Faah-Faahin: Hilibka Waraabaha Oo Laga Cuno Kismaayo


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Kismaayo [Radio RBC] Warar lagu kalsoon ayaa sheegaya in magaalada dekadda leh ee Kismaayo gobalka Jubadda Hoose in laga cuno hilibka Waraabaha.

Dad ku sugan Kismaayo ayaa sheegay, in suuqyada si caadi ah loogu iibiyo hilibka Waraabaha,waana arrin ugub ku ah Kismaayo iyo guud ahaan dalka Soomaaliya.

Qof ku sugan Kismaayo ayaa leh “Si aan qarsoodi aheyn ayaa loogu iibiyaa hilibka waraabaha iyo subagiisaba meelo ka mid ah Kismayo iyo xitaa a maqaayadaha, dadkuna waa ay iibsadaan”

Arrintan waxa ay walwal ku keentay iyo walbahaar dadka ku dhaqan Kismaayo iyo guud ahaan gobalka Jubadda Hoose.

Magaalada Kismaayo oo ku taallo koonfurta Soomaaliya, waxa hadda ka arrimiya kooxda Al-Shabaab, ilaa hadda kama hadlin wararkan  ku saabsan in hilibka iyo subaga waraabaha lagu iibiyo magaalada.

Magaalada waxa ku nool dad lagu magacaabo Faraguri oo ah dad gacmaha iyo korka ka cad-cad, kuwaasoo markii dowladii dhexe jirtay lagu xanaaneyn jiray gobalkaas, laakin hadda magaalooyinka soo galay.

RBC Radio

Xafiiska Wararka Nairobi

 

Share

Tags:

25 Responses for “Faah-Faahin: Hilibka Waraabaha Oo Laga Cuno Kismaayo”

  1. Subxaana llaah waa gartay nimanka dadka biraynaya inay hilib dhurwaa cuneen

  2. Waligay waa wax soomaalida ku cusub ee waxaan maqli jiray qof neef qaba ayaa dhurwaa loo qalay

    marka allshabaab waa waxa naxdintu uga guurtay ee qof soo jeeda ay uqawracaan

  3. Salaaaamaaad
    kula_Aafaaaaaad
    war wuxu way ceebeeyeen mesha ala idin ma asturo .akh ish iyo uf.

  4. Soomaali says:

    Waa sheeko runtii soomaalida iyo dhulka soomaalida ku cusub, laakiin markaa diiniyan loo fiiriyo mowduucan, culumada islaamka intooda badan waa ay bannaynayaan, waxayna cuskanayaan axaadiis nebiga SCW laga soo weriyey.
    qofkii u baahda wuu daba geli karaa mowduucan inuu u baaro qaab cilmiyeysan.

  5. Hiray says:

    Horta waxaa su,aashu tahay waraabaha hilibkisu maxalaalbaa mise maaha xalaal?
    Hadaba jawaabtu waa xalaal madaaba uu xalaal yahay maxaan malmahaan umaqlaynaa waraabaa kismayu lagacunaa marka waxaa larabaa inaad fahfahisid waxaad shegaysid hadaad jaahil tahay su,aal dadka wax yaqaan Nabaadino

  6. c/qaadir says:

    Ninka isku magacaabay Hiray yirina hilibka waraabuhu waa xalaal hadana dad jaahil ku sii sheegayow
    waxaan ku leeyahay hadaad adigu tahay shaarica wax xalaaleeyey waxna xaaraan timeeyey waaruntaa waxa aad lasoo oroday ee balhade soocadee siduu xalaal kuyahay?

  7. Soomaaliweyn says:

    Aniga laftigaygu rag qashay ayaan arkay. Waxayna igula doodeen in uu nabigu banneeyey. Hadde maxaan kula doodaa, iyagaaba iga cilmi badnaaye.

    Arrintani waxay ka dhacday Shabeellada Hoose oo Kismaayo ka dhow.

