FAAHFAAHIN: Kulankii Baarlamaanka oo Galabta Furmaya Iyo Sheekh oo Ka Maqnaan Doona Kulanka


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC) Kulankii ugu horeeyay ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in galabta goor dambe uu ka furmo xerada Xalane ee taliska AMISOM kadib markii uu dib u dhacay xilligii la rabay inuu furmo maanta.

In ka badan 200 xildhibaan ayaa la siiyey kaararka aqoonsiga illaa hadda, waxaana weli socota diiwaangelinta xildhibaanada ka qeybgalaya shirka. Waxaa la filayaa in xildhibaano ka badan 200 ay yimaadaan kulankan oo illaa caawa fiidkii gaari doona.

Waxa kaliya ee laga filayo baarlamaanka cusub ayaa ah in la dhaariyo, kadibna ay doortaan gudoomiye kumeel gaar ah oo ay u xulan doonaan ruuxa ugu da’da weyn.

Sheekh Shariif oo aan imaani doonin

Kulanka baarlamaanka ayaa dib u dhacay sababo la xiriira isqabqabsi iyo dood fara badan oo ka dhalatay xildhibaanada kooxda Aala Sheekh ee ah taageerayaasha Sheekh Shariif oo illaa hadda ku yar liiska la hayo, waxaana guul dareystay iskuday uu Sheekh Shariif sameeyay saacadihii u dambeeyay oo ku aadanaa in taageerayaashiisa lagu soo daro baarlamaanka.

Maanta duhurkii ayaa kulan gaar ah oo irdaha loo xirtay waxaa garoonka diyaaradaha gudihiisa ku yeeshay Sheekh Shariif iyo Wakiilka UN-ka Mahiga, kulankaasi isla arimahan lagu soo hadalqaaday.

Wariyaha Raxanreeb oo ku sugnaa garoonka gudihiisa ayaa soo sheegaya in hoolkii shirka uu ka socday uu ka soo baxay Mahiga oo ayu wehliyeeb saraakiil ka tirsan xafiiskiisa halka Sheekh Shariif iyo C/samad Macalin Maxamuud oo careysan ay baabuurkooda raaceen.

Sheekh Shariif iyo Mahiga midnaba saxaafadda war ma siin, inkastoo
markii hore wariyaasha loo sheegay in labada nin ay la hadli doonaan warbaahinta kulankooda ka dib, taasoo muujineysa in natiijo aysan ka soo bixin kulanka.

Sheekh Shariif, ayaa la sheegayaa inuu diiday inuu yimaado kulanka ay Qaramada Midoobay ku adkeysatay inuu maanta furmo, Waxaana warar ku dhow Villa Soomaaliya ay sheegayaan in Sheekh Shariif uu diiday in ulanka uu dhaco oo arintaasi darteed ay isugu dheceen isaga iyo saraakiisha UNPOS.

MAXAA XALANE LOOGU SHIRINAYAA BAARLAMAANKA?

Sida qorshuhu ahaa, waxay ahayd in baarlamaanka cusub uu fariisto Gen Kaahiye [Ex Iskool Boolisiya] ayna halkaa ku shiraan, laakiin waxaa goobta hadda loo soo wareejiyey xerada Xalane ee uu ku yaalo taliska AMISOM.

Saraakiisha ajnabiga oo si hoose ugu waramay wariyaha Raxanreeb waxay sheegeen in amaanka dartiis loogu soo wareejiyey xerada Xalane.

Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo AMISOM oo agh awooda militari ayaa hadda toos gacanta ugu haya maamulka siyaasadda ee dalka, waayo waxaa aad loo hadalhayaa in sharciyadii dawlada Sheekh Shariif ay xalay abaare 12:00 saqda dhexe oo ku beegneyd 20-ka Agoosto 2012 ay dhamaatay. Sidaasi awgeed UN iyo AMISOM waxay rabaan inay ogaadaan dhaqdhaqaaqa baarlamaanka oo aysan ka fogaanin kulamadooda si baarlamaanka uusan gacanta ugu gelin musharixiinta kala duwan.

Wixii soo kordha kala soco Raxanreeb.com

Share

2 Responses for “FAAHFAAHIN: Kulankii Baarlamaanka oo Galabta Furmaya Iyo Sheekh oo Ka Maqnaan Doona Kulanka”

  1. [...] See more here: FAAHFAAHIN: Kulankii Baarlamaanka oo Galabta Furmaya Iyo Sheekh oo Ka Maqnaan Doona Kulanka [...]

  2. Cadaado says:

    ASC, somaliyeey iyo waliba raxanreeb media. Een, waxaa nasiib daro ah in warkaan uu beenyahay sida aan wada ognahay. Maadaama wuu shirka baarlamaanka cusub oo ka dhacay Adan Cade Mogadisho Airport, uu madaxweeyna Shiiq Shariif joogay, xataa ka hadlayy in, marka walaalayaal xataa hadii aad warkaan soo galiseen adinkoo xog heeyn, kuna fududaaday, waxaa haboon markii eey Somali iyo aduunka dhan u cadaatay in warkaan aad qorteen uu qalad yahay in aad “update” gareeysaan oo isa saxdaan. Kaba sii fiicane, waxaa haboon in aadnaan taraarixin oo aad sida la ‘idinku yiqiin aad dhexdhexaad ka ahaataan lagdanka siyaasadeed ee Musharixiinta madaxweeynaha u wada jiran aadnaan la kala safan, hadii kale “integritigiina” ayaa meesha ka baxayo, dadka Soomaliyeedna wax faa’iido ah uma eeydaan sameeyn oo aan ka aheeyn in aad sii kala qeeybsaan, ayadoo loo baahan yahay in aan midowno oo danta naga dhaxeeysa waa dalka, diinta iyo walaalnimee laga hormariyo wax uu qof shaqsi ah ama qabiil gooni ah rabaan. Ilaahow, qofkii danta umada Soomaliyeed badankood wada hogaaamiya nooga dhig, hogaamiyahaas oo ah nin nabadoon ah, aqoon leh, karti leh, daacad ah dadka, dalka iyo dadkana ka naxaayo, ogna in uu dadka somaliyeed in uu isku keeno waajib ku tahay ee aan dadka sii kala fogeeyneeyn. Aamiin.

Leave a Reply