FAAHFAAHIN: Ciidamada Amisom iyo Kuwa DKMG oo Goordhow Galay Degmada Marka
Muqdisho (RBC) Sida goordhow Shabakada Raxanreeb ay u xaqiijiyeen dad ku sugan degmada Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose ciidamada AMISOM iyo kuwa DKMG Soomaaliya ayaa gudaha u galay degmada Marka kadib markii ay shalay ku dhowaadeen.
Ciidamada AMISOM oo wata taangiyada dagaalka ayna wehlinayaan ciidamada DKMG Soomaaliya ayaa la xaqiijiyey in labo jiho ay ka galeen magaalada, iyadoo aysan dhicin wax dagaal ah. Goobjoogayaasha la hadlay Raxanreeb waxay sheegeen in ciidamada ay ka soo galeen wadada ka timaada Shalanbood iyo tan xeebta ka timaada.
Saldhiga degmada, xarunta maamulka iyo goobo kale ayaa la xaqiijiyey inay fariisimo ka dhigteen ciidamada. Lama soo sheegin wax dhibaato ah oo magaalada gudaheeda ka dhacay illaa hadda, sida goobjoogayaashu sheegeen.
Xoogaga ururka Al-Shabaab oo gacanta ku hayey magaalada ayaa isaga baxay gelinkii dambe ee shalay kadib markii ciidamada ay ku dhowaadeen magaalada Marka. Wararka dadka deegaanka laga helayo ayaa sheegaya in ciidamada Al-Shabaab xoogooda ay u bexeen degmada Baraawe halka difaacyada ugu horeeya ay joogaan Buulomareer.
Xaalada magaalada Marka ayaa degan haatan.
Wixii ku soo kordha xaalada degmada Marka, kala soco Raxanreeb.com











[...] See more here: FAAHFAAHIN: Ciidamada Amisom iyo Kuwa DKMG oo Goordhow Galay Degmada Marka [...]
umalaynmaayo in gaalada madawda amisom dadka reer marka ku libaanayaan ileen Gaal Gacaltoyo male walow kuwaan ay yihiin duli aad u dad nimo liita, bal aan aragno in loo darsado ragii La baxshay iyo in kale ogowna Alle ayaa og waxa qarsoon ee adigu ha is dambaajin walaale. qadar waa ti rabi