Faahfaahin: Kulamadii Madaxtooyada Ka Socday oo Soo Dhamaaday Iyo Xuseen Carab oo Loo Sharaxay Qabashada Xilka Raysul Wasaaraha Soomaaliya


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC) Waxaa goordhow soo dhamaaday kulamo illaa caawa ka socday xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho oo ku saabsanaa xil ka qaadis madaxweyne Shariif uu qorsheynayo inuu ku sameeyo raysul wasaaraha KMG ah C/weli Maxamed Cali Gaas oo khilaafkii ugu adkaa uu soo kala dhex galay.

Kulamadan ayaa bilawday caawa ka dib markii madaxweynaha KMG ah Shariif Sheekh Axmed uu ku sigtay inuu xilka ka qaado raysul wasaaraha uuna kala diro xukuumadda si uu u dhiso xukuumad shaqada sii wada mudo ku siman 12 casho oo ka harsan waqtiga doorashada.  Waxaana kulamada qeyb ka ahaa Wakiilka xafiiska Qaramada Midoobay Danjire Augustine Mahiga iyo ku xigeenka wakiilka Midowga Afrika Danjire Wafulu Wmunyinyi oo si dhexdhexaadin ah u soo galay arinta kadib markii madaxweynaha iyo raysul wasaaraha ay isku maandhaafeen arinta shaqo ka degida raysul wasaaraha.

Ilo wareedyo ku sugan madaxtooyada ayaa Raxanreeb u sheegay in madaxweynuhu soo jeediyey in mar hadduu raysul wasaaruhu isa sharaxay oo uu cadeeyay inuu musharax madaxweyne yahay looga baahan yahay inuu xilka baneeyo si uu tartanka doorashada waqti ugu helo, isla markaana hawsha fulinta ee dawlada looga dhex saaro loolanka siyaasadeed ee ka socda Muqdisho.   Waxaa xusid musan in labadii qoraal ee tubta qariirada “ROADMAP” ee lagu sameeyay Muqdisho iyo Addis Ababa ay sheegayaan in musharixiinta dawlada ay ka degayaan xilka haddii ay rabaan inay “isu sharaxaan tartanka ka hor waqtiga doorashada” waxaana qodobkan uu ka mid yahay qodobada uu illaa hadda ku doodayo Sheekh Shariif.

Iscasilaada raysul wasaaraha waxaa sharciyan ku xiga xukuumadda oo dhacaysa, sidaasi darteedna waxay ka dhigan tahay in madaxweynuhu magacaabo wasiiro cusub oo shaqada dawlada wada iyadoo agaasimayaasha guud ee wasaaradaha ay yeelanayaan awooda fulinta.

Sidoo kale waxaa la rajeynayaa in saacadaha soo socda madaxweynuhu ku dhawaaqo kala dirista baarlamaankii hore ee u kala qeybsanaa Shariif Xasan iyo Madoobe Nuunow si fursad loogu helo sameynta baarlamaanka cusub ee hadda xulidiisa lagu guda jiro.  Waxaana sharci ahaan ay tahay in baarlamaankii hore meesha ka baxo kahor intaan baarlamaanka cusub uusan fadhiisan sida Raxanreeb u sheegeen dad sharci yaqaan ah.

Xuseen Carab oo loo yeeray

Kulamada ka socday madaxtooyada waxaa fiidkii ku soo biiray raysul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka difaaca Xuseen Carab Ciise oo sida la sheegay laga codsaday inuu isaga la wareego xilka xafiiska wasiirka koowaad, waxaana C/weli Gaas laga codsaday inuu saacadaha soo socda isku casilo uuna toos ololihiida uga qeygalo.   Xuseen Carab Ciise waxaa lagu dooranayaa labo arimoodoo waqtigan muhim ah;  waa marka koowaade waa nin aad ugu dhow madaxweynaha iyo inuu yahay raysul wasaare ku xigeenka koowaad oo qaban kara xilka raysul wasaaraha haddii dani ay keento.

