Faah-Faahin Kulan Looga Hadlaayay Ammaanka Iyo Siyaasadda Oo Ka Dhacay Villa Somalia


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho [ Radio RBC] Waxa xaley ka dhacay xarunta madaxtooyadda Soomaaliya kulan looga hadlaayay Siyaasadda iyo Ammaanka Muqdisho.

Shirkan waxa shir guddoominaayay madaxweynaha dowladda KMG ah Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.
Waxa kaloo ka qeybgalay qaar ka mid ah golaha wasiiradda XKMG ah, taliyeyaasha Ciidammada dowladda iyo Taliyaha Ciidammada AMISOM Andrew Gutti.

Ilo ku kalsoon kulankaas ayaa sheegay in shirka intiisa badan in looga hadlay waxa dhici kara marka uu dhamaado xiliga KMG ah oo ku eg maanta oo Isniin ah.

“ Waxa aan qiimeyn ku sameenay in la xoojiyo ammaanka wax kasta ay ku dhacaan siddii la rabay, ma dooneyno in si ciyaar ciyaar ah ay ku baabaan nabaddii dhiigga lagu daadiyay, kulanka waxa uu ahaa muhiim ah.

Waxa aan isku raacnay in wax kasta ay sidoodii ay ku dhacaan, lagana hortago wax kasta oo carqaladeen kara howlaha socdo” ayuu yiri madaxweyne Shariif.

Madaxweynaha ayaa ku celiyay hadal uu dhawaan sheegay oo ah in howsha guddiga farsamada ay ku koobnaadaan wixii loo dhiibay, odayaashana lagu qadariyo howsha ay hayaan, guddiga Farsamada waa in aysan ka tallaabin howsha loo diray”

Madaxweynaha ayaa yiri “ Ma rabno in aan fursad siino, cadowga aan ka guuleesanay, kooxo doonaya in ay carqalad ku sameeyaan howshii ay qabatay dowladda KMG ah oo maanta ku eg xiligeeda.

Ugu dambeyn waxa uu mahadceliyay ciidanka AMISOM oo uu sheegay in door weyn ka qaateen ammaanka Muqdisho iyo gobalada dalka.

Taliyaha Ciidammada AMISOM Andrew Gutti ayaa isna sheegay in ay ka go’antahay siddii ay u sii wadi lahayeen xasiloonida dalka.

Kulankii xaley ayaa la sheegay in uu gaaray saqadii dhexe , waxana uu socday dhowr saacadood sida ay sheegeyn xubnihii ka qeybgalay.

Kulankan ayaa ku soo beegmayaa iyadoo xiliga KMG ah ee Soomaaliya uu ku egyahay maanta oo Isniin ah, bisha August ay ku began tahay 20.

RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

Share

3 Responses for “Faah-Faahin Kulan Looga Hadlaayay Ammaanka Iyo Siyaasadda Oo Ka Dhacay Villa Somalia”

  1. [...] View post: Faah-Faahin Kulan Looga Hadlaayay Ammaanka Iyo Siyaasadda Oo Ka Dhacay Villa Somalia [...]

  2. Rooraaye says:

    Shariif by by meel xun alla ku dhig tuug

  3. Rooraaye says:

    Markuu ogaadey inuu doorashada uu helayn ayuu bilaabay shabaabkii xabsiyada ku jiray muqdisho ku soo daayo maxay kuugu taal wax walba iyo qalad walba uu sameeyo dowlad wanaagsan way dhalan maxkamad ayaa la taagayaa xitaa xagee ayaad ku noolaan tan kale unisom iyo ciidamada soomaaliya jooga xataa lagalama tashan maxaabiistii shabaab iridaa loo furey si ay caasimada fowdo uga bixin shariif waa lagu fahmey weyna u dhamaatey alle shiikh

Leave a Reply