Doorashada Afhayeenka Baarlamaanka Iyo Ku-Xigeenadiisa Oo Maanta Dhaceysa


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho [ Radio RBC] Waxaa saacadaha soo socda lagu wadaa in magaalada Muqdisho ay ka bilaabato doorashada afhayeenka baarlamaanka iyo labadiisa ku xigeen.

Waxa magaalada tan iyo xaley ka socday qabqaabada loogu diyaar garoobayo doorashadaas.

Shanta musharax ee u taagan xilka afhayeenka baarlamaanka ayaa xaley kulamo gooni gooni ah iyo olole ay ku xod xodanayaan xildhibaannada baarlamaanka cusub.

Wariyaasha RBC Radio oo ku sugan halka ay ka dhaceyso doorashada oo ah dugsiga ciidamada booliska ee General Kaahiye, ayaa soo sheegaya in dhammaan xubnaha baarlamaanka oo kor u dhaafaya ilaa 260-mudane in ay hadda ku sugan yihiin garoonka diyaaradaha Muqdisho, halkaasoo basas looga soo qaadi doono, marka la baaro.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay, waxana wadooyinka Muqdisho lagu arkayaa saaka ciidamo boolis ah oo isku jira Soomaali iyo AMISOM.

Doorashada afhayeenka waxa u tartamaya ilaa shan musharax, halka xilka guddoomiye ku xigeenkana ay u tartami doonaan 11 musharrax, iyo afar musharax oo taagan guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Soomaaliya.

Ma cadda cida ku guuleesan doona doorashada afhayeenka baarlamaanka, waxana haddii ay dhacdo doorashadan lakala ogaadan doonaa xiliga la qabanaayo doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Wixii ku soo kordha warkan oo faah-faahin iyo sawirro wata waxa aan kala socon doontaan Raxanreeb.com.

RBC Radio
—————————–
Xafiiska Wararka Muqdisho

Share

Tags:

3 Responses for “Doorashada Afhayeenka Baarlamaanka Iyo Ku-Xigeenadiisa Oo Maanta Dhaceysa”

  1. [...] See more here: Doorashada Afhayeenka Baarlamaanka Iyo Ku-Xigeenadiisa Oo Maanta Dhaceysa [...]

  2. qoono says:

    waxaan ummadda somalieed ilaaheey uga baryeeynaa iney calooshoodaa allae isu xaaro wanaagana tuso,qabiil iyo daneeystana iska iloobaan wada noolaadaan taas aya qabiil nooga fiican kuwa dant ummadeena ka hormariya dantooda gaarna allaha naga qabto ,
    waxaan ka naxasanahay inaan maqlo sakiin ayaa wax noqdey,ilaahoow meeshaad melez marisey mari,

  3. somali says:

    NIn dooran doorta xow tireen :D waxow doortanada doorta xow tireen :D Ninka dooran waa kee? xiiso gooni ah ahey doorashadaan u leedahay Heshiiskii beelaha musharixiinta kala ah Shariif Xasan iyo C/Wali ee ahaa ineey beesha madaxweynaha labada kursi ee sare kala wareegaan.Maanta labada beel ee shariif xasan iyo c/wali mid baa ka quusan doonto in ey sii ahaato musharax madaxweyne ee toloow beeshaasi waa tee?shariif xasan iyo farsamooyinkiisii cajiibka ahaa C/wali iyo beeshiisa maku quusin doonaa mise isagaa la quusin doonaa? midka la quusiyase codkiisa ma siin doonaa midka u tartami doona madaxweynaha somaliya sida heshiiskii ahaa mise ninka ugu cad cad ayuu la gorgortami doonaa waa dantiisa ayuu ka hormari doonaa heshiis u muuqdo mid aan miro dhali karin mar hadii beesha caalamku beel kale kursiga la damacsan tahay iyadoo la eegayo habka wax qeybsiga qabaa’ilada ? ninkii aaminay shariif xasan ayaan war kale ka sugi doonaa.

Leave a Reply