Gaarigaan Mudo Intee La’eg Ayaa Sidaan Loo Sii Ilaalin Doonaa?


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Gaarigaan waa midka ugu qaalisan Soomaaliya marka la eego qaabka loo ilaaliyo iyo tirada badan ee marwaliba ku howlan sugida amaankiisa, iyo sida looga hortagayo in ay u soo dhowaadaan dadka caadiga ah.

Gaarigaan xiligaan wuxuu yaalaa barxada garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, ilaalintiisa waxaa ku howlan in kudhow 20,ruux kuwaasi oo ka ilaalinaya dadweynaha in ay u tagaan gaariraan.

Waxaa macquul ah in dad badan oo ka mid ah akhristayaasheena ay isweydiinayaan gaarigaan muxuuyahay, yaana iska leh, maaxana loo ilaalinayaa oo ay tiro intaasi la’eg ay amaankiisa ugu howlanyihiin.

Ma ahan mid kale gaarigaan laakiin waa gaariga qaaska ah ee uu raaco Madaxweynaha dowlada Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo haatan mudo yar ay u harsantahay.

Sidoo kale waxaa jira ciidamo si gaar ah u taba baran oo ka tirsan ciidanka AMISOM, kuwaasi oo xiligaan kuhowlan sugida amaanka gaariga madaxweynaha, halka sidaasi si kasii weyna loo adkaynayoa amaanka madaxweynaha.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed haatan waxaa u hartay mudo aad u yar inta uu xafiiskiisa siijoogayo, waxaana dowlada uu hogaamiyo ay ugu ekeed 20-bishaan agoosto.

Inkastoo Sheekh Shariif uu yahay musharax madaxweyne ayaa hadana rajadiisa maalmihii ugu danbeeyay waxay noqotay mid siixumaatay, wuxuuna haatan uu aad kaga xunyahay qaabka loosoo xulay baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.

Madaxweyne Shariif Maalmihii ugu danbeeyay wuxuu liiska xildhibaanada kawaayay qaar badan oo ka mid ahaa xulufadiisa, kuwaasi oo intooda badan ay soo diideen gudiga farsamada baarlamaanka Soomaaliya, waxayna taasi ay keentay in rajadii madaxweynaha oo ahayd in uu markale soo laabto in ay shaki galiso.

Haatan wuxuu dadaal badan ugu jiraa in uu sameeyo xiriir cusub oo uu la samaynayo baarlamaanka cusub ee la soo gudbiyay si uu u helo cod, markalana uu ku soo laabto xafiiska madaxweynenimo ee Soomaaliya.

Shariif Sheekh Axmed haatan kama mid maaha baarlamaanka cusub, waxaana la sheegayaa hadii uu ku guuleesan waayay xilka madaxweynaha cusub in uu isaga guuro wadamada uu xiriirka la leeyahyay sida Sacuudiga iyo Turkiga.

Share

7 Responses for “Gaarigaan Mudo Intee La’eg Ayaa Sidaan Loo Sii Ilaalin Doonaa?”

  1. [...] More: Gaarigaan Mudo Intee La’eg Ayaa Sidaan Loo Sii Ilaalin Doonaa? [...]

  2. Puntland boy says:

    Parliament cusub waxaad fiirisaan Qof wadanka badbaadiya Dhaqaale Xaaraan idiku
    Soo gala waxaad kafaa iideysaan majirto , Waxaa Soomaali udoorataan Qof aan shilin heysan aadse u aragtaan Soomaali xalaala Dadkiisa & dalkiisa cadaa lad ku maamula Dadkiisana aanan laga waardiyeen oo meeshuu Maraba 30 gaari daba yaaceyn Dadku waa ineey dareemaan in Dowladaan iyaga lee yihiin oo uu san qofna kaxigin , Hadaad aragtaan Qof isataf kiisu yahah reerkiisa kacarara umadana ha u dooranina, Wadanka badbaadiya alaha nabad baadiyee Ilaahoow nabad & Walaal nimo Aamiin, Viva Puntland & Soomaalia

  3. jilbis says:

    Meles zanawi oo baqtiyey isagoo 57 jira,

  4. abdiqani says:

    asc anigu waxaan oran lahaa war ninka ugu lacagta badan ee qabyaalada badan doorta oo dan soomaali ha fiirininaa waayo caruurtiinii baa baahan oo soomaaliya cid u daneynaysa ma jirto wax idinka galay ma jiro waayo haddii aan idin idhaaho daacad noqda ma yeelesaan tii aad jecelshihiin yeela dad yahow xamar joogaa

  5. Ali says:

    ASC, lol, walaal, Puntland boy, ma waxaad leedahay maantay 8/21/2012 iyo inta dowlad kumeelgaar ah ee dalkeena masiibada ku dhacday soo martay ilaa iyo 1991 ilaa hada, madaxdii soo martay oo dhan, kii ugu horeeyay iyo kan hada ugu dambeeyo waxeey aheeyd in dad aan reerahooda aheeyn in eey ilaaliyaan? Come on, brother, dadka fikirkaaga aqrinaayo walaal ixtiraam oo wax aan macquul aheeyn ha ku hadlin. Sababtoo ah, waan ognahay in dadkeena Somaliyeed fitno la dhex dhigay, taasoo keentay in la’is aamini waaye, marka waqtigeeda lama joogo in mas’uuliyiintii dalka Somaliyeed soo martay dhawaanahan eey dad reerkooda aan aheeyn in eey ilaaliyaan. Waqtigeeda lama joogo hada, laakiin waa wax in aan ku dadaalno oo aan gaarno loo baahan yahay in aan xaqiijino maalin aan mas’uulka Somaliyeed laga ilaalineeyn shacabkiisa meel kasta oo Somaliya ka mid ah, una baahneeyn ciidan iyo waardiyayaal iyo xogheeyn ku qabiil ah. Ilaah hanagaarsiiyo taas, laakiin maantay ma ahan. Be logic.

  6. B Jameeco says:

    asagaa soo noqonndoona ee ha lla isk ilaliyo

  7. Abdiqafar says:

    Waan ka xumahay RAXANREEB, tani faallo ma ahan, waad ku khaldanteen, gaariga lama ilaalinayo, Shiikh Shariif-na shaqsiyan looma ilaalinayo, ee waxaa la ilaalinayaa Mansabka Madaxtinimada Soomaaliya oo karaamo iyo ilaalin mudan. marka, khalad ha fahminina, cid kasta oo xilka Madaxweynaha qabata iyo gawaarideedana sidaas ayaa loo ilaalinayaa.marka, faalladaan waad ku khaldanteen, waxaa muuqata laftigiinu in aydan koranayn. Mahadsanidin

Leave a Reply