Faah Faahin Ka Soo Baxaysa Duqayn Xoogan oo Lagu Garaacay Magaalada Kismaayo
Muqdisho (RBC Radio) Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa madaafiic xoogan oo xalay lagu garaacay qaybo badan oo ka mid ah magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada hoose halkaasi oo ka arimiyaan xoogaga Al-Shabaab.
Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa waxay sheegeen madaafiicda xalay lagu garaacay magaalada ay geesteen khasaaro isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.
Sidoo kale dadka deegaanka ayaa sheegay in madaafiicdaan ay qaar ka mid ah ay ku dhaceen gudaha magaalada isla markaana ay ku geeriyoodeen ilaa iyo Shanruux sidoo kalana ay jiraan dad kale oo dhaawacyo ay soo gaareen.
Xeebaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada hoose ayaa waxaa lagu waramayaa in ay taaganyihiin maraakiib dagaal, kuwaasi oo duulaan ku ah magaalada.
Gudaha magaalada ayaa waxaa lagu soo waramayaa in dhaq dhaqaaq xoogan uu ka jiro, isla markaana dagaalyahanada AL-Shabaab intooda badan ay ka baxeen magaalada.
Saraakiisha dowlada ayaa ku hanjabay in dhowaan ay la wareegi doonaan magaaladaasi Kismaayo iyo deegaanada kale ee gobalada Jubooyinka, ayna ka saari doonan kooxda Al-Shabaab.
RBC Radio
xafiiska wararka Muqdisho











[...] Visit link: Faah Faahin Ka Soo Baxaysa Duqayn Xoogan oo Lagu Garaacay Magaalada Kismaayo [...]
good job halkaa kawada
Illahay ha unaxaristo intii ku dhimatay ialahy hacafiyo intii waxkasogaren wadhibatoyinkakajira somaliya qayb kamida wa arin naxdinleh
what is so good about killing innocent women and kids, your sick individual.
jeko xoolo intaadan qorin ka fakar , soomalida maxaa ka khaldan ayay leeyihiin noocaan oo kale ayaa ka buuxa
scwr wb waxaa yaaba ciidamada dawlada ee la leeyahay magaaladay rabaan inay qabsadaan soo wixii ay afgooye iyo jowhar ka sameeyeen samayn mayaan boob iyo kufsi mise kuwo dibada laga keenay baa la keeni warjiraba cakaaruu iman.