Geeddiga waa ha socdo ilaa rugtii qaranimmada la gaaro! W/Q Axmed-yaasiin Max’ed Sooyaan
Geeddiga waa ha socdo ilaa rugtii qaranimmada la gaaro!
Axmed-yaasiin Max’ed Sooyaan
alle_yaqaan99@yahoo.co.uk
Agoosto 21 2012
Waxaa muuqata rajo fiican, rajo aan is leeyahay wax baa is bedelaya haddi ay sidan ku sii socoto, waxaan filayaa in laga weynaaday labaatameeyada sano wixii aan ku soo jirnay ee dunida innaga reebay, waxaan qabaa in mas’uuliyadda iyo xilka loo soo doortay ay fahamsanyihiin xil-dhibaanadeenna cusub.
Waxaan ognahay in dad badan ay khalad ka aaminsanyihiin xil-dhibaannada maanta soo galay golaha shacabka, hasa ahaatee waxaan shaki ku jirin inay yihiin dad xog ogaal ah, indhahana ku haya arrimaha sida ay yihiin iyo khatarta uu dalka ku suganyahay, waxaa sidaasoo kale hubaal ah inaysan dayacayn fursad kasta oo ay maanta ku samata bixin karaan ummadda maganta u ah dimaddooda waliba iyagoo aan soo dooran taasoo uu macnaheedu yahay in qofka xil-dhibaanka uu garan karo shacabka uu leeyahay anigaa ka wakiil ah inuusan rabitaankooda iyo codkooda uusan meesha ku immaan sidaa aawgeedna ay tahay inuu ku xaq dhowro qaabka uu ku yimid, intaasna uu abaal uga dhigo shacabkaan xataa Augustine Mahiga u taliyay (macnaha cid kasta u talisay).
Barlamankii u horeeyay ee dowladdan federal-ka ah waxaa la soo dhisay August22,2004, runtii raggii barlamankaas soo galay waxay ahaayeen niman aad u tayo sareeyay marka la fiiriyo xaaladaha ay ku jireen, waxay joogeen dal shisheeye(Kenya), in ka badan 80% oo iyaga ka mid ah ma haysan waxay ku noolaadan iyo meel ay seexdaan marka laga reebo intii Dagaal Oogayaasha ahayd, wax walbana waxaa looga soo baryay dowlado shisheeye, waxaan garanayaa oo mararka qaarkood dhici jirtay inay ku soo yaacaan xaafadaha ay Soomaalidu ka deggentahay magaalada Nairobi, iyagoo qaarkood ay maalin ama laba qad ay yihiin.
Waxaan ammaan gaar ah u jeedinayaa oo runtii iga mudan inaan xuso Xasan Max’ed Nuur (SHaati-gaduud) oo jiko ay ka af-furaan uga dhex furay xeradii Mbagathi ergedii Bay iyo Bakool markii ay go’day masaariiftii la siinayay ergedii shirka fadhisay Ramadaankii 2003dii, waxaana qiyaasayaa haddii uu awoodi lahaa ka badanna inuu af-furin lahaa.
Xil-dhibaanadaas waxay goob joog u ahaayeen cabsi iyo cadaadis uga imanayay dowladaha deriska oo ay Itoobiya iyo Djibouti u horeyaan, waxaa iyadana si cad oo indhuhu qabanayaan xil-dhuibaanadaas la soo gudboonaaday, caga-juglayn tii u sareeysay iyo laaluusha ay la wareegyeen xubno ka mid ah ergooyinka shisheeyahay ah, xataa waxaa marar badan soo baxayay in dalalka reer galbeedka ay ergooyinka ku laaluushayeen visa-ha dalalkooda iyagoo leh qoysaskiinaan idin qaadaynaa, deggenaansho ayaan idin siinaynaa, ama inta Visa siiyaan yiraahdaan qaxootiyada ka iibiya oo sidaas lacag uga dhigaan.
