Faroole: Waxaa Loo Baahan Yahay In laga Fiirsado Baarlamaanka Cusub


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC Radio) Madaxweynaha maamulka Puntland C/rixmaan Faroole ayaa ka hadlay baarlamaanka cusub ee haatan lagu howlanyahay in la soo gudbiyo ee laga sugayo odoyaasha dhaqanka Soomaaliyeed.

C/rixmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa wuxuu sheegay in loobaahanyahay dadka ku soo biirayo baarlamaanka cusub in ay noqdaan dad tayo leh.

“waxaa loobaahanyahay oo aan ka digaynaa in dadka ku soo biiraya baarlamaanka cusub ay noqon waayaan dad tayo leh, waxaana u baahanahay in dadka lagu soo xulo tayo”auu yiri madaxweynaha Puntland.

Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa shalay mar uu saxaafada kula hadlayay magaalada Garowe wuxuu sidoo kale uu soo dhoweeyay in la meel mariyo dastuurka cusub wuxuuna u mahad celiyay ergada golaha ansixinta dastuurka..

Baarlamaanka Cusub ee Soomaaliya ayaa waxaa laga sugayaa in ay soo gudbiyaan odoyaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Muqdisho maalmaha dhow, sidoo kalana saxaafada loo soo bandhigo liiska magacyada baarlamaanka cusub.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa wuxuu ka koobnaan doonaan 275 xildhibaan oo kaliya, waxaana la sheegayaa in ay jiraan mudanayaal ka tirsanaa baarlamaanka hada jira oo ku soo laabanaya baarlamaanka cusub.

 RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Share

Tags:

18 Responses for “Faroole: Waxaa Loo Baahan Yahay In laga Fiirsado Baarlamaanka Cusub”

  1. Sama_Kataliye says:

    Tayada uu Faroole ka hadlayo xaggee joogtaa asagu tayo maleh, shariif afgaduud tayo maleh, shariif sakiin tayo maleh, Gaas tayo maleh. Ninkii reer xamarka ahaa wuxuu yiri yaa dabaal ah oo duurka loodirayaa. Raggii sareba haddii aysan tayo lahay ma baarlemaan musuqmaasuq lagu soo doortaybaan tayo ka sugayaa…………War soomaaliyey caqligeena aan dib uga shaqayno haddii aan rabno in aan ku sii noo laano geeska Africa.

    waa iga talo walaalnimo!

  2. real maakhiri says:

    Faroole arintiisu waa ”afkaa qoyon”. Dhinacakale waxaad modaa in u badalay muuse suudi marka aad aragto habdhaqankiisa qofeed.

  3. Gaalkacyo says:

    Kan faroolena hadal ayaa kasoo hadhay. Hadii mar odayaashii dhaqanka ay xildhibaanada soo magacaabayaan isaga maxaa ka galay tayadooda?? Taariikhda waxaa u galeysa inuu yahay madaxweynihii u horeeyey Puntland oo laga fara maroojiyay soo xulistii baarlamaanka iyo ergooyinka beelaha Puntland alla ku dulee Faroole

  4. daljirka says:

    Kkkkkkkkkk. Walee af laba daan le baan hadalka dayn..
    tiisa daryeelaa tukale ku dara ,asagu hays tayeeyo asagaanba tayo lahayne muxuu barlaman ka hadlaa, war waxani p/l sharaftii ayuu kadilaye yaa ka kexeya

  5. axmed says:

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk
    adeer Punland -taada burburtay orod oo wax u sheeg, intaad meel kaa dheer tiigsanaysid.
    oo midaadii ayaaba burbursane , maxaan wax kaa maqlaa kkkkkkkkkkkkkkk

  6. Mahamed says:

    Horta barlamaan tayo leh waa fican yahay laakin faroole asagu waxtayaleh maxaa udiiday

  7. Mahamed says:

    Faroole mamulkisu tayo maleeyahay

  8. deeq says:

    kkkkk farole adiga yaa ku soo doortay? ma tayo ayaa ku timi meshan mise adeer adeerow? war farolow adba tayo iyo dadnimo ma lihid yaa kaa liita oo la soo xulayaa…kkk

  9. ali says:

    Waxaan nacay kuwan qurmuunka badan ee wada Khaatumoseegyada ah, adeer Faroole af wax uga qaadimaysaane ma riyada iyo manaamka ayaad wax uga qaadaysaan, Teeda kale ergadii puntland ka tagtay oo keliya ayaa soo xuli karta MPyada Puntland ama diida ama yeela. Khaatumo seegyana waxaan leeyahay waad naga goosateen wax naga dhaxeeya majiraan horeyna wax noogama dhexayn Somaliland baad ka mid tihiin oo British protectorate isla tihiin, ayagaana idin xukuma oo idin gumaysta awalna gun baad ahaydeen cay iyo aflagaaddo ayaadna ku filantihiin ee ordayoo iska taga gun guntu dhashay.
    VIVO MADAXWEYNE FAROOLE, VIVO. cadawgaaguna ha jabo.@Nina walaal nagama dhexayso walaalnimo horeyna noogama dhexayn ee orod khuraafaadka cidkale u gee anagu kuuma baahnin waana idinka maaranna wax muraad ahna kaama lihi ee meesha ha ku naanaabin.

