Geerida Meles: Shido Alle na Dhaafiyey Dheh. W/Q Abdirahman Salad
Geerida Meles: shido Alle na dhaafiyey dheh
Abdirahman Salad
Dhaguuf@hotmail.com
Agoosto 23 2012
Geeridu xaq weeye, nafkastaana waxaa lagama maarmaan ah inay geeri dhadhamiso, ha yeeshee qofkuu markuu dhinto laba buu mid noqonayaa, ruux dhibkiisii iyo shidadiisa makhluuqaadku ka nasto iyo ruux asagu aduunyada iyo shidadeeda ka nasta. Geerida Meles waxay noqonaysaa falaar ka go’day dad badan oo Geeska Afrika ku noolaa, khaasatan kuwooda dhibka u nugul ee masaakiinta ah, waxayna noqonaysaa dhib iyo shido naga hartey. Abwaanki weynaa ee Samatar Baxnaan oo loo soo sheegay war uu ku farxay ayaa waxaa laga hayaa.
Anna waxaan la xoodnaa shalay iga xayuubsheene Hadba waxaan la xarakaadayaa waa xogtaan helaye Waa kaa jirkaygii xidhnaa soo xankaakubaye…. Xawliga durduradaan ka biqi xeeb inaan tago e
Hada waxaan filayaa in ummada Soomaaliyeed iyo dadka kale ee samaha jecelba inay leeyihiin xawliga durduradaan ka biqi………… marka ay maqlaan geerida Meles.
Geerida Meles Senawi waxay muujisay farqiga u dhaxeeye shacabka Soomaaliyeed iyo madaxdooda. Marka laga soo tago loolanka iyo hardanka soo jireenka ah ee ku dhisan xadaaradaha kala duwan ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya. Marka laga soo tago siyaasadii Meles ee ku dhisnayd inaan Soomaaliya mar danbe cagaheeda iska taagin, soo looma baahna in la tixgaliyo shucuurta iyo dareenka boqolaalka kun ee Soomaaliya ee la ildaran tacadiyadii uu Meles Senawi u geystay ha ahaadeen kuwa Soomaaliya ku nool ama kuwa Itoobiya ku nool. Mas’uuliyada iyo dawladnimadu soow maaha in la ilaaliya shacuurta bulshada markaas mas’uuliyadeeda la sheeganayo, mise Soomaaliya xeerarkaasu kama shaqeeyeen. Dib waxay ka noqotaba hadaladii Faarax Macallin waa lagu diirsadey, waxayna ahaayeen xaqiiqda dhabta ah ee ay doonayeen mujtamaca Soomaaliyeed inay maqlaan. Dib waxay ka noqotaba waxaan u leeyahay waa garba beeley sidii naloo raranayey, oo ninkii Soomaali ah oo aan ayaamo amaanaaba marka danbuu haadaan nagala dhacaa, marka waa taxadareynaa.
Waqtigii dawladi kacaanku dadka shuuciyada baraysay ayaa waxaa la sheegaa in habeen habeenada ka mid ah, la isugu yimid mid ka mid ah xarumihi lagu magaaci jirey goloyaasha hanuuninta dadweynaha.
Habeenkii oo dhan baa waxaa la wadey cayaaro iyo qodbooyinka dhaadheer oo lagu amaanayey Marx, Lenin iyo hogaamiyeyaashii kale ee shuuciyada, mudo hadii arrinkii la wadey uuna soo dhawaadey waqtigii xiritaanka kulanku ayaa nin masuuliyiinti ka mid ah intuu istaagay waxa uu ku yiri oday miskiin ah oo meesha joogay adeer noo ducee waa gabagabadiiye. Odaygii si fudud buu wuxuu ku yiri EEBAHAY nimankaad caawoo dhan amaaneyseen meeshay aakhiro ka soo baxaan ha idinka soo saaro, odagii inta lagu xanaaqay oo guulwadeyaal lagu dalbadey baa waxaa la yiri hala xiro, waa kacaandiid dib u socad ahe. Odagii oo yaaban baa waxuu yiri ar xay tahay nimanku niman fiican ma ahayn miyaa xaad ku diideysaan inaad aakhiro isku meel ka soo baxdaan.
