Faahfaahin: Dibadbaxii 6-da Agoosto oo Goordhow Bilawday Iyo Madaxweyne Shariif oo Ka Qeybgalaya
Muqdisho (RBC) Banaanbax aad u ballaaran oo lagu maamuusayo bixitaankii ururka Al-Shabaab ee sanad ka hor ay ka bexeen magaalada Muqdisho oo maanta ku beegan ayaa goordhow ka bilawday garoonka kubbada cagta ee Banaadir ee magaalada Muqdisho.
Banaanbaxa oo sidoo kale qeyb ka ah taageerada ololaha Madaxweynaha DKMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa ka qeybgalaya madaxweynaha laftiisa iyadoo xubno wasiiro ah oo aad ugu dhow madaxweynaha ay kala qeybgalayaan.
Dibadbaxa waxaa qabanqaabiyey maamulka gobolka Banaadir gaar ahaan gudoomiyaha gobolka Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo lagu tiriyo taageerayaasha ugu horeeya ee madaxweynaha.
Waxaa si aad ah loo adkeeyay amaanka dhamaan degmooyinka ku xeeran garoonka uu ka socdo dibadbaxa oo illaa haatan socda.
Wariyaha Raxanreeb ayaa sheegaya in banaanbaxa uu ku bilawday heeso iyo guubaabo ay sameynayaan fanaaniinta iyadoo qaar ka mid ah masuuliyiinta gobolka Banaadir ay halkaasi khudbado hadda ka jeedinayaan dibadbaxa.
Gabagabada bannaanbaxa waxaa lagu wadaa inuu hadal ka jeediyo madaxweynaha waqtigiisu dhamaanayo ee DKMG Shariif Sheekh Axmed oo la filayo in labo arimood oo waaweyn uu diirada saaro.
- Arimaha doorashada iyo musharxnimadiisa oo uu si weyn uga faaloon doono
- Iyo sanadguurada koowaad ee bixitaankii sanad ka hor ee kooxda Al-Shabaab ayuu madaxweynuhu ka hadli doonaa taasoo uu Sheekh Shariif u arko guul ay dawladiidu gaartay uuna ka dhigan karo wax uu ololaha doorashada ku galo.
Waa dibadbixii ugu weynaa oo Muqdisho dhowaan lagu qabto isla markaana ay leh ujeedooyin fara badan.
Illaa hadda banaanbaxa kama qeybgalayaan taageerayaasha Raysul wasaare C/weli Gaas oo isaga laftiisa maanta lagu wado inuu xaflad musharxnimadiisa ku saabsan ku qabsado magaalada Muqdisho.
La soco Raxanreeb faahfaahinta dibadbaxa iyo sawiro











Aryaa igaarki Tarzan ahaay ugama darin inoow guulwade xaafada Kaaraan habraha ka soo kiciyo guryahooda oo sheentarka isugu geeyo, asagoo ku qeylihaayo, “Soo baxa, soo baxa”. Walee dowladi kacaanka ee Siyaad walaxoow ka barayey…..
Kani Galbey Kukale mooyee Kani Galbey Kukale mooyee, Muqdishow waa laga badalyaa caasimada uu dadka ku shirsanayo waxaa loo wadaa waa KISAMAAYO sida ugu dhaqsaha badan marka afguduud waxaa uu ka soo caroodey afka uu ku hadlo oo ah afka dameeraha lagu raaco loogama hadlin Kenya oo waxaa looga hadley afka guud ee Galkacyo looga hadlo sidaas buuna ku soo carey marka ha u baxina
ceeb madaxweynahaga ha caayin wali xilkii ma dhamaane faroolaha adiga ku xukuma ayaa u istaaga macdalaahi adiga.
wxn leeyahay ======= iyo ======== ha nanadhaafeen Shariif Hassan ayaa meeshan ku haboon kkkk
wx barashada aad sheegataana qibrad ka badan ayaa idin imaatay oo sharif Hassan uu wato raali ahaada
[...] Kaynak: Faahfaahin: Dibadbaxii 6-da Agoosto oo Goordhow Bilawday Iyo … [...]