FAAHFAAHIN: Wararkii Ugu Dambeeyay Duqeyntii Kismaayo Iyo Khasaaraha Ka Dhashay


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC) Faahfaahin ayaa ka soo baxaysa duqeyn caawa maqribkii lala beegsaday magaalada xeebta ku taalla ee Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Ugu yaraan saddex ruux oo ay ku jiraan carruur iyo haween ayaa la xaqiijiyey inay geeriyoodeen duqeynta caawa ka dhacday magaalada Kismaayo iyadoo tirada dhaawacyada illaa hadda laxaqiijiyey ay gaarayaan 13 ruux. Dhaawacyada waxaa ku jira haween ku sugnaa meel xaafad ah.

Odayaal ku sugan magaalada Kismaayo ayaa Raxanreeb u sheegay in saddex madfac oo isku xigta ay ku soo dheceen xaafadda Fii Afmadow oo ku taalla galbeedka Kismaayo halkaasoo dadka ay ku geeriyoodeen. Madaafiicda ayaa ku kaladhacay saddex goobood oo kala duwan oo deegaano ah.

Goobjooge ka gaabsaday magaciisa ayaa Raxanreeb u sheegay in dhaawacyada loola cararay isbitaalka kaliya ee Kismaayo ku yaalla kaasoo gabaabsi dhanka dawada ah uu soo foodsaaray.

Wararka dadka deegaanka laga helayo ayaa sheegaya in madaafiicda laga soo tuuray dhanka badda, waxayna dadku sheegayaan inay u maleynayaan in maraakiib badda taagan ay soo toogteen magaalada.

Waxaa weerarkan si aad ah u cambaareeyay odayaasha ka soo jeeda galbeedka Kismaayo oo sheegay in weerarada duqeynta ah eel ala beegsanayo goobaha rayidku ku nool yihiin ay tahay dembi dagaal.

Warar gudaha magaalada naga soo gaaraya ayaa sheegaya in badi xoogaga ururka Al-Shabaab ay ka bexeen magaalada Kismaayo duqeynta caawa ka dib.

Weli ma jirto cid sheegatay masuuliyadda duqeynta, inkastoo ciidamada Kenya iyo kuwa DKMG Soomaaliya oo ay wehlinayaan maleeshiyooyin deegaanka ah ay weerar ku yihiin degmooyinka Al-Shabaab ka maamulaan gobolka Jubbada Hoose.

Ma ahan markii ugu horeysay oo duqeyn dad rayid ah ku naf waayaan ay ka dhacaan deegaano ka mid ah gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta dalka.

RBC Radio

Share

5 Responses for “FAAHFAAHIN: Wararkii Ugu Dambeeyay Duqeyntii Kismaayo Iyo Khasaaraha Ka Dhashay”

  1. [...] See more here: FAAHFAAHIN: Wararkii Ugu Dambeeyay Duqeyntii Kismaayo Iyo Khasaaraha Ka Dhashay [...]

  2. Ali Soomali says:

    inkastoo aan aad u jeclahay in shayaadiinta shabaab meel walba laga weeraro si dalka ay la degeen oo ay tahlukeeyeen looga xoreeyo misana waxaan aad uga soo horjeedaa in madaafiic lagu graaco goobaha shicibku deggan yahay. shicibkan isaaga dulman oo khawaarij ku habsatay. qof kasta waa inuu ka taxadiiraa waxyeelada shicibka, yaan loo fekerin sidii awal hore oo shicibka inta la iska laayo cid ka hadleysa aysan jirin, hadda diiwaan baa furan lagu diiwaangelinayo waxyeelada shicibka, cid kastoo mas;uul ka noqotana waa lagula xisaabtamayaa.

  3. asc walaalayaal kenya iyo ethiopia mar
    dalkeena wey baabi’yeen dadka waalan oo muqdisho kuraasta isku haysta waxaan leeyahay idinku shacabkiinu hadii ladhameeyo mawaxaad utalineesaan ciidamada shacabkeena laayay ileen kenya ama uganda hadii dad ka baqtiyo intaad baxdaan ayaad buuga tacsida soo saxiixdaan kismaayo shacabkeena ayaa dagan kenyana maku istariixidoonaan insha_allah waa meesha uu alla ku hoojinlahaa

  4. B Jameeco says:

    war shaayaadiintaan dadkay ku dhaxdhuumanayaaanee dadka yaan la baabi’inin

  5. Qaxweyste says:

    sheekada saad moodeyn mahan Nimankan aad leedihin dadkey ku dhex dhuumanayan Ayagaaba si dadban ula shaqeeya qoladaan wax duqeynaya oo badda madfaca ka soo ridaya waxaana la rabaa oo laga xun yahay dadkaan oo 21 sano dhamaan la’ oo weli magaaalada si caadi ugu nool nolol maalmodkoda caadiga ah marka Qorshahan waa qorshe Far-Planned ah oo la rabo in Kenya ay gebi ahaanba la wareegto Ileyn waa Dhul bilaa dad ah oo aan la kala laheyn

Leave a Reply