Hada waxaan leenahay nin kasta oo geeridii Meles si kal iyo laab ah uga tacsiyeeyey, ama yiri wuxuu ahaa halyey ama yiri anaguu naga dhintay Ilaahay aakhiro meeshuu ka soo baxo ha idinka soo wada saaro.
Abdirahman Salad
Email: dhaguuf@hotmail.com
=============================================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM











marka hore asc marka xiga ninka war bixinta qoray aad iyo aad ayuu u mahad san yahay waxaan oran karaa waa nin wax fahmaaya marka sxb waxaan ku lee yahay nooloow
[...] Read the original post: Geerida Meles: Shido Alle na Dhaafiyey Dheh. W/Q Abdirahman Salad [...]
Kaa Allah waa nooga raaxeyey Somali Dhib badan buu ku hayey kuwa muslimka ee u tacsiyenaya ee wanaga ku sheegey Allah ha soo hadeeyo. Geeridiisa waa inoo guul Somali Allah ha nooleeyo.
ACWRWB,
Waxaad ogaataan haddii madaxda sharka badan oo ajnamiga ahi dhammaadaan oo aydaan idinku joojin sharka dhexdiinna ah dhibka idin haysta waxba iska badalimayaan, sababtoo ah Soomaaliya Soomaali baa baabi’say! iIlaa shacabku iska qabtaan kuwa ku danaysta dhiiga dadka Soomaaliyeed ha u ogaadeen shacabku cilmal yaqiin inaan waxba iska badalayn xaalka Soomaaliya ku sugantahay.
Xaqqa Allaha na waafajiyo,
Meles wuxu ahaa dambiile dagaal, oo labo dal oo deris la ah dagaal ku qaaday,oo diiday in ay Somalia dagto isaga oo isticmaalaya dagaal ogeyashii xamar joogay,wuxuu ahaa bahal naxariis daran oo somalida bariga ethiopia dagan ceelasha biyaha ka sumeeyay,xoolohooda dilay,dhaliyarada dagaal galka ah dagaalka u lagaly eritrea u diray oo tubanaan kun ah ku dhinteen.Meles wuxu aha ninikiMeles wuxuu aha ninka saxaafadda u diiday inay fiiriyaan oo wax ka qoraan dambiyada u somalida Meles waa dambiile dagaal oo loo bahanyah in post-mortem maxkamad la joojiyo,atobiana reparation of war looga raadsado maxkamada caalamiga ah.
Meles Zenawi wuxuu ahaa nin dantiisa gartay. Waa qalad in lagula diriro in uu gartay dantiisa! Dadka afsoomaaliga ku hadlo ma ahan dad rabo in uu heshiiyo, ma ahan dad rabo in uu qaran noqdo, ma ahan, ma ahan, ma ahan…sidaas darteed waa qalad lagu daray qalad in madaxda dalka ethiopia iyo kuwa adduunka intiisa kalaba lagula diriro…’MAXAAD FARAGALIN INOOGU SAMEYSEEN’? iyo ‘MAXAAD WAX INOOGU QABAN WEYSEEN’? waa laguugu sameynayaa faragalin adduunka, sababta oo ah qofkasto wuxuu rabaa in uu kaa faaiideysto, cid wax kuu qabaneysana majireyso haddii aad wax qabsan weysid.
