Faroole: Meles Senawi Anaga Ayuu Naga Geeriyooday Wuxuuna ahaa Halyeey
Garowe (RBC) Madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole, madaxweyne ku xigeenka C/samad Cali Shire iyo gudoomiyaha baarlamaanka maamul goboleedka C/rashiid Maxamed Xersi ayaa si wadajir ah maanta u tagay xarunta xafiis qunsuliyeedka Ethiopia ku leedahay magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland halkaasoo ay ku saxiixeen buug loo furay tacsida Meles Senawi.
Madaxweynaha maamulka Puntland oo kadib markii uu u tacsiiyey raysul wasaarihii dhintay ee Ethiopia ka hadlay ayaa sheegay in Senawi uu ahaa nin ka dhintay Afrika oo dhan, gaar ahaan Soomaalida.
“Senawi kaliya Ethiopia kama dhiman, wuxuu ka dhintay guud ahaan dhucuubta Afrika iyo Soomaalida, anagana waa naga dhintay” ayuu yiri madaxweynaha Puntland.
“Waan ka tacsiyeyneynaa geerida Senawi oo ahaa raysul wasaarihii Ethiopia” ayuu sii raaciyey Faroole.
Walaaca Puntland
Madaxweyne Faroole wuxuu baaq walaac ku jiro u diray raysul wasaare ku xigeenka Ethiopia ee hadda xukunka la wareegay inuu raaco tubtii uu jeexay Meles Senawi.
“Waxaan ugu baaqeynaa raysul wasaare xigeenka hadda xafiiskii la wareegay iyo ragga kale ee la shaqeynaya inay raacaan dhibihii uu jeecay Senawi” ayuu codsaday Madaxweynaha Puntland.
Siyaabo kala duwan ayaa looga hadlay geerida ku timid raysul wasaarihii Ethiopia Meles Senawi kaasoo dad badan oo Soomaali ah ay u arkaan nin halis ku ahaa qaranimada iyo midnimada Soomaaliya.
RBC Radio











[...] See original article: Faroole: Meles Senawi Anaga Ayuu Naga Geeriyooday Wuxuuna ahaa Halyeey [...]
Balaayo ka Tacsiyey,Igama geeriyoonin balaayada,
Ilaa Jahannam wa bi’sa almasiir Yaa mujrim.
Farole waa runtii oo Isaga ayuu ka geeriyoday iyo Sharifyada iyo Siilanyo,
Lkn Umada Somaliyeed ee muslimka ah weey ku Farxeen geeridiisa ilaahey jahanama haku abaal mariyee waxaana kusoo dhweynayaa gabaygii Sayid Muxamed Cabdille Xasan ee Koofil,waxeeyna iiga dhiganthay sidi maalinkaa Sayidka uu koofil dhimashadisi ugu farxay inaan anigana 2012 waa 100 sano kadib aan ugu farxay Geerida Kaafir Zenawi:
Adaa Melezow jiitay aan dunida joogayne
Adigaa jidkii laguu waday jimic la’aaneede
Jahanama la geeyow haddaad aakhiro u jihato
Nimankii jannow kacay war bay jirin insha’allahuye
Jameecooyinkii iyo haddaad, jowhartii aragto
Sida Eebbahay kuu jirrabay mari jawaabteeda
Balo af Jeera kula lahayd, yaa waaye dadka uu u hadlayo oo uu leeyahay “ANAGA AYUU NAGA DHINTAY MELES SENAWI”.
Faroolow runtii Senawi waxa uu ka baqtiyay adiga iyo qaa’inulwadanka kula midka ah.
Duf ku bax maxaa duli iyo damiinimo kaa isku duubay, ilaa Faroole iyo Silaayo waa laba xayawaan. waxaan u malaynayaa labadduba xasaskooda iyo gabadhahooda way u ogalaan lahayeen in ay meles sariir la wadagaan, Allow Alle. Damiir la’aa ma doofarbaa!
What a Loser. Your Somali kids are dying by the 100th every month. We somalis displayed in capAnd worry about Meles.
