Faahfaahin: Madaxweyne Shariif oo Goordhow Dhoofay Iyo Saxiixayaasha oo Markale Isku Dhegan


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC) Madaxweynaha waqtigiisu dhamaanayo ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo ay wehlinayaan qaar ka mid ah la taliyaashiisa gaarka ah iyo saaxiibadiisa Aala Sheekh ayaa goordhow ka duulay garoonka diyaaradaha Muqdisho iyagoo ku sii jeeda wadanka Sacuudiga kadibna xarunta wadanka Ethiopia.

Wafdiga madaxweynaha ayaa ka hor intii aysan garoonka ka duulin waxay kulan la yeesheen xubnaha guddiga xulista baarlamaanka oo fadhigoodu yahay xerada Xalane halkaasoo ay ku siiyeen warbixino ku saabsan halka ay mareyso hawsha xulista xildhibaanada cusub.

Wararka ayaa sheegaya in madaxweynuhu marka hore tagayo wadanka boqortooyada Sacuudi Carabiya oo uu kaga qeybgali doono shir halkaasi ka dhacaya kadibna uu u duuli doono caasimada Ethiopia ee Addis Ababa.

Khilaaf ka dhex taagan saxiixayaasha

Safarka Sheekh Shariif ee Addis Ababa ayaa la xiriira khilaaf xoog leh oo markale soo kala dhexgalay kooxda lixda saxiixayaasha ee hogaamiya siyaasadda dalka waqtigan, sida Raxanreeb ilo wareedyo ku dhow madaxtooyada.

Waxaa la filayaa in kulan deg deg ah magaalada uu ku dhexmaro lixda saxiixayaasha ka hor inta toddobaadkan aan la soo gabagabaynin xulista xildhibaanada cusub oo saxiixayaasha qaar ka mid ah isku diidan yihiin qaabka hadda loo wado.

Ilo wareed lagu kalsoonaan karo ayaa Raxanreeb u sheegay in madaxweyne Shariif, Raysul wasaare C/weli Gaas iyo madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole ay isku khilaafsan yihiin xulista baarlamaanka kadib markii saddexda nin midba kan kale uu ku eedeeyey inuu faragelin ku hayo xulista xildhibaanada baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.

Madaxweyne Shariif ayaa tuhun weyn ka qaba in C/weli Gaas iyo Faroole oo hadda isku xulufo noqday ay isaga ka badsadaan tirada xildhibaanada taasina ay ku keeni karto in ay ka codad bataan hadduusan hadda ka hortagin.

Waxay arimahan bannaanka u soo bexeen toddobaadkan kadib markii Madaxweyne Shariif uu isaga soo baxay shirkii ugu danbeeyey ee ay isugu yimaadeen Lixda saxiixayaasha oo ka dhacay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya.

Dhanka kale Sheekh Shariif ayaa dagaal xoogan oo uu galay kadib wuxuu ku guuleystay inuu liiska baarlamaanka ka hoer istaago shakhsiyaad xulufada C/weli Gaas ka mid ahaa, sida C/qaadir Jaahweyn oo ah wasiirka warfaafinta DKMG iyo C/wahaab Ugaas Khaliif oo ahaa raysul wasaare ku xigeen iyo wasiirka ganacsiga DKMG.

Dhanka kale maalmaha soo socda ayaa la rajeynayaa in la soo gabagabeeyo xulista xildhibaanada baarlamaanka cusub ee Soomaaliya iyadoo weli ay meel adag mareyso ururinta liiska mudanayaasha cusub ee ay qabiilada soo qorteen kuwaasoo qaarkood la soo celiyey qaarna wei baaritaan lagu wad, sida Raxanreeb ka soo xigatay xubno ka mid ah guddiga xulista baarlamaanka.

WARAR DHEERAAD AH KALA SOCO RAXANREEB.COM

 

RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

Share

Tags:

10 Responses for “Faahfaahin: Madaxweyne Shariif oo Goordhow Dhoofay Iyo Saxiixayaasha oo Markale Isku Dhegan”

  1. Qaatumo Boy says:

    Raxanreeb waxaan idin leeyahay hadaad wax qortaan waxaa leydinka rabaa dhax dhaxaad nimo
    waad wad noqonkartaan tageere laakin qoraaga waa dhaxdhaxaad mida kale waxaa uu u muuqdaa qoraaladiin mid u xaglinayo qabiil ogaada ruuxa markuu dhinto qabilika qabriga lamagalaayo laakin CAMALKIISA ayaa lasoconaayo intaa weyga xusuus waana MAHADSANTIHIIN WALAALAYAAL

  2. khadija says:

    war anigu waxaan ka naxay ninka aan weligii iskool tegin oo yiri quraan baan bartey ee hadana wasiir garyaqaan ah la murmaya nina caadadiisa ma baajo, ina xooshoow ninka iska dhici sharcigana marsii

  3. axmed says:

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

    Faroole iyo Gaas cidlo ayaa la diray ayaan filayaa kkkk

  4. ali says:

    Sheekadii khaatumoseeg waxay ku damaysay in madaxweynaha gabalkiisu sii dhacayo loo ashtakoodo.fuck baan idin bilaa xushmad ah.

  5. shangale says:

    FAROOLE IYO C/WELI GAAS WAA LABO TUUG EE WADANKA WAA IN LAGA QABTAAK. WAXAA CEEB OO KHALAD AH IN LAGA NIN OO ISKU JIFO AH SAXEEXAYAAL LAGA DHIGO.

