Ethiopia: Meles Zenawi Oo La Aasayo Sept 2
ADDIS ABABA (RBC) –Dowladda Ethiopia ayaa shaacisay maanta oo Jimco ah xilliga la aasi doono ra’iisal wasaarihii dalkaas Meles Zenawi, kaasoo toddobaadkan ku geeriyooday isagoo jira 57, isbitaal ku yaala Brussels.
Afhayeenka dowladda Fedaraalka Ethiopia, Kassa Tekleberhan ayaa sheegay maalinta Axada ee soo socota la aasin doono Meles.
Waxana uu sheegay in ay hadda socoto qaban qaabo ballaaran oo ku aadan siddii aas qaran loogu sameen lahaa.
Wuxuu kaloo sheegay in dadka loo ogolaaday in ay boqdaan meyka Meles oo hadda ku jiro xarunta qaranka.
Meles ayaa 21-sanno awooda dalka Ethiopia hayay, waxana uu noqday hoggaamiye si weyn saameyn ugu yeeshay gobalka iyo dunidda reer galbeedka.
Waxa hadda si ku-meel gaar ah xilka la wareegay ku xigeenkiisii ahna wasiirka arrimaha dibedda, Hailemariam Dessalegn.
Waxa la filayaa in ay ka qeybgalaan aaskiisa hoggaamiyaal ka socdo dunidda.
Ilaa hadda lama sheegin Meles waxa uu u dhintay, laakin warbaahinta Ethiopia waxa ay lee yihiin waxa uu u geeriyooday caabuq inta muda ah hayay. laakin aan la sheegin meesha uu ka hayay.
Geeridiisa si weyn ayaa looga dareemay gobalka oo dhan, gaar ahaan Soomaaliya oo ciidamo ay hadda ka joogaan dalkiisa.
RBC Radio
—————————-
Xafiiska Wararka Nairobi











WAXAAN ILAHAY KA BARYAYAA IN UU KA JARO DHIBAATADII UU UMADA SOMALIYEED UGEEYSTAY , ILAAHAY HA CADAABO ASAG IYO WIXII KANAXAY GEERIDIISA
[...] See more here: Ethiopia: Meles Zenawi Oo La Aasayo Sept 2 [...]
Waxan leenahay umada soomaliyed dhibkad ugeysatay manta waa kaa hormuuqda