Faahfaahin: Sarkaal Ka Tirsanaa Nabadsugida DKMG oo Maanta Lagu Dilay Muqdisho
Muqdisho (RBC) Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa sarkaal ka tirsanaa hay’adda Nabadsugida DKMG ah oo maanta askari ka tirsan ciidamada DKMG ah uu ku toogtay afaafka hore ee dekeda weyn ee magaalada Muqdisho.
Taliska nabadsugida ayaa galabta sheegay insarkaalka la dilay lagu magacaabi jiray Col Maxamed Maxamuud Afweyne kana tirsanaa saraakiisha ciidamada nabadsugida ee DKMG ah ee ka hawlgala gobolka Banaadir.
Taliska ayaa xaqiijiyey in askariga dilkaasi geystay iyo askari kale oo iska lahaa qoriga dilka lagu fuliyey la soo qabtay isla markaana labada nin ay ku socoto baaris.
Illaa hadda lama cadeyn sababta dilka hase yeeshee warar ka baxsan ciidamada ayaa sheegaya in khilaaf uu u dhexeeyay sarkaalka la toogtay iyo askariga dilka geystay, waxaana dilku uu ka dhacay iridka hore ee dekeda magaalada Muqdisho.
Dilkan ayaa noqonaya sarkaalkii labaad oo ka tirsan nabadsugida DKMG ah oo isla toddobaadkan gudihiisa lagu dilo magaalada Muqdisho, waxaana ka horeeyay dil gudaha suuqa Bakaaraha loogu geystay sarkaal kale oo rag hubeysan ay toogteen kadibna ka qaateen bastoolad uu sitay. Saraakiisha taliska nabadsugida ayaa dilkaasi ku eedeeyay ururka Al-Shabaab.
RBC Radio











Waa kuwii wwa khaarijinjjiray eee hala toosiyo