Warar Raxanreeb ka heshay xafiiska raysul wasaare C/weli Gaas ayaa sheegaya in C/weli uu qabo in madaxweynaha iyo raysul wasaarahaba ay xilka ka wada degaan oo labaduba isla DHACAAN, maadaama madaxweynaha laftiisa uu musharax yahay, laakiin waxay dooda ka joogtaa in madaxweynaha uusan lahayn “ku xigeen”uu shaqada ku wareejiyo iyo in madaxweynuhu uusan toos ugu lug lahayn shaqada fulinta ee xukuumadda halka raysul wasaaruhu uu yahay kan gacanta ku haya hawl maalmeedka dawlada ee joogtada ah sidaa darteedna qof musharax ah ay dhici karto inuu xafiisyada dawlada uga faa’ideysto danihiisa gaarka ah.

Wasiirada xukuumada oo markii horaba u kala qeybsanaa Aala Sheekh iyo xulufada raysul wasaaraha ayaa haddana arintan ku kala qeybsan.  Waxaana wasiirada qaar illaa caawa ay la joogeen raysul wasaaraha oo ay ku tirtirsiinayaan in mar haddii uu raysul wasaaraha meesha ka baxayo isaguna [C/weli] uu galaafto WADAADKA madaxweynaha ah oo ay isla dhacaan halka wasiirada qaarkoodna caawa ay ka afureen xafiiska Sheekh Shariif iyagoo aad ula dhacsan in shaqada laga fariisiyo raysul wasaaraha.

Saraakiisha Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika waxay ku taliyeen in kala durista baarlamaankii hore iyo shaqo ka casilida raysul wasaaraha laga dhigo maalmaha ugu dambeeya ee ka horeeya doorashada si waqtiga ka horeeya loo sii wado shaqadii dawlada oo ay masuul ka yihiin agaasimayaasha wasaaradaha, taladaasi oo aan la ogeyn in Sheekh Shariif uu aqbalsan yahay iyo in kale.  Waxaana la rajeynayaa in saacadaha soo socda madaxweynuhu qaato go’aan rasmi ah oo ku aadan raysul wasaaraha iyo xukuumadda.

 

 

RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

Share

Tags:

31 Responses for “Faahfaahin: Kulamadii Madaxtooyada Ka Socday oo Soo Dhamaaday Iyo Xuseen Carab oo Loo Sharaxay Qabashada Xilka Raysul Wasaaraha Soomaaliya”

  1. QARAN-JECEL says:

    hala tuuro waa laba wajiile isku qarinaayo wajiga Faroole sheydaan….. tuura ka dibna nairobi ha iska xaadiriyo…. kuwa Pintiland ka yimaada oo m adaxda sheegta waxay u badan yihiin labo-wajiilayaal kula jira kaana jira…. abaalaaweyaal

  2. F.B.I says:

    K.k.k.k.k. Shariif wax ma barte meesha wuxu ka dhigay xero wlhi inuusan aqoon siyaasad iyo meel looga hadlayo anaa wa anaa wiil american dr.gaas ayaa ah one excelence somalia

  3. Khaa khaayirka
    naga daya fadlan
    meeshana baneya both of u

  4. nuura. says:

    qaran – jecel dhuloos maxay isku hayaan puntland ama pintland dheh. adiga waa labo daran mid dooro ama ma gaas raac ma waraba keligaa ha ku cuno. Faroolena waa inaad ogataa dadbaa dortay madax ka dhigtay not every body. taasna la soco. dr. gaasna hadii laturo dhib malahan lakin waxba ka dambayn cida jabidoonta waa layaqaan. hada u qosol lakin maxaa ka dambayn doona. aalshiekh iyo groups . waan arki doona mesha awrka lagu furo. kulay nin tuurle wuu yaqaan suu useexanlahaye.

  5. bir,aan jabin says:

    qaran_jecel kan soo qortow maad sool qoratid ileyn labalabayta maficne .wa iga kaftan

  6. somali ha israacdo says:

    Cabdiwali markii horeba wuu qaldanaa maxaa yeelay madaxweynihiisii oo sharaxan inuu isi sharaxo ma ahayn sababtoo ah hadii uu rabo inuu is sharaxo waa inuu jagada baneeyaa hadii kale waa inuu madaxweynihiisa la olaleeya si ay usoo wada noqdaan adeer maxaa waaye ninkii dhamaa ee mutacalimka ahaa Macalinka ayaa sharciga ka badiyee yaab badanaa