Feel sorry for your own people first. Or worryabout the next prime of etho would rape you€
Faroole you have been added to the darkside of Somali history
FAROOLE QALADKA ADIGA MAAHA EE WAA ANAGA OO ADIGA MADAXWEYNE BEELEED AHAAN KUUDABATAAGAN SHAME ON YOU WAAD NACEEBEYSAY ALLAHA KUCEEBEEYEE
dhabihii males zanawi adna allaha ku marsiiyo dullikubax iskumasheexe weeyee reer putland ha badaleen doqonku ma astaahilo inuu dad muslima afkoodku hadlee
DUF KUBAXA HADAL XUMAA WALEE SOOMALI WAA U DHAMAATAY
xaarwayne asayda markaad dhigto utag kana hakuwaseeh
Meles Zenawi wuxuu ahaa nin aqli badan, aqoonyahanna ah. Waxaa caddeynayo in uu aqli badnaa, tilaabooyinki uu qaaday. Tusaale: wuxuu xiriir fiican la yeeshay hogaamiyeyaasha dadka afsoomaaliga ku hadlo si uu dalkiisa uga badbaadiyo sharka dalka Somalia, waana uu ku guuleystay. Sidoo kale, waxa uu kobciyey dhaqaalaha dalka Ithiopia, midnimada dalkana waa uu badbaadiyey inkastoo waddamada reergalbeedka ay ku caawiyeen in uu badbaadiyo midnimada Ithiopia, maadaama waddamada reergalbeedka ay dantooda ku jirto in uu jiro dalka Ithiopia.
Ceebeey tacaal , Faroole maxaa qaaday ?Arka Soomaliyeey meelaan mareyno Horey waxaan ula yaabanaa Silanyo Kadaroo dibi dhal ( Faroole) Waa labadii maamul oo laislahaa Waxay kabad baadeen Dhibaatadii Soomaalia, Waxaan u arkaa Baqtigiisa Waa Zenawiye Waxaa soo dhoow Dowlad Soomaaliyeed Waqti fiicanbaa ilaahey na Dhaafiyay , Haduu Fiican yahay halagu fiiriyo Soomalida Ethopia sideey noloshoodu tahay basic live kiibaa kamaqan schools , Roads , hospitals , Markasay lee yihiin nin fiican buu ahaa ? Faroole& Siilaanyo Ineey Wada hadlaan marabaan Axmaar dhintana Mid walba Gooni u ooyaya sidii Dhalaan Hoyamacaantii caanaha Kala Soo Daahday , Halkasaan maraynaa Ceebeey tacaal, Viva Puntland & Soomaalia
kkkkkkkkk anaga ayuu naga nintay soomaali kamadhiman reer puntlandna kama dhiman ee adeer aduu kadhintay inagu waaba sugiwaysanayn intuu dhimanaayo hadii aan soomaali nahay.
Meles Senawi wuxuu ahaa shaydan, sheeydaane waa lagacuudubileestaayee loo ma diro tacsi, shaydaan waxaa utacsiyeeye shayaadiintiisa marka faroole, shariif, siinlaayo, iyo raga la mid ah waa shayaadiin ee halaga cuudubileeysto
kkkkkk foroolo tacsi u taalo kkkkkk wale foroolow hada aya godkaaga biya kuk soo galeen
Ninkan wali waa isciibayey.. Wa nin an xishoonin oo nacas ah…if you love Ethiopia so much go and move to ethiopya , soomaaliya ka koor…farole nac nacle.
faroole inkaar kugu dhacdey adiga wixii kula caqli ah ba
walhi faruule waxuu kahadlay fikirka in males kuu kadhinatay\
ha daba hadhin idim alle kiisa haduu u ooyayaa kana dabada u dhaqa.
Faroole Soomaalidii la dhalatayna habeyn iyo maalin wuu caayayaa ninkan Zenawi ee bakhtiyayna wuu u narooranayaa oo xitaa xaflad baroor diiq ah ayuu Garoowe ugu qabtay. Dulinimo ayaa ku sugnaatay wixii amaana dhiigyacab Zenawi
Sidii dumarka ayeey sugayaa in la dumaalo siyaasiyiinta Somalida…war wax isku fala oo wadani noqda, dadkaadana meel ka soo saar, Khaasatan Caaq Faroole iyo siil-yaanyo
Qofka marka uu xor yahay Bakhtinimada masiixi, mushrik bi-laah kama naxo ee habaar iyo duco cadaab ayuu igu daraa….Somali madaxdeedu waa wada naago u qoora weeyn dadkooda iyo shacabkooda….
