Farmaajo Oo Beri Immaanaya Muqdisho


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho [RBC Radio] Ra’iisal wasaarihii hore Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed “Farmaajo” ayaa maalinta beri oo khamiis ah,lagu wadaa in uu yimaado magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Qaban-qaabo loogu jiro soo dhaweynta Farmaajo, ayaa maanta si weyn looga dareemay Muqdisho, iyadoo gawaari iyo mootooyin lagu dhajiyay sawirradiisa lagu arkayo wadooyinka Muqdisho,

Ra’iisal wasaarihii hore Soomaaliya, ayaa ka mid ah musharaxiinta dooneysa ka qeybgaleysa doorashada madaxweynaha Soomaaliya. oo dhaceysa wixii ka dambeeya 20 August ee sannadkan.

Sidoo kale dadweynaha Muqdisho ayaa watay sawirka Farmaajo iyadoo goobaha ganacsigana lagu arkaayay Farmaajo, oo isku soo taagaya xilka madaxweynaha soo socda.

Waxa uu ra’iisal wasaarihii hore uu muddooyinkan dambe ku sugnaa dalka Kenya, gaar ahaan magaalada Nairobi, halkaasoo kulamo gooni ah uu kula qaadanayay jaaliyadda iyo dad taageersan isaga.

Magaalada Muqdisho, ayaa maalmahan waxa ku soo qulqulayay musharixiin doonaya in ay qabtaan xilka madaxweynaha dalka Soomaaliya.

Shaley ayey ahayd markii uu ra’iisal; wasaaraha hadda Cabdi Wali Cali uu ku dhawaaqay in uu ka mid yahay musharixiinta dooneysa in ay isku soo taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Ammaanka Muqdisho, ayaa aad loo adkeeyay, iyadoo ay soo dhawaatgay mudada la qabanayo doorashada madaxweynaha Soomaaliya, oo uu damac kaga jiro musharixiin kor u dhaafeysa ilaa labaatameeyo.

RBC Radio

————————-

Xafiiska Wararka Muqdisho

Share

Tags:

30 Responses for “Farmaajo Oo Beri Immaanaya Muqdisho”

  1. Aar Gantaalan says:

    Farmaajo siduu calan u ruxayay baa qoladii kii yaraaye SNM u shaqayn jiray yiri lacag buu dhacay. Ka dibna meel uu galayba waa la waayay. Farmaajo waxaan leeyahay wiilkan yar ee SNMta u adeega ha u joojin ee meesha wax ka raadso. Kolay wax xalaal u eg kama soo socdaane.

  2. cawaale says:

    waa nin ku haboon in uu dalka hoggamiyo waana rajaynayaa in uu guulaysto

  3. jama says:

    GUUUL GUUL GUUL.
    Mohamed Abdullahi waa ninka kaliya ee inta sharaxan ugu macquulsan.
    Guuleeyso Alle idinkiis Aaamin Aaamiin.

  4. xoghaye says:

    maanta waa ii farxad in aan maqlo farmaajo intaa kasakow waxaan kaloo kusii farxayaah mugdisho oo ila fikira alow guuuuuuuul dadkaygoow balantu waa farmaajo

  5. Aamiin,AAMIIN,
    KHAYR iyo guul ayaan u rajaynayaa mudane m.c.m. FARMAAJO.
    SNM , iyo ajaanibta la shaqaysa haw joojin ayan leenahay
    waad guulaysanasaye

  6. qarandhise says:

    Fadlan eeg link hoos ku yaala si aad u ogaato waxa uu farmaajo ka qoray qaar ka mid ah qabaa’isha soomaaliyeed iyo waxa uu ka qabtay musuqmaasuqa

    http://allsomali24.com/2012/08/08/the-ugly-side-of-the-former-pm-farjamo/

  7. Daljir123 says:

    Welcome with open heart mudane Farmajo to your home country. Waxan somaliweyn kacodsanaya
    In cadalada iyo sinanta mudnanta lasiiyo si dalka iyo dadka somaliyeed uga baxaan caqabadaha qowleysata isku baheystay danahooda gaarka ah. Waxaa inoo balan in aan tageerno mudane Farmajo ducada salaatul leelkana kudarno si mudan loga qabto lixda saxiixayasha roadmapka.

