Doorashada soo socota ee Madaxtinimo YAA KU LEH!! Yaase quus jooga? W/Q Farah Warsame
Doorashada soo socota ee Madaxtinimo YAA KU LEH!! Yaase quus jooga?
Farah Warsame
Bile1971@hotmail.com
Agoosto 12 2012
Maalmo kooban ayaa naga xigta waqtiga loo ballamay in la qabto tartanka doorasada madaxtinimada Soomaaliya. Siyaasiyiin, aqoon yahanno iyo shakhsiyaad kale oo qaabab kala duwan ku kala yimid ayaa intoodii badneyd Muqdisho waqtigan xaadir ku ah. Durba intaan doorashada la gaarin waxaa la maqmaqlayaa in rag badan oo murashixiinta ka mid ah rajo xumo ka muujiyeen in ay ku guuleystaan tartankaas, halka qaar kale rajadoodu kor u sii kaceyso maalinba maalinta ka dambeysa markaad ka qiyaas qaadato qaabka ay hadda wax u socdaan. Anigoo dib u dhigan doona kuwa la is-leeyahay waa suurto gal in ay jagadan maqaar-saarka ah ku soo baxaan, bal marka hore aan wax yar ka taabto kuwa aan u arko in ay sii quusanayaan anigoo talo yar siin doona.
Waxa aan ka hadlayaa waa saadaasha soo baxbaxeysa laakiin qof walba sida uu jecelyahay ayaan u rajeynayaa.
Kooxdan sii dabayshaneysa waxay isugu jiraan qaar hore magacyadooda loo maqlay iyo kuwo cusub, weliba rag iyaga ka mid ah waxaa la is lahaa doorashadan wey ku guuleysan karaan. Laakiin fikirkaa wuxuu sii naxiifay maalmo uun ka dib is-sharixidooda markii ay cambaareyn & shaki daba dhigeen. Walwalkoodana wuxuu aad u soo shaac baxay markii shir ay isugu yimaadeen ku sheegeen in ay Dallad ay ku mideysan yihiin sameysanayaan. Dallad & Doorasho labo shey oo isu key qaban waayay, quusna kuu muujinaya.
Laakiin shakigooda & cambaareynta waxay loo qaateen noqon laheyd haddii ay filayeen in inta shacabku safaf dhaadheer u galayaan, warqad & qalina iyagoo sita ay meesha sawirkoodu ama magacoodu warqadda doorashada kaga yaal HAA ugu codeynayaan? Ama Baarlamaan si xor ah shacab u soo doortay ay ka xulan doonaan kooda u qalma? Ama xitaa iyaga laftigoodu qaab xisbiyeed ama qaab kale oo doorasho ay markoodii hore meesha ku yimaadeen oo sidaana shacabkii soo doortay u matalaan? Maxay-se ugu maleeyeen Muqdisho oo ah meesha doorasahda lagu qabanayo oo weliba xero ciidan Afrikaan ku hareereesan yahay la doonayo in doorashada lagu qabto in looga dhaqmayo sidii magaalooyinkii qurbaha ee ay ka soo hayaameen? Waa wax iyaga yaabiyay!!.
Waxay ila tahay nin walbaa wuu ogaa waxa sugaya oo ka sii horreeya, iska daa in uu qaab wanaagsan lagu soo doortee wuxuu u bareeray in uu naftiisa halis ku geliyo meel kooxo, ciidamo & qabaa’ilo ku hardamayaan oo cidda keliya ee nin walbaa isku halleynayo ay tahay ciidamo afrikaan ah oo wax ay wadaagaan aanay jirin. Hadalada aan maqmaqlayaa waxay iigu muuqdaan kuwo meel waayay. Mar haddaadan shakhsiyaadka ku dooranaya kiish lacag ah hore ugu sii qaadin ama xitaa aadan hore uga dhaadhicin in aad rag kale (beel kale) oo ay is hayaan uga hiilineyso in aad waqtigan cabasho iska soo hormarisaa waa kuu doqonimo.
Adigoo’se og in aad tartanka meel dambe ka galeyso haddii aad madaxa geysay waxay ku qurux badneyd in aad iska adkeysato, iska sugto, kuna qanacdo natiijada ka soo baxda si la mid ah sidii ay ugu qanceen orodyahanadii nooga qeyb galay tartankii Olympic-ada ee sanadkan .