  8. galdogob-gobolka-xiriir says:

    waraabuhu waa xalaal ayeey wadaadu ku shegen marka wax hubsada inkastoo aysan dhaqan noo ahayn taasu micneheedu maha inuu xaaran yahay bal horta wax barta somaliyeey

  9. Murqaweyne says:

    A/C

    Cidii Waraabe cuneysa iyo cidaan cuneyn waa wax iyada u khaas ah, Laakiin su’aasha muhiimkaa ayaa ah, Waraabaha in la dheefsado ma xalaalbaa mise waa xaaraan?

    Haduu xalaal yahay cidii doorbida ayaa cunaysa qofna ma dhihi karo UF!
    Haduuse xaaraanyahay waa arrin dhibkeeda leh waxayna kamid tahay xaaraanta faraha badan oo aan Soomaaliya iyo meel walba ku dhex walaaqanayno sida Qabyaalada, Qaadka, Tuugnimada, Dilka, Zinada. Dhaca iwm, waxayna u baahantahay in laga hortago.

  10. caraseedo says:

    Waxaan maqli jiray somalidoo tiraahda waxaas macunin,baahideedaandan arag,waxaas mamaqal inteedaadan jirin,iyo nimaan dhul marin dhaayo maleh,iyo indhihii dhimanwaaya geel dhalaayana waa arkaan IWM,marka qofkasta oo dunidaan saaran intuu nool yahay subax walba oo uu waagu u baryo,wax cusub buu indhaha ku soo kala qaadayaa,marka la yaab ma leh in dhurwaa la cuno,maxaa yeelay mar haddii culimadu iyo diintuba xalaaleeyeen,arintaas waa masalo diiniya,balse awal maanaan qabin baahi nagu xambaata,oo khayraadka Alle nasiiyay baa ka badnaa.Dhurwaa baa loo qaloo Neef baalooga daweeyay waan maqli jiray,laakiin waxaan u qabay,ninbukoow boqol kuu talisay,oo daawaa laga raadshay inay arintaasu ahayd,dabiibkana Allaa baneeyay,haddase sheekadii waxay isugu biyo shubatay [xalaal in lagu sheegay]VOA ka dhagaysta waraysigii SHEEKH UMAL]]oo aad wada taqaaniin oo ah culimadeena kuwooda inooga diga masiibooyinka, waxa uu ka yiri oo diintu ka qabto,!!!!!!!!!.Diintu la yaab ma leh,marka ay dhacdo in wax laysku khilaafo,kitaabka iyo culimadaa loo noqdaa waxa ay ka qabto diinteena muqadaska ah,marka yaan laysku khaldin diinta Alle iyo aragtiyaha iyo figradaha.Waxay ila tahay maanaan qabin baahi aan Waraabe u cunno laakiin imika wax walba la cun oo balaayo ka daran Waraabe baa habeen iyo maalin walba aan maqalnaa [Alloow nabadbaadi,dal iyo dadba] Aamiin.

  11. Garyaqaan says:

    somalidu waa dad muslim ah hilibka dhurwaguna diiniyan culimadaa cadeysay qofkii ku qanca waa cuni karaa waa xalaal sheekh umal ka dhageysta oo ku ceebeeya hadaad rabtaan shabaab hala aadina arinta

  12. mohamed says:

    wax lalayaabo ma ahan alshabaab waxkasta waa kasuuroobaan in ay kudhaqaqaan waxa ay soowadaan ayaa kadaran hadi ay siijoogaan
    Alshabab ilahay uma hakaqabto allow kuwaan nagaqabo magici iyo dhaqanki soomaliyeed waa ceebeeyeen
    yaaa allah yaaaaa raxman kuwaani umada dintodi waa fasahaadiyeen allow nagaqabo