Heerka uu gaarsiisanaa musuqmaasuqa dowladihii ergooyinkoodu ka qayb qaadanayeen shirkii Mbagathi waxaa laga garan karayay siyaabaha wax loo saadaalinayay, “Hebel Maraykankaa wata!..Hebel Itoobiyaankaa wata, Hebel Talyaaniga wata….Carabahaa wata…, lacag baa hebel la siiyay!” waxyaabahas la sheegayo inay jireenna waxaa cadayn fiican u ahaa in dowladda Djibouti ay shirka ka baxday Okoobar 2003dii, ka dib markii uu Cabdi-qaasim Salaad Xasan oo lagu xamanayay inay iyada iyo carabaha wataan uu shirka ka carooday, isla mar ahaantaasna hoggaamiyeyaal siyaasadeed loo aqoonsan waayay xubno ay iydu danaynaysay inay awoodda dalka Soomaaliya ka dhex muuqdaan, taasoo markii dambana cadaadiskeeda darted xubnahaas loo aqoonsaday inay yihiin hoggmiyeyaal siyaasadeed.
Waxaas oo dhan iyadoo lagula kacayo xil-dhibaannadaas ayeey hadana muujiyeen adkaysi iyo dul-qaad faro badan, waxyaabo badan oo shirkii Soomaalida ee Mbagathi la soo gudboonaaday sida in cuntada ay ergada ka go’do ayaa waxay ahayd arrin si ku talo gal ah loo sameeyo oo fikrad ka dambayso ay ahayd in lla gaajaysiiyo si loo duleeyo oo loo tuso in la masruufayo ayna yihiin dad gacan dadow ku hoos nool isla markaasna aan ahayn marti sharaf mudan,sidaas si la mid ah mararka qaarkood waxaa laga saari jiray hotel-ada la dejiyay marka dowladaha sheegaya inay shirka marti gelinayaan diidaan inay bixiyaan lacagta, waana waxyaabaha keenay inuu shirku daba dheeraaday kharashkana uu kordho, ma inkirayno in khilaaf adag oo Soomaalida u dhexeyay uu shirka la cago jiidayay laakiin isla dowladahaas laftooda baa sababaha shirka waqtigiisa dheereeyay qayb muhiim ah ka ahaa.
Asal ahaan marka aad fiiriso dabeecadda ay ka sinnaayeen ergada shirka marka laga reebo Qabqablayaashii siyaasadda waxay ahaayeen dad ay keeneen qabqablayaasha si ay u muujiyaan taageerada ay ka haystaan dadkooda, isla mar ahaantaasna ay awood wax ku ool ah ugu yeeshaan go’aaminta natiijada shirka ka soo baxaysa, waxay ahaayeen dad uu qabqabluhu u kensaday inuu ka helo miizaan xagga codka ah, laakiin dadka sidaas ah ee ergo ahaanta loo keenay ma ahayn dad wax haysta oo badankood xataa maalin keliya isma deberi karin, waxayna xoogooda shirka ku yimaadaan cabsi ay ka qabeen qabqablayaasha haba ku jiraan qaar xil iyo jago raadis ahaayee, xubnaha ergada ah ee dibadaha shishe ka yimid, sida; Yurub, Carabaha, Ameerika ama dalka Kenya laftiisa oo iyagu ahaa tiro aad u yar marka la fiiriyo baaxadda ergeda ay qabqablayaasha ku keeneen yaan lagaa xubno badsan ayaa noloshooda yaraha maarayn kariyay.
DHammaan marka aad fiiriso dabeecadaha fara marnaanta Ergadii shirka Mbagathi la soo gudboonaatay, dalka la joogay, mas’uuliyadda ka saarnayd qoysaskoodii ay dalk uga soo tageen oo iyagu laftooda mararka qaarkood ammaankoodu ku xirnaa dareenka xiriika qabqablaha uu la leeyahay qofka ergo ahaanta shirka u fadhiya,…Alle ha u naxariistee Max’ed Cusmaan Maye wiil uu dhalay ayaa Muqdisho lagu af-duubay hadana si geesinimo ku jirto fikradiisii ma bedelin ilaa ugu dambayntiina ay noloshiisii ku kacday oo la dilay, Max’ed Cumar Dhalxa, maadaama uu ahaa guddoomiye ku xigeenka 1aad ee barlamanka waxaa lagu kari waayay inuu gudoomiyo shirar uu barlamanka isugu yimid oo ay fadhiyaan kooramkii (Quorum) tiro ahaan laga rabay markii uu SHariif Xasan diiday inuu guddoomiyo isagoo u cabsanaya reerkiisii iyo caruurtiisii uu dalka uga soo tagay….
