Faahfaahin: Natiijada Codeyntii Dastuurka Qabyada Soomaaliya oo Si Rasmi ah Loogu Dhawaaqay (Akhriso)


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC) Waxaa goordhow lagu dhawaaqay natiijada codeyntii dastuurka qabyada ahaa ee saaka ka dhacday xarunta shirka ansixinta dastuurka ee ka socotay magaalada Muqdisho.

Guddiga tirinta codadka ayaa shaaca ka qaaday natiijada iyadoo ay garab taagan yihiin wasiirka dastuurka iyo ku xigeenkiisa.

Natiijada waxay u dhacday sidan:

Guud ahaan madasha shirka waxaa saaka timid:  645 ergay oo kaliya.

Ergada ‘HAA’ ku codeysay: 621 ergay ( oo u dhiganta 96% guuda haan ergada)

Ergada ‘MAYA’ ku codeysay: 13 ergay (oo u dhiganta 2% guud ahaan ergada)

Ergada ‘KA AAMUSTAY’: 11 kaliya  (oo u dhiganta 2% guud ahaan ergada)

Prof Xuseen Warsame oo ka mid ah guddiga tirinta codadka ayaa ku dhawaaqay in dastuurkii qabyada ee Soomaaliya si ku meelgaar ah loo ansixyet,taasoo micneheedu yahay in dastuurka lagu sii dhaqmi doono illaa inta ay wax ka bedelayaan baarlamaanka cusub kadibna afti dadweyne Soomaali oo dhan ka kooban ay u codeyn doonaan markale.

 

RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Share

Tags:

14 Responses for “Faahfaahin: Natiijada Codeyntii Dastuurka Qabyada Soomaaliya oo Si Rasmi ah Loogu Dhawaaqay (Akhriso)”

  1. daljire says:

    Allaa xaal og inay s i xalaala udhacdiyo in kale tan kale aaway 180 ayaa maqane maxaa ku dhacay , tolow ma intii damiirka lahayd baa ! ??? DIGNIIN : soomaaliyey waxbaa la sheeg sheegayaye , inta dasturkan afti dadwayne loo qaadayo , Qof walba oo idin kamida ilaalinta dhulka bad iyo bariba xil ayaa idinka saaran… ATTENTIoN plz

  2. Cade yare says:

    Yes , walee aqoonyahan wax fahmaya baa meesha yimid , ma aha sidii odayaashi na ragaadiyey oo kale .
    Thanks ergada ansixinta

  3. Khadra ibraahim says:

    Diinta dimuqraadiyada la dhaho waa diin cusub oo latartamaysa islaamka allaha naga badbaadiyo waa diin percentage haada meeshay raacdo ayaa aayad ah, ilaahoow wad ujeeda waan kuu ashtakoonay ee kuwan naga qabo.

  4. Khadra ibraahim says:

    Diinta dimuqraadiyada la dhaho waa diin cusub oo latartamaysa islaamka allaha naga badbaadiyo waa diin percentage haada meeshay raacdo ayaa aayad ah, ilaahoow wad ujeeda waan kuu ashtakoonay ee kuwan naga qabo amiin.

  5. zack-london says:

    waligeed soomaliya ma heshiin doonto……….qof walba degaan kaaga dhiso….

  6. geedaful says:

    Guulshii Ugu waynday oo Soomaaaliya u soo Hoyatay mudo 21 sano. Guul Waye Dastuurka cusub Ninkii Akhriyey ama Dastuur yaaqaan baa garan karo. Ilaahaw fulintiisa noo fududeee. Soomaaliya ha noolaato

  7. somalijecel says:

    kkkkkk Waxaa cajiib in dadka qaarkiis qabiil un ay daba taagnaadaan kii ku farxi lahaa iyo kii diidi lahaa somaliya maanta waxaa u bilowday taariikh mudgi ah ABDI-YARE waxaa laga yabaa qabiil in aad ku taagaareyso mana filayo haddii khalaad wax u dhimi doona jiritaankaaga ankee ay soo baxaan in aad yelan doonto damiir ah SORRY waa khaldanaa marka aynu aragno halka uu ku danbeeyo iyo sida uu u shaqeeyo

