Faahfaahin: Shirkii Baarlamaanka Cusub oo Soo Gabagaboobay Iyo Waqtiga Doorashada Afhayeenka Cusub oo Lagu Dhawaaqay
Muqdisho (RBC) Waxaa goordhow soo gabagaboobay kulankii ugu horeeyay ee mudanayaasha cusub ee baarlamaanka Smaaliya maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho kaasoo ka dhacay xarunta Xalane ee taliska AMISOM halkaaso 211 xubnood lagu dhaariyey maanta.
Xildhibaanada cusub ayaa markii la dhaariyey kadib gudomiye kumeel-gaar ah u doortay Gen Muuse Xasan Cabdulle oo ah sarkaal 72 jir ah horeyna ugu mid ahaa ciidamadii Xooga Dalka Soomaaliya.
Doorashadan ka dib, ayaa gudomiyaha cusub Gen Muuse wuxuu ku dhawaaqay in laga bilaabo 21-ka Agoosto illaa 25-ka Agoosto la qaban doono codsiyada musharixiinta u tartameysa jagada afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya waxaana shardi ah in musharaxa u tartamaya afhayeenka uu ka mid yahay baarlamaanka.
Doorashada afhayeenka baarlamaanka ayaa sidoo kale dhici doonta maalinta Sabtida ee 25-ka Agoosto, iyadoo labada gudomiyana ay ku xigi doonaan, sida uu ku dhawaaqay gudoonka ku meelgaarka ah.
Dhanka kale, waxaa maalinta berito sii socon doona shirarka baarlamaanka oo sida la sheegay loo wareejin doono xarunta gaadiidka booliska ee magaalada Muqdisho.
RBC Radio