  6. haashim says:

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk raxanreeb kharaarka halaga dhaafo run yaanla shrrgin miii

  7. Lixda sixiroole horta shirar badanaa ! Alla ilaahayow kuwan mid kamida hanagu soo celin ,waa danaystayal, illaahayow nadhaafi intay naxadi karen,dhibatayn karen, nadhibateyee, intaas allow nagu dhaaafi waa ramadaane.

  8. Run u sheeg says:

    WAR WAXAN LA YABAHANAY DADKAN LEH QURAAN BUU BARTAY WAR HADUU BARTAY WAX LA BARTO QURAAN AYAA UGU KHYR BADAN ADEER EE ISA SAX YARTAN YAR EE EE WARERSAN

  9. Abdi says:

    Lol @ Khadija, horta waxaan marayno waxaa ugu wacan munaafiqnimada dadka Somaliyeed, Shariif Xasan, gudoomiyaha baarlamaanka waxaa dabada ku watay qaswade Faroole iyo prime minister Gaas, iyo waliba wasiirka dastuurka Xoosh, sadexdaan nin oo qaybaalad kaliya isku baheystay, waxeey rabaan in eey isbaaro u dhigtaan dadka Somaliyeed ee degan min Kaalgacyo ilaa iyo Kismaayo iyo Bakool, iyo waliba SSC, waxeeyna rabaan tuugtaan qaswadayaash ah in eey inta waxoodana u dhisnaadaan, u yimaadaan Muqdisho qas iyo lugooyo. Marka, waa xaqii oo dilaacay, in uu Shariif Xasan ku yiraahdo qabiiliiste Xoosh “shahaadooyinka aad sheegeysid suuqa ayeey yaaalaan, waana soo gadeynaa, ee maadaa diidi karo”, Marka, Soomaliyeey inta munaafaqnimada wadaay, ka jooga, oo aan raadino Qaran, iyo wax ka weeyn qabiil. Inta aan dantooda garan, balaayo idinku dhacdee, dantiina garta, faashiliin yahay.

  10. Wadani Boy says:

    asc salaan kadib, Khadiija walaal aad baan kuu salaamay, walaal waxaan rabaa inaan wax yar kaa saxa adigoonan khalad ii fahmin, waxaad tiri nin aanan school gelin oo yiri Quraan kaliya ayaan bartay oo haddana nin garyaqaan la murmaya. Waxaan u fahmay inaad ula jeeddo Shariif Xassan.

    Runtii nin bartay Quraanka uma dhinno cilmi kale, waayo Quraanka waxaa ka buuxo cilmi kasta oo ku tacalluqa nolashan adduun iyo mid aakhiraba, garsoorkuna Quraanka ayaa laga bartaa, ee ma ahan mid lagu barta schoola khalaad. Haddii ay dhab ka tahay inuu Quraanka bartay, hanii’an lak ayaanu oranaynaa, waayo waa nin caalim ah, laakiin, haddii aanu baran Quraan ee uu iska yiri markaasi waxaa ulabo jibaaran labo jahli. Waa jahliga dhanka axkaamta iyo garsoorka ee laga barta diinta, iyo jahliga dhanka maaddiga uu uga sugan yahay. Si kastaba ha ahaatee immisa ayay dhacday in culimo caalim ah oo haddana aanan kucamal falin cilmiga Ilaahay baray?

    Shariif Xassan waxaan u arkaa aniga inuu yahay nin Ilaahay aad uga fog, uuna yahay khinjirka xun ee Soomaaliya kudhex jira ee ay ka bogsan la’dahay, waxaan aaminsanahay inuu yahay nin jecel khilaafaadka joogtada ah, nin jecel wax is daba marinta, nin jecel musuqmaasuqa, nin neceb dowlad caadil ah, nin horumarka neceb, nin shisheeye jecel, nin dalkaba dan kale aanan kalahayn. Anu waxaan aaminsanahay inaanu Shariif Xasan cilmi diin iyo mid maaddiba aanu baran, fikir ahaanteyda, laakiin walaalo waxaanan habbooneyn in qof diinta bartay aanan lala mitaal dhigi karin qof aanan diinta baran. Weedha aad soo qortay waxay lid ku tahay diinteena suubban ee qiimaha badan, ee laga helaya cilmi kasta, hadday ahaan lahayd culuumta sayniska, sida kimistirygaa, fiisiyaa’iiga, cilmiga koonka, xisaabta, dhaxalka, shareecada, qaynuunada, arrimaha bulshada, nolal wanaaagga, iyo dhowrsanaanta. Intuba diinteena ayaa laga bartaa.

    Qof Quraan kaliya bartay oo aanan school gelin, qof ka cilmi badanba ma jiraa, laakiin waxyaabaha ay reer galbeedka maskaxda nooga qabsadeen ee xadaaraddeenii Islamka ay ku burburiyeen ayaa waxaa kamid ah inay inoo tuseen Quraankeenu inaanu waxba ahayn, oo lala yaabo qofkii lasoo shirtaga Quraanka, laguna liido oo lagu yiraahda Quraan bes ayaad baratay waxba mataqaanid, subxanallaah, waxaad yaabi lahayd markaad mucjisaadka Quraanka iyo axkaamtiisa aad xaraf xaraf u eegtid.

    Allahayoow nagu sug xaqa, ina siina dowlad caadil ah, oo dadka musuqmaasuqa badan inaga xijaab shartooda, fadliga Ramadanna ugu naxariiso umadda Soomaaliyeed oo tiiha iyo wareerga ka qaad aamiin.

Leave a Reply