Farmaajo oo Shir Jaraa’id Ku Qabtay Muqdisho (Dhageyso+Sawiro)


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Musharaxa Maxamed C/laahi Farmaajo oo shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho

Muqdisho (RBC) Maxamed C/laahi Farmaajo oo ka mid  ah musharixiinta u tartameysa xilka madaxtinimada dalka ayaa sheegay in taageerada ugu weyn uu ka heysto shacabka Soomaaliyeed isla markaana taasi ay sababtay in boqolaal dad ah ku soo dhoweeyeen shalay magaalada Muqdisho.

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Muqdisho ayuu dawlada ugu baaqay inay mushaharka siiso askarta iyo shaqaalaha oo mudo shan bilood ah aan qaadanin wax mushahar ah.

“Waxaa soo dhow ciidda oo mudo 10 beri kadib ku beegan si ay shaqaalaha dawlada iyo askartaba ula ciidaan qoysaskooda waxaan ugu baaqayaa dawlada inay mushaharlooda siiso bacdamaa ay nasoo gaartay in aysan mudo shan bilood ka badan aysan helin wax mushaharadooda ah” ayuu sii raaciyey Farmaajo.

Rajada doorashada

Shir jaraa’id oo uu Farmaajo kula hadlay wariyaasha wuxuu ku sheegay in rajo fiican uu ka qabo inuu guul ka helo tartanka madaxtinimada, waxa ugu weyn ee isku haleynayana ay tahay taageerada dadka Soomaaliyeed iyo tan Illaahay, sida uu yiri.

“Aniga taageero waxaan ka rabaa shacabka Soomaaliyeed iyo Illaahay, taasaana ugu muhimsa, waxaysan Soomaalida i siina beesha caalamka ima siin karto” ayuu yiri mar wariyaashu weydiiyeen sida uu u arko cadaadiska ay beesha caalamka saari karto tartankiisa.

“Xiukunka waa saldanad uu Alle bixiyo ninkuu doono ayuuna siiyaa, taasi ma ahan wax weyn” ayuu sii raaciyey.

Heshiiskii Kampala

Mar la weydiiyey inuu og yahay qaabkii uu xilka uga tagay sanad ka hor markii madaxweyne Shariif iyo Shariif Xasan oo ahaa afhayeenka baarlamaanka ay saxiixdeen heshiiskii Kampala kaasoo isaga meesha loo saaray.

“Way jirtaa in ninkii gudoomiyaha baarlamaanka ahaa [Shariif Xasan] uu yiri ninkaan [Farmaajo] lama shaqeyn karo si uu u helo saddex sano anuguna taasaan diidanaa si aysan u dhicin mudo kororsi ayaan u tanaasulay” ayuu yiri Farmaajo.

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

Farmaajo wuxuu dalbaday in baaritaan lagu sameeyo weerarkii lagu qaaday taageerayaashiisa isla markaana mid ka mid ah dadkii mudaaharaadayey uu ku geeriyooday, saddex kalana ay ku dhaawacmeen.

“Waxaan joognaa dal dimuqraadi ah dadku way soo bixi karaan hadey tahay aniga ama musharax kale”.

Wuxuu ku eedeeyay dawlada hadda joogta inay isku dayeyso inay saxaafadda ka jeediso tartanka doorashada iyo musharixiinta kadib markii sida uu sheegay lagu soo waergeliyey in wariyaasha la soo wacay oo laga codsaday inaan la baahin wararka ololaha Farmaajo.

DHAGEYSO SHIRKA JARAA’ID

 

RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

Share

Tags:

17 Responses for “Farmaajo oo Shir Jaraa’id Ku Qabtay Muqdisho (Dhageyso+Sawiro)”

  1. cawaale says:

    quf soomaali ah oosiyaasi ah oosaas isugu kalsoon wali ma arag dadkayggan waxkarabba ee beel caalam waxba oogama bbahni waa waxa soomali laga waayay guul baan kuu rajaynayya mr farmmajo

  2. maroodi says:

    mudane shacabkaga u nooloow ilaahey idinkis wxaa laga yaabaa in barlamanka lacagta firqaha loogu buuxiyy ay adiga ku doortaan ilaah uu u soo celiyo wadaninimadoodii . mid ayan ku oran lahaa hdii aad ku guuleysato insh,alaah umada xaqsoore u noqo mxaa yalay mudo badan ayeey dadka somaliyeed ay ku jireen bur bur iyo dagaal sokeeye.midna wn ku raacinayaa hdii guusha ay dhankaga raacdo wxii hore iska iloow nasiibkagana wa wx la yaab leh umadana ugu shaqee ….. welcme welcme welcme farmajo

