Farmaajo: Waa In La Baaro Dhacdadii Ka Dhacday Taaladda Sayidka


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho [RBC Radio] Ra’iisal wasaarihii hore Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo shaley ku soo laabtay Muqdisho, sannad kaddib ayaa ka hadlay weerar lagu qaaday, dad dhigaayay dibad lagu taageerayay isaga oo ka dhacay Taalada Sayid Maxamed Cabdule Xasan.

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay Farmaajo guriga uu ka degan yahay Muqdisho, ayaa ugu horeyn waxa uu tacsi u diray, dadkii shaley lagu dilay isku soo bax lagu taageeyay oo ka dhacay Muqdisho,

Ugu yaraan labo qof oo u ku jiro askari Boolis ah ayaa lagu dilay rasaas lagu furay dadkaas, isla markaana seddex kale oo uu ku jiro wariye ayaa ku dhaawacantay weerarkaas oo ilaa hadda aan la ogeyn cida geesatay.

Farmaajo ayaa sheegay in dowlada looga baahan yahay in ay baarto dhacdaas, cadaaladana la horkeeno kuwa geestay.

Sida ay sheegayaan goobjoogayaal, kooxo ku labisan dharka ciidanka ayaa weerarkaas u geestay dadkii taageeraray Farmaajo, oo ka mid ah musharaxiinta dooneysa in ay noqoto madaxweynaha cusub ee dalka Soomaaliya.

Sidoo kale dhacdaaas, waxa kulan deg-deg ah ka yeeshay saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, iyadoo la sheegay in la isku afgartay in la adkeeyo ammaanka caasimada, maadama ay soo dhowdahay xiliga la qabanaayo doorashada Soomaaliya.

Sidoo kale kulankaas waxa la isku afgartay, in cid aan ciidamada ka tirsaneyn aysan hub ku dhexwadan karin magaalada, ciidamadana aan loo isticmaali karin siyaasad iyo dano shaqsi, sida uu saxaafadda u sheegay kulankaas kaddib wasiirka gaashanka XKMG ah, Xuseen Carab Ciise.

Dhinaca kale Madaxweynaha DKMG ah Soomaaliya ayaa ciidamada ku amray in aysan taageeri karin musharixiinta dooneysa in ay ka qeuybgalaan doorashada madaxtimida,

Sidoo kale Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed, ayaa ugu baaqay musharixiinta dooneysa in ay ka qeybgalaan doorashada, aysan siyaasad iyo danno gaar ah. maadama ciidanka dhisidiisa laga soo maray dhib badan.

Madaxweynaha ayaa amar ku siiyay ciidamada in ay ka qeybgalaan ammaanka, dalka oo hadda ay ku soo socdaan isbadal xagga siyaasadda ah,marka la gaaro 20 August ee sannadkan.

Si kastaba, dhacdadii shaley, waxa ay walwal ku abuurtay dadka ku nool Muqdisho, oo 21-kii sano ee la soo dhaafay, aan arkin ammaan, iyo dibad bax lagu taageerayo qof ay doonayaan.

RBC Radio
——————————–
Xafiiska Wararka Muqdisho

Share

Tags:

8 Responses for “Farmaajo: Waa In La Baaro Dhacdadii Ka Dhacday Taaladda Sayidka”

  1. [...] More here: Farmaajo: Waa In La Baaro Dhacdadii Ka Dhacday Taaladda Sayidka [...]

  2. mudug matale says:

    Halakeno burcadi dadka laysay

  3. xoghaye says:

    farmaajo guuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuul intiidhimatay insha allaahu jano dhaawaca daryeelkiisa ku dadaal

  4. qeylo dhaan says:

    nalooma sheegin ma ogin socon meyso waa khudii madaxweynaha iyo wasiirka gudaha maanta ka gadaal dilkii askarta qaviilka loo soo kaxeystay masuuliyadeedna waxaa leh musharaxa usna waa ku xigaa haduu hadalka sii wado waxna ma aho walaxaa mar lagadhigay waxna waa kala socodsiin waayey waana la ershay hadaana wax ma heli karo

  5. cawaale says:

    dabcan mafia da xamar dadka dan oomhayan mana ka fakaarayaan daanta shacabka

  6. maxamed says:

    aniga waxay ilatahay werarka manta lagu qaday dad shicib ah oo nin musharaxa tagero u’ah in micnehedu yahay side isu sharixi karta,sida muqata waxa weye dhulkan ==== ayaa iska leh maxa ===== soceliyey,darodna kama fakarin amankoda,waxa ka’ogan dawlad side uheshan,cidamada mesha jooga waa moryantii ==== ,——- Ciidan mahaysata maxuse Ciidan ukensa wayey,mise waxay isku haleyen Ciidamadda Armismon,miyesan ogen mr.yoweri musveni mr.shariif in dano badan ka dhexeyan,

  7. Garyaqaan says:

    wiilka qaylo dhaan sheegtayow waa is qaribaysaaye in qalbiga xanuun kaa hayaad qiratay maandhowo wax qabiil dardaray inaad tahaan naga qarsooneyno mataqaanid qaran iyo wuxuu qaymo leeyahaye bur bu rkaad ku qaan gaartay iyo qaylo ba’ay diiye in farmaajo uu qaali yahoo qaymo lagu dheehay shacabkaa inoo qiray Adaa khaafsanoo maran,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,

  8. Atoore says:

    KU.Qeylo Dhaan.
    Edeb yeelo NEEFYAHOOW.Soona barao sida saxdaa ee loo qoro far-soomaaliga.
    Walaxa iyo khudi ad sheegaysid orad oo la aad gookii ad moxogga ka qodi jirtey.

Leave a Reply