Faahfaahin: Afar Ruux oo Rayid ah oo Lagu Toogtay Beledweyne Kadib Qarax Ethiopianka Lala Beegsaday
Beledweyne (RBC) Afar ruux oo uu ku jiro macalin dugsi Quraan caan ka ahaa magaalada Beledweyne ayay ciidamada Ethiopianka ku dileen maanta magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan kadib markii saaka qarax miino oo dhulka lagu aasay ay la qaraxday baabuur booyad ah oo ay wateen askar Ethiopian ah.
Qaraxa oo barqadii dhacay ayaa sida la sheegay waxaa uuu burburiyey baabuurka booyada oo ay saarnaayeen askar Ethiopian ah oo aan tiradooda la sheegin, waxaana qaraxaasi ka dib magaalada ku faafay askar kamid ah kuwa Ethiopianka ee ku sugan Beledweyne kuwaasoo dad badan raafay.
Dad ku sugan magaalada Beledweyne waxay Raxanreeb u sheegeen in ciidamada Ethiopianka ay ururiyeen dhalinyaro iyo dad wadaado ah iyagoo ugu dambeyntiina dilay afar ruux oo saddex dhalinyaro ahaayeen halka midka afraadna uu ahaa macalin wax ka dhigayey dugsi Quraanka lagu baryo oo lagu magacaabi jiray Macalin Cabdi Faarax.
Dadkan la dilay waxay ka mid ahaayeen dadkii maanta la soo qabqabtay ee ay xireen ciidamada Ethiopianka.
Inkastoo aan galabta isku daynay inaan la hadalno gudoomiyaha gobolka Hiiraan C/fataax Xasan Faarax haddana nooma suurtagalin si aan wax uga weydiino dilka bareerka ee Ethiopianka maanta ka geysteen magaalada Beledweyne.
Magaalada Beledweyne ayaa marka qaraxyada ay ka dhacaan sidan oo kale, waxaa ka dhaca xasuuq ay geystaan askarta Ethiopianka ee degan hareeraha magaalada Beledweyne.
RBC Radio











nin aan tashanoo waa laguutalin
nin amxaarhiilbadow waa u bi in
Allaha u naxariisto Macallinka iyo dhallinyaradaas Gaaladu xasuuqday. Waxaa wax aad loola yaabo ah, kuwa Maamulka isku sheegaya sida Dawlada iyo maamul ku sheega hiiraan oo hadii la waydiiyo sababta xasuuqa keentay, inay gaalada difaacaan un ku jawaabaya.
Yaa dalkaan iyo dadkaan u maqan?
taas horaan u ogeyn in aan xabashi xasuuq nagadaynayn hadaanan soomaaliyeey tashan saas baa xasuuqu usoconayaa bilaa dambi baa layska kaa dilayaa nin kudilay hoos kuu majiido ee ma is kadhicinaa xabashi iyo cadow geen maamuul baad leedihin maa mulku ma hadlikaraa baa ka horeysa horaa xaniiyii loo gooyee