Faarax Macalim: Senawi Wuxuu Ahaa Sun ku Dhexjirtay Geeska Afrika, Waana Laga Nasan Doonaa Dhibaatadiisa
Nairobi (RBC) Gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka Kenya Faarax Macalim Dawaar ayaa ku tilmaamay geerida Meles Senawi mid irid weyn u furi doonta Soomaalida iyo guud ahaan shucuubta ku nool Geeska Afrika.
Faarax Macalin oo wareysi siiyey telefishanka Kenya KTN ayaa sheegay in shucuub fara badan oo ku nool gobolka Geeska Afrika ay ku farxi doonaan geerida Senawi oo sida uu sheegay hurinta colaado fara badan hormuud u ahaa. Faarax Wuxuu sheegay in dadka Soomaalida iyo Eritrea ay ugu horeeyaan dadka aadka u dareemi doona neecawda.
“Aniga waxaan u arkaa inuu Senawi ahaa hogaamiye kooxeed ka jiray Geeska Afrika saameynta geeridiissana aad looga dareemi doono gobolka. sun ayuu ahaa ku dhexjirta” ayuu yiri Faarax.
Faarax Macalim wuxuu sheegay inaan la dhihi karin Senawi ayaa nabad keenay, hase yeeshee uu masuul ka ahaa colaad iyo dhibaatooyin badan oo gobolka ka jiray, wuxuuna xusay duulaankii 2006 Ethiopia ku qaaday Soomaaliya.
“Dal dhan ayuu ku duulay oo dadkiisana laayey, iimisaa carruur iyo haween bey xasuuqeen ciidamada Senawi” ayuu yiri Faarax.
“Xitaa Al-Shabaab isagaa sabab u ahaa inay sameysmaan” ayuu sii raaciyey Faarax hadalkiisa.
Wuxuu sheegay in Senawi uusanweligii rabin inuu arko QARAN Soomaaliyeed oo awood leh oo arimihiisa maamula.
Soomaalida ku nool dhulka Soomaali Galbeed
Gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka Kenya wuxuu sheegay in dadka uu dhibaatada ku hayey Senawi ee aanhaddana hadli karin ay yihiin dadka Soomaaliyeed ee dhulkooda xooga lagu heysto ee Soomaali Galbeed kuwaasoo gaajo, macluul iyo xarig lagu baab’iyey iyadoo ay xusid mudan tahay in maamulka Ethiopia uu gumaaday dadka Amxaarada ee ku nool Ethiopia.
Diblomaasiyiin reer galbeed ah, kooxaha xuquuqda aadanaha iyo suxufiyiin Ethiopian ah ayaa iyaguna maanta sheegay aragti la mid ah mida Faarax Macalim. Suxufiyiinta Ethiopia ayaa bilaabay inay bogga facebook iyo twiter isugu hambnalyeeyaan iyagoo sheegaya in “Aabihii gumaadka iyo cabsiga” uu geeriyiiday.
Cilmibaarayaal Mareykan ah oo iyaguna hadlay ayaa sheegay in dadka Ethiopia ayaan hilmaami doonin xadgudubyadii xuquuqda aadanaha iyo xoriyatul qawlka ee uu Senawi ku hayey dadweynaha Ethiopia.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Nairobi











Sheikh Sharif Ahmed manta tacsi ayuu uu diray. Wale Waa Yaab. Wadani iyo Somali Dhab Eh Waa Gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka Kenya Faarax Macalim Dawaar oo Mabdiisa iyo Siyaasadiis ku dhagan ee Xasuuqi ee Geysteen Somalia Ciidamda Ethiopianka iyo kuwa Abdullahi Yusuf.
Taarikhada ayaa qori doonto Sheikh Sharif oo tacsi u diray iyo Faarax Macalim oo Somalia iyo geeska Afrika oo fowdo kala qeybsi iyo dagaal ka nasan doonto.
Shame on Sheikh Sharif Ahmed for his policy towards Ethiopia.
