Dr. Gabboose oo eedayn kulul u jeediyey Madaxweyne Siilaanyo iyo Xukuumadda ka jawaabtay


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Hargeysa(RBC):- Xukuumadda Somaliland iyo Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedka UMMADDA Dr. Maxamed Cabdi Gabboose, ayaa eedo iyo jawaabo kala duwan is-weydaarsaday, ka dib markii Dr. Gabboose Madaxweyne Siilaanyo ku  eedeeyay inuu ka cago-jiidayo qabashada doorashada dawladaha hoose.

Dr. Maxamed Cabdi Gabboose oo ah Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedka UMMADDA oo ka tirsan lix Urur-siyaasadeed oo ka qaybeli doona doorashada golayaasha deegaanka Somaliland, ayaa war qoraal ah oo uu caawa ka soo saaray Hargeysa waxa uu ku eedeeyey Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo uu sheegay inaanu daacad ka ahayn qabashada doorashada dawladaha hoose.

“Doorashada dowladaha hoose waa tan ugu muhiimsan uguna baaxadda weyn doorashooyinka Somalialnd ka dhaca. Waa seeska Dimuqraadiyadda Somaliland, fursadna u ah muwaaddin kasta oo hiigsanaya himiladiisa siyaasadeed. Waxaa doorashadan ka abuurma Xildhibaannada golayaasha deegaanka iyo saddexda Xisbi, waxayna gogol-xaadh u tahay doorashada Madaxtooyada.” ayuu war-saxaafadeedkiisa ku yidhi Dr. Gabboose.

Waxaanu Gabboose nasiib-darro ku tilmaamay in dib u dhac ku yimaaddo doorashada dawladaha hoose, waxaanu yiri; “Waxa nasiib-darro ah, in doorashadii dawladaha hoose ee ugu horeysey uguna danbeysey ay ka qabsoontay dalka 2002-dii (toban sano ka hor), taasoo laga dheehan karo inay muddo dheer golayaasha deegaanku ku fadhiyaan, kuna maamulaan dalka sharci-darro. Waxay noqdeen aalad u nugul musuqmaasuqa iyo in looga taliyo Qasriga Madaxtooyada, taasoo ka saartay meesha madaxbanaanidoodii iyo la xisaabtankii dadweynaha.”

“Sida caadada u noqotay doorashooyinka Somaliland, kuwan iyo kuwii horeba, madaxda dalalka musuqmaasuqu aafeeyey, kalsoonina aan ku qabin shacbigoodu inay markale soo doortaan waxay cimri-dherer ka dhigtaan xaalad abuur, dhaqaale la’aan, qabyo-tir sharci IWM. Doorashada dawladaha hoose oo qabsoomi weydaa waxay sababaysaa in ta Baarlamaanku iyaduna dib u dhacdo, go-goldhigeeduna yahay in doorashada Madaxtooyada si ula kas ah loo qorsheeyey inay dib u dhacdo, taas oo dhibi jirtey Madaxweyne Siilaanyo waqtigii uu mucaaradka ahaa.” ayuu yiri Guddoomiye Gabboose.

Dr. Maxamed Cabdi Gabboose, waxaa uu sheegay inay Guddiga doorashooyinka Somaliland sameeyeen doorasho tijaabo ah oo hal maalin qaadatay, isla markaana ay ku ogaadeen qaabka ugu habboon ee doorashada dawladaha hoose loo geli karo, Xukuumadda Siilaanyana looga baahan yahay inay Guddiga doorashada kula shaqayso qorshahaas. Sidoo kalena aanay ka caga-jiidin qabashada doorashada ee ay sida ugu dhakhsaha badan u qorsheeyaan in doorashada golayaasha deegaanka la galo.

Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedka Ummadda Dr. Maxamed Cabdi Gabboose, oo ka hadlaya xilka Madaxweynaha ka saran qabashada doorashada iyo waajibka looga baahan yahay inuu guto waxa uu yiri; “Waxase xilka iyo waajibka Dastuuriga ahi ka saaran yahay MADAXWEYNAHA inuu sugo qabsoomidda doorashooyinka dalka xilligii loo qorsheeyey, keenona dhaqaalaha ku baxaya, dhamaystirona shuruucda doorashooyinka, diyaariyona jawi nabadgelyo iyo xasilooni ah oo ay doorashooyinku ku dhici karaan si xor ah oo xalaal ah.”

Dr. Gabboose oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yiri; “Nidaamka doorashooyinka Dimuqraadiyadda ku salaysan waxa doortey bulshada reer Somaliland, una igmaday madaxdooda inay taabo geliyaan. Masiirka intaa le’egna ma ahayn inuu noqdo mid ku suurta-geli kara oo keliya gacan shisheeye. Deeqbixiyayaashu iyagoo ku mahadsan caawimadooda, hadana waxay ahayd masuuliyad damiirku ina farayo in sannadba sannadka ka danbeeya ay yaraato baahida loo qabo ku tiirsanaanta deeqdooda. Doorashooyinka oo qabsoomiwaayaa waxay dhiirigelinayaan kursi jacayl iyo kelitalisnimo ay bulshada reer Somaliland waaya arag u tahay waxay dhaxalsiisay.”

Geesta kale, Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa ka jawaabay eedaynta uu Dr. Gabboose u jeediyey Madaxweyne Siilaanyo. Cukuse oo caawa la hadlay qaar ka tirsan Warbaahinta Hargeysa, ayaa sheegay in eedaynta Gabboose tahay hadal meel waayey, isaga oo ku tilmaamay nin jeclaystay inuu bulshada ka dhex-muuqdo.

“Eeddaasi Gabboose anigu waxaan u arkaa mid aan meel mar ahayn, waana nin iska jeclaystay in uu muuqdo, madaxwaynaha iyo xukuumadu waxay dadaal ugu jireen in ay doorashada goleyaasha deegaanku qabsoonsto sanadkan. Waa la ogyahay oo markii hore waxaa doorashada goleyaasha deegaanka caqab ku ahaa musharixiinta siyaasada oo muddo shan sanadood ah hor taagnaa, taasi oo ahayd arrin la furdaamin kari la’aa.” Sidaa ayuu yiri Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Cabdillaahi Cukuse.

Afhayeen Cukuse, waxaa uu ku dooday in Madaxweynaha Somaliland in isagoo kaashanaya khibraddiisa siyaasadeed uu ku guulaystay furista Ururrada siyaasadda oo ay Xukuumaddii ka horraysay diidday, si adagna isu hortaagtay, sidaa daraaddeedna uu daacad ka yahay qabashada doorashada dawladaha hoose oo si xor iyo xalaal ah Somaliland uga qabsoonta inta lagu gudo jiro sannadkan 2012-ka, arrinta cayimidda ama muddaynta wakhtiga la qabanayo ama ay qabsoomayso doorashadaasi tahay masuuliyad u gaar ah Guddiga doorashooyinka Somaliland.

 

RBC Radio

Xafiiska wararka ee Hargeysa.

Share

Leave a Reply