Faroole: Dhibaatada Dhaqaale ee Puntland Waxay Nooga Timid Lacagta Shilin Soomaaliga oo Dalka ku Yaraatay


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Garoowe [RBC Radio] Madaxweynaha Dawladda Puntland Cabdirixmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa ka si taxadar leh uga dhawaajiyey in dhibaatada dhaqaalaha ee Puntland ay salka ku hayso lacagtii Shilin Soomaaliga oo gabaabsi ku noqotay deegaanada Puntland isla markaana lacagtas intii kasoo hartay kontorobaan ahaa loo geeyey koonfurta Soomaaliya ka dib markii dhankas looga baahday.

Md. Faroole waxa uu taabtay in lacagta Shilinka ah qiimiheedii ay kor u kacday balse taasina ay dhibaato ku keentay dhanka maciishada oo booskeeda aan ka dhaqaaqin waxna iska badelin isla markaana Xukuumaddu ay wax ka qaban doonto sida ugu dhakhsiyaha badan.

..”"Inagana hadda dhibaatada laga cabanayo waxay inaga timid Shilinka Soomaaliga ahaa oo dalka ku yaraaday sababo kasta ha ugu wacnaatee, markii u horeeyey Kontoro baan ahaan baa Puntland looga saaray intii shiliku yiilay marka lacag badan oo doolar ahi soo gashay koonfur gaar ahaan Muqdisho abaarihii ka dhacay koonfurta dadkii lagu quudinaayey lacag badan ay soo gashay ayaa shilinkii looga baahday halkaas buu aaday hadda wixii la dalbado oo la raadinayo oo yar dalabkiisu bato ayaa qiimihuusu kor u kacaa oo shilinkaa qiimihiisu kor u kacay laakiin maciishadii lama jabin oo ma raacin..”"ayuu yiri Faroole.

Madaxweyanaha ayaa sheegay in Xukuumadiisu dadaal u geli doonto marka lagaaro bisha Agoosto 20-keeda ama ka ka diba sidii ay wax uga qaban lahayd marxalad xumida dhanka dhaqaalaha ee Puntland ka jirta.

Waxaa kale uu tilmaamay in Xukuumadda hadda jirta ee DKMG ah ay wadahadal ka yeesheen sameynta lacag shilin Soomaali ah oo dalka la keeno taasina ay xal u noqoneysa in lacagta duugowday suuqa looga saaro tan cusub loo Isticmaalo isla mar ahaantaana waxa uu tilmaamay in Xukuumadiisu aysan Puntland keeni doonin Makiinado lagu sameyo lacagta si dadka loogu dhaco xoolahooda balse buu yiri intaas oo dhan ay ku xiran tahay heshiis rasmi ah oo labada dhinac galaan.

...”"Mar baa jidhay dawladda dhexe ee Federaalka ah iyo Dawladda Puntland ay wadahadal ka galeen in lacag la wada keeno oo lacagaha la keeno anagu marabno sidii beryo dhexdaas ah dhici jirtay intaan makiinad soo qaadano halakan Xaanshiyo iska daabacno oo umada Shilinkeeda lagu dhaco laakiin lacag Soomaaliya oo dhan wada khuseysa baan qeyb ka nahay oo lacagta duugowday Suuqa laga saaro,een sicirkii hoos u dhacayna oo shilinkana kor loogu soo qaado oo shilinka qaaliyoobayna qiimihiisii meeshii uu joogay loogu soo cesho oo u noqdo mid degen sidii aynu soo ahayn Saddexdii sano ee ugu horeysay laakiin haddii ay yimaadaan awood ka baxsan awood marka Xukuumadda dhibaatadaasi wey imaaneysaa Insha Allaahu waxay sameysi doontaa markey Xukuumadda cusub ay dhalato oo aan heshiis ka galno sidii lacag cusub loo keeni lahaa dalka….”"“ayuu sidoo kale yiri.

Si kastaba ha ahaatee hadalka kasoo yeeray Madaxweyne Faroole ayaa kusoo beegmaya xili deegaanada Puntland laga dareemayo sar u kac baahsan oo laga dareemayo dhanka doolar iyadoona ay maciishada daruuriga ah ay halkeeda taagantahay lama saadaalin karo waxa ay ka bedeli doonto lacagta cusub dhaqaalaha Puntland.

____________________________

RBC Radio
Xafiiska Garoowe

Share

Tags:

9 Responses for “Faroole: Dhibaatada Dhaqaale ee Puntland Waxay Nooga Timid Lacagta Shilin Soomaaliga oo Dalka ku Yaraatay”

  1. MAR HADII FEDERAL la saxiisey oo DASTUURKII LA ANSIXIYEY sow ma fiicna in PUNTLAND ay sameysato LACAG u GAARA,, si aysan HADA KA DIB U SAAMEYN abaaraha iyo dhibaatoyinka KOONFURTA somaliya,,,,,,, SHIDAALKANA waa in XISAABTA lagu darsadaaa,

  2. [...] Read the original post: Faroole: Dhibaatada Dhaqaale ee Puntland waxay Nooga Timid Lacagta Shilin Soomaaliga oo dalka ku yar… [...]