  13. cadaani says:

    dadoow waxaydaan cilmi ulahayn oo kusaabsan maxalaalbaa waxaasu mise waa xaraan iska ilaaliya qofkii cilmi diineed u leh waakahadlikaraa hadaydaan aqoona culumada waydiiya siduu horay ALAAH UYIRI FAS’ALUU AHLA DIGRI INKUNTUM LAATACLAMUUN, oomacnaheedu yahay waydiiya dadka cilmiga u leh hadaydaan waxgaranayn sidaa awgeed cunidiisa iyo in soomaalidu aysan aqoon waa xaalad run ah oo waxaa bahalkaas aad looga cunaa jaziral carab iyo yemen lakin xalaalnimadiisa axaadiith saxaax ah ayaa kahadashay iyo culumo waaweyn oo uu kamid yahay imaam shaafici raximahaulaah anoo saas u og anba macuneen oo naftaa ii diidaysa maadaama aan wadankan laga cunin

  14. cadaani says:

    c/qaairow walaal hiray wakaa saxan yahay isagana maxalalayn ee axaadiith saxaax ah ayuu nebigu kuxalaaleeyay ee kutubta aykujirto baar oo aqri hadaad waxbaaran karto hadiikalana culumada waydii mafiicna inaan muran lasoo taagan nahay iskana ilaaliya inaad hawadiina waxku xalalaysaan ama ku xarintaan

  15. Puntland boy says:

    Nimanaankaa afka duubtay Hadana dhahaya waa jihaadeynaa baneystana daadinta Dhiig Umad muslimiina meel fog idinkoon ka fiirin waxaa idinku filan xalaaleynta nimankaan Aay xalaaleysteen In la dilo Qof markaas Aay salaad subax isla tukadeen iyagoo leh waa munaafaq Iwm Yaa u waxyooday ?Nabigeenii subanaa nabad galyo & Naxariis korkiisa ha ahaadtee Soow siirada iyo axdiistiisa saxiixa nalakuma barin Tariiqdii ninkii la oranjirey Ina binu ubaya Munaafaqa ugu weyna ahaa , Markii As Xaabtu u soo haajirtay Madiina Waxii la ogaa sameeyay Wiilkiisiina yiri Yaa rasuulu laahi Aabehay Aan
    Dilo Aniga nina ii qabsan maayee Rasuulkiina kuyiri Hadilin Hadhow baa nala oranayaa Dadkiisii buu leeynayaa , Dhaqankaas fiican Ee islam mee yay ? Hal asxaabi ah ayaa ogaa magacyada munaa fiqiinta Waana la ogaa markii rasuulkii SCW la oof saday in Rag Asxaaba ineey kukala cara reen bal ineey kujitaan liiska munaa fiqiinta , Aawey Dhaqankaas islaamku ?Cilmiga Diintu maahan oo kaliya 40 Xadiis & Quraankoo korka lagaxifdiyo , Nimankaan Afka Duubtay hala iska ilaaliyo , Viva Puntland & Soomalia

  16. sabrie says:

    Wixii ku cuni kara lama cuno. Sidaa owgeed somalidu iskuma daydo dabinta xoolo aan fududeyn qabashadooda. Waraabaha, Libaaxa, Haramacas, Maska, iwl, waa adag tahay sida loo xannaaneyo dunyadas. Teeda kale xoolahan waa kuwa iyagu cuna hilib kaliya, sidaa owgeed, fiyoobida dadka uma wanaagsana. Haddii gaajio ay jirto oo insaanku cunta xalaaleen karo, ma la xalaaleeyo hilibka “Doofaarka”. Waddanka Shiina ku gaaja baxay. Wuqooyiga Europa oo Ilbax ah ayaa cunta ka dhigta hilibka Doofaarka, kana fiyoobi wanaagsan hilibka Waraabaha. Wararkan Waraaba cunista waa been, wargeysku fidinayo.Muqdishaba waa 3-5 sannadood laga joogo waxa la is tusay, sawirro, waraaba soo galay magaalada iyo haraga ka bixinaya Ee runta ha la baadi goobo.
    Sabrie

