Faah-Faahin Dagaallo Ka Dhacay Bakool Iyo Geddo
Xudur [Radio RBC] Dagaallo Culus ayaa xaley waxa ay ka dhaceyn gobalada Bakool iyo Gedo, kuwaasoo u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa Ethiopia oo dhinac ah iyo Al-Shabaab.
In ka badan sagaal qof oo u badan dhinacyada dagaalamay ayaa ku dhintay dagaalada, sida ay lee yihiin wararka madaxa bannaan.
Dagaalada hore oo ka dhacay degmada Xudur ee gobalka Bakool, ayaa waxa uu ka dhashay markii Al-Shabaab ay weerar ku soo qaaday fariisimo ciidamada dowladda iyo kuwa Ethiopia ay ku soo qaadeen.
Saraakiisha ciidamada dowladda ee gobalka Bakool ayaa dagaaladaas ka sheegtay guulo, wallow Al-Shabaab aysan ka hadlin ilaa hadd
Inta dagaalka u socday waxa hawada laga saaray isgaarsiinta magaalada sida ay lee yihiin dadka ku sugan degmada Xudur.
Dhinaca kale deeganka Fax-faxdhuun oo ka tirsan degmada Baardheere ee gobalka Gedo ayaa la sheegayaa in uu dagaallo socday shan saacadood uu ku dhexmaray Al-Shababa iyo ciidamada dowladda.
Saraakiisha dowladda ee gobalka Gedo ayaa sheegay in dagaalkaas ay khasaaro ka soo gaareyn Al-Shabaab sida ay hadallka u dhigeyn, in kastoo wax war ah aan laga heynin Al-Shabaab.
Ma ahan markii ugu horeysay ee Al-Shabaab weeraro ku qaado gobalada Gedo iyo Bakool, waxana Al-Shabaab sannadkii hore weeraro ay ku soo beegamayaan Soonka ay ku soo qaadi jireen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM caasimada Muqdisho.
RBC Radio
———————
Xafiiska Wararka Muqdisho










