Faahfaahin: Muxuu ku Dhamaaday Kulankii Hillary Clinton Iyo Saxiixayaasha Qariirada ‘Roadmap’ Dhexmaray


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Nairobi (RBC) Waxaa soo dhamaaday kulan hal saacad qaatay oo ay haweeneyda xoghayaha arimaha dibadda Mareykanka Hillary Clinton la yeelatay lixda saxiixayaasha qariirada tubta ee loo yaqaano ‘roadmap’ ee Soomaaliya kuwaasoo illaa shalay ku sii sugayey Mrs Clinton magaalada Nairobi.

Kulanka oo galabta ka dhacay hotel ee magaalada Nairobi ayaa ahaa mid albaabada loo xirtay iyadoo saxaafadda caalamiga ah oo goobta joogtayna ay dibadda ka joogeen intii kulanka uu socday.

Markii uu kulanka dhamaaday hal saac kadib ayaa waxaa saxaafadda la hadlay Hillary Clinton oo faahfaahin kooban kabixisay waxyaabihii ay kala hadashay siyaasiyiinta saxiixayaasha qariirada roadmap-ka.

Mrs Clinton waxay sheegtay inay ku faraxsan tahay in lixda saxiixayaasha ay shaqadooda si fiican uga soo bexeen kadib markii dastuurka qabyada la ansixiyey isla markaana hawlihii ku xusnaa qariirada tubta ay si wanaagsan u meelmaraan, waxayna xustay in qeybaha dhimana looga baahan yahay in ay dhaneystiraan.

Macaamilka dawlada cusub

Clinton waxay sheegtay in xukuumadda Washington ay diirada saareyso sidii ay ula xiriiri lahayd dawlada cusub ee Soomaaliya ka dhalan doonta 20-ka Agoosto taasoo ay sheegtay inay rajeyneyso ‘inaysan noqon doonin mid musuqmaasuq iyo fashil uu hareeyay’ iyadoo sheegtay in ay waqti cusub iyo marxalad cusub ay galeyso siyaasadda Soomaaliya.

Waxaa isaguna hadal kooban bixiyey madaxweynaha DKMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo ku hadlay magaca kooxda saxiixayaasha wuxuuna sheegay inay uga mahadceliyeen Hillary Clinton iyo dawlada Mareykanka taageerada ay siiyeen soo afjarida marxalada kalaguurka ee Soomaaliya.

Arimo kale oo la soo qaaday

Ilo wareedyo ku dhow dhanka siyaasiyiinta Soomaalida ayaa Raxanreeb u sheegay in Hillary Clinton ay soo bandhigtay labo arimood oo muhim ah oo ay ku jiraan in baarlamaanka cusub laga ilaaliyo in qaab musuqmaasuq ah lagu soo xulo iyo in doorashada madaxtinimada ay ku dhacdo si hufan oo aan ku jirin wax isdabamarin, iyadoo sheegtay inay walaac ka qabto wararka sheegaya in xildhibaanada baarlamaanka la iibsanayo ayna dhici doonto dad aan tayo lahayn ama xiriir la leh argagixiso ay soo galaan baarlamaanka cusub.

Mrs Clinton waxay kaloo madaxda Soomaalida kulanka ugu sheegtay in warbixintii kooxda Monitoring Group ee ka had;aysay musuqmaasuqa baahsan ee ka jira madaxda DKMG ah ay tahay mid welwel leh isla markaana dib u dhac ku keentay taageerada ay beesha caalamka ku heysay DKMG ah, waxayna xustay in taasi ay keentay baahida loo qabo guddi maamula dhaqaalaha Soomaaliya oo beesha caalamka la xisaabtanto in la sameeyo.

Kulanka waxaa dhanka saxiixayaasha qariirada joogay Madaxweyne Shariif, Raysul wasaare C/weli Gaas, Shariif Xasan Sheekh Aadan, Madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Faroole, Maxamed Axmed Caalin iyo wakiilka Ahlusuna C/qaadir Macalin Nuur.

Kulankan ayaa dhacay iyadoo kaliya 15 maalmood ay ka harsan yihiin doorashada la filayo in lagu doorto madaxweynaha cusub iyo baarlamaanka cusub ee Soomaaliya 20-ka bishan Agoosto.

 

RBC Radio

Share

Tags:

10 Responses for “Faahfaahin: Muxuu ku Dhamaaday Kulankii Hillary Clinton Iyo Saxiixayaasha Qariirada ‘Roadmap’ Dhexmaray”

  1. Sama_Kataliye says:

    Waxaan rabaa in aan seddex qodob halkaan ka iraahdo: marka koowaad, waa sharaf iyo ciso daro in madaxda soomaaliyeed oo wax kamaqan aysan jirin in ay Nairoobi isku shubaan si ay ula kulmaan wasiir dowlad kale. Waxaa kale oo sharaf daro ah in madaxdii wadanka u saraysan ay kuleegood hal mar wadanka ka wada maqan yihiin. wadan sharaf iyo ciso leh saas ma sameeyeen wadankiina baylah ma kadhigeen inta bilcaan meel fadhida isku racaan. Allow Alle……….maxaan subax noolba ciil iyo xanaaq la soo toosay.

