FAAHFAAHIN: Xog Ku Saabsan Raggii Saaka Isku Miidaamiyey Xarunta Shirka Dastuurka oo La Shaaciyey


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Banaanka hore ee hoolka ergooyinka ku shiraan ee Xarunta Gen Kaahiye (Ex-Iskool Boolisiya0

Muqdisho (RBC) Waxaa goordhow saraakiisha amaanka ee dawlada ay shaaciyeen xog ku saabsan labadii nin ee saaka isku qarxiyey xarunta uu ka socdo shirka ansixinta dastuurka ee Iskool Boolisiya ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka arimaha gudaha iyo ambiga C/samad Macalin Maxamuud iyo saraakiisha booliska ee goobta soo gaaray ayaa soo bandhigay kaar aqoonsi oo uu watay mid ka mid ah ragga isqarxiyey, waxaana kuy qornaa magaca AXMED NUUR XIIREY.

Kaarkan ayaa ah nooca GUDUUDKA ee loogu talagalay ciidamada amaanka waxaana ku qoran SECURITY.   Ma ahan kaararkii horey loo qeybiyey hase yeeshee waxaa wasiirku sheegay in magaalada dhexdeeda lagu soo sameeyay.

Kaarkii labaad ee uu watay ninka labaad weli lama helin.

Sidee ku soo galeen?

Meesha ay labada nin isku qarxiyeen waxay in ka yar 10 tallaabo u jirtaa hoolka ay ergada ku shirayaan waana halkii ay ciidamada amaanka ku joojiyeen labada nin ka hir intii aysan isqarxin labaduba oo halkaasi ku googo’in.

Wasiirka arimaha gudaha wuxuu wariyaasha u sheegay in labada nin ay soo mareen wado ka duwan tii loogu talagalay inay dadka soo maraan taasoo toos usoo dhexmarta xaafadaha degmada Waaberi oo dhinaca ku heysa xarunta Iskool Boolisiya.  Waxayna labada nin wateen kaararka CASAASNKA ah ee ay ciidamada amaanka qaataan.

“Nasiib wanaag ciidamada way sii ogaayeen inuu qarax dhici doono, waana laga hirtagay” ayuu yiri wasiirka oo wariyaasha kula hadlay xarunta shirka dhexdeeda.  Wuxuuna sheegay in shirku uusan joogsan doonin amaankana ay adkeeyeen ciidamada.

Wariyaha Raxanreeb oo goobta ku sugan ayaa sheegaya in meydadka labada nin oo adag tahay in wax laga garto ay yaaliin goobtii ay saaka ku googo’een, iyadoo shirkii ansixinta dastuurkana uu bilawday.

Baabuur iyo kaarar la afduubay

Kaarka cagaaran ee ergada la siiyey

Xog ay heshay Shabakada Raxanreeb ayaa sheegaya in magaalada uu ku jiro baabuur ka mid ahaa gaadiidka lagu qaado ergada oo labo maalin ka hor ay afduubteen rag hubeysan oo illaa hadda aan la garan waxay ahaayeen.  Raggaasi hubeysan ayaa sidoo kale labo maalmood ka horey horey u qaatay illaa saddex kaararka qoonsiga ergada ee midabkoodu yahay CAGAARKA taasoo laga cabsi qabo in loo soo adeegsado in gudaha lagu soo galo kadibna amni dari lagu sameeyo.

Wasiirka arimaha gudaha C/samad oo Raxanreeb ay weydiisay arintaasi wuu cadeeyay haseyeeshee wuxuu sheegay in arintaasi ay ka feejigan yihiin ayna ka warqabaan.

Xaalada goobta shirka ansixinta dastuurka ayaa haan degan, waxaana caadi ku socda shirkii maanta loo ballansanaa iyadoo amaanka aad loo adkeeyay.

Lama oga in raysul wasaaraha DKMG C/weli Gaas iyo Wakiilka Qaramada Midoobay Mahiga oo saaka meesha tagi lahaa ay baaqdeen iyo in kale.