  17. ina bulsho says:

    curato iyo caado labadaba kala duwan .cunista hilibka waraabaha waa curato. waa yaab

  18. ali says:

    somalidu nin kii xoolo agoomeed intasoodhaca uqala waxay utaqaan giisi bala kadhacday wixiisana waalacunaah laakiin qof kii ugarsada waxay utaqaan bakhti cune dad ka dhahaya waafadeexad in waraabe hilib kiis la cuno waxaan leeyahay waxaa fadeexad ah in aan xaaraam cunto dad kana cun siiso amaa waraabe muxuuyahay wuxuu kamid yahay xayawaanka xalaashaa

  19. Mursalow says:

    Diintu waa barasho ee ma aha maxay kula tahay …..halkaan dhagatsta

    http://www.voasomali.com/audio/Audio/200944.html

  20. xoghaye says:

    sheekh umal waxii daliil ah udaah anagana cunida soomaali dhaaf hadalka waraabe maxaa kaamacaan

  21. abu_sumaya says:

    AScwr dhamaan waan idin salamay akhaareey salaanta islaaamka ee qaligaa.Salaan kadib somalidu waxay tiraahdaa ilaahow nin aan wax ogayn ha cadaabin taas waxaan ka wadaa umada mesha wax ku qoraysa waxay shabaab ku haystaan waa hilibka warabahoo kale ee waraabe ma baanayahay mise banaana iska hubih marka hore…Lkiin waxaan shakiiiga jirin in badan oo soomaliyeed al-shabaab inaysan aqoon cilmiyayasan ku samayn ee uun qof cayaya ay iska raaceen sidaan hada idaacahada dal iyo dibadaba oo naadinaya alshaaab baa dhurwaacunay lakiin waxaa u fiicnaah lahad dadka inay iska hubiyaan dhurwaagu ma xalaal baab mise xaraan?waan xalaal xadiith saxiix ah baab kusoo arooray ee ninkii ogaayownah ogow kii aan ogaynownah baro dadkan haku caayina wixiinaa cilmi ulahay 20,30,40,ama ka badan oo sanaad islaam soo ahayd hadan maxaa xaal ah maxaase xaraan ah baan ku kala caday inaad dad xukunkay fulayaan aad ka hadashid baad rabtaa subxaanaka yaa ilaaah

  22. prof piccolo says:

    Asc Hilbika fardaha maxalaalbaa ? marka dadka qurbaha ku nool way cunaan oo dadka dhiigu ku yaryahey baa lasiiya warabahan waa lamid marka Kismayo waaxan u maleynaya hilibka dadka waa lagu cunaa maadama ay waxan sheegayan ay runtahey ?

  23. Caliyaalo says:

    marka hore sharci ahaan culimada ha lawaydiiyo , ma xalaal baa sida duurjoogta kale mise waa xaaraan? hadduu xalaal yahay hadde maxaa ku jaban !

  24. Cadaado says:

    ASC, :) waxaan sugnaa mar dhow, waa ayagoo nimanka saqajaamiinta ah ee argagixisada alsheydaan dhaha, hilibka dadkana waa la cuni karaa, hadiiba eeysan mar hore bilaabin cunida hilibka dadka. War waxani waa duli raba in eey dadka Somaliyeed diintooda nacsiiyaan. Fuckers.

  25. profoser says:

    asc raxan reeb 70 jir baan ahay waligayn ma maqalin.maantaa ma sheekadan baa noo keentay saxaafada raxan reeb maanta tvga soomaliag ku arkaay wart bal aniga yeen noconiin
    maalinta danbana waxaad dhahaysaaan dadkaa waa la cunaya subxaanlaah salaama alaah ilaahay baan ka hoos galnay rabiyow naga qabow

Leave a Reply