  7. MEESHA HADII CIDI DHACEYSO 2DUBA HA WADA DHACAAN ama HAWADA JOOGAAN, ileyn 2duba waa is SHARAXEENEE,, MIDBAA KUXIGEEN LEH IYO GABAR BAA UUR LEH hadal ma ahanee, SHARIIF ma wuxuu rabaa IN DALKU BURBURO OO UU ALSHABABKIISII KU NOQDO, ILMA ADEERTIINA ay ISBAARADII IYO DHAQANKOODII XUMAA SOO CELIYAAN,tan kale QOFKU xanaaq badanaa SOW KA GUDUUTEY OO HADANA MADOOBAADEY,OO HADALKII JIQ KU YIRI, WAX BAAN KALA DIRAYAA MAAHANEE, kkkkk ILEYN DAMEERAHA TAN UGU FOOL XUN BAA UGU DAMBAABURO(harraati) KULUL

  8. Waayeel75 says:

    KU.Qurun Jecel.
    Way iska cadahay oo qofka badawgaa waligiis meel qaldan buu ka bilaabaa hadalkiisa.Misna waxuu ku xijiyaa Cay iyo qabiil ka hadal sida Qurun Jecel oo kale.Caydaaduna waxba ka dhimimayso Puntland,waayo adigaa daciifa ama nafsi ahaan ku xaqiran oo cuqdadi jiiftaa.Ninka ad cayday iyo puntland labaduba Rabbi (swt) ma ahee aadame waxba ugama baahna.Badaw baad tahay maqlay dad baa wax aga sheegaa.

  9. Waayo-arag soomaaliyeed says:

    Dheesha meeshii ugu fiicneyd ayay mareysaa aan aragno cidda dhulka lagu jiido.

  10. khadija says:

    sharciyan hadaan eegno waxaa saxsan sh shariif mar hadii dowladu dhaceyso koow waa in uu ninka raisal wasaaraha uu ka degaa kursiga kan waxaaba u dheer isagoon la casilin buu inta is casiley misane musharax madaxweyne ku dhawaaqey, marka xukuumadu dhacdo wadanka waxaa heynaya madaxweynaha markaa jooga inta laga gaarayo wakhtigiisa ama lagu dooranayo marlabaad ama uu bedeleyo kii heley balse dalka si aanu u burburin waxaa sii haynaya xafiisyada dowlada waa agaasimayaal guud oo sii wadaya inta xukuumada laga soo dhisayo, hada waxaa soo horeynaya waa barlamaankii ayagaana madaxweyne dooranaya madaxweynuhu wuxuu soo dooranayaa raisal wasaare marka uu barlamaanka hortago oo ay ansixiyaan buu wasiiro soo dooranayaa weligeedna waa ay ahaan jirtey ee maaha maanta wax nagu cusub waxay ku cusboontahay ilmahii dhashey inta dalku burburku ku jirey iyo intii berigii hore aan siyaasada u dhuun daloolin sidaa darteed hadii uu isgu is casiley waa gaase xaq umalaha xataa inuu madaxtooyada sii dagenaado ee waa inuu la mid noqdaa musharixiinta u tartameysa madaxwenaha oo uu Hoteelada degaa waa hada shacabka ayuu ka midnoqdey yaan wax leysku khaldi soomaliyeey cadiifad yeysan naqaadi ee aan sharciga dhowrno, waxaan sugnaaba waa barlamaan la soo xulo ayaguna ay gudoonkoodii soo doortaan kadibna madaxweyne c/lina yuusan been isku sheegin dad lugoynaya ayaa jartaa u dhigey wasiiraduna hadee maba ah dad waaya aragnimi siyaasadeed lehe waa qurba joog soo xil doonatey marka laga reebo wasiirka qorsheynta oo dowladii maxamed siyaad ahaa qorsheynta qaranka taa aan ogaano .

  11. cawaale says:

    waxay ila tahay soomli sharci iyo xaq midna ilaalin mayso sharciga hadii la raacayo, barlamaankii aawa, waxay barlamaankii kusameeyeen baa hada ayagiina ka shextaagan

  12. D says:

    Ilaahayoo //////wax sii ka dibna anaga nasii
    waxaa na siib daro ah in maanta waxgaradkii …………..
    eey Shariif af guduud miciin badeen si eey wax u cunaan
    alaa kariim pintland dhaha ama caasholand dhaha
    lama huraan was cooska jiilaal

  13. keerow says:

    Waa in Musharax kasta baneeyo Jagada Dawladda haddii kale wuxuu ku takri falayaa Awoodda Xafiiska uu haayo.