  8. HIIRAN BOY says:

    soo dhawoow madaxwayne sida runta ah adiga ayaa madaxwayne ah saa shacabka somaliyee%80 adiga ayeey kuu hamuun qabaan

  9. cawaale says:

    waxa auu qoray dabcan recherchkii am acilmi baaristii shahada sare masterka waana run qabiilooyinka qaar ay ugaleen axmamro si ay soomali ububuriyaan sxb wixii taariikhahna waa qoran yihiin lakin maxuu ooga hadlay cidna ma oran karto

  10. Aar Gantaalan says:

    @Qarandhise

    Hadaad adigu tahay ninka articalka qoray iyo hadaad duuduub ku liqday wuxuu qoray ninkaasi labadaba waad qaldan tahay.

    Farmaajo hadduu ka hadlay in SSDF ay Ethiopia u isticamaashay inay Soomaaliya ku burburiso been muu sheegin. Haddii uu yiri USC xal raadis ma noqon ee Ethnic cleansing ayay u dhaqaaqeen been ma sheegin. Dowladdii Siyaad Barre hadii khaladaadkeedii uusan ku sheegin qoraalkiisa waa uu ku qaldan yahay. Oo taas qaladkeeda waan kula qabaa.

    Tan qolyahan ajendaha kale wata ee musuqmaasaqa ku sheegay Soomaali inuu jiro waa shaki la’aan laakiin iyaga ha ka qaadan.

  11. Badbaadiye says:

    Ninkaan aad baad looga bad badiyey wiil xun oo xafiis kashaqeeya oo lagula qaldamay Raysal wasaare weeye lacagtii $3.5 millions ahayd xagee gaysay malawaydiiyey. Saxaafada Somalidu Farmaajo aad ayeey ubuun buuninaysaa bal aan aragno meeshu ku danbeeyo.

  12. Rayaan says:

    Allow Farmaajo ha noogu dhiibin talo, qabyaaladiiste waaye.

  13. Zakari says:

    Farmajo welome, waan kugu sugaynaa xamartii aad ku dhalaty . Waxaan kaloo ku faraxsanahy inaad tahay in taariikhda somalia ninkii kaliya oo aan qabiil loogu mudaharaadin. Sxb madaxwayne waan ku sugaynaa barito insha’allah!

  14. Dee says:

    Soo Dahawoow. So Dhawoow Farmajo. Waa Kii Ummada Soomaaliyeed u baahaneed ba tahe.. So Dhawoow.. Forget the current puppets. Farmajo was KICKED out by Faroole for being fair.

    Remember, it is he who brought Abdiwelli Gaas on board..And into the Somali politics. Gaasna waxaa lugu qasbey inuu Farmajo iska foogeeyo by the Kampla Accord (due to Sakiin and Faroole). Waa labada nin ee hadana wada socda. A/weli Gaasna Kursi Jacaylkii Soomaalida logu ogaa ayaa ka dhigey saxiibka Farmaajo iyo Sakiin. This is interesting. It is a show down of Force. Will it be the Farmaajo iyo Shariif Ahmed or Shariif Aden and Dr. Faroole… What will it be? Will any of them think of the common Somali child seeking a better future. It seems to me that all these man are out of touch with the common issues and needs. This is looking more like the 1960s election… I pray for the best heart/mind for the Somali people to win. VIVA KHAATUMO, SOMALIS everywhere…

  15. farahaan says:

    faramaajo haduu gabar xisbigii u dhiibay maxuu soo doonayaa mise waa u gogol xaar..

  16. qabqabsey says:

    Farmaajo inuu is wareeriyo maaha ee in uu Bafalo isaga soo laabto ayaa u haboon .waayo?

    1) Ragii ku yidhi ma gaydid kursiga ayaa jooga meesha
    2)musuqmaasuqana waa ka ugu wayn
    3)waxa uu ka soo jeedaa beel aan imika diyaar loo ahayn

  17. Maroodi says:

    Farmajo soo dhawoow farmajo waxna leenahay mudane soo dhawoow wadankagina waa kan kuubahan ilaah cadawgaga ha ka hayo wana la ogaa in jeclaanta shacabkaga ay melksta ay ka dhacday Farmajo Farmajo mudaharaadkisa lkse wxaa su,aal mudan in la is weydiiyo shalay nin kan asagoo howshisa xilka u ka saran yahay gudanaya ayaa la yiri waa in aad xilka baneysaa manta hdi ilaah u garto in somalia u madxwyne ka noqdo insh,laah. Dadki shalay xilka ka dago dhahay mel dheer maysan aadin wana kuwa malinwaliba mel u jiheynaya madaxda somalia (mahiga) sida dowladaha dariska ah iyo kuwa danahooda gaarka ah leh ma kula tahay in mar labaad lagu amro in uu xilka baneeyo ? sidii Abdulaahi yusuf allaha u naxariste..

