Faah-Faahin Dagaal Khasaaro Geestay Oo Ka Dhacay Shabeelaha Hoose
Afgooye [Radio RBC] Dagaallo u dhexeeya ciidamada dowladda oo gacan ka helaya kuwa AMISOM iyo Al-Shabaab ayaa xaley ka dhacay deeganka Ceelsiniini oo u dhow degmooyinka Afgooye iyo Baraawe ee gobalka Shabeelaha Hoose.
Labada dhinac ayaa la sheegayaa in uu khaasaro ka soo gaaray dagaalka, walow aan lahayn tiro rasmi ah.,
Guddoomiyaha gobalka Shabeelaha Hoose Cabdu Qaadir Maxamed Siidii ayaa sheegay, in dagaalkii xaley khasaaro ka soo gaareyn Al-Shababa oo weerar ku soo qaaday ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.
Waxa kaloo uu sheegay in magaalada Marka ee xarunta gobalka Shabeelaha Hoose, ay u jiraan 20km sida uu hadalka u dhigay, daryaanka rasaasta oo laga maqlaayay magaalada Baraawe ayaa la sheegayaa in uu cabsi ku abuuray dadka ku dhaqan halkaas.
Waxana laga dareemayaa deegannada u dhow Marka cabsi ballaaran, iyadoo ciidanka huwanta ay wadaan dhaqdhaqaaqyo ballaaran oo ay ku damacsan yihiin in ay ku qabsadaan Marka.
Magaalada Marka ee xarunta Gobalka Shabeelaha Hoose, waxa ay ka mid tahay meelaha ay ku xooggan yihiin Al-Shabaab oo dhul badan laga qabsaday koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.
Ma jiro ilaa hadda wax war ah oo ka soo baxay Al-Shabaab. oo ku aadan dagaalka xaley ka dhacay dedeganla Lambar lixdan ee gobalka Shabeelaha Hoose.
RBC Radio
———————-
Xafiiska Wararka Muqdisho