Nin rag dhih…wakaa soomaaliga asliga ah.. Faaraxow guuleyso.
a/c guud ahaan bulsha waynta reer soomaliyeed
runtii waxaa aad umudan in lafahmo dhibaatadii iyo faa idadii zenawi markan kala qaado anigu runtii ma oran karo wax faa ido ah ayuu soo hoyiyay zanawi waxan o ran karaa waxaan dhibaato gobalka ah ahany ma soo hoyin midakale xaqiqadii aad ayaan u soo dhawaynayaah Gudomiye kuxigenka barlamanka kenya mudane farah macalin fakarkisa waxan jeclan lahaa in saa loo wada hadlo madaxda somaliya waxlo qaarkoo day ooyeen waana nasib xumo taasi mahadsanidiin
Farax Macalin. Askarta kiinyanka ah. Oo xasuqa kawada. Gedo iyo juboyinka Maas ka hadashid ,Hadii Aad karti leedahay markaad nin dhintay Kadaba hadlaysid markuu noolaa Maad hadashid oo runta sheegtid.
waxay ilatahay zinawi waxuu ahaa waa la yaqaan doqon dhiiga ku qobaysta ayuu ahaa caddaawad xoogle ayuu ka abuuray gobalka,eex iyo ninjeclaysina waxuu ka dhex abooray dadkiisa, lakin waxuu ku badbaaday arinka soomaalia in uu reer galbeedka kaiibsado siay ooga indho garsadaan xadgudubyada dadkiisa uu kuhayo,islaamka mayalka adag ayuu ku badbaaday lakiin waxuu ahaa hogaamiye sumcad xun oo aan aqoom sida loola noolaado dadka kale, inkasta oo siyaasad ahaan uuku fashilmay soomalia oo kaalintiisii uganda la wareegtay hadana wali saamayn buu ku lahaa siyaadada soomali oo BULLACADA ah , waayo soomali maysan helin hogaamiye kartile oo ka iibiya waraaqo siyaasi ah
Senawi waxa uu ahaa anag waanu ka dharagsanahay laakiin kan faarax macalin car haka hadlo xasuuqii ay cidamada kenya ku gaysteen shacabka NFD oo u isagu kasoo jeedo sanadihii sideetamaadkii iyo todobaatanaadkii iyo gardarada ay ciidanka gudhuuda kenya kusoo galeeen gobolada jubooyinka ee soomaliyeed, Farax macalin waa ninka hargaysa u tagay xinka dad ay isaga isku hayb yihiin oo loogu abaal guday in gabdho ogaden ah loodhiibo itoobiya…. marka muxuu noo sheegayaaa ????? ma waxa uu na leeyahay kenya ayaa itoobiya uga naxariis badan soomaalida adeer labada midna ma rabto qaran soomaliyeed waana isugu kaaya mid.
Faarax wuxuu ku Hadley waxba Kama jiraan wuxuu rabaa in dadka ogadenia u dhashey Iyo dhamaan soomaali at u fashiyaan dhadhaab oo ah halka laga soo doorto,intaas buu ka welwalaa.
Faarax senawi ma necba ee wuxuu rabaa in boqolaalka kun ee qoxootiga ku ah dhadhaab halka as joogaan maadaama isaga laga soo doorto dhulkoodina sida soomalia iyo ogadenia colaad ku jiro ,waana khaain siyaasi ah. Piss off viva DDS&Somalia
ninkan waa nin somalinimo kabuuxdo lkn faroole car saa ha uhadlo
garyaqaan baan ku raacsanahay fikirkiisa waayo faarax wuxuu iloobay ama qariyey waxa eey ciidamada kenya hadda ku sugan yihiin si uu u kasbado wax ma garatada aan meel dheer wax ka arag. Runtii waa hadal xeeladeysan oo uu ku qarinayo runta ha jirta.
Imisaa ku dhamaatay gumaadka kenya iyo duqeynta lagu haayo reer kismaayo muu ka hadlo. Nin been badan nin dhintay buu marqaati u qabsadaa faarax iska aamus waad ceeboowday. Shilimada barlamaanka kenya kaa soo gasho uun guro nacas aan dhiig laheyn.
faarax macalin waa runtiis inkastoo looga baahnaa senawi intii uu noolaa in uu sidaa ula hdalo
laakiin waxaan shaki ku jirin in uu yahay soomaali bayuur dhalad. waxaase la yaaba kuwa u tacsiyadaynaya oo hadana raba in ay soomaali matalaan dufku baxa bal shariif,daya io siilanyo.iyo faroole waxay ku sugan yihiin marxalad boohina
Farah Macalin is fraud. He has no spine. Why now? He should have said that long time ago. How about what Kenya is doing in Somalia? How about bribing and selling Somalia to Kenya? How about Wajir massacre? This guy is nothing but a clown. I will never take him seriously!
