Faah-Faahin Kulan Deg-Deg Ah Oo Ra’iisal Wasaare Gaas La Yeeshay Taliyayaasha Ciidanka
Muqdisho [Radio RBC] Waxa maanta kulan degdeg ah, xafiiska ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cabdi Wali Cali Gaas ku yeeshay, ra’iisal wasaaraha iyo taliyaasha ciidamada dowladda KMG ah.
Kulanka oo ay ka qeybgaleen taliyeyaasha ciidanka nabad-sugidda booliska iyo milateriga ayaa waxa looga hadlay dhacdo, maanta ka dhacday taalada sayidka,ee waddada Maka al-Mukarama oo lagu rasaaseeyay taageerayaal soo dhoweynayay ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta ku soo noqday magaalada Muqdisho.
Kulanka oo ahaa mid albaabada u xiran, ayaa waxa uu dhacay, markii u soo dhamaaday kulan golaha wasiirada XKMG ah ay yeesheen maanta oo khamiis ah.
Iyadoo wax faah-faahin ah aan laga heynin kulanka degdega, hadana waxa looga hadlay siddii baaritaan loogu sameen lahaa falkii lagu rasaaseeyay dadkii taageerayay Farmaajo.
Ugu yaraan labo qof oo uu ku jiro askari boolis ah ayaa ku dhintay, labo kalena waa ay ku dhaawacmeen weerarka loo geystay taageerayaasha ra’ iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya.
Dadka dhaawacmay waxa ku jira gabar iyo weriye ka howlgala idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho oo lagu magacaabo Sujaac.
Ma jiro ilaa hadda koox sheegatay weerarkii maanta, magaalada ayaa waxa maanta ka dhacay wadooyinka ku yaala bannaan bax lagu taageerayo Ra’ iisal wasaarihii hore Soomaaliya Farmaao.
RBC Radio
————————
Xafiiska Wararka Muqdisho











“Baaritaan” hehe. Waxaa fiicaan Somalia in laga dhigo dhowr dal sida dalki la oran jiray Jugoslavia. In lakala jaro Somalia waan nebcaa laakiin, waxaan sanooyinkaan dambe ogaaday xalka Somalia in uu ku jiro in lakala jaro oo laga dhigo 4dal iyo ka badan. Dadka qaarkiis wuu dhibsanayaa taladayda, laakiin waxaan oranayaa dadkaas…ma heysaan xal kale? Waxaan ka guureynaa KUMEELGAAR, waxaana u guureynaa KUMEELGAAR kale. Waxaan ku jirnaa sidaan laga soo bilaabo 1991di dowladdi Cali-Naafto.
dhacado yaab leh ayeey ahayd oo kuu muujinaysa raja xumada taala muqdisho
meeshaan reer ayaa isa siiyay oo moodaya in dadka inta kale ay marti uyihiin laakiin wali runta la,isuma sheegin
muqdisho ama caasimad somaliyeed ayeey noqon oo ay dadka oo dhan usiman yihiin ama
magaalo reer leeyahay oo maamul ay ayagu leeyihiin uu ka arimiyo wax ka dhaxeeya majiraan
Waxan islahayn mogdisho tago guryihini laso noqda lkn hada waxa cadatay iskada shacabke xata kuwo madaxda sheganaya in ay wali ku qafilantahay mogdisho idinka leh cidna kulama tartami karto marka dasturka lagu qorayey casimada waa laga firsanaya waxas iyo wax la mid ah aya laga baqayey marka waxan odhan laha mesha casimada hala so raro inta ay ka bislanayso
R/wasaaruhu maaha taliye guud ee ciidamada qalabka sida kulankiisiina waxaa ka dambeeyey kii madaxweynu la yeeshay gudiga amniga kaas ayaana muhiim ah kol hadii madaxweynu yahay taliyaha guud isaga ayaana inoo sheegay inaan musharana laga aqbaleyn inuu ciidanka dowlada kala saaro oo koox ilaalo ka dhigto iyo in amaanka gacan bir ah lagu qaban doono sidaas darteed hadalka R/wasaaha wax qiimo ah malaha oo isagaaba qar ka laalaado:D
AAN KA AHAYN MADAX WAYNAHA, MADAXWAYNE HA WATO HUB, DADKALE HA DHIGAAN HUBKA……KKKKKKKKKK WAA WAX LAGU QOSLO. RAYSALWASAARUHU WAA NIN GARAN KARA SIDA WAX U SOCDAAN LAAKIIN DAD BAAN WALI QAS WADA …..SEE MADAX WAYNE DADKIISU UGU FURIKARAAN NIN MUSHARAX AH XABAD…MA XAMAR BAA LAGAAGA DHEERAYAY BAA ……BAL KA FAKIRA….FARMAAJO WAXAAN KULA TALIN LAHAA QUN YAR SOCO ISNA WAAYO DADKA DAN YARKAA EE XAMR KU DOORAN MAYAAN.