  10. Laaluush says:

    FAROOLOOOW HADII TAYO LA ISKU XULAYO MAANTA MADAXWEYNE MEEL MAKA AHAAN LAHAYD? WAA MAYA

  11. asad yare says:

    War faroole hadal fiican buu ku hadlay balse waa hadal fiican oo xumaan looga jeedo
    muxuu ku dadaalay in uu odayaasha iyo waxgaradka harti dibendaabyeeyo balse marku fashilmay baa saa leeyahay miyaaa???

  12. duur gale says:

    faroole,waxuu tayo uyaqaan,dadka waalida dhaqanta ah sidiisookale.waxaan ku dhihilahaa bal dadka waydii siday kuu arkaan waali iyo fyoobi kowda hore.iska hadal iyo dam dam qabali ah waalaga soo tagaye .quraan in lagugu aqriyo ayaad ubaahan tahay kaliya ..maamul iyo wax sheeg .cidnaa kaama ma rabtee adaaba wax in laguu sheego ubaahan.

  13. ordaye says:

    war haduu taya iyo tala haya Lascano hasocesho Hadiikale yuuhadalin ha iska amuso

  14. walee waa cajiib maxa keenay aflagadada madaxda sare faroole dantiisu wuu yaqana ee danahiina raxda dad yahow walee yaaaaaaaaaaaaab puntlad way kacday wayna dhaqaqaaqday mashalah ilahayow adiga mahad iska leh viva puntland

  15. jama says:

    ASC, kkkk saaxiibkay faroole waa iga qosliyay, Saaxiib bal fiiri baarlamaka aad hoos ku haysato in taad fiirinaysid kuwe kale, ma doodo, wax kuma waydiiyo, waa shimbiro yahow heesa marka fadlan isfiiri intaadan dadka kale fiirin saaxiib faroole, isuma jeedid kuwii wax kuusheegi lahaana waxa kaliya oo ay kuusheegaan waa cid kaa fiican puntland ma soo marin taasna waa been.

  16. [...] Riix halkan si aad u akhrisato qoraalka cinwaankiisu kor ku qoran yahay [...]

  17. Khaatumaawi says:

    @ali afqadhmuunku waa maxay dee ma afkaad ku ciil bixi pl wax la dhaho maanta majirto ee Pintiland ayaa jirta taasna Khaatumo State ayaan ka sameystay oo nacay uuuuuuuuuffffff Futoole meel ha idin geeyo hartinimadii iyo khuraafaadkii aad ku dhuuman jirteen wuu dhamaaday ee iimaansada garoowe iyo waqooyiga galkacyo kkkkkkkkkkkkkkkk viva Khaatumo

  18. sulux says:

    ‘@khaatumaawi isku xishooda dadkiinaan magacaadsidato sitaa heedhe waalaga fiicanyahay cayda ee caqli kuhadal cay maahane waxtar kalemiyaa weydey orod p/land hadaad nacdey qanacso deegaamadiina hacaytamina oo dadka hacayrsanina sidii deero caws aragtaye waa laydin ka xishoonayaaye cayda dhaafa .cayda reerkii idinla dhigdhigi jirey waad kala soo baqaysaan oo idin gumeeysana miyaa waxaan maqli jirey aabow kan yar iga celi aan kan weyn iska celiyee.waxaan uga jeedaa p/land oon waxba idiin dhimin oo idinku dhulkiinii iibsateen baad eed liyo cay ladaba taagantihiin dadkii dhulkiinii dhacay ama shacabkiinii haysta baad hal erey ama inaad iska celiso kula dhici la,dahay oo markaad maqasho halkaaney soo galeen s/land kabahaad kacarareysaan war orda afka qurmuun nala dhaafa baqtiyahaw dadnimada kawada dhacay oon nafta lahayn huuraad tihiin iyo qashin meel lagu ururiyeey nadhaafa alaa nakiin dhaafiyey dhibkiinee baxa

Leave a Reply