Dowladda KMG Ah Iyo QM Oo Cambaareyay Dilkii Yusuf Fareey


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho [Radio RBC] Dowladda KMG ah iyo QM ayaa si xoog leh u cambareyay dil manta loogu geestay magaalada Muqdisho Yuusuf Cali Cismaan (Yuusuf Fareey) oo ka tirsanaa wasaaradda warfaahinta XKMG ah Soomaaliya, oo kooxo hubeysay ay saaka ay dishay degmadda Dharkeynley ee gobolka Banaadi

War saxaafadeed uu soo saaray Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta, Mudane Cabdulqaadir Xuseen Maxamed oo nuqal ka mid ah la soo gaarsiiyay Shabadda RBC Radio ayaa ku u sheegay in uu ka xun yahay dilkii loo geystay agaasimaha, “Waxaan si gaar ah uga xun nahay dilkii saaxiibkeen, Yuusuf Cali Cismaan, oo ahaa agaasime howlkar ah oo wax badan ka qabtay Wasaaradda Warfaafinta” ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka oo intaas ku daray ayaa yiri, “Waxaan cambaareyneynaa dilka waxshinimada ah ee loo geystay muwaadin usoo taagnaa horumarinta dalkiisa iyo dadkiisa muddo ka badan 30 sano.” Dowladda waxay tacsi u direysaa qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday marxuumka, asagana waxaa Ilaah looga baryayaa in naxariistii janno ka waraabiyo.

Marxuumka Yuusuf waa kii ugu danbeeyay ee lala beegsado dil qorsheysan, taas oo dhawaanahan lagu hayay shaqsiyaad waxtar u leh bulshada Soomaaliyeed, sida shaqaalaha dowladda, saxaafadda iyo bulshada rayidka. Dowladda waxaa ka go’an in dabagal lagu sameeyo kooxaha caasimada ka fuliya dilalka qorsheysan ee argagixisada ah.

Dhinaca kale, Wakiilka gaarka xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya Dajire Augustine Mahiga ayaa canbaareeyay dilka loo geestay Yuusuf Fareey, waxana uu ugu baaqay dowladda KMG ah in ay baarto dilkaas, cadaaladdana la horkeeno kooxda geesatay falkaas dilka ah.

Si kastaba, Yuusuf Fareey, ka sakow waxa caawa xaafadda Towfiiq ee degmada Yaaqshid lagu dilay wariye Maxamuud Cali Yare ” BUNAYSTE”

Waxa marxuumka ifka kaga tagay sagaal  carruur ah iyo labo xaas waxa uuna in mudo ah ka soo shaqeynayay wasaaradda warfaafiinta Soomaaliya, sidoo kale waxa uu  Radio Muqdisho ka  soo noqday wariye  barnaamij soo saare.

Marxuumka ayaa sidoo kale  madax ka soo noqday wakaaladda wararka Soomaaliyeed ee SONNA.

RBC Radio

====================

Xafiiska Wararka Muqdisho

Share

Tags:

1 Response for “Dowladda KMG Ah Iyo QM Oo Cambaareyay Dilkii Yusuf Fareey”

  1. [...] More: Dowladda KMG Ah Iyo QM Oo Cambaareyay Dilkii Yusuf Fareey [...]

Leave a Reply