  14. Shariif Shaydaan Mayaqaan Siyaasan iyo meel wax laga maro waa la Kicidoontaa nin aqoon leh buu isku doondoontay waa markii siyaasadda somaliya uga dhamaan lahayd midakale waxaa haray waqti yar dhan 11cisho marka muxuu iskugu mashquulinayaa xilkaqaadis iyo wax aan raad lahayn

  15. khadar says:

    waxaa la yaab ah in wali la arkayo dad qabyaalad u heelan?, waa nasiib xumo haysa dadka soomaaliyeed in badan oo ka mida 20 sano ka dib.
    Intaa ka bid waxaan u baahanahay in aan helno qof karti iyo aqoonba u leh sidii uu u wajihi lahaa dhibta faraha badan ee somalia ka jirta. Marka qof waliba taas ha ka fakaro in qof madaxda ah ama doonaya hada in uu somalia u noqdo in laga helo karti iyo aqoon, meeshad qabiil maskaxdiina ku qufulaysan.

  16. KarKaar says:

    Waxaa mooda qoraalkan mid qofkii qoray siduu jecelyahay wax ucabiray maxaa yeelay sheekh sharif awood sharci umalaha inuu kala diro xukuumada barlamanka baa kalsoonida kala noqonkara AMA waa in golaha wasiirada sadex meelod labo meel iscasilaan hadana barlaman active ah majiro marka waxaa kaloo jira heshiiskii Kampala sadexda masuul midna inaan motion laga keeni Karin marka saxafada waxaad jeceshihiin hakusoo qorina dadku jaahil mawada aha dad baa wax aqriya wa bilahi towfiiq

  17. hasiim says:

    ,,,,,,,,,,,,,,,, maxaa kala heysta meel kasta waa isku heystaan lkn arinka faroole iyo abdikaim/ cali khaliif maa loo daayo mise odayashii buu soo dhaafey oo difaac kale baa loo baahdeey kkkkkkkkkkkkkkk

  18. Murcood m says:

    Xeeb weeye waxyaalaha qaarkood, sharif qofkastaa og inuu Turkey imaanaya 22.Augusto. oo magangalyo loo waydiiyey. Dalkani uma nin madax sheegana oo hadalkiisu isburinayo,,sida sharif. Dabcan Sharif sakiin ninkay somali ugu yeedho baa dee warkiisu isma buriyo. Dhib ma laha, horey baynu u soo marnay, Ali mahdi oo cumar carte qar ka tuuray, sababtoo ah isku dan ma ahayn. Qarankii somali xilligii siyaad barene dee Isaaqii madaxdaa baa wadanka burburiyey sabab reer koonfur dhoohanaantood. Soo ma ogid in in lax-was yiri Xamar siday hargeysa u burburtaan u burburinaynaa: Sharif – xaafad ma istaahilo inuu madax ka noqdo

  19. Mustafa Boosaso says:

    Its clear that Professor Abdiwali does not have power in Mogadishu. Its time for him to rarely for his President campaign. Not all lot of time for him. President Sheikh Sharif has UN and African Union support.

    It seem it will be last time Shiekh Sharif Ahmed will appoint someone from Puntland.

    If Sheikh Sharif Ahmed wins in august he will probably nominate the Prime Minister post form an other region.

    kkk I feel sorry for the Dr Abdiwali. We will see what will happen if he will kick him coming days a head.

