Faah-Faahin Qarax Lagu Weeraray Ciidanka Ethiopia Ee Ku Sugan Beladweyne


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Beladweyne [RBC Radio] Wararka naga soo gaaraya saaka magaalada Beladweyne ee gobalka Hiiran, ayaa sheegaya in qarax lagu weeraray ciidamo Ethoipian ah oo ku sugan bartamaha magaalada.

Qaraxa oo ahaa nooca dhulka lagaliyo, ayaa la sheeegay in uu khasaaro xooggan uu soo gaarsiiyay ciidanka Ethiopia, laakin qaraxa kaddib, oo ciidanka ay rasaas fureen ayaa waxa ku dhintay hal qof dhowr qof oo kalena waa ay ku dhaawacmeeyn sida ay sheegayaan goobjoogayaal ku sugan Beladweyne.

Ciidanka ayaa la sheegay in markii qaraxa qabsanaayay ay u socdeen meel ay biyo ka soo dhaansadaan oo ku taala bartamaha magaalada, ilaa hadda lama oga khasaaraha gaaray ciidanka Ethiopia.

Xaaladda magaalada ayaa kacsan, walow aan la soo sheegin wax howlgal ah oo ay sameeyeen ciidanka la weeraray, goobaha ganacsiga ayaa caadi ah oo aysan wax saameen ah ku yeelan weerarkan.

Ma ahan markii ugu horreysay oo ciidamada Ethiopia ee ku sugan Beledweyne weerar noocan oo kale lagu qaado, waxana marka weerarada noocan oo kale ay dhacaan ayaa khasaasaraha ugu badan waxa ay soo gaartaa dadka rayidka ah ee ka agdhow.

RBC Radio
==============

Xafiiska Wararka Muqdisho

Share

Tags:

2 Responses for “Faah-Faahin Qarax Lagu Weeraray Ciidanka Ethiopia Ee Ku Sugan Beladweyne”

  1. [...] See more here: Faah-Faahin Qarax Lagu Weeraray Ciidanka Ethiopia Ee Ku Sugan Beladweyne [...]

  2. Gundiid says:

    Somalidii isku qoora weeyneeyd meey iska celiyaan Ajinabiga wadankooda ku soo duulay…mie anaga unbaa Isbaaro iyo wadaad afka soo duubta iskugu awood sheekta

Leave a Reply