 

 

RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

Share

Tags:

11 Responses for “FAAHFAAHIN: Xog Ku Saabsan Raggii Saaka Isku Miidaamiyey Xarunta Shirka Dastuurka oo La Shaaciyey”

  1. cawaale says:

    taaso waxay moojinaysaa sheegashada dawlada in axamar tahay amaan in ay tahay been qaawan hadii shirkii la weeraray maxaad umalaynaysaa dadka aan cidna ilaalinayn

  2. zack-london says:

    hayaaay….halis…………

  3. al sabaal kali ah ma ahan meeshaan bahala galeen ayeey noqotay cid kasta oo aan nolol kula rabin ayaa kafaa.iidaysanaysa qalalaasaha iyo wareerka taagan
    wax kasta oo dhaca somalida ayaa masuul ka,ah waayo waa hal qawmiyad oo aad moodid 2000 laba kun oo qawmiyadood oo hadana aan rabin in ay wada noolaadaan

  4. al shabaal kali ah ma ahan meeshaan bahala galeen ayeey noqotay cid kasta oo aan nolol kula rabin ayaa kafaa.iidaysanaysa qalalaasaha iyo wareerka taagan
    wax kasta oo dhaca somalida ayadaa masuul ka,ah waayo waa hal qawmiyad oo aad moodid 2000 laba kun oo qawmiyadood oo hadana aan rabin in ay wada noolaadaan

  5. somalinimo says:

    Al shyadeen Waa argigaxiso khatar ku ah umada soomaaliyed ,waa dad xon oo dhiiga islamka xalaaleystay , waxay isku badalin bahalo dadqalato ah oo haday aanay dhiig beniadan cabin aan siixan karan habeenki…umada soomaapiyed waa inay kahor tagta kooxda argagaxisada ah ii dgiigena raba inay daadiyaan.

  6. ali says:

    Muqdisho waa bahalo galeen, bal muxuu galabsaday majaajiliiste MAARSHAALE oo kuwa dilay ay ku dileen oo sabab ah, waxaa muqdisho isugu soo haray wixii dhiigga u qubayey 20kii sano oo lasoo dhaafay oo sababo kala duwan dhiig usoo galay ama qabiil ama diin ama sababkale ha noqotee magaalada dadka jooga ee isugu soo haray waa wada noocaa waana ayagoo miiran waxa magaalada jooga oo dhan amnina marna kama suurta gelikaro Muqdisho caasimadna manoqon karto say amniba maahee.

  7. Abdul says:

    Cawaali, Waan kuguraacsanahay walaal waa runtaa waayo Xamar waxey noqotay Bahol galeen

  8. kamarsade says:

    war xisbiga tayo, magaciisa iska daaye, magacaaga maad isticmaashid?

  9. Ali Soomali says:

    waa wax lala yaabo dadka xamar deggan goormay ka suurta geleysaa inay nadaam dowladnimo u soo dabaalaan? daka wax qarxinaayo xaafado magaalada ku yaal ayey ka soo kaceen dad bay leeyihiin, ehel bay leeyihiin may soo sheegaan? xamar waxaa ka jira ciido-beeleed hubeysan miyaana waxba laga qaban karin? Afgoye har iyo habeen waxaa wax ku dhaco ciidamo -beeleed aan u dhalan deegaanka, madaxweynihii ayaga ka soo jeeday ayaa dowr jeer u tagay waxay u ektahay doofaar ma daahiro, waxay ila tahay in hab-dhaqnkan la bedelo haddii kale Somali wey idinka tashan.

  10. ceelhuur says:

    WAA /////////////IYO XAALKOOD WELIGIIN KA XUMAAD XAMAR CADE ,XAMAR SOO NOQEY WAANA NABAD ,DADKA /////////SOO DIRAY WAXBA KAMA TARI KARAAN ,WAA DHAMAATAY ISTICMAALKII CAALIN OO ABDIQAYBDIID BAA YIMID HEE HEE HEE, SHAQO CUSUB

  11. Rooraaye says:

    Ceelhuur sxb xamar waxay ahaan jirtey caasimada laakiin hada wax weyn baa iska bedeleymarka hore intaad wax sheegan meesha dilalka qorsheysan ka daaya hantidii qaranka soomaaliyeed soo celiya tan shacabka ayana soo celiya dadkii gobolada dhexe hakoodii hore haku soo noqdaan ileyn xamar waa naqaan waxay ku joogaan oo degan yihiin waa naqaan hadii kale walee after shabaab xamarbaa lasifeen ogoow

Leave a Reply