Siilyaanyo of Waqooyi, Caaq Faroole of Puntland, Af-guduud of Xamar iyo kuwa Baydhabo gidigood weey ka naxeen Bakhtinimada cadowga somaliyeed, waxaa ugu daran Aidhis qabe- Xaar wayene INA ILEEY oo la’aamusiin waayay sidii Naag eey ka geeriyootay seeydkeedii…..Siyaasiyiinta somalida in eey daciif yihiin waxaad ku garan tacsida is daba socota, naxdinta ka heeysa dhimashada dhiig yacab Zenawi iyo Hardanka eey ugu jiraan kasbashada qofka badali doona.
Waxaan geesinimol, wadaniyadnimo iyo Somalinimo dhab ah u hadlay kuna farxay Bakhtinimada Gaal-dhiig yacab Zenawi Al-shabaab, ONLF iyo allaha xafido Farax Macali oo V O A ka sheegay in uu ahaa Cadow somaliyeed oo uu ilahay dhaafsiiyay umada Somaliyeed habaarna u raacshay.
Car yaa geesi ama xor ah oo sida Farax macali ama shabaab u hadla. in kastoon ka soo horjeedo shabaab hadana Melez weey iiga sokeeyaan.
Bal siyaasi Somalia jooga car haduu aabo dhalay ama uu xiniinyo leeyahay ama raganimo isku hubo dhaliil yar ha u jeediyo Ethiopia….Duf ku baxa xaaraanka siyaasi somaliyeed isku sheegay itopiyana u rukuu caya
Dabaqoodhinimo, Guumeeysi kal-kaalnimo iyo Bur-burinta dalkiisa Somalia waa calaamadaha Siyaasiyiinta Somalida lagu soocdo, Kuma jiraan shabaab,reer garis iyo O N L F…waa dad xor ah oo seey rabaan u hadli kara ayagoon markaas cabsi iyo xushmad u heeynin cadowgooda
Kuwan aan ka hadlayo waxaa ka daran oo kasii liita kuwa si indho la’aan ah u taageeraya xaaraanta isku sheegtay siyaasi somaliyeed…………Caku iyo qabiil….caku iyo qabiil
Caaq Faroole, Siil-Yaanyo iyo inta la’midka ah wexeey ka mid yihiin dadka eey ONLF xoreeyneeyso….Inta la’idanka xoreeynayo iska fadhiya sidii dumarka, kor iyo hoos Somali baa tahay aan qabyaald iyo faan micna daro ah meelaha la’taagan….
Koox baa l;aga yaabaa in eey is dhahaan xor baa nahay, lakin xornimada micnaheeda ma yaqaanaan……nin maalin kasta looga yeeraya Addis ababa oo amarka laga soo siinaya siduu xor u yahay
Subxanallah!
Taariikhda T P L F aan wax yar idan soo xasuusiyo…..Shalay saan eheey iyo maanta sida uu qabiil naga dhigay…..
Somaliyeey Soo Noqo………ragii nagu taba baray Zenawi iyo T P L F xal ayaa laga rabaa sababtoo ah kuweey taba bareen ayaa qaranimadii somaliya dhulka ku jiiday, Naageeystay Siyaasiyiintii Somalida, inkastoo eeda inteeda badan eey somali leedahay 80%
Yaa bilaabay TPLF? Yaa taba baray? Yaa maal galiyay? Yaa guriyeeyay? who provided them with state of art training in Buurdhuubo, Luuq, Mogadishu, Qoryoley and balcad….. Allaha u naxariisto, Wadani, Geesi aabo Somaliyeed: Mudane Siyad Bare? Danbigiisa alaha dhaafo Janada naxariista ilaahay ugu bishaareeyo, qof camalkiisa janada ku galaya ma jiro
Weeydiiya Sebhat Nega(Maskaxda T P L F) yaa baray sida loo rido AK47..Weeydiiya Melez Yaa ku dhiira galiyay una Carbiyay xornimo u dirir………Weeydiiya saye abraha(wasiiri hore ee gaashaandhiga T P LF) yaa tusay sida loo duuliya MIIG…..Weeydiiya Mohamed samora yonis(madaxa Sirdonka T P L F) yaa u taba baray combat warfare……Weeydiiya seyoum mesfin(wasirkii kharijiga ee hore T P L F) yaa baray ku dhufo ka dhaqaaq……weeydiiya tewodros hagos(Genaral Ciidan) yaa tusay xaguuna ku bartay Aasida miinada(Feer-feer)……Weeydiiya woldu Yaa baray sida la’iskugu rakibo hubka lidka diyaaradaha..
