Farmaajo Daryeel u Balan Qaaday Ciidankii Naafada Xooga Dalka Hadii uu ku Guuleesto Xilka Madaxweynenimo Ee Soomaaliya
Muqdisho (RBC Radio) Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya haatana ah Musharax u taagan qabashada xilka madaxweynenimo ee Soomaaliya ayaa wuxuu magaalada Muqdisho kulan kula qaatay qaar ka mid ah ciidanka naafada xooga dalka Soomaaliya.
Kulanka ka dib Musharaxa wuxuu la hadlaya warbaahinta wuxuuna faah faah ka bixiyay kulanka uu la yeeshay xubnahaan ka tirsan ciidankii naafada xooga dalka Soomaaliya.
Wuxuu sheegaya musharaxa in kulankaan uu ahaa mid muhiim ah oo isla markaana uu kaga warqabayay xaalada ciidamadaan xubnohoodii ugu qaalisanaa ee jirkooda ku waayay difaaca dalka.
Musharax Maxamed C/laahi Farmaajo wuxuu sheegay hadii uu ku guuleesto xilka madaxweynenimo ee Soomaaliya in uu wax badan u qaban doono ciidankaan ku dhibaateesan muqdisho.
Wuxuu sheegay in loo baahanyahay in la daryeelo isla markaana ay si toos ah u helaan mushaarkooda maadaama ay xaq ku leeyihiin dalka iyo waliba dadka haatana ay heestaan dhibaatooyinkii ugu darnaa.
Farmaajo ayaa xiligii uu Raysal wasaaraha ka ahaa wadanka waxay xukuumadii ay mushaaraad u bilowday ciidankii Naafada xooga dalka eek u jira Isbitalka Martiina iyo waliba ciidamada xooga dalka ee dagaalada kula jira Al-Shabaab.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho











warmaan illahay ka baqno oo runta isu sheegno ninkaa ayuu dalka u bahan yahay oo ciidamadeenii sharaftooda soo celin kara maanta ciidano shisheeye ayaa dalkeenee la wareegey hadey sii joogaana ayagaaba yeelan doona allow hana tusin codka siiya halyeeyga horena waanu u aragney waa hadii aanu dooneyno dalkii oo sidisii ku soo noqda waa in aanu ciidamada cidii soo celineysa aanu garab istaagnaa Farmaajo codka siiya soomaliyeey qabiil haku war wareegina ee dalka iyo dadka u tura sharaftii soomaliya hala soo celiyee.
marag ilaahay waxaan kanahay in uu halyeen yahay ana hadaan shacab nahay saas ayaaban ku dooranay maanata laga bilaabo waa madaxwaynahayaga xaqa ah ee aynu jecelnahay
rabi garabkaada hagalo waa loodhashaa wadani la.iskama dhigee waa loo dhashaa wadani
GUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUL MR PRESEDANT FARMAAJO
Farmaajo meel uu nabad ka dhalin karo ma jirto xataa Caabudwaaqda uu kasoo jeedo, Waxba yaanuu muqdisho ku ordin cida deegaanka u leh uma ay baahna Farmaajo iyo inuu wax la qabto, hadduu asagu u baahan yahay ee uusan ka maarmin oo uu maarmi waa yahay sidaa uu u dhaqmayo sidii looga baahnaa maaha ee edeb ha yeesho oo dadka kaga mudan hawshaan ha u daayo hana uga dameeyo hadduu diido oo wax aanu shaqo ku lahayn faraha lagana wuxuu kala kulmo baan eegnaa, MAN DAGA MAALAA YACNIIH LAGIYA MAALAA YARDIIH. Dadkiinaan in hunguri Muqdisho yaal u malaynaya ee Farmaajow lihi waad arki doontaan cawaaqibta dame iyo halkay salka dhigato.
Farmajo wadaniyad ayaa ku jirta laakiin gaalo ayaa wadanka haysta wadani gaala ma rabto waxaa ay rabtaa mid ku faana inuu addoonsi ku jiro
saasaan kaa rabaa farmaajo naafadii xooga markaad meesa ka tagtaybaa udanbaysay,kuwa furinta ku jira xitaa ma qaadan mushaar muddo 6 bilood ah barlamaankiina waala gadanayaa, raggas ciidankeenii gaajada udilay waxay rabaan in mar kale ay dhiigeena cabbaan ilahaw rabiyaw na dhaafi,
Allaha guuleeyo Farmaajo, Allahana nooga dhigo mid Dalka iyo dadka wanaag u horseeda
Ku: Ali
Ma isku ciyaaraynaa? Waxaad tiri, ” Farmaajo meel uu nabad ka dhalin karo ma jirto C/waaqna ha ku ahaatee”.
Soo kan Muqdisho ka dhaliyay 180 bari gudahood (6 bilood). Ma hurudey ina adeer markuu arrintaas aduunku u qiray mise xuubkii qabyaaladaa qalbigaaga daboolay? Mise qof aad taageero u tahay buu bahdil ku sameeyay? Mise xaaskaagaa jeclaatay? Halkeed ka aragtay wiilka waaba loo wada riyaaqaye?
Mida kale C/waaq nabad way haysataa ilaahbaa siiyay. Waa meesha labaad ee soomaaliya ugu nabdoon (Boorama #1). Sidaas daraadeed, C/waaq nabad ogama baahna Farmaajo iyo cid kale midna. Farmaajo reer Garoowaa ugu baahi badan oo wiigiiba dhowr jeer is mishima. Ayagaas maalin walba gawda isku haya inuu Cilmigiisa oga faaiideeyo oo kala celiyo unbaa loo leeyahay Farmaajow na hogaami.
Ninyahow ninkaas nin kuu dhaama heli mayside isaga ku yoto’ waad ku baraarine ! Hadii ay qabyaaladu kaa tan badato oo aad kari waydo in aad ku daba feysho Mudanahaaga Maxamed ibnu Cadullaahi bin Maxamuud AlFarnaajo, hal wadoo kalaa kuu furan oo ah inaad xarig qoorta gashatid oo aad is marjisid.
Ws cl
KU ali
Xageey kaa martay in Farmaajo uu shaqsiyan, uu ku sifoobay dhinac walba oo aad ka eegtid Cumar BIN Qadhaab qofka fiicana oo muslimkaa oo Leadership keeni karana waa in uu wax ka barto waxii afar iyo toban qarni ka hor sameeyn jireen Asxaabti. Maaha caqliga Garoowe. Marka Boowe iska daa MASEYRKA maahid dhoocil ama dhoocil taa Faroole iyo Sakiin baan kunaqaanaym
SOOMAALIYA HA MIDOWDO