Taa haddaan intaa uga gudbo una soo noqdo kuwa kale. Waa 3 murashax oo waaweyn, kuwaas oo labo ka mid ahi noqon doona kuwa aan maqaalkeyga si kooban uga hadli doono. Saddexdan murashax waxay ka wada siman yihiin iyagoo isu arka in ay ka rajo fiican yihiin kuwa dalladda ku bahoobay. Labada murashax ee aan sida goonida ah u fallanqeyn doono ayaa kala ah Raisalwasaaraha hadda mudane Prof C/weli Maxamed Cali “Gaas” & Ra’isalwasaarihii hore mudane Max’ed C/laahi “Farmaajo”
C/weli & Max’ed ka sokoow aqoonta ay ku faanayaan waxay labadoodu mar ahaayeen saaxiibbo mar hal dhinac ka soo wada jeeday siyaasaddana hal dhinac u duulinayay, hal waddan-na ka soo wada duulay waxna ku soo bartay, waxaase isugu dambeysay markii labadooda oo mar R/wasaare & ku xigeen isu ahaa ay booska isu baneeyeen laakiin aan taladooda ku iman.
Cadaawad labadooda u dhexeysa horeyna uma maqal haddana ma heyno, laakiin markan xaalku labo saaxiibo ah ka fog , dab & basin ayay isu yihiin inta doorashadu socoto ama aan iraahdo Gaas & Farmaajo ayay isu yihiin. mid walbaana kan kale ayuu iska ilaalinayaa si uusan tartanka uga guuleysan, waxaadna ka dareemi kartaa sida uu midkoodna ugu oggoleyn in uu kan kale libinta ka helo howlihii uu mid walbaa qabtay. Soomaalidaa tiraahda “shiikh markiis yimaado shariif shubaakadduu (dariishadduu)ka baxaa!!, oo aan ula jeedo mar haddii kursi meesha soo galay saaxiibtinimo iska illow, waana wax lagu yaqaanno arrimahan oo kale.
Kama faalloon doono sida labadoodu saaxadda siyaasadda ku soo koreen, keliya waxaan ku koobayaa in ay isku waqti ahaayeen, weliba waqti aan sidaa u sii fogeyn oo 2 sano iwm ku siman. Laakiin waxaan wax ka oran doonaa halka uu mid walba is leeyahay waad kaga adag tahay kan kale ama garab waad ka heli kartaa, ama haddaan si kale u dhigo ugu muuqata in kuwa kale la tartamayaa ay isaga xijinayaan kursigan, xitaa marka lagu daro shakhsiga 3-aad ee aan kooxda quusatay ku jirin labadoodana magacaabay ee Sh Shariif Sh Axmed.
Haddaan ku hor maro Prof C/weli wuxuu ku doodayaa in uu yahay maskaxda ka dambeysa barnaamijyadii socday ee doorashooyinkan-ba ka dhalatay sida Roadmapka, heshiisyadii Garoowe 1&2, kii Gaalkacyo, kuwii Nairobi & Adisababa, dhaqan gelinta dastuurka iwm. Wuxuu sidoo kale rajo weyn ka qabaa golahan baarlamaanka ee cusub ee soo socda oo kuwii soo ururiyay uu sheekooyin dhex mareen sida la sii shaaciyay.
Garab kale wuxuu ka filayaa maamulada Puntland & Galmudug oo uu midna ka soo jeedo midna saaxiib dhow la ahaa. Puntland haddaan si gooni ah u soo qaatona waa xubin muhiim ka ah geedi socodka siyaasadda Soomaaliya ee waqtigan, qofkii aan taageero dhinacaa ka heysanna sidii horeyba dhowr jeer u dhacday xaalkiisu ma cadda halka uu ku dambeyn doono. Labada maamulba waa Puntland & Gal-mudug’e madaxdoodu waxay ka mid yihiin lixdii saxiixe.
Wuxuu kaloo C/weli gacan ka filayaa xukuumaddii ugu dambeysay soomaaliya oo uu isagu madaxda u ahaa kuwaa oo ay aad isugu dhawaadeen intii uu gar-wadeenka ka noqday marka laga reebo 2 ilaa 3 wasiir, qaarkoodna wuxuu ka badbaadiyay wareegtooyin ay xilalkooda ku waayi lahaayeen. Wasiiradaas oo loo badinayo in intooda badan baarlamaanka soo galaan iyagoo gacan ka helaya beelahooda.
Tan ugu muhiimsanna waxay tahay isagoo boos weyn ka xirtay beesha caalamka oo ah halka laga hago siyaasadda soomaaliya, waxayna saaxiibo dhow yihiin wakiilka QM u qaabilsan Soomaaliya Agustina Mahiga, wax badanna soo wada shaqeeyeen.