  20. bulshaawi says:

    maxaaa is qabqabsi ka taagan waaar labadiinuba banneeya waxba meesha kuma haysaane

  21. somali says:

    Waa wax iska caadi in R/wasaaruhu xilka ka dego kol hadii uu Musharax yahay laakiin madaxweyne isagoo madaxweyne ah ayuu tartamaa hadii laga badiyane xilka ayuu wareejiyaa sida sharciga caalamiga ah sidaas darteed R/wasaare C/wali hadii uusan isagu garan inuu xilka tiriyo waa in shaqada laga casilaa si uu fursad ugu helo loolanka doorashada isagoo xilka R/wasaare u adeegsaneynin in uu madaxweyne ku helo.Madaxweyne shariif waxaan kula talinayaa in uu ku dhaqsado shaqo ka ceyrinta R/wasaaraha kol hadii qariiradii nabada sidaa qoreyso.waxaan maqli jiray nin naagi wado iyo rati rati kale wado midna kaama waabtaan R/wasaare C/Wali isma wadee waa la wadaa:D

  22. Dhooddi says:

    @Nuura

    Meesha rag baa isku haya. Weli hawshii habeenka lama gaarin. Taraawiixda kaddib inooga dhiga

  23. DUCAYSANE says:

    Wlhi labo kala bariday kala war la. Shariif waa habr caano leh marka hore siyaasada ayaa la bartaa meesha dugsi Quraan laguma hayo ee waa POLITICAL AFFAIRS… Nin daad qaaday xumbo cuskay..ayaan maqli jiray walee shariif meel xun ayay soo istajiyeen..hadi casilaad jirto adigana banee kursiga ileen waad sharaxantahye habaryahy dhagaha xiran.

  24. Daacad says:

    http://english.alarabiya.net/views/2012/08/08/231008.html

    cid alaale cidii isleh cabdiwali waa daneyste aduunka oo dhan ayaa u qiray inuu yahy Ninka kaliye ee somaliya wax ka badali kara waana aragnay wax qabadkiisa website kaa ka aqriso wax walba oo isbedal ah uu sameeyay Prof: Gaas..

  25. RUN SHEEG says:

    daa halala rogo shaiif afguduude saa asagoo R/W / daacad u ah umada somaliyeed xilka uu hayo ayaa sakiin ka dhaadhiciyay aan tuurno ninkaa naga hooskacay oo shacabkii oo dhan soo jiitay
    waa farmaajee hadee muxuu dhaxlay wuxuu dhaxlay in wixii larabo laga samaysto oo loola dhaqmo sidii gudoomiye in uu ka yahay baraadir faroole ayaa idaacada lasoo istaagaya 6 saxiixe waa is awood la.,egyihiin badaw siyaasad aan aqoon
    shidaal ayaa laga qotay tuuladii garoowe ayaa lagaystay markii danbana qashinka ayaa lugu daray jecliyaa aad ayaan ula dhacsanahay saa qofku haduusan dantiisa iyo danta umadiisa uu ka hormariyo danta shaqsi saas ayaa udanbaysa

  26. darwiish yare says:

    anigu wax u arka inuu madaxweynuhu saxanyahay,waayo maanta gaas wuxu gacanta kuhayaa hantidii dawlada, marka somalinana waaba caadadeeda inuu dantiisa iyo musuqmasuq kufuliyo.waa in uu iscasila ,oo xilka baneya .

  27. Ismahan says:

    Kkkkk waxan ka warsugayna meshayku danbayso waxan dhihilaha in asxabta ay kafogadan qabiilka gaas yo shariif midna wax inima qabanayo haku danbabina watalo ama wano

  28. suldan says:

    waa ay isla dhacayaan Raysal wasaaruhu xilka kama degaayo ilaa sheekh shariif uu ka dego taas waaye xaqiiqdu .

  29. Jeeska says:

    Shariifku ciidiisii ayuu joogaa Kuuley Ali Banjar intaan laydinka dilin soo kaxaysta marbuu sigtay marlabaadka waa lala kacayaa Aalu sheekh ma kaftamaan. Reer puntland awelba reer khaatumo ayey ku tiirsanaayeen maantay agoon noqdeen, ta dambay daran.

  30. dhinbil says:

    waaaaaaaaaw tuura gaas iyo cidii taageersan shariifna waaku xigaa waxaa loo bahan yahay dad daacada sida farmaajo gaas waa halaga taqaluso welecome farmajo

  31. Samawade says:

    Aqoonyare Shariif wuu dhacayaa haddii PM iyo Golohiisa Wasiirada ay dhacayaan. Arrinkaan ku hungoobi doonaa Sheekh Shariif, waa waali waxiisa oo watuu rabay xataa in Kursiga Ehlu Sunna ee Gobolada Dhexe uu ku fadhiisiyo Nin Harti Abgaal markuu soo carooday shirkii Nairobi.

Leave a Reply