Ma lihin khaladaad ma jirin, ma lihin xummaan ma jirin, ma lihin xubno naf-jeclaysi badan oo gar iyo gar-daraba tooda inay noqoto rabay ma jirin, ma lihin daba-dhilif inuu raali gelinta shisheeyaha wax ku noqda raba ma jirin, laakiin intaasoo dhan waxaa ka weynaa in ergedi shirka lagu bilaabay iyo xubnihii barlamanka soo galay ay in ka badan 80% ay runtii dareemayeen in hawlo adag ay hor yaalaan, iskuna dayeen intii uu karaankoodu gaarsiisanaa, iyagoo ku dhex jiray xaalado badan oo nafahooda cabsi gelin ku hayay.
Geesiyaal!… waxay ku dadaaleen inaysan yeelin wax ayan iyagu ku qancin, waxay u dul qaateen maamuus xumo badan oo kaga imaanaysay ergooyinkii shisheeyaha ahaaa ee masaariifta shirka gacanta ku hayay, waxay u dhexeeyeen cadaadisyo faro badan oo uga imaanayay qaybaha kala duwan ee danaha ka leh Soomaaliya, sida waddamada reer galbeedka, dalalka deriska ah, iyo Carabaha, kuwaasoo danahoodu mar kasta wax-yeelo ku ahaa kan qaranimmada Soomaaliya isla markaasna iyaga ahaan danahooda siyaasadeed is diidanaayeen, hasa yeeshee ugu dambayntii shirkii wuxuu ku dhammaaday natiijo run ahaantii ay go’aankeeda lahaayeen barlamankii Soomaaliyeed ee Mbagathi lagu soo dhisay.
Waxaa barlamankii hore ee Mbagathi dhaqamadiisii laga xoroobay ka mid ahaa qab-qablayaashii hubaysnaa oo xubnaha barlamankaas waxay runtii Ammaan gaar ku mudanayaan in iyagoo bahalo meel kula xaraysan (Niman qoryo wata oo intaas handadayay) ay hadana mar kasta ku dadaalayeen inay meel mariyaan wixii iyaga la qumanaa oo ay u arkaan inay danta dalka ku jirto,..
Geesiyaal waxay ahaayeen runtii halgan adag oo miro dhalay soo galay in kastoo quwado shisheeye iyo qab-qablayaal ay u dhexeeyeen hadana ciddii ay rabeen bay doorteen haday tahay madax-weyne iyo haddii ay tahay af-hayeenkii barlamanka, waxaa sheeko iska baxday ah in barlamanku dad jaahiliin ah ay buux dhaafsheen, in Itoobiya madax-weynaha keentay (Cabdullaahi Yuusuf), in Itoobiya keentay Ra’isal wazaaraha (Cali M. Geeddi), laaluush wax lagu doortay, waxaas oo dhan run ahaan sida loo yiri ma ahayn, mana la yaabayo in wararkaas aad loo rumaysto waayo waxaan arkay murashaxiinta laga adkaaday, ee goobta joogay, oo arrinta ku dhex jiray qaarkood oo sidaas ku sheekayniya, haddiise ay sida ay sheegiyaan arrimuhu u dhaceen maxay natiijada u diidi waayeen?!…Mise way cabsadeen?!…
Barlamankii meesha lagu dhisay iyo guud ahaan ergedii timidba runtii aad bay ugu dhibaatoodeen intii ay joogeen Kenya, waxyna u badnaayeen dad aan wax haysan dibaddana aan waxba looga soo dirayn, qoysasna ay ku xiriiraan, markaas waxaad garan karaysaa sida noloshu ugu adkayd, wuxuu Alle ku caymiyay dhaqanka wanaagsan ee Soomaaliyeed, isa sooridda, wax wadaagga, iyo waliba deeqsinmada.
=============================================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM











[...] See the article here: Geeddiga waa ha socdo ilaa rugtii qaranimmada la gaaro! W/Q Axmed-yaasiin Max’ed Sooyaan [...]
[...] Geeddiga waa ha socdo ilaa rugtii qaranimmada la gaaro! W/Q Axmed-yaasiin Max’ed Sooyaan Friday, August 31st, 2012 at 02:54 am / 1 Comment [...]