Markaan soo caana nuujinay Zenawi iyo qabiilkiisa wexeey ku abaal gudeen in eey bur-buriyaan qarankii somalia, naageeystaan Siyaasiyiinta Somaliyeed
Qurankaas ayaa maanta iisheeganayo Xadaard iyo awood…..
Somaliyeey Fadlan Toosa……Qurba ka daalnay….. khaasatan Dhalinyarada Tacliim macquul ah xambaarsan
qabyaaladana sideey diinta nafartay aan ka yeelno oo ah Litacaarafuu kaliya, Danta guud ee MAMA Somalia halaga hor marsho wax kasta iyo tan qabiil
Aslaamu calaykum bahda Raxanreeb iyo akhristayaashaba.Salaan kadib, waxaan jeclahay inaan
wax yar ka idhaahdo maqaalka kor ku qoran ee ku saabsan Faroole wixii uu ka yidhi geeridii
Meles Senawi. Hadii aan ku hormaro waxaan ahay nin aad ugu soo horjeeda siyaasada Farooole
iyo labadii madaxweyne ka horeeyey(waa Cade iyo Cabdillahi Yuusuf)sida ay u maamulaan iyo sida
ay u maamuli jireen Puntilaand.Ma cadayn karo mana beenin karo in Faroole sidaad wax u qorteen
uu u hadlay iyo inkale,hase yeeshee waxaan u arkay maqaalkiina mid meel maag ah ee aan ahayn
mid dhexdhexaa shuruucda warfidiyeenimona aan ku haboonayn waayo:
Haddiiba uu Faroole sidaa u hadlay nin u hadla waaba yahaye maxaad uga reebteen kuwii kale ee
Soomaalida ahaa ee wakiilkii u joogay magaaladooda quie(ga) u galay iyo kuwii maqaalada amaanta
ah ka qoray si ay jacalkooda u muujiyaan?
Ugu danbayntii waxaan jecelahay inaan idinku baraarujiyo in aaladan aynu isticmaalayno ee Internet(ka)tahay tii ugu casrisanayd qarniga 21aad loona baahan yahay inaan u istimaalo si casriyaysan
ee aynaan u isticmaalin wixii aabaheen dilay oo aad dadka darbiyada la dhex dhigay aad isusoo dhoweysaan iskuna daydaan inaad waxaalo positive ah werisaan( nimaan amaan mudnayna amaana
idimalihi) oo bulshada isu soo dhowaysaan sidii aan marar badan idinku arkay, wa billahi towfiiq.
ASC RBC radio after salaan horta lama yaabeyno inuu faroole dhaho zanawi ayaa somaliya ka dhintay waana ka xunahay waxaas iyo wax ka xunay waan ka sugaynay dr. faroole marka kaliya waxaan ku leenahay koleyba wada fcn kuma socotide, shaqsigii ku taageeraba waa khasaare, walakeena tahee ilahay ha kusoo hanuuniyo ilaaha hanuuka lahee… wabila taqfiiq WSC
Faroole waa ka yaabanahay wallaahi!!! cadowga ummadda soomaaliyeed miyuu u yaqaanaa HALYEEY.
waa runtii isagu ka geeriyooday, inleen isaguu u shaqayn jiray, Soomaali danteeda faroole kama shaqayn jirinne
soma ogidin qofku qoku jecelyahey ee u isu ekeysiyu akhirna lasoxadiraya faroole ilahey tobada isga aqbala lakin wada xunbu haya uxu yidhi manez ba naga dhintey ala kuma naxaristo faroole nacsnimo maxa lafta kagashey somali dadkan wax u dhibaney wakuwa markasu hadana yidhi ku kadhanbeyana wa iney tubtisi maran macnah waney umada somaliyed xasuqan iyo muslimintaba dhamantaba markasu hadana uxu ka oyey safaradodi dadka musliminta ah ee somaliyed ee garowe kunolna waxa ugu baqaya iney dhax ladhan oo ku dhilan iney gurgis ugu tagan waxasi wax ladhegeysan karo mahan oo qo damirleh maqli karo oo iman ku jiro
faroole iyo siilaanyo waxaa ka liita kuwa ay ulul amriga u yihiin
puntland iyo faroole haduu melez zanawi baqtiya wali ma daba dhilif bay wadaan cadowga soomaliya waa reer buntland ee ha la iska qabto
Adduunka nin noolaw maxaa aragti kuu laaban.