Dhinaca Farmaajo haddaan eego wuxuu taageerayaal badan ku leeyahay dibedda & gudaha soomaaliya gaar ahaan koonfurta soomaaliya. Wuxuu olole ballaaran oo uu ugu tartamayo kursigan ka waday caalamka bilihii ugu dambeeyay. Ka sokoow shacbiyadda uu ka helay waddamadii uu booqday & meelo soomaaliya ka mid ah, waxaa iyana garab socota taageero uu ka helayo warbaahinta soomaalida oo xagga kor u qaadidda magiciisa gacan weyn ka geysatay. Waxaana dad badani aaminsan yihiin in uu yahay shakhsi ku guuleysan kara doorasahda soo socota, isagoo hore u soo dhistay urur ama xisbi siyaasadeed.
Dhinaca beesha caalamka waxaa la sheegaa in uusan aad ugu faro dhuudhuubneyn. Waxay hore isu qaniineen wakiilka gaarka ah ee QM soomaaliya u qaabilsan Mr Mahiga. Sidoo kale dowladaha ciidamadu ka joogaan soomaaliya ayaysan sidaa isugu wanaagsaneyn, dowladahaa oo ahaa kuwii ka dambeeyay in booskii R/wsaare-nimo muddo ku siman 6 bilood kadib ka tanasulo.
Mudane farmaajo waxaa uu isku halleynayaa sida loo badinayo kuwa isaga siyaasaddiisa taageersan meel walba ha joogaane, waxaa sidoo kale dhici karta in ragga kale (kuwa quustay) ee ay doorashada ku wada jiraan qaarkood ama intooda badan ay codadkooda ku caawiyaan sidaana uu si sahlan ugu guuleysto, sidaan horey u sheegay-na wax walba waa suurto gal, xitaa waxaa dhici karta in midkoodna labadooda ku soo bixin laakiin waa saadaal aad u yar.
Labadan masuul (Farmaajo & Gaas) waxaa intaa u dheer oo ay wadaagaan iyagoo hal beel ka soo wada jeeda. Marka qaabka qabaliga ah ee soomaalidu wax ku qeybsato la eego-na, jagooyinka sarsare oo qaabka 4.5 lagu saleeyo ayaa boosaska qaar beelo gooni ah isa siiyaan. Fikraddan oo meel laga soo min-guuriyay aan lagaraneyn ayaa ah sababta keentay in Soomaalidu intooda badan saadaaliyaan in labadooda midkood ku soo bixi doona doorashada soo socota ee madaxtinimo.
Waxaa sidoo kale iyada meesha ku jirta, iyagoo is-xijinaya dowladda Mareykanka oo ay jinsiyaddooda wataan, dowladdaas oo ah awoodda qarsoon ee hagta siyaasadda waddanka Soomaaliya
Isku soo wada duub doorashadan ayaa u muuqata mid xiisaheeda & xasaasiyaddeeda wadata, keenina karta isku dhacyo siyaasadeed ama qabiileed. Waxay doorashadan noqoneysaa middii ugu horreysay ee gudaha soomaaliya lagu qabto, waxaa sidoo kale meesha ka sii baxaya xooggii awal kursiga loo adeegsan jiray. Xiisaha kale ee ay doorashooyinkan & kuwa ka dambeeya leeyihiin ayaa ah si aad jagada ugu sarreysa ugu guuleysato kuguma filna oo keliya reer hebel ayaan ahay waana in wax kale kuu weheliyaan sida shahaado aad jaamacad ka qaadatay, waayo-aragnimo hore ama shaqo wanaagsan oo aad hore u heysatay ama u soo qabatay ama xitaa ugu yaraan dhaqaale aad meelaha qaar isaga daboosho.
Waxaa intaa dheer waxaa la inoo sheegayaa markan in Soomaaliya dowlad rasmi ah yeelan doonto iyadoo dastuur loo sameeyay. Inkastoo aan ka mid ahay dadka aadka uga soo horjeeda dastuurkan oo waxyaabo dhaqanka islaamka ka fog ku jiraan, suurto galna ii aheyn in aan wax dhaqanka islaamka ka soo horjeeda taageero haddana waxaan Alle ka baryayaa in howshoodu ugu soo dhammaato iyadoon wax dhiig ah ku daadan.
Farah Warsame
Melbourne, Australia.