GEESI GEESI DHALAY Mudane Faarax Macalim noolow walee waxaad tahay halyey Soomaaliyeed oo geesi ah
Faarax Macallim ayaa ah Soomaali run ah oo wax fahamsan.
Allaah khayr ha siiyo.
narta alaha ku fogayo
faarax macalin aqiiqda ayuu kawaramay zanawi mujrim somali kala furfuray oo bartay meesha aynu ka nugulnahay ayuu ahaa ee ah qabiilka intii uu somaliya kunoolaa wuxuu darsayay qabaa,ilka somaliyeed iyo sida uu ula dhaqmi doono markii uu lawareego ithopia
balse faarax macalin waxaa wanaagsanaan lahayd ama waajib kuba ah in sidoo kale tacadiyada iyo dhibaatada keenyaatiga ciidamadooda ay ku hayaan dadka somaliyeed in uu ayadana tilmaamo oo uu ka gilgisho
faarax macalin waxba ma soo kordhin soomalida ka ugu waayo arag yar baa og oo fahansan in meles soomaaliya inay baabado uu rabay faarax waa nin ku baayac muushtara jabka soomaaliya snm ayuu$$$$$$$ kaga qaataa si uu ugu taageero inay xasuuqaan reer khaatumo siyaasiyiinta soomaaliya ayuu kala shaxaadaa oo luqadiisu waa $$$$$$$ meles markuu noolaa bay ahayd inuu hadalkan sheego hadalkiisu waa caadifad uu dadka aan aqoon ku soo jiidanayo weliba kuwa uu rabo inay u codeeyaan ee kenya jooga ayuu isaga dhigayaa nin soomaaliya ka naxaya oo garab taagan islii soomaalida joogta codkooduu rabaa
Anigu waxaan isku aragti nahay Garyaqaan. waa saas oo muu kahadlo kenyan dadka xasuuqaya.
Kuwiinan ku celcelinaya Faarax muu hadlo waaguu Zanaawi noolaa xageed ku maqnaydeen? Meeqa jeer ayuu Faarax kahadlay duulaankii Ethiopia ee 2006 iyo gumaysiga lagu hayo Somalida guud ahaan?
Faarax Macalin:Senawi hadduu ahaa sun adaa badalay oo garan la’ dhibaatooyinka ka jira NFD iyo horumar la’aanta haysata, ay ka hareen asaagood marka ka waran dhulka lagaa soo doortay ee NFD maxaad horumar ah oo aad u samaysay ????? iyo jubooyinka ay garaacayaan ciidamada Kenya,ka hadal kuwaas !!!!!!.Senawi ka hor kilinka shanaad muxuu ahaa????,xag maamul,xag waxbarasho,xag dhismeyaal,wadooyinka,magaalo walba waxaa laga furay iskuulo,ceelal,jaamacado,iyo waxqabad kale oo badan,adigu dib isugu noqo,haka hadlin nin dhintay dabadi,oo aadan ogayn wax badeli doona !!!!!!!!!!!!.
ASC.dhamaan dadka kunool geska africa gaar ahaan bulsha waynta somaliyeed waxaan oogu hambal yaynayaa farxadda ilaahay u soo hooyay kadib 21 sano oo ay kujireen bur bur iyo colaado uu ugeestay malcuun senawi geeridiisaas oo aan RABI kabaryayo inuu nagu abaal mariyo farxad joogta ah iyo qarankoo israaca oo insha alaahu ay noqoto Muqdiso nabadda Africa sidii Siyaad bare alah unaxariistee uu u ahaa gudoomiyaha IGD inay taasi noosoo laabataan rajaynaynaa taasoo inbadan afduu uukuhaystay malcuun senawi
Waxa nasib daro ah nin wayn o leh masul ayan ahay intu afka kala qado inuu sidi dameer u ciyo, haddu wax isku falayo tan isaga ku aadan muu wax ka qabto ama ka dhaho, mise sxb waxa lagu tusay in sokor ah,tan kale raganimadadu ma sidasaa? O kolku noolaa maxad wax u dhihi wayday waa kaad amaanaysaye, wax ku anfaco ma qaadatay, mise balanki wa lagaga baxay o waxay ka jogtaa hadalki yaa ku so celiyo khasaro calayka, yaa miskinul makhnut.