  3. maroodi says:

    farmajo farmajo guul guul .insh,laah hadi aad hesho jakada mdxtinimo umada daacadnimo ugu shaqee waa ay bislaadeen waa iga dar daaran

  4. ladane says:

    HANOOOOOOOOOLAAAAAAAAAADO

    Hanoooooooolaaaaaaaaaaaaaaaado

    HAGUUUUULAYSTOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOO

  5. Said says:

    Ma shirkii Kampala oo lagu ceebeeyey buu Farmaajo weli ka hadlaya. Ilaahow ha na cadaabin, doqonimana hanagu dilin. Waxaa u roon inuu iska daayo orodkaan waayo ninkaan la soo dooran maayo, yusan is lugoyn.

  6. Abdi says:

    Asc

    farmaajo illahow kaa dhig kii na ilasin lahaa xanuunka aan soo marnay

  7. sucad says:

    guuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuul
    guuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuul
    farmaajo
    codkaga sii farmaajo
    halyeey soomaaliyeed
    siiiiiiii codgaaaaaaaaaaaaaaga farmaaajo

  8. Nuur Jamac says:

    Cabdiweli dooro waa Faroole dalka ayeey gadanayaan waa in somali ogaato kana taxadirto.

  9. B Jameeco says:

    Waa ninka soomaalid kka qabandoono qaswadayaasha, qoofwalbna xoriyadiisii soo cellindoono qofna xaqiisa qofkale ma qaadanaayo. sooaalina waa israacidoontaa inta cudurkka qabiilka qabtanna waaa dhimanayaan iyagoo afka qalalay

  10. jama mohamed says:

    ms farmaajo waa ruux wadani ah ilaahay ha daayo somalidu waxaan u malaynayaa in ay isku raacsan tahay hufnaanta farmaajo iyo daacadnimadiisa ha noolaado farmaajoooooooooooo

  11. Hanoolaato says:

    Waxaa shaki la’aan ah in codkii ummadda Soomaaliyeed uu markale soo burqanayo ayagoo ku dhawaaqaya magaca Murashaxooda “Farmaajo”. Waxaa soo if-baxaya cadaadis ka imaanaya Xukuumadda KMG ah, AMISOM iyo UNPOS (Mahiga). Waxaana dhici doonta haddii cadaadiskaas uu sii socdo in Shacabka Soomaaliyeed iyo inta cadaadiska wadda ay is arki doonaan. Waxaan leenahay ka waantooba waxa aad wadaan.

  12. Jebarti ! says:

    ASC. Mr Mohamed Abdullahi Farmaajo waxaan kuu rajenayaa guul iyo hool wanaagsan waad guulesan doontaa hadii alle idmo waxaa lagaa rabaa cadaalad sinaan wadaninimo ok

  13. Atoore says:

    Waxba kama qabo in Ina Farmaajo loo doorto madaxweynaha soomaaliya.Laakiin sidaasu ma sahlana.Waayo illaa uu Ina Farmaajo tago puntland oo uu ka toobadkeeno dambiyadii uu ka galay in loo doorto madaxweyne xubin weeyn baa ka maqan doorashadiisa.Sababtoo ah labada kursi ee kala ah kan madaxweynaha iyo kan RW mid bay ]]]]]]]]]] heli karaan.Hadba kii uu ]]]]]]]]]] helayo waa in ay reer puntland ka raali yahiin qofka qaadanaya.Waayo puntland waxaa ku badan ama dagan inta badan ]]]]]]]]]] .

  14. cawaale says:

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkk waxaban maqlay dadka reer puntland aadbay oola dhacsanyhiin farmaajo

  15. allaale says:

    wallaahay waa ruuxa ugu maquulsan somalida kursi rabkaa waana ruuxa ugu daacadsan ilaahoow guulee farmaajo.

  16. wadani like farmajo says:

    mashlh md.farmaajo runtii waxaan kurajanynaa guul iyo nasiib wcn thankx

  17. NINA says:

    haygu qoslina hadaan idiin soo gudbiyo khabarkan anigoon weligay rumaysan faaliyayaasha iyo hadalkooda toona iyo iyadoo la yidhi( kadaba munajimuun walaw sadaquu )nin faaliye ah oo hindi ah ayaa yidhi farmaajo ayaa doorashada ku guulaysanaya iyadoo uu la baratami doono nin gadh cas oo dheer oo gacan ku dhiigle dagaal ooge ah waxaan ka akhriyey bara internetka arintaa kkkkk

Leave a Reply