  18. cadaado says:

    guul guul,farmaajo hero of somalia,wixii aad qabatay ma iloobi doono,abid..waana ku taageersanahay ,aniga iyo inta ilamid ka ahi,,,halyeeygii qarniga 21nad ayaatahay ee somalia…ee guulayso ilaahay idanki

  19. somalijecel says:

    kkkkkkkkkk anigu waxaa ay ila tahay farmajo waa inuu sheegaa oo cadeeyaa lacagta lagu sheegay inuu xaday haddii kale 2 shariif tuug iyo pro beenbeen tuug number one abdiwali qabiilayste hana dhaafaan

  20. B Jameeco says:

    Yaan la isdaalinin ninkaaan ayaa h mdaxweyynaha Mustaqbilka soomaalidaan is haysataana kala qabankara kuwa hororka ahna mudankood marsiindoono. Soomaalida hdii ay doonayso inay ka xorowdo dullinimada iyo tuugada xukunka u dhianaya
    Dadka qaba kaansarka qabiilka ah waxy doonaan ha ku hadlaan Ninkan waa mdaxweyniiihii Soomaliya

  21. abdikariim says:

    aad baan usoo dhawaynaynaa musharaxa waxaana urajaynaynaa guul isaga iyo inta lamidka ahba

  22. Rooraaye says:

    War kani meel uga banaanbaa iska yar ninkaan adeer wuu soo qaatey janiskiisa wax cusub mahaysaa oo miskukaahaleeyaa

  23. qarandhise says:

    ninkaan wali waxaa u muuqata dowladii siad barre oo kale wax ah waana qabiiliiste ee ha isku daalinina..fadlan aqriya thesiskiisa iyo waxa uu ka sheegay qabiilada soomaaliyeed qaar ka mid ah..

    Please look at the link below to see the ugly side of farmaajo

    http://allsomali24.com/2012/08/08/the-ugly-side-of-the-former-pm-farjamo/

  24. xoghaye says:

    farmaajo daacad tuugo la aan daljecli

  25. QARAN DHISE=Wanu so dhawaynana wuxuu qorayna waa rundee anagaaba schoolka ku qadanaye maxad dadka ugu warerinaysa qabil aya wax laga qoray , akhri manhajka p/l mise qurba joog xun ayad tahay iyo tarikh da somalida b/w 1980 up to today

  26. Shandile says:

    Framajo wa nin wadani aah , somaliyeed . Guul iyo Naxariis .

  27. pro somali says:

    waxmatarayaasha u shaqeeya shisheeyaha haa iskaa amuseena inta eeysan farmaajo wax ka sheegin afka haa soo dhaqaan

  28. pro somali says:

    guul farmaajo danta guud u shaqee haa raacin kuwa caba kaadida xabasha

  29. cawaale says:

    dadka farmaajo qabiilka wax oogu diidaya xagay joogaan,qabiil looma baahan waxaasi waa ducfininmo ninkii dadka wax uqaban kara ayaa dalka loo dhiibi,6blood buu joogay xaafisska intii uu joogayna dadkii waa hantay saas darteed buu dadka ku helay waxaan idiin rajaynyaa inaadqabiilka warkiisa joojisaan , dhaliilna quf walba waa leeyahay,

  30. Soomaali says:

    farmaajo waa halyey umadeed.
    waxaan aaminsanahay inuu yahay ninka mahiga, kenya, ugandha iyo ethiopia meel marin kara. iyaguna wey arkeen in ninkani ka duwan yahay siyaasiyiin ku sheegii somalida ee ay barteen.
    kadibna si ay uga takhalusaan waxay u adeegsadeen kuwo kale oo somali ah.
    nasiib darrada ugu weynina waa taas.
    lkn mr farmaajo waxaa sharaf ugu filan in shacabkiisu jecel yihiin, abaal weyna u hayaan.

Leave a Reply