    Marka labaad in aysan Mrs. Hillary Clinton wax ixtiraam ah noo ahaynin hal saac oo qura baysiisay wixii sheeganayey maddaxda soomaaliyeed. waa sharaf iyo ciso daro kale. waxaadna meesha ka fahmaysaa in hadalka meesha ka jiray uu ahaa “one way” oo Hillary jeedinaysay. waa sharaf iyo nasiib daro in aan lagu dhagaysan ee laguula dhaqmo ciyaal oo kale. ilaahow ceebtayada astur.

    Ugu dan bayntii waxaan u sheegaya walaalaha sharafta leh ee akhrista Raxanreeb in hadalkaygii ahaa Hillary Clinton wax noo qaban mayso in uu rumoobay. Hillary iyo shisheeye kale midna dowlad noo dhisi mahayo ee soomaaliyeey in ay haboonaan lahayd in anaku isxilqaano.

  2. xoghaye says:

    hawaynaydu fikir lama filaana bay latimid iyo in waxa waxuustaah laxisaabtama taasina ok murwadana taas waan ku amaanaynaah

  3. somalijecel says:

    AC:Somaliyeey gadhana meesha timid maxaad ula yaabaysaan,yaa keensaday shariif?tusale ahaan somalidu in ay tahay dad maskaxiyan wax si ka yihiin dunida lama arkin qof la leeyahay 275 pm ayaa lagu siinayaa doorashada waa in aad heshaa 275 mp cajiib markaa ayaa la ogaaday somalidu in ay tahay dad waalan.Ta kale anigu waxaan ka mid ahay dadka aaminsan in maanta aan la oron doonin raggan iska taga,balse waqtiga lala eeganayo bilowga doorashada ka dib IWM.Somali musuqmaasuq kama xishooto waana caadadeed markii horena shariif USA ayaa keentay waxaa laga yabaa sidii kaazai-ga Af-ganistan in la yiraahdo sii wad hawsha sidan oo kale ayay ahayd arrinta karzaia marka wadankan dadkii lahaa wali ma dhalan

  4. dagaal yahan says:

    Waxii la buun buuninayey markii la aay ahaan weeyday ayaa afka laba goor la taagay gacmahana madaxa la saartay sidii qof aay masiibo haleeshay. waxaan halkaan ka aqriyey Comment lagu qoray oo yiri, Hal saac ayeey Hilary Clinton siisay!!!! Doqon ileeyn dibir kama daasho, Somalia 22 sano waa markii 3-aad oo aay Mudane shiikh Shariif is arkaan Hilary clinton, wixii ka horeeyey masuul sare oo USA ka socda lama kulmin madaxweeyne aan ka aheeyn kan aay Ciil qabayaasha u Yaqaaniin Mr. Biijoole, Biijoole ka qiimo badan Somalia sooma marin, mana ahan beer laawihii dhintay iyo Aqli gaabka Faroole oo kale .

  5. rooraaye says:

    s/calaykun dhamaan war wax isku hara waana ramadaan qof dhintey yaan la caynin kuwa noolna waa ramadaan aynu ka hadalno waxa soomaali dan u ah dadkaan keyna ugu teget clinton wax xun may sameyn ameerika waa wadan weyn oo arimaha soomaaliya dhaqaale badan ku bixiya waxayna xukumaan oo ay dhaqaale iyo siyaasad ku xukumaan wadamo aan weligood dagaal ka dhicin waxey doonayaa wax uga fuley siyaasadooda ku wajahan soomaaliya tan kale ragbaa u jooga soomaaliya nuucay doonaan ha noqdeen marka sxb nimankaan madaxda ah waxaa ka go,an inay wax qabtaan siday doonto ha noqotee dantaada meel walba waa loo maraa anigu waxaan doonaynaa dowlad caadi ah oo soomaali ah

  6. cadaani says:

    waa run siday walaaluhu soo qoreen laakiin waxaad xisaabta kudarsataan in wadanku uu madaxbanaanyahay iswaydiiya teeda kale masaakiintaan looyeeray awalba iyagaa keensaday ee yaynaan is yeelyeelin

  7. galdogob-gobolka-xiriir says:

    kkkk waxad mooda macalin ardaydiisa home-work u diraya

  8. ssc says:

    @sama kataliye:walal aduunyadan dad ayaa xukuma. waa maraykan iyo ingiriis markaa is deji.waad ogtahay waxa ku dhacay qadaafi sadam Hussein iyo kuwo kaloo badan.ee illahay ha Ibn gaadhsiiyo xili Ayan inagu aduunyada xukuno

  9. cabdinasir says:

    asc dhamaantiin
    dadka oo dhan waxay ka hadleen wax danta soomaaliya ku saabsan lkn midkaa DAGAAL YAHAN ku qortay meesha waa virus caqli gaab ah oo daciif oo qabyaalad iyo wax laga tagay qalbigiisu ku jiraan war horay usoco baan ku leenahay intaad labo nin oo soomaali ah midna caayeysid midna amaanaysid ….gaalna inuusan kheyr muslim u hayn kitaabkay ku taalaa ,,,,,,

  10. Asc says:

    Magacay gu waa alistyle dawlad fiican alaha nasiiyo Aamiin

Leave a Reply