Xaq ayuu ms faroole uleeyahay in uu utacasiyeeyo gaalka baqtiyay waayo dee wuxuu ka midyahay xaasaska senawi waxa soomaali gunimada galshayna waa xaasaska senawi.
Duf kubax afdameere.
Dhaqanka beelaha puntland kamid maha gaal iyo muslim qof dhintay wax a sheegii haduu cadawgaaga ahaa intuu noolaa ayaa raganimo kuu ekeyd aad isaga celiso mar hadii qofku dhinto hadal majiro aan ahayn tacsiyayn. laakiin qolooyinkan mogdisho dagaa maydkay la ficiltamaan dhanqankooda ayaana sidaa ah oo kabadalan kan puntland. sida maraykankii la jiid jiiday madkiisa iyo eithiopiaankii la jiid jiiday maydkooda iyo ciidamadii qaranka ee punltnad ee caawinayay mogdisho oo la jiid jiiday taasoo ah mayd la ficiltamid dhaqan u ah.
Afkiina caano lagu qabay dadka iga horeyay ee ra,yigoda soodhiibtay waxadna kamid tihiin inta maskaxdoodu shaqeyneyso oo eysaliimka tahay farole dad uumatalo majiro siilanyo iyo farole waxey kutartami jiren melezanawi midba midka kalle zu uga xigsanlahaa sida ninka laba xaslaha ey ugu tartaman xasas kiisa iyo kasii daran dufkabaxa adinka iyo intii idinlamid ah ee magac somaliyed shegata
senawi halyey qaran ay8 ahaa somalina asagaa dad ka dhigay faroole dadka puntland ayuu u hadlayaa lkn wiil reer konfureed ah wax ma fahmi karo nabad iyo dowlad nimo idin ka dheer
faroole hadalxumada iyo foolxumada waa udhashay waxaase u dheeriya amaanta gaalada geeriyootey
waxana iska cad oo aan la inkiri karin in foroole uu ku jeclaa miles burburinta iyo lenta shacabka soomaliyeed
balse dadka somaliyeed waxan xasuusinayaa in ay jiraan geesiyaashii somaliyeed ee markii uu minas sanawi usoo diray lixdankakun ee askari magaalada mugdishu u babacdhigay dharbaaxana kaga saaray guryahooda faroole waa dadkii kanaxay ee jeclaa inlaqabsado konfurta somalya.walahi waxan kanaxaa
dadka uu magacooda ku hadlaayo oo aan la qabin warka xun iyo fakarka xun ee faroole igatag duli kubexe
somaliba maahan balayada afka kufoosha xun ilahay idanki naartii isku arka adiyo sanaawi. somaliyeey
kawarama ninkaasi waa madax weynaha mamulka puntland kkkkkkkkkkkkk xaa kumadax xanuuna
tolow ma udooranaa madaxweynanimada somaliya oo dhan kkkkkkkruuxan madaxuu kaboodey ee waa ila daaweeyaa reer puntlanow hadiikale wadna xanuunaa idin dilaya aloow caafimad.
Faroole ma matalaa reer puntland? su’aashu waa may. Reer puntland waa dad somalinimada jecel waa dad aay ka go’aan tahay midnamada umada soomaaliyeed laakiin ayaan reer puntland tilmaan looga dhigin faroole.
LIBAAX ninka sheeganayaw kuwa Muqdisho joogaa waa walaalahaa oo dhiig iyo dhalashaba aad wadagtaan ee waxaa kugu qafilan ficil xumada Senawi iyo Faroole afdameer kugu ababiyeen!
afwaliinjo masiibo kugu dhacday maantana mawaxaan buu layimid saan kumadaawan karno xayawaankaan afka uraaya dadka reer puntland waxa sheegayo lama qabaan waa kalab aan damiir somalinimo iyo islanimo aan lahayn melez zenawi wuxu xasuuqay shacab somaliyeed oo tiro badan
somaliya hanoo laato cadowgeeda ha jabo amin
anigu waa yaabay zenawi soomaaliyadii xorta ahyd ayuu gumaysi geliyey oo hoos geeyay soomalidii gumaysiga uu ku hayey oo hadii p/land iyo s/land dano degaankooda ku saabsan ay ka gasho itoobiya kililka kala hadluu ku yidhi waa siyaasad shydaan falkiyey alaylehe zenawi madaxdii soomaalida waa naagaystay cadaabta meesha ugu fog ale kugu riix cadawga somaliya ee koowad buu ahaa