Geesi ayaa naga dhintay libaax libaax dhalay Wuxuuna ahaa madaxweynaheenii afrika we miss you mr malez god bless Africa kkkkkkk
kan qoray maalaayacniga abdirahman salad, horaa Aadan Carab u yiri “ha igu karaama seegina , habaar horaa la iigu kari waayay”. ma afkaaga huuradalaad habaar nagu la gaadhi kartaa. Meles Zenawi wuxuu ahaa nin geesi ah, oo wadankiisa wax uqabtay-sustained 10% growth, brought Foriegn direct Investment, and built our Somali region better than any other Ethiopian govt EVER. SO waanu taageersanahay, waanan ka naxnay dhimashadiisa, anagoo ka cabsi qabna inuu amhaar sida mingustu soo laabto , marka afkaaga huurada leh meesha ka cesho
ma markuu dhintaa la maagay?ALAA KARIIM zenawi soomaali waa duleeyey saa wuxuu ku khasbay iyagoo xor ahaan jiray inuu gumaysi ku celiyo oo ay hoos tagaan kililka shanaad aleylehe kaasa idinka adkaaday reer ba’aw yaa ku leh
Aamin aamin.WALLAHI markaan aqriyay waan jareeyay waxaan layaabay maalmahan dadka la sheegay in ey saxiixayeen buugaag loogu tacsiyeynayo cadowga 1 aad ee shucuubta bariga afrika.marka waanba ka quusta kuwaas isku murjinaya dhimashada zanaawi. Waxaa ugu da’weynaa cabdi waraabe oday lagu sheegay oo hargeysa joogay.
ilaa jahannama wa bisal masiir
asc dhamaan walaalaha muslimiinta soomaaliyeed, waaku saxantihiin figradihiin waxaana nileeyahay allaha nigu garabgalo waa mahadsantihiin idilkiin
asw
Marka hore ninka maqaalka soo qoray wuu iska hadlay mana la fahmi karo micnaha dhabta ah uu ka hadlayo ,ninka uu tusaalaha u soo qaatay in hadalkiisa lagu diirsadayna waa nin aan cidina u tirsaneyn (Faarax Macalin).
Farax Macalin wuxuu ka soo jeedaa NFD ay Kenya gumeysato iyadaana looga baahan yahay inuu ka saaro gumeysiga ay ku jirto ,madaxda Somaalida galbeed uu afladeynayo ku helimayo amaan waayo DDS waala dareemi karaa horumarka ay gaartay ,dhanka waxbarashada ,horumarinta beeraha, wadooyinka ,ceelasha ,biyo xireenada oo uu hormuudka u yahay mudane Cabdi maxamed (xafidahullaah).Ma aragteen bilicda caasimada DDS ee Jigjigada cusub oo la tartameysa caasimadaha aduunka waloow la ogyahay nacabka umadda meesha dagta ay ka xun yihiin horumarkaas.
Geerida Meles lama oran karo waa shido alle nadhaafiyay ,anigu waxaan qabaa inuu ahaa halyey wadankiisa iyo umaddiisa horumar gaarsiiyay,lagana xasuusandoono mudo dheer Ethiopia iyo waliba dunida daafaheeda.
Somaali hadaan nahay waligeen calaacal iyo cabasho nagama dhamaato aa ka toosno hurdada cid ina baabi`in kartana majirto hadaynaan inagu is baa bi`in qaladaadka aan inagu galnayna yaan cid kale iyo Meles loo saarin.
(Innallaha laa yuhlikul quraa bidulmin wa ahluhaa gaafiluuna). Allaah caqli iyo basar buu ina siiyay waa inaan taa isticmaalnaa calaacal wax sooma celiyo.
Kaadir iyo Run Sheeg waa Xaar wayaane…….10 Kiilo Mitir oo wado ah ayuu ugu mahad celinayaa gaal xasuuqay Nus million dadkiisa oo eey gaaladii aduunka qirtay xasuuqaas
Kan Faroole la’baxayna la’yaabi mahayo wuxuu ka hadlayaa taariikhdiisa illaa talyaanigii eey dhabarka ku xambaari jireen awoow ka awoow