo oogo Xabsina ladhigo, Macnaha meesha kasocda waa Soomaaliya yaaneey Dowlad yeelan , Marka Qoraaga waxaa fiicnaanlahayd inaay su’aashu ahaato Maxaa noodiidan Dowlad nimada, Wadamo
Badan ayaa waxaa kadhacay Civil war Maa mulna looma sameeyo ilaa maxkamad lagu soo oogo criminals ka oo aay Dhuuntaan ama laxiro Marka su’aashu waxay tahay Soomaaliya Xumaan buug lagu Dhigay & Mid aan lamaqal baa waa laga galay Dadkee yaa wali la xukumay ? Viva Puntland & Soomaalia
somalida 30 sano ka wayn waa danbiilayaal waa in cadaalada la horkeenaa.
inta kayarna waa inay madax wayne doortaan . oo wadanka si cadaalad ah ugu shaqeeyaan.
Asc. Soomaaliya waa la garanayaa cidaa aan xil u khaban karin waxaa ka mid ah .
1. ganacsatada soomaaliyed oo daawada dhacday iyo cunada dhacday shacbak soo maaliyeed ka ibinyaa.
2. hogaamiye kooxeed ciduu doona ha noqdo waan magacabayaa
Maxamed Qanyare Afrax
Muuse Suudi Yalaxow
Maxamed dheere
Cabdi Qeybdid
Cismaan cali caato
Indha cade
Cabdi rahman Faroole
Xasan dahir Aweys
Xabsade
Adan madowe
Cabdi shakur
Cabdi raxmaan Ibi
labada magac ugu danbeyo waa ragii isku dayay in ey gataan bada somaliya marka waxaan ka codsanayaa soomaalida in ey ka firsadaan cida ey wax u dhibanayaa intaas iyo inta aan ilabayba soomaaliya wax maamul ah haba yarate yaan loo dhibi xitaa waxar indhala yaan loga tagin ayaan amin sanahay walalayaal .
Waxaa dambiile ah ninka maqaalkan qoray waayo suaal maha tani maanta waa la ogyahay somalida 80% waa criminals kala duduwan
Danbi hadii aad ula jeedaan diin ahaan shey danbi u ah qofkii gala oo lagu hubsado kuli soomaali waa danbiilayaal.
hadii kale xeer wixii somalida dhexdeeda danbi ku ah hala helo si markaas loo eego.
@xooshaawi waxaad moodaa inaad hebel leedahay mana aha wax fiican
waxa ka mid ah: caydiid aabe iyo will,caato,cali mahdi,yalaxow,SNM,SNC, cabdillahi yusuf, Meles,Shekh Aweeys Iyo AL SHAYDIINTA AL QAACIDA,Tuugga weyn ee qanyare Afrax,bahalka looyaqaano Morgan,Barre Hiraal, Indhacadde Tuugti Hawiye ee Xamar Xaalufisay ee Miisaska yilay xafiisyada yilay ka gaday yaman lisku weli ma dhama-??????????!!!!!!!!.