Ganacsato Soomaali ah oo lagu dilay Koonfur Afrika (Dhageyso)
Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!
Cape Town (RBC Radio) Laba ganacsato Soomaali ah oo lagu kala magacaabi jiray Bashiir Sheekh Suufi iyo Cabdi Tifow ayaa lagu dilay tuulada Valhalaburg ee duleedka magaalada Capetown ee wadanka Koonfur Afrika.
Dilka labadan ganacsatada Soomaalida ah ayaa la sheegay inay geysteen laba burcad Koonfur Afrikaan oo la sheegay inay toogteen xilli ganacsatada ay alaab u dejinayeen dukaan ay ku lahaayeen tuuladaasi Valhalaburg.
Booliska magaalada Capetown oo gaaray goobta lagu dilay ganacsatada ayaa baaritaano ka sameeyey xafadaha isku raranka ee tuulada Valhalaburg.
Siciid Cali Madow oo ka shaqeynayey dukaanka lagu dilay ganacsatada ayaa RBC u sheegay in burcadda dishay ganacsatada aysan dhac ka geysan dukaanka, isagoo tilmaamay in ujeedada burcaddu uu ahaa inay dil geysteen oo keliya.
Sidoo kale gudoomiyaha jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Western Cape ee dalka Koonfur Afrika Cabdi Jidow ayaa sheegay inuu booliska tuulada Valhalaburg kala hadlay dilka loo geystan labadan ganacsatada Soomaalida ahi, waxaana uu sheegay inay ka jaaliyad ahaan ay arintan xooga ku saari doonaan dowladda K/Afrika sidi ay wax uga qaban lahaayeen.
Sikastaba dilka ganacsatadan Soomaalida ah ayaa kusoo beegmaya xilli ganacsatadi Soomaalida ahayd ee ku ganacsan jirtay tuuladaasi Valhalaburg ay doonayeen inay dib ugu laabtaan, kadib marki dhawaan lagu boobay dukaamadooda.











[...] Originally posted here: Ganacsato Soomaali ah oo lagu dilay Koonfur Afrika (Dhageyso) [...]
Ilaahoow u naxariiso walaalahaas Cawaanku laayay!
Ilaahow waad u jeedaa sidaan u dhibannahay, Adiga unbaana naxariista haya!