  3. Ciise says:

    Faroole Dhaqaalaha waxba kama yaqaan —– Lacagta hadey yaraato – wax walba raqiis bay noqdaan……. Puntland maciishada waa qaali , — war ninkani waa Jaahil

  4. OGEYSIIS says:

    OGEYSIIS OGEYSIIS: MAY DAY! MAY DAY!

    ——————— FAROOLE WUXUU RABAA INUU SOO DAABACO LACAGTII UU DOORASHADA PUNTLAND MAR KALE KU IIBSAN LAHAA

  5. daljirka says:

    TO- Yaabane
    Federaalku maaha qabiil walba lacag buu samaysankaraa waad ka dhacsantahay ! Laqabso horta , wadanku hal lacaga iyo hal central bank ayuu yeelankaraa ama federal ha ahado ama yuu ahane, tankale Farole wixisu waa olole iyo xatooyo qaawan .

  6. Waayeel75 says:

    KU.Ciise Jangale.
    La yaabi mahayo hadalkaaga oo soomaali bay caado u tahay wax aysan waxba ka aqoon oo ay ku murmaan.Miskiin yahoow waa adiga yiri Faroole waa jaahil an Dhaqaalaha wax ka aqoon.
    War sooma ogid in uu Ina Faroole mudo hore ka soo baxay jaamacad laga barto dhaqaalaha?
    War soo ma ogid in uu dawladihii hore ahaa ninkii xukumay Bangigii soomaaliy?waxbaa la sheegaa baad maqashay.War iska jir oo hadda kabacdi wax adan aqoon waxba ha ka sheeegin.

  7. QARAN-JECEL says:

    NINKAAN FAROOLE AH WUXUU RABAA IN WARSHADII UU LACAGTA KU SAMEYN JIRAY IN UU KICIYO MAALMAHAAN BUSAARADA AYAA KU BADATAY, WALAALKIIS MELES SANAAWINA IN UU TACSI U DHIGO AYUU RABAA, HADUU TACSI DHIGI WAAYO MADAXWEYNAHA KU XIGA EE ETHOPIA MA QAABILI DOONO, LAAKIIN WAXAA FIICNAAN LAHEYD IN UU MELES QABRIGA LA GALO ILEEN WAA CADOW JACEEL AYUU DHAQAN U LEEYAHAYE… NINKU CAADI MA AHA SOOMAALI U ULA WEYNE AMXAARO CAABUDE… MUXUU KHEYR LAAWE YAHAY…. MJUXUU MASAAKIIN OGAADEEN AH U DHIIBAY CADOWGII BAKHTIYEY EE MELES,, WALEE AAKHIRO XISSAAB BAA KU SUGI….

  8. maroodi says:

    waayeel kkkkkkkk war faroole hadaba ma taqaanid taariikhdiisa hdaba aniga aya kuu sheegaya dhageyso mrkii wx labaran jiray xiligii jamacada faroole wxaa jamacada barashadiisa dhaafin jiray hurdo badan oo aan la aqoon meesha uu ka keenay ardayduna wxy dhihi jireen dadaal faroolow itixaamadina wa la ogaa natiijadiisa kkkkk , mida labaad xiligii shaqalaha uu ka aha bankiga lazi ayuu ahaa oo shaqadoo socota ]]]]]]]]]]]] , waaa layaab hdi ay maanta caruurtii faroole taarikhdisa nooga shegynayaan,ogada faroole wxkale maraadinayo aan dawarsi iyo waabo tiris aan ka aheyn kkkk faderaal wxa la yiraahdo faroole maba yaqaan hda uma horeyo madaxwyne labood wx la barayo kkkkkkk

  9. adan says:

    @ Ciise jahil, Somalia waxaa burburiyey qof aan aqoon lahayd oo doonaaya aqoonyahanka in aan waxba la waydiin ee asaga wax la wediiyo goortaad tiraahdo hadalna ileen waa jaail sida kan Ciise la baxaye hunqaacuu ka wareegayaa. Saaxiib Faroole cilmiga dhaqaalaha iyo maamulka waa takhasuskiisa waana MBA and Phd candidate ee meesha haku waalane jaahilnimo, xasad iyo cuqdadba adey ku madaxmartaye orod qar iskasoo tuur saa Faroole waxba ka qaadi kari mayside. Teeda kale somalia marka laga hadlayo dhaqaalaha iyo maamulkiisa wuxuu maanta aduunka uga dhigan yahay sidawax aad u dambeeya waxaana ka jawaabi kara iska daa undergraduateskee ardada qaadata Diploma of Business managementka. Jaahilyahow halkaan markaa wax kusoo qoreysid isla yaab waxaanad aqoon u lahayna ha faragashan iskuna xishood waad ceebowday maantaye.

Leave a Reply