Faah-Faahin Markab Shidaal Oo Dab Ku Qabsaday Dekadda Boosaaso.


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Boosaaso [Radio RBC] Sida ay sheegeyn Maamulka Puntland, waxa uu xaley dab qabsaday markab shidaal oo ku xirnaa dekadda Boosaaso ee gobalka Bari.

Wasiirka Dekeddaha iyo gadidka Badda Puntiland Maxamed Siciid Raage ayaa u sheegay mid ka mid ah idaacadaha maxaliga in laga warhelay markabka oo gubanaya, isla markaana xaqiida la ogeyn wax sababay in uu dab qabsadomarkabka oo shidaal waday.

Wuxuu sheegay in shaqaalaha marsada Boosaaso ay u sheegeyn in uu dab qabsaday mid ka mid ah matooradda Markabka taasna ay sabab u tahay in uu dab qabsado marka oo shidaal badan saarnaa.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in shaqaalaha dekadda Boosaaso ay inta karaankooda qabteen, siddii ay dabka ku damin lahaayeen, laakin markii awoodooda ay ka badnaatay in markabka iyo shidaalkaba loo jiiday gudaha badda, si uusan wax yeelo u soo gaarsiin maraakiibta iyo doomaha kale ee ku xiran marsadda.

Ilaa hadda lama sheeegin khasaaraha uu geestay dabka qabsaday markabka shidaalka, laakin waxa shaqaalaha dekadda ay lee yihiin waa ay yar yihiin wax ka badbaaday, laakin dabka hadda waa uu damay intiisa badan.

Markii ugu horeysay ma ahan ee dab uu ku qabsado markab dekadda Boosaaso, waxana inta badan khasaaraha ugu badan ka soo gaaraa ganacsatada u kireesan badeecadaha saaran maraakiibta, waxana aad u yer badbaadada marka ay arrintaasoo kale timaado, in wax uun la badbaadiyo.

Maamulka dekadda Boosaaso waxa ay lee yihiin qalab badan dekadda ma lahan, laakin waa la isku dayaa in wax la badbaadiyo.

RBC Radio               

 Xafiiska Wararka  Boosaaso

Share

Tags:

6 Responses for “Faah-Faahin Markab Shidaal Oo Dab Ku Qabsaday Dekadda Boosaaso.”

  1. [...] See the article here: Faah-Faahin Markab Shidaal Oo Dab Ku Qabsaday Dekadda Boosaaso. [...]

  2. somali runah says:

    Boowayaalow ilaah kabaqa oo toobad keena xaasidnimadii baa idin gubaysee.

  3. dhimbiil says:

    asc dhamaan umada islaamka ah meel ayjoogaanba ,salaanka dib wiilka somali run ah isku shagaya horta xaasidnimo Puntland mataalo ee meesha aytaalo adaa garanya . hadaan usoo noqdo guud ahaan maamulka Puntland gaar ahaan wasaarada dekedaha iyo gaadiidka bada ee uu hurmuudka ka yahay Eng said Mohamed Rage waxaan oran lahaa waad gabteen ama dayacdeen xaqee ay mudnayd in lamariyo dekeda bosaso aad iyo aad ayaa loo dayacay runtii maxaa yeelay dekeda bosaso waa wadnaha Puntland waa machine-ka wada Puntland iyada la’aanteedna Puntland horumar ma gaarteen .
    laakiin waxaad umalaynaysaa in arintaa lagu baraarug sanayn,dhaibaa too yinka haysta ama kadhaca dekeda Bosaso way soo noq nod daan hadan wax result ah lagama gaaro waana arin aad ufool xun.
    hadaadan caqligaagu kugu filayn wa inaad dhacdooyinka wax kabarataa .
    waxaan hadal kaygu kusoo gaba gabeenayaa in arintaa wax laga qabto waa muhiib sikastaba ha ahatee xaladu .

  4. king caamr says:

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk meeshaan wixii lajecelyahay miyaa layska sheegayaaa sidaas wax uma dhicin waa saad jeclateen sxb kan warkan qorayoow

  5. hasiim says:

    walahi waa yaab hadii somali udeyno macaa nadeyn mayaa walahi ma garanayo sabab puntland iyo dadka ku nool ay somalia u sheegtaan xaasidnimo iyo naceyb baa lagu haaya go’aan dag daga ha ka qaateen arimahaas oo ha isaga dhexbaxeen ””’iyo waxa jecel. waan nala dileey waana la dhaceey wali somalia baan rabnaa hadana naceyb iyo dhib baa naloo geystaa wiilashayadi baa dab lagu dhajiyey maalin cad waana nabada ay heystaan maanta waayo abdullahi yusuf baa vila somalia geeyey iyadoo qabiil heysto.

Leave a Reply