  8. Puntlander says:

    kkkkkkkkkkk, Inta caqliga yar inteey fadhiku dirirka, websiteyada iyo kushiinka ka dhex cabaadayaan ayaa Soomaalida damiirka leh horay u soconeysaa.
    Dastuur ma rabno, diintuu ka soo horjeedaa, looma dhama, adeerkeey meesha looga yeerin, bidhi bidhi bidhi.
    Riyo ku nooloow riyadaada ku jir, inta maskaxda Soomali u ah maalinba talaabo horey ha u qaadaan.
    The good news is, cid loo joojinaayo ma jirto, waana dhamaatay maalintii Xaad iyo Diiriye iyo inta ku maskaxda ah Soomaali ku beerlaxoowsan jirtay, waa nala heystaa iyo cirkaa nalooga yimi.
    Dibusocodoow meeshaada joog intaan nolol tan ka duwan kuu dhiseeyno.

    Mahad gaar waxaan u jeedinayaa Dr Faroole oo aan maalina dheg jalaq u siin caado qaate iyo doc ka yeer. Thanx mr President and happy 14th anniversary to all real Puntlanders!!!

  9. Haad says:

    Ninkii wuxuu yiri, “Qoysataye yaa kuu xiirin?”

    Kii kalena wuxuu yiri, “Tubaakada taqsiimataye, halkeed ku tufin?”

    Hada, Xayn indho la’ Dastuur ku ansaxsataye yaad ku dhaqin? Yaa kula qaadan halkeese la geyn?

    W.t

  10. sool says:

    Wadanka waa laheystaa kuwii diida nidaamka
    Socda adeer shabaab wax ma dhaantid amison ayaa ku edbineysa sida konfur qaswadayaashooda loo eedbiyey

  11. muna says:

    @Mr.Haad oo maxaad sameyn ma waxaad rabtaa isbaaradii’ hoogamiye kooxeedkii’ qaxii ‘ qaraxii har iyo habeen socoday’ dhiigii qubanayey war ninyohow ka joog dowlad xun waxay dhaantaa dowlad la’aane ee hadaad wax tabaneyso wadankii tag oo dheh waxaas halaga badalo sidaas iyo sidaas ayey arini ku wanaagsan tahay ..kakin waxwalba waanka soo hor jeedaa filimkaas waa gubtay ee mid kale soo dhagso

  12. Haad says:

    A/C

    @ Ms. Muna

    Ma rabno Isbaaro, Hogaamiye-Kooxeed iyo qurun oo dhan. Waxaan rabnaa nolol saafi ah, nolol saafi ahna ma imaan karto XORIYAD la’aan. Xoriyaduna way imaanaysaa Inshallah, Samir un bay u baahantahay.

    Ma u maleynaysaa Munooy waxa ay Bararafka ( Mahiga) iyo ajnabigu kuu soo qoreen inay Wanaag iyo horumar kuu soo kordhinayaan? Armaad mooday waxaan inay Xoosh iyo kooxdiisu qoreen kurti. Soo lama socotid in Dastuurkaan haduu si fiican u hirgalo uu Diin ahaan, Dad ahaan, iyo Dal ahaanba noo dabargooynayo? Naga daa hade Munooy waad baahantahay bakhtiga looma cunee.

    “Maxaa xeerka gaalada na baday xaqana noo diiday,
    ma xoolaynu nahayeeooOOwa
    soo qalbigu nama xaaajimoooodo”

    Abwaan: Abshir Bacadle (AUN)

    W.t

  13. WIXII DIINTA KA SOO HORJEEDA waa in laga saaraa DASTUURKA ama XUDUUDA somaliyeed,
    laakiin QEYBTA ku saabsan FEDERALKA, iyo CAASIMADA waa LOO BAAHAN YAHEY,
    1-FEDERALKU somalida waa U DAN ileyn waa LA IS DILEY oo LA ISMA AAMINAYEE,
    2-CAASIMADANA waa iney dadka ka DHEXEYSAA oo aan DADKA LAGA SHEEGAN,…. tan kale waxaa jira MAGAALOOYIN U DIYAARA iney noqdaan CAASIMADO, aniga waxey ila tahey KHARASHKA galaya XAMAR dib u DHISKEEDA waxaa MEEL BANAAN OO CIDLA AH looga dhisi karaa MAGAALO CUSUB oo noqota CASIMADA SOMALIYA, mideeda kale, YAA WAAJIBIYEY iney XAMAR waligeed CAASIMAD AHAATO,

Leave a Reply