Faahfaahin: Guddiga Doorashada oo Shaaciyey Shuruudaha Laga Rabo Musharixiinta Afhayeenka Baarlamaanka u Tartameysa


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC) Guddiga doorashada baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ee shalay lagu dhawaaqay ayaa maanta shaaca ka qaaday shuruudo ay sheegeen in loo dejiyey musharixiinta u tartameysa xilka afhayeenka baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa.

Xubnaha guddigan oo ay ka dhex muuqdaan xildhibaano baarlamaankii hore ku jiray aadna ugu dhow Shariif Xasan ayaa galabta sheegay inay maalinta berito ee Khamiista ay bilaabayaan qabashada codsiyada musharixiinta u tartameysa xilka afhayeenka baarlamaanka iyo labada gudoomiye ku xigeen, iyadoo la shaaciyey shuruudaha laga rabo.

Haddaba shuruudaha ay guddiga shaaciyeen waxay kala yihiin sidan;-

1- In musharaxa u tartamaya xilka afhayeenka iyo labada ku xigeen ay yihiin xildhibaano baarlamaanka ka tirsan.
2- In musharax kasta uu soo gudbiyo codsi qoraal ah oo wata labo sawir oo midab leh.
3- In musharaxa uu soo cadeeyo jagada uu doonayo inay tahay afhayeenka ama inay tahay ku xigeenada.
4- In musharax kasta uu iska bixiyo lacag diiwaangelin ah oo gaareysa sidan;
- Jagada Afhayeenka = $3,000 (Saddex kun doolar)
- Jagada gudoomiye ku xigeenka 1aad = $2,000 (Labo kun doolar)
- Jagada gudoomiye ku xigeenka 2aad = $1,000 (Kun doolar)

Khasnajiga guud ee guddiga doorashada waxaa loo magacaabay Xildhibaan Khadiija Maxamed Diiriye, halka ay xubno ka yihiin Cismaac Libaax, Fowsiyo Maxamed iyo Sheegow oo dhamaantood ka mid ah xubnaha Shariif Xasan ugu jira baarlamaanka cusub.

Si kastaba waxay doorashada afhayeenka iyo labada ku xigeen dhacaysaa maalinimada Axada ee ku beegan 26-ka Agoosto waxaana la filayaa in musharixiin farabadan ay isu soo taagaan jagada afhayeenka baarlamaanka.

RBC Radio

Share

1 Response for “Faahfaahin: Guddiga Doorashada oo Shaaciyey Shuruudaha Laga Rabo Musharixiinta Afhayeenka Baarlamaanka u Tartameysa”

  1. Sama_Kataliye says:

    war waxaan cantara baqashka ah nagala taga: maxay yihiin sharuudahaan ma sharuudo qowlaystaa? sharuudaha in ay ahadaan: da’ada shaqsiga, khibradiisa, waxbarshadiisa iwm soo lama rabin?

Leave a Reply