Bile1971@hotmail.com
========================================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM











Kkkkkkkk kkkkkk kkkk maad si toos ah u tiraahdid sxb madaxwaynaha wadanku waa gaas hadii la waayana farmaajo sababo qabiilnimo darteed hilaac biyihiisa waa cadaystaahe mida kale maxaad warkaas uu dhan waqtiga isaga lumee ma waxey kula tahay in aan la fahmayn dulucda qoraalkaaga allow rag u bixi
Qora Faarah Warsame waa qormo xiiso leh waa sadaal mihiima 3 murashax
ee uu Cabiray qoragu aniga ra,yi ahaan waa la qabaa
Walalow maxa laisku daalinayaa waxa ku guulaysanaya dr.gaas
Maqaal qurux badan weeye. Runtii
Waxay jeceshahay somalida inteeda badani in farmajo hogamiyo wana rajaynayaa inuu guulaysandono, lkn hadii Gaas ladoorto ama midkale, waxan urajaynaya inuu dadka si cadalada u hogamin dono oo uu qabyaalada iyo belayada faraha kala boxo.. Farmajo isaga wanu isku hubnaa inuu nadiif yahaye . Marka ilahayow madax weyne cusubi micna samayn maayee madaxweyne muslina,daacada,qabyaladana neceb ayaanu kaa barinay kuu doonaba ha ahaadeee, ama labadan ama kuwa kale…
acw dhamaan runti waa qoraal xiiso badan leh aadna moodo sadaal xaqiiqda u yara dhaw waxaan ku darsan 3 arimood oo midi ay tahay faalada labada nin ee qoraagu uu ka faalooday qoraaga waxaad moodaa in uu muujiyay wax yaalaha oo Gaas qabtay oo uu guusha ku doonayo wax kasta wax baa suura galiyo Gaas uma suura gasheen in doorasho dhacdo ama dastuur la sameeyo hadii aanu dawlada ka talin muqdisho oo alshabaab ay haystaan taasna waxaa suura galiyay maamul wanaagi iyo wax qabadki xukuumadi farmaajo taas oo ahayd dhinacyo badan dhiiri gelinti iyo mushaar siinti ciidamada iyo shaqaalaha dawlada, la dagaalanki musaq maasuqa iyo miisaniyada dawlada oo si wanaagsan loo maamulo waana mida sumcada farmaajo kor u qaaday waana mida uu iminka doorashada ku galayo taas halkaas aan uga gudbo 2 arimood oo kale 1 arinta aad labada nin uga faalootay waxay ku xiran tahay n la helo barlaman wanaagsan oo aan ahayn laaluush qaatayaal dadka iyo dalkana u danaynayo taas rajadeeda way igu yartahay aniga hadaan la helinna saadaashaada waa hal bacaad lagu lisay 2 tan labaad waxaan filayaa sanadadaan ma dhicin in somalida wax ay u madax banaantahay soo samaysato sidaas awgeed sow lagama yaabo in meesha aanu ku aragno shaqsi aan meesha laga filayn oo naloo keenay taasna haday dhacdo saadaashaada waa hal bacaad lagu lisay waxaa intaas sii dheer rag haysto xoolihi umada oo wax ku doonayo boorsoonyin lacag ah ma doonayo inaan cidna magacaabo labadaan nin aad sheegtay ma filayo in lacag sidaas u buuran ay haystaan hadii laga lacag bato saadaashaada sow hal bacaad lagu lisay ma aha wabilaahi tawfiiq
aad iyo aad ayaa u mahadsantihii qoladiina raxanrebr dadka qaarbaa dhahaya qaab qabiil ayey u taagaareen laakin sidaas ma ahn siyasadu wakhti ayey leedahay labadaa nin umadda soomaliyeed way ogyihiin waxay ay qabteen iyo beesha caalamku somalia lugweyn kuleh tusaale ahaa gaaz wax yaalaha uu ku guulaystay waxaa ka mid waxa looyaqaan road mapka oo khariirada nabada ee loo dajiyey somalia hadafkuna wuxuu aha in lagu hirgaliyo wakhtigii sanadka ahaa ee dowladu haysatay gaaz asaga oo tixgalinaya balanqaadkii uu sameyey oo ahaa halsano gudaheed ku qaban doono doorasho ayuu ka dhameyey waayo waa iniga aragna mesha hada xalku marayo mid hadaan ka hadlo waa tan besha caalamku waxay somalia madaxdeeda u taqaanaa kuwa musuqmaasuq lagu yaqaan lakiin gaaz taas way tijaabiyeen waxayna arkeen in uu yahay qof wax qaban kara marka sidaas ayey ku taageertay umadaha midoobaymidowga yurub maraykan oo kaalin wayn kuleh somalia dabada ka riixaya gaaz waayo waxaa jirtay mar lawaydiiyey qofka dorashada soo socota loo doorankaro wuxuu ku jawaabay mr gaaz wax yaala tusaale u soo qaatay waxaa ka mid ah dhaqaalo xumadii ka dhacday maraykanka wuxuu ahaaa gaaz khubaradii dajisay sidii lagu badbadin lahaa dhaqaalaha maraykan marka waa iska cadaha cida ku guulaysanaysa doorashada
Waaa qormo aad u xiiso badan, waxayna u dhigantaa faaqidaadaha ay ka sameeyaan jaraa’idada adduunku arimaha siyaasada marka ay meel halis ah soo gaarto siiba tartanada madaxnimo ee lagu loolamayo.
qoraagu waxaan is leeyahay waa nin aad ugu dhuundaloola arimaha hada somaliya ka socda, marka la eego dhinacyada uu ka abaaray saadaashiisuna waa mid aad runta ugu dhow.
aad iyo aad ayaan ugu mahad celinayaa qoraaga maqaalkan iyo webka raxanreeba
waa qoraal muhiim ah runtii siyaasadda wadanka at least waxabaad kala socotaan waana dhex dhexaad raxanreeb ka hufan iay qax u qoraan qaab QABIILEED, XIQDI iyo LIIDIS.
tan kale 2dan murashax waxaa aad rajadiisu u saraysaa waa GAAS waayo wuxuu ka soo jeedaa pntland oo POWER BASE ah halka,halka FARMAAJO gobolka uu ka soo jeedo ay ku dalaamayaan ITOOBIYAN iyo AL SHABAAB!!!!!!!!!!
runtii waa maqaal laqaadankaro oo faahfaahintiisu aay cadahay waxaanse alle kasugnaa waa in aay soobaxdo wax soomaali guul u’ah inshaa allah …ramadaan kariim
marka hore waxan dhaliilayaa shaqalaha ka howl gala raxanreeb sababtoo ah wixii ra’yi ah ee ka soo hor jeeda midka iyagu qabaan oo ah buun buuninta Gaas ee la soo gudbiyo wey baabi’iyaan ama tir tiraan.hadii aan u soo gudbo qoraaga maqaalkaan iyo qormadiisa gunaanadkeedu wuxuu noqonayaa labada musharax mid uu u xaglinayaa kaas oo ah Gaas wuxuuna ninka qoraalkaan soo qoray si dadban ula hadlayaa Farmaajo oo uu ku oranayaa koleey waxba keenimeyside gaas qaab qabiil ugu tanaasul,laakiin wuxuu qoraagu qalbiga ka saarayaa rabitaanka wadamada Ciidamada somaliya ka joogaan Meel Libaax soo galay lo ma joogeeyso.
Ninka maqaalkaa qoray, isaga ayaa caddeyn isu ah inuu Gaas u doonayo xilka madaxweynenimo, wuxuu ku dadaalay inuu is qariyo isagoo isticmaalaya fanka qoraalnimada, laakiin habka uu wax u suureeyay iyo iraahaha uu u isticmaalay ayuu qofka kasta oo waxgarad ahi ku fahmi karaa ujeedada uu u golleeyahay. Saaxiib nin kasta oo qoraa ah waxaa sharaf u ah inuu dhexdhexaad yahay, Walow ay dadka Soomaaliyeed ka buuxaan dad badan oo academics ah ama heerarka kala duwan ee waxbarasho soo maray hadana qabiilka iyo qabyaalada ay tahay iniin ku dhex beeran.
TO Farah warsame:Dhamaantiin waxaan idinku salamayaa salaanta islamka salaan ka dib qof kastaa ra,yigiisuu xor u yahay.Blase anigu waxaa ay ila tahay arrimo badan oo uu faarax sheegay in aanay meeshaba oolin.
Sida in Gaas international communitiga ay wataan ama uu xiriir dhow la leeyihiin,taa waxaan u arkaa faarax in uu isaga ku darsaday qolada uu sheegay wey og-yihiin wax wadanka ka jira
Ta ah Gaas waxqabadkiisa in badan waa laga badbadiyay 2 arrimood waliba
1-Ta ah in uu hirgaliyay ROAD-MAP iyo Constitition ka waxaa ay ahayad howl ay wateen international commnuity waxaa ay ahayd howl loo tilmaamayay oo socotay adiga ankee haddii aad joogi lahayd sidan ayay wax u dhici lahaayeen
2-Ta waxqabadka dawlada aan u kala qaadno dhanka amaanka(ciidamada)iyo dawalad wanaagga(good govermenance)Ta ciidanka ciidanka dawalada 24 saac isma difaaci karo displin ma leh waxaa intaa u dheer 10 billod mushaaro ma qaadan,guushoodu waxaa ay ku xiran tahay ciidanka AMISON.
taa lama oron karo waa guul
2-Ta good governance ra,isal wasaare la lee yahay wax buu xaday tax exception ayuu u sameeyay dad reerkiisa ah qaxooti somaliyeed hortiisa la haystae ugu yihin dalkana ka fadlilay puntalnd maba garan karo wax wanaag ah oo lagu sheego.Ta taageerada puntland waa iska arrin qabiil mana sida aad wax u dhigtay ee ah qofkii an puntalnd tageero ka haysan in uusan soconayan maamulka puntland ma ahan maamul somaliyed ee waa maamul qabiil waxaana ay ku xiran tahay sida ay ka yeelan madaxweynaha markaa maamulka haya iyo international community puntland ayaana ugu fudud wax lala xaalo(ma soconayso marka masul puntaland yimado law and order in laga hadlo)marka qof kale yimadana lama shaqaynanyo ee arrintu waxaa ay noqonaysaa in la is maquuniyo.
Ta galmudug mugdi badan ayaa iiga jira taa.
Tan farmaajo ankee haddii uusan ku guulaysan muwaadin kastaa oo somali ah ugu yaraan wuxuu qirayaa in uu ka wadanisan yahay kana qabyaalad yar yahay kana nadiifsan yahay sida aan filayo(iyagoo 2 gacmood ah gaas iyo farmajo)waxaan qabaa in somalidu arki doonto dalka in la haysto waa jirtaa in mahiga iyo farmajo aanay isku fiicnayn farmajo oo ku soo baxaa waa mahiga oo la bedelo iyo ceebo badan oo uu lee yahay oo soo baxi doona bedelkii farmajo la bedelayna ma ahayn arrin puntland ay haba yaraatee wax role ah ku lahayd sida aan maqlay ee shariif xasan oo itobiya ay adeegsatay ayaa ka danbeeyay marka la fiiro nidamka dawlaiga ahana farmajo ayaa fududaa in uu ka baxo meesha Gaas na waxaa igu maqal ah inuu balantii uga baxay farmajo oo golaha wasirada iyo shiikh shariif isku ogayen in la diido laakiin gaas uu si hoose uga xiranaa shariif xasan iyo itobiya,farmajo iyo itobiyana ay isku dheceen markaa golaha wasirada uu magacaabayay farmajo waa sidan igu maqlaka ah meesha ma aan joogin.Anigu waxaa ay ila tahay gaas oo ku guulaystaa waa qabyaalad iyo musuqmaasuq soo laabtay cadayna u ah dalakan in usan degin.Farmajo waxaa wata shacabka somaliyed inkastoon kugu raacsnahay in shacabka aanay chioce lahayn marka GUUL AYAAN U FILAYAA KII DALKAN WAX KA BEDELI KARA HAW-SAHLAN MA AHAN
Qoraaga Waxaan u maleyey in uu Gaas sumcad uuna istaahilin u gobeyey. War Gaas waa nin bukah reerkiisa meesha u jooga, dastuurkana reerkiisa ugu daneynayey. Farmaajo waa nin qaran, Soomaaliyeed, qabiileyste Allah kama dhigin.
waa aragti shakhsi ah aad moodidna in ay katarjumayso xaqiiqada jirta marka laga fiirsho wax qabadka DR gaas iyo siyaasada dabacsan ee u muujiyay bahwaynta somaliyeed meel kastoo aduunka joogan iyo waliba khibrada aqooneed ee uu leeyahay taas oo soo jeedatay indhaha caalamka
qoraaga waa runtiis wxuu inoo sheegay inuu daarood yahay waxaanse usheegi lahaa inuusan wasaqeyn dadka sharafta leh ee ummada soomaaliyeed jeceshahay ayagoon ku jecleyn qaabiil sidaada oo kale farmaajo waa nin soomaali oo dhan jeceshahay qabiilna lagma jecla gaas waa nin lagu yaqaano qabiilinimo lagamana yaabo in uu maamul dambe ka qabto soomaaliya insh allh
horta soomaaliyeey soomaali isbaraty ma filayo qof aan hada soomaaliya siyaasadeeda si fiican u fahmin in uu jiro runtii qofkaan saas ahyna wxa u fiicnaan lahayd in uu marka siyaasad laga hadlayo ni uu qabyaalada meesha ka kasaaro mxaa yeelay soomaaliya dadka siyaasada ku firfircoon waa la yaqaanaa oo kursiga madaxa galay in kabadan 1000 sanona daba ordayay runtiina dadkaas waa dad siyaasada aad moodo in ay qabaailka kale soomaaliyeed ka uga fir fircoonyihiin ama ka jecelyihiin waana qabiilka daarood hakala saarin guud ahaan xaqiiqdu waa saas hadaa si fiican u fakarto maaha wxa walba in aad qabiilkii lasoo boodo dadkan taariikhda marka la eego soomaalida oo ah dad iqaaqaawan ayay wxa maamuli jireen maamulkana lagu yaqaanay maaha in aad wark aan qabiil u qaado si sax ah u fakar wxa laga hadlayaa waa siyaasad maaha maaha dagaal labo beelood laysku hayo intaas wxa u sii dheer labada jagada madaxwayne u cad cad waa labada aqoon yahan mr farmaajo iyo gaas walow taageerida caalamka ku kal fiican yihiin hadan qofka sitoos ah wxa u saadaalin karaa waa fahmayaa wxa muuqda hada
Daarood,hawiye,isaaq, digil iyo mirifle,iyo beesha shanaaad.
Intaba halkaas inaga dhiga . wax ay sheegayan malaha , lkn danteenu waa yaa wax qabankara ? Yaa wadani ah ? Yaa damiir leh ? …muxuu daarood ama hawiye itarayaa aniga qaran dhisan ayan rabaa only that is all . Iska ilawa plz
waa riyoonayaa ninka moodaya in Gaas uu madexwayne noqonayo
K.k.k.k.k.k hee duqa maxa samayn haduu dr.gaas noqdo ma guryaha muqdishaa dariishadaha kala baxaysaan k.k.k.k.k.k
alahayow nasii madax wayne daacada oo dalkiisa iyo dadkiisa daacad u ah sharcina ku dhaqma amiin amiin
INTA AAN KA ARAGNAY FARMAAJO WAA NIN SOOMAALI ISU KEENI KARA OO KA QABYAALAD YAR GAAS RUNTII
[[[[[[[[[[…
GAAS DOORO WAA FAROOLE AF-DOORSHAAN OO AAD DOORATO… GAAS YUUSAN IDIN GABAN WAA QABIILISTE AAN REERKIISA KA DHAMEYN… WAX UU SAMEYN KARANA MA JIRTO … WAA NIN WAREERSAN…
Dad wada jiran waar baa tigiin GAAS GAARA meesha uu gaaray iyo wuxuu soomaaliya u qabtay ama halkaas waligiin nacnacleeya oo XIN IYO XAASIDNIMO la taagnaada….. Nin Ragihi ma caytamo wuxuuna sameeyaa xaqsoor waana arrimaha MR. Gaas lagu doortay Insha Allahna waa guulaysan!
bacda salaan runti waxa hada somaliya ka socda siyaasad ma aha waa qabiil iyo nin jeclaysi anigoon hada u hadlayn qabiil iyo nin jeclaysi siyaasada saaxiibnimo ma leh nin walba wuu danaysanayaa danta gaarka ah iyo mid guud waa kala duwan tahay aan u soo dhaco ujeedada aan ka leeyahay hadalkayga shariif iyo farmaajo waxay ku balameen in laga wada shaqeeyo danta guud waad ogtihiin shariif baa ka baxay oo dhaafsaday danti guud hal sano oo loogu daro waxaad kalo ogtihiin gaaz iyo farmaajo inay saaxiibo hal meel ka wada yimid ay ahaayeen waxay ku wada socdeen in laga wada shaqeeyo danta guud hadaba maxaa dhacay marki ugu horaysay oo gaaz uu hor tagay barlamanki jiray oo uu ka raadsanayay inay siiyaan codka aqlabiyada irayadi ugu horaysay oo uu yiraahdo waxay ahayd aniga waxaan ka mid ahay xubno wasiiro ah oo tagay kambala 12 qodob oo lagu gaaray iigama muuqan wax qaranimada somaliya wax u dhimayo waxaa halkaas kaaga muuqanayo danasi dhaqso ah oo uu balanti saaxiibki uga baxay waxaa xigay marki lacagaha croptionka lagu eedayay masuulinta dawlada gaaz wuxuu farmaajo ku eedeeyay in ay ku maqan tahay 5 ml halka farmaajo uu shuruud uga dhigay in teamkiisu uu shaqeeyo gaasna uu sidaas ku yimid tan lacagta uu sheegay gaas jawaabta uu ka bixiyay farmaajo waxay ahayd ma filayo gaas inuu hadalkaas ka soo baxay hadayse jirto walaalkay gaas cadayn ha hor keeno umada somaliyeed haday been abuur tahayna ha u cadeyo umada somaliyeed in lagu been abuurtay dadka daacada ah waxna kala garan karo waxaa halkaas uga cad cida daacada ah iyo cidaan daacada ahayn dadka iyo dalkana waxay u baahan yihiin hogaamiye daacad ah ee uma baahno hogaamiye danayste ah ama jir jiroole ah qabiilna meel lagu gaari mahayo garsoorka waa somali wax bixintana ilaah ayaa leh wa bilaahi tawfiiq
Qoraagu fekirkiisa waa mid iska yar balse waxuu doonayaa inuu dadka maran habaabiyo Siyaasada ma laha Saaxiib joogto goormaase uga dambeesay Gaas & Farmaajo isku siyaasad noqday so ma ogid Gaas inuu ahaa Ninkii qoolka ka baxay Kampala accord,Sababaha isku casilay Farmaajo iyo sharuudahuu uu ku xiray? Iloowsha dhawaa Qoraaga ma Umal baa ? Farmaajo sharuudahuu la yimid is casilaadiisa waxaa ka mid aheyd in xubnahiiisa oo dhan dib loo doorto, Isagoo oo hogaaminayo Gaas in wasiiradiisa dib loo magacaabo.Gaas arintaas Nairobi/Muqdisho shir ku yeesheen intuu uu Farmaajo is casilin.Gaas waa u balan qaaday inuu soo celinaayo dhamaantooda. Kadib markii farmaajo is casilay balantii iyo qoolkii waa ka baxay gaas ileen waa nin derejo doon geed gaaban isku qarinaayay Wasiiradii Farmaajo oo dhan midna sooma celin. Waqtigaas baa rarka la kala furtay Farmaajo waxuu taagero badan ku leeyahay gudaha iyo dibada waa nin isku kalsoon .Mahiga iyo farmaajo colaado dhex taalo inta badan Gaas baa uga wacnaa markii uga dambeysay. Marka Siyaasada waa Aarsi ee ma laha tolnimo iyo is jecleysi caadifadnimo.
GAAS haduu helo 10 cod nin siyaasada wax badan ka aqaani walee aheyn.damaca musharaxnimo qof kasta ku jirtaa laakin nin siyaasadda u biseyl ma ahan Musharaxiinta badan waa iska magac u yaal Faroole waxuu awood u leeyahay meesha ma taalo. Nin walbo Awrkiisa ku kacsadaaa beenta balse xaqiiqada iyo qoraalkaaga waa mid kala fog. Farmaajo waa ninka kaliya ee maanta soomaalida ku kalsoon tahay 100%
Gaas & shariif xasan iwm loolanka siyaasada maanta waa ka dhac san yahiin mana aaminsani in cod badan heli karo
Siyaasadda ma laha saaxiib jooogto
A/C
Ku: dhex dhexaad
Wallaahi nin kaa run badan kaana xikmad badan in aanan ku arkin inta badan dadka halkaan wax ku qora.
Anigoo aysan iga aheyn afka baarkiisa iyo iska taageer, dan gaar ahna aan ka laheyn ayaan kuu qiray haybadaas Eebe ku siiyay.
Runloow in aad tahay waxaa daliil u ah in la cadeyn karo arrimaha aad sheegtay in ay Shariif iyo Gaas ku keceen ee ah ballan furka ay Farmaajo ku sameeyeen. Waa wax bulshadu wada arkaysay walina duuban oo cidkastoo rabta inay xaqiiqsato ka bogan karto.
Xikmadaadana waxaa daliil u ah in aad si xirfad leh isu saartay qoraalkaaga adigoo dhacdhac, eex iyo xadgudub ka dhowraya kuna soo koobaya hal akhris (Jumlo). Iyo sidoo kale adigoo aan akhristayaashaada ku daalineyn inay ujeedkaaga fahmaan ama ku wareeraan sida walaalka kor wax kusoo xarxariiqay oo kale, Laakiin si waadax ah u muujinaya dulucda qoraalkaaga.
Aadbaad ugu mahadsantahay saaxiib sida fudud ee aad xaqa noogu muujisay iyo sida aad noogu ogolaatay xorriyadayada ku aadan cidaan quluubteena u hibaynayno ama u dooranayno halyeeygeena.
Wabillahi Towfiiq!
Aniga shakhsi ahaan, hadaan fikirkeyga ku qiyaaso doorashada soo socoto, ilaa iyo hada waxaa ugu rajo weyn Farmaajo. Sababtana waxaa waaye, habka cusub ee loo xulayo barlamanka labada Shariif rajo fiican kuma laha. Sida u badan tahay Final waxaa iskugu soo hari doona Farmaajo iyo Abdullahi Caddow. Waa iska saadaalin, sidaasna waxaa kusoo bixi doona Farmaajo.
Abdiweli Gaas rajadiisa waxay ku xiran tahay Barlaman usoo xulay Faroole AMA isaga Sida doorashooyinka ka dhaca Puntland, taasina suurto gal ma aha. Maxaa yeelay Hal reer oo monopoly wax kusoo xulaneyso ma jirto. Marka rajadiisa